Saturday, November 16, 2013

Musharax Dr. Shire Xaaji Faarax oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya (SAWIRRO)





Musharax Shire Xaaji Faarax oo kamid ah musharrixiinta u tartamaysa xilka madaxtinimo ee dawlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Nairobi loogu sameeyay xaflad ballaaran oo ay kasoo qaybgaleen dhammaanba jaaliyada Soomaalida ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa hadal kasoo jeediyay C/llaahi Sheekh Cali (Prof. Qalloocow) oo sheegay inuu kamid ahaa dadkii Puntland wax ka dhisay islamarkaana loo baahanyahay in doorasho qurux badan ay dhacdo.

“Anugu Puntland kuma dhalan, laakiin waxaan ahaa dadkii la shaqaynayay hay’adaha caalamiga ah ee taageerada siiyay markii maamulka la dhisayay, maantana guul bay maraysaa” ayuu yiri Prof. Qalloocow.

Prof. Qalloocow ayaa ka codsaday xildhibaanada Puntland inay codkooda siiyaan Dr. Shire Xaaji Faarax oo uu ku sheegay inay muddo dheer is yaqaaneen uuna yahay nin dawlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland isu soo dhawayn kara.

Wasiirkii hore ee ganacsiga Soomaaliya C/rashiid Maxamed Cirro oo isna goobtaas hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Puntland ay u baahantahay hogaan adag oo horumar muuqda gaarsiin kara Puntland.

“Waxaynu ki jirnaa marxalad adag, waxaana naga gudbin kara Shire Xaaji Faarax” ayuu cirro.
General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo kamid saraakiishii dawladii hore ee Soomaaliya ayaa isna taageero u muujiyay musrraxan isagoo sheegay inuu yahay nin ku haboon wakhtiga dag ee la marayo.

Ugu dambayntiina Dr. Shire Xaaji Faarax oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tacsi u diray dadkii ku aafoobay musiibadii duufaantii ku dhufutay deegaanada bariga ee Puntland.

“Waxaan ugu deeqay $5000 oo lacag ah aniga iyo kooxdaydu, waa arrin u baahan in la iska kaashada loona duceeyo dadka dhibaataysan” ayuu yiri Dr. Shire.

Waxaa uu sheegay inuu xiriir wanaagsan oo ku dhisan is ixtiraam inuu la yeelan doono dawlada federaalka ah ee Soomaaliya hadii la doorto.

“Xaqa Puntland ay leedahay iyo kan lagu leeyahay labadaba waan adkaynaynaa, waxaan doonaynaa Soomaaliya oo midaysan oo ku wada nool nidaam federaali ah oo ku dhisan is ixtiraam iyo wada noolaansho dhab ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa uu sheegay inaysan maslaxadi ku jirin go’aankii xiriirka loogu jaray dawlada federaalka ah ee Soomaaliya balse loo baahanyahay in la is hor fariisto oo qolo waliba ay muujiso ixtiraam iyo Soomaalinimo

Wada hadal Dambe ma jiro _Madaxweynaha &Ra’iisul Wasaaraha

Waxaa Mudan Soomaaliyeey, in aad la socotaan Madaxdii aad doorateen, meeshii ay marsiiyeen Xilkii aad u Wakiilateen oo aad Rajeyneyseen in ay Khilaafka Soomaali ku dhex jira Xaliyaan, Soomaali mideyaan, la iskunah Tanasullo, Intaas ma ka Rajeyneyseen oo ma ugu Sacbo tumteen?
Hadaba Maanta Halkaan bay Soomaali marsiinayaan:
Madaxweynaha wuxuu yiri: Ra’iisul Wasaaruhu ha is casillo!
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu yiri: Ma lihid Awood aad igu Casishid!
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano farabadan iyo Waxgarad Labada Garab aad ugu dhow dhow ayaa waxey isku dayeen in ay Dhexdhaxaadiyaan oo Khilaafka Labadaan Aqiyaar dhexyaala dhameystiraan. Madaxweynaha ayaa loo tagay...



Madaxweynaha wuxuu yiri: Saacid wada shqeyn dambe iskuma kaaya harin.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa loo tagay...
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu yiri: Arintaan ha isku daalinina oo Harag-Haragtu yeysan idinka dhamaan. Labadayada mid baa maqan, asuguuna noqon doonaa. Waayo Koorumka Anigaa heysta.
Filimka haduu bilow yahay... Rajo Xumo, Hurin Collaad, Koox-Kooxheysi Qabiil oo hor leh, ma idinla tahay in ay Labadaan Aqiyaar Horseed u yihiin. Aqritayaasha Keydmedia Online,  Ma Xasuusataan Filimkaan oo kale in aad horey u Daawateen?

Friday, November 15, 2013

why is the President H.E. Hassan Sheikh Mohamud wants to fire his hand picked Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon

                                             
 
 
 
#‎Somalia‬: Mogadishu on Friday November 15, 2013 89.7% Somalis do not want the Prime Minister to resign so, is the President H.E. Hassan Sheikh ready to resign now?

If the President H.E. Hassan Sheikh Mohamed takes this political matter to the Somali Parliament then Somali Parliament may also force him to resign therefore; this is another disaster to the Somali people, country and world at large.

So, why is the President H.E. Hassan Sheikh Mohamud wants to fire his hand picked Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon was, is and will be unclear truly however; it has something to do with money and power struggle....

Surely, Somali Parliamentary Speaker H.E. Prof. Mohamed Sheikh Osman warned the Somali Parliamentarians to stop overstating this bad and discouraging news between two ex friends but now they are political enemies to derail peace in Somalia so, what are they expecting from the needy Somali people for peace?

Somalis fed up such political tactics, and you must reconcile together or the Somali Parliament will force you all to resign.

Well, the Somali Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon has right to choose his cabinet and remove those that he does not like so, you appointed him from many other contenders therefore; you must work with him or both resign now.

No other options if you take this political derailment matter to the Somali Parliament.

Best Wishes,

Office of the Parliamentary Media Affairs
 

JUMMA MUBAARAK ....

Asc ,Alhmdulilaah again it's blessed day of the week may Allah blessing be upon on you and your beloved one.

Thursday, November 14, 2013

Golihii Wasiirrada Xukuumaddii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan Xasaasi ah (SAWIRRO)_ Badbado







Bureau for Somalian People's Development (sweden)

Khamiis, November 14, 2013 (sweden) — Waxaa xalay kulan xasaasi ah isugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golihii wasiirrada xukuumaddii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Kulanka oo ka dhacay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha naadiga Badbaado, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn) oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo boostada waxaana kulanka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaaladda haatan uu dalku ku sugan yahay.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday sida uu yahay xaalka dalka, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo madaxda dalka ugu sarreya, gaar ahaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Madasha uu kulanku ka dhacay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay qaar ka mida xubnaha naadigan, kuwaasoo sheegay inay aad uga xun yihiin muranka siyaasadeed ee soo dhexgalay madaxda dalka.
 “Waxaan ka xunnahay khilaafka xilligan taagan iyadoo dowladdu jirtay hal sano oo keliya, khilaafkan oo sababi kara in dib loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii KMG ahaa. Annagoo ka sugaynay dowladda federaalka inay horay u sii waddo hannaanka dowladnimo,” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Jaahwayn oo shir-guddoon ahaa.
Kulanka ayaa waxaa si wayn loogu lafa-guray arrimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana ugu dambayn kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban saddex qodob kuwaasoo kala ah:
  1. Waxaan aad uga xunnahay khilaafaadka ka dhex-taagan madaxda ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
  2. In si deg-deg ah loo xalliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, lana ogaado in golayaasha dowladda ay iska kaashadaan xallinta khilaafka.
  3. In guddi toddoba qof ka kooban laga soo xulo xubnaha Badbaado kuwaasoo si deg-deg ah ula kulmi doona madaxwayanaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia.
 

Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran ee KMG ahayd taasoo uu horkacayay ra’iisul wasaare C/weli Gaas, waxayna ka kooban yihiin in ka badan 30-xubnood iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaanno, iyagoo kulammo ay kaga hadlayaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ku yeelan doona Muqdihso.
Xukuumaddii KMG ahayd ee badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii KMG ahayd ee muddada dheer uu ku soo jiray dalka

Wednesday, November 13, 2013

Who is Thus Duddy!! W/ Dowlaha Madaxtooyadda Somalia!

Who is Thus Duddy!! W/ Dowlaha Madaxtooyadda Somalia!

Bureau for Somalian People's Development (sweden)

Faarax Cabdulqaadir waa kuma? Faarax Topaz waa reer Aw Xasan ku dhashay Kilinka 5aad waa NGOle ka tirsan aas-aaseyaasha Ururka Islaax, wuxuu la shaqeeyaa Nabadsugidda waddamada: Mareykanka, Qatar, Itoobiya, Keenya iyo meelo kale, wuxuu haystaa dhowr Basaboor: Itoobiya, Keenya, Soomaaliya iyo degenaansho Qatar. Muddo dheer wuxuu ahaa xiddig firfircoon iyo JOKAR kala jaheeya hawlaha hay’adaha samafalka waddamada Muslimiinta ee Soomaaliya ka shaqeeya.
Markuu hanti badan helay wuxuu ku hammiyey inuu dalka madaxweyne ka noqdo, taasna waa ku guuleystay. Sidii Jamaal Cabdinasir isaga hormariyey Maxamed Maxjuub, muddo yar kadibna u qaarijiyey oo kale wuxuu iska soo hormariyey Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan saraakiisha hoose ee Ururka Islaax, maadama deegaanka Banaadir tolka Xasan u badan yihiin, Faaraxna ka dhashay beel yar oo deegaankeedu yahay Kilinka 5aad.
Faarax Topaz wuxuu beddelay laguna samiyey Shariif Sakiin oo ahaa(backseat driver-kii) maamulkii Shariif Sheekh Axmed. Topaz iyo Sakiin maxay ka mideysan yihiin? Labaduba waxay ka dhasheen beel yar (Aw Xasan iyo Asharaaf Sarmaan). Laangaabnimada darteed waxay ku tiirsan yihiin oo garab iyo gaashaan u ah Nabadsugidda Shisheeyaha. Labaduba waxay aaminsan yihiin curaafeysiga iyo cilmi felegga. Waa niman damac badan (ambitious) oo yoolkoodu yahay inay madax sare noqdaan, hanti xad-dhaaf ahna boobaan oo waxba ma hambeeyaan. Waa niman Dollarka caabuda oo helintaankiisa wax walba ka hormariya.
Dabciga iyo habdhaqanka Topaz iyo Sakiin farqi weyn baa u dhaxeeya. Shariif Sakiin waa bulshay dabci wanaagsan, dadkana kusoo dhoweeya weji furan iyo dhoolla caddeyn. Faarax Topaz waa nin dabci xun oo dadka ku qaabila weji xiran oo aan naxariis lahayn. Shariif Sakiin waa deeqsi muraadkiisa ku meelmariya manfac iyo musuq. Waa nin awood u leh inuu 30% ka bixiya hantida uu qaranka ka dhaco. Faarax Topaz waa muudal wuxuu heloba meel dhigta oo aan midigta taagin, xataa inuu $100 bixiyo suurtagal maaha. Bal iska daa inuu sadaqo bixiyee, lafahiisa dhar qurxoon uma lebbisto shirarkana wuxuu ka tagaa jaadkad Huudhay ah.
Shariif Sakiin wuxuu maskaxda ka haystay Shariif Sh. Axmed, wuxuuse jeclaa in maamulka Shariif hanaqaado oo dalka oo dhan ka hirgalo. Faarax Topaz isna wuxuu maskaxda ka haystaa Xasan Sheekh, wuxuuse si dadban ugu hawllan yahay inuu iska horkeeno dowladda iyo dadweynaha, tusaale Cumar Hadliye iyo Yusur Abraar, magacaabistooda waxaa ka dambeeyey Faarax Topaz. Labadaas shaqsi waxay leeyihiin taariikh madow oo ku biyoshabata musuq iyo wax-is-dabamarin, waxayna dharbaaxyo xun oo weji gabax ku ah dowladda ku dhufteen maamulka Xasan Sh. Maxamuud.
Shaxdaas waxaa dhigay oo shirqoolka dejiyey Topaz, lamase yaqaan goorta Xasan Sheekh fahmi doono luggooyada Faarax Topaz. Hadafka iyo himilada Faarax Topaz waa inuu meel bannaan iyo daleel si fudud uga helo jagada madaxweynaha.
Intii aan loo magacaabin wasiiru dawlaha Madaxtooyada wuxuu Madaxweynaha uu raacay dhowr shir oo ka kala dhacay: Kampala, Dooxa, Nairobi, Adis Ababa, Stanbul, Washington, London, Brussels iyo meelo kale. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud reer abtigi oo ku xeeldheer (Computer-ka.. faalka & felegga)ayaa malaha ka dhaadhiciyey in burjiga Topaz u wanaagsan yahay maamulkiisa, waajibna ay tahay inuu shir walba tago, waxaase la fahmi-waayey farsamadii Faarax Topaz u isticmaalay laba shir: Heshiiskii Adis Ababa ka dhacay ee Axmed Madoobe loogu ansaxiyey maamulka Jubbooyinka waxaa kala saxiixday Faarax Topaz iyo Axmed Madoobe.
Su’aasha taagan waxay tahay, wasiirrada kale ma hawlgab baa mise heshiiska qeyb kuma leh? Shirkii ugu dambeeyey ee Madaxweynuhu ku tagay USA, maalin laga hadlayey dhaqaalaha lagu taageeri karo Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud madashii shirka waxaa raacay Faarax Topaz iyo Fowsiya Lamood, ayaandarro waxaa Hotelka looga tegay Wasiirka Maaliyadda oo hawlgab laga dhigay, waxaase is weydiin leh jaamacadee Faarax iyo Fowsiya kusoo barteen Cilmiga dhaqaalaha?
Bureau for Somalian People's Development (sweden)

 /Topaz & Godane waa John Okello!!!!

- Jasiiradda Zanzibar waxay leedahay Taariikh facweyn. Boqorradii Maamulka Zanzibar soo maray, waxaa ugu caansanaa Saciid Barqash bin Taymuur oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Cumaan.

Boqortooyadaas oo dhowr qarni ka talineysay xeebaha Bariga Afrika, ayaa 26 Abriil 1964 la midowday dhulweynaha Tangayika, waxayna la baxeen magaca TANZANIA. Jasiiradda Zanzibar waxay lahayd welina leedahay ismaamul hoosaad (Autonomous).
Jasiiradda Zanzibar oo ku jirta barwaaqo iyo baraare ayaa 12 Jannaayo 1964 belaayo madow cirka uga soo degtay. John Okello oo ka dhashay qabiilka LUO ee Ugaandha oo yaraantiisi ahaan jiray bayhoof iyo baalashle (kaba caseeye) ayaa u dagaagay xagga Jasiiradda Zanzibar, wuxuuna ka helay shaqo Boliis. John Okello muddo yar markuu joogay Jasiiradda Zanzibar wuxuu abaabulay dadkii madoobaa, wuxuuna ka dhaadhiciyey inay ku hoos jiraan gumeysi Carab cascas, oo kasoo haajirtay dalka Cumaan, loona baahan yahay inay heeryada gumeysiga iska rogaan.
John Okello wuxuu dhallinyradii madoobayd u qeybiyey seefo, warmo, manqar iyo middiyo, wuxuuna weerar ku qaaday xaruntii boqortooyada, dabadeed qoyskii boqortooyada wuxuu ku qasbay inay dalka ka cararaan, halkaas ayaa John Okello ku noqday boqor madow oo muddo gaaban ka taliya Jasiiradda Zanzibar, waxaase soo rogaaceliyey boqorkii oo hiil ka helay Ingiriiska, kadibna waxaa la jebiyey Kacankii Zanzibar ee John Okello holliyey. Adduunweynaha waxaa fajac iyo amakaag ku noqotay wiil baalashle ah Ugandha ka yimid inuu inqilaabo boqortooyo qarniyo soo jirtay.
Sheeko la mid ah taariikhdii Jasiiradda Zanzibar ayaa ka taagan Soomaaliya, wiilal kasoo dagaagay deegaanno fog-fog ayaa xukuma oo ka amar ku-taagleeya gobollo aysan u dhalan. Dad baa qab jebiyey, laan-dheer ayaan ahay iyo waa tiro badanahay waa socon-weyday, oo gabbalkeed waa dhacay.
Nin baa ku gabyey(hadba dunida duul baa usoo baxoo diin lasoo shira). Axmed Cabdi Godane oo ka dhashay beel yar (Arab) oo Hargeysa ka yimid ayaa Xamar soo galay isagoo kasoo cararay Nabadsugidda Xabashida ee Somaliland & Puntland ka ugaarsata kooxaha reer Galbeedku ugu yeeraan Asal-raac. Godane si gobannimo ku dheehan tahay ayaa loo soo dhoweeyey, wuxuuna ku biiray jahaad-doonkii (Mucaskarkii Saalaxudiin) ee Aadan Cayrow tababbari jirey.
Godane oo ah xariif karti badan wuxuu ku guuleystay inuu mid-mid u qaarijiyo raggii ka sarreeyey, ururkiina gacanbir ah ku qabto isla markaana noqdo AMIIR  awood badan oo aan laga daba hadlin. Sidii John Okello addoonta madow u abaabulay oo kale ayaa Godane dhallinyaradii Koofurta u hubeeyey, wuxuuna ka dhaadhiciyey inay isqarxiyaan oo ay xasuuqa dadkooda janno ku helayaan. John Okello dallinyarada madow wuxuu ka dhaadhiciyey inay Carabi gumeysato ee Godane muxuu ku dhalanrogay oo dhaadhiciyey dhallinyarada Koofurta? Runtii Godane hooyadi doqon ma dhalin, maxaa yeelay wuxuu ku guuleystay inuu reer Koofur indhaha ka rido, dhulkoodana ka dhigo omos lagu kala qaxo. Godane reer Koofur wuxuu ka dhigay: qof qoorta laga jaray, qof la qarxiyey, qof qaxay iyo qof qalqalsan. Hadafka Godane waa inuu Koofur ka dhigo gelgelin iyo gabaahiir, ciqaabtana ku sii hayo ilaa Somaliland la aqoonsanayo, Koofur waa inay burburka ku sii jirtaa ilaa Woqooyi ka dhismayo.
Hoggaamiyaha al-Qaacid Ayman al-Dawaahiri iyo Amiirka al-Shabaab Axmed Godane waa rag ficil badan oo tolkood jecel. Masar oo Muslimiin badan lagu xasuuqay weli qarax iyo dagaal sokeeye kama dhicin. Nabadsugidda Xabashida oo gumeysi arxamdaran ku haysa Somaliland, weli qarax iyo dagaal wax-iska cabin ah kama dhicin. Hase yeeshee Ciraaq iyo Koofurta Soomaaliya qaraxa iyo xasuuqu waa joogto. Nabadsugidda Xabashida ee Somaliland joogta waa Muslimiin Ahlu-Xadiis ah, Ugandheyska Koofur jooga waa Gaalo soo duushay, waa hadafka iyo halkudhegga Axmed Godane ku hawlgalo.
Nabadsugidda Xabashidu xarunta ay ka maleegto shirqoollada ku wajahan burburinta qowmiyadda Soomaalida, waxay ku taal Hargeysa, taas ka sokow  Somaliland sannad walba waxaa laga xusaa laba munaasabad oo heer sare loo agaasimo, waxay kala yihiin: Maalintii Meles maamulka Itoobiya la wareegay iyo maalintuu geeriyooday ee gabbal u dhacay gafeneyaashii iyo jaajuuseentii la shaqeyn jirey Miles Zenawi.
Fu’aad Shangole oo ah kaaliyaha Axmed Godane isna wuxuu ku guuleystay in diiradda jihaadka laga weeciyo Puntland oo dagaalka loo xawilo Xamar. Sheekh Atam wkiilka Shabaab ee Puntland waxaa loo aqoonsaday macalin dugsi qur’aan dhiga, wax khatar ahna ku hayn maamulka Puntland.
Dhowr muxaadaro iyo wareysi idaacadaha deegaanka laga baahiyey waxaa dhallinyarada lagu guubaabiyey dagaalka Xamar ka socda inay kaalin firfircoon ka qaataan. Ragga ku xeeldheeraaday in jihad Koofurta la dardargeliyo waxaa hormood ka ah Sheekh Cabdiraxmaan Abyad oo reer Puntland ka codsaday in lala jihaado Gaalada joogta  Muqdisho.
Sheekh Abyad wuxuu yiri Gaalo waxay joogtaa Koofur ee ma joogto Somaliland iyo Puntland ee qofkii khayr iyo wanaag raba haka qeyb galo jihaad Koofur, illeen jihaad halkaa kaliya ayuu ka jiraa oo gaalo rasmi ah joogtaa. Tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego.
Heestii Caanka ahayd ee lagu ammaanay Siyaad Barre waxay ahayd, horta qabo Siyaadoo car mid kale kusoo dara. Waxaa beddelay horta qabo Godanoo car nin kale kusoo dara. Rag nindoor kama dhammaado, oo waxaa lagu soo daray Faarax Topaz oo kasii xariifsan Godane, Godane afduub siigada ayaa lagu dhaafay oo siddeedle ayaa lixle lagu saabilay, rag waa u seben barwaaqo ragna waa u silic iyo hoog. iska samir sokeeyow adduun galabba waa seere. Gabyaa Cabdi Galayax wuxuu yiri:
Ninkii seedo gaab ahi mar buu saaca kaa heliye,
Saalax baa geelii la tegay aniga waa i soliweyday
Faarax Cabdulqaadir waa kuma? Faarax Topaz waa reer Aw Xasan ku dhashay Kilinka 5aad waa NGOle ka tirsan aas-aaseyaasha Ururka Islaax, wuxuu la shaqeeyaa Nabadsugidda waddamada: Mareykanka, Qatar, Itoobiya, Keenya iyo meelo kale, wuxuu haystaa dhowr Basaboor: Itoobiya, Keenya, Soomaaliya iyo degenaansho Qatar. Muddo dheer wuxuu ahaa xiddig firfircoon iyo JOKAR kala jaheeya hawlaha hay’adaha samafalka waddamada Muslimiinta ee Soomaaliya ka shaqeeya.
Markuu hanti badan helay wuxuu ku hammiyey inuu dalka madaxweyne ka noqdo, taasna waa ku guuleystay. Sidii Jamaal Cabdinasir isaga hormariyey Maxamed Maxjuub, muddo yar kadibna u qaarijiyey oo kale wuxuu iska soo hormariyey Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan saraakiisha hoose ee Ururka Islaax, maadama deegaanka Banaadir tolka Xasan u badan yihiin, Faaraxna ka dhashay beel yar oo deegaankeedu yahay Kilinka 5aad.
Faarax Topaz wuxuu beddelay laguna samiyey Shariif Sakiin oo ahaa(backseat driver-kii) maamulkii Shariif Sheekh Axmed. Topaz iyo Sakiin maxay ka mideysan yihiin? Labaduba waxay ka dhasheen beel yar (Aw Xasan iyo Asharaaf Sarmaan). Laangaabnimada darteed waxay ku tiirsan yihiin oo garab iyo gaashaan u ah Nabadsugidda Shisheeyaha. Labaduba waxay aaminsan yihiin curaafeysiga iyo cilmi felegga. Waa niman damac badan (ambitious) oo yoolkoodu yahay inay madax sare noqdaan, hanti xad-dhaaf ahna boobaan oo waxba ma hambeeyaan. Waa niman Dollarka caabuda oo helintaankiisa wax walba ka hormariya.
Dabciga iyo habdhaqanka Topaz iyo Sakiin farqi weyn baa u dhaxeeya. Shariif Sakiin waa bulshay dabci wanaagsan, dadkana kusoo dhoweeya weji furan iyo dhoolla caddeyn. Faarax Topaz waa nin dabci xun oo dadka ku qaabila weji xiran oo aan naxariis lahayn. Shariif Sakiin waa deeqsi muraadkiisa ku meelmariya manfac iyo musuq. Waa nin awood u leh inuu 30% ka bixiya hantida uu qaranka ka dhaco. Faarax Topaz waa muudal wuxuu heloba meel dhigta oo aan midigta taagin, xataa inuu $100 bixiyo suurtagal maaha. Bal iska daa inuu sadaqo bixiyee, lafahiisa dhar qurxoon uma lebbisto shirarkana wuxuu ka tagaa jaadkad Huudhay ah.
Shariif Sakiin wuxuu maskaxda ka haystay Shariif Sh. Axmed, wuxuuse jeclaa in maamulka Shariif hanaqaado oo dalka oo dhan ka hirgalo. Faarax Topaz isna wuxuu maskaxda ka haystaa Xasan Sheekh, wuxuuse si dadban ugu hawllan yahay inuu iska horkeeno dowladda iyo dadweynaha, tusaale Cumar Hadliye iyo Yusur Abraar, magacaabistooda waxaa ka dambeeyey Faarax Topaz. Labadaas shaqsi waxay leeyihiin taariikh madow oo ku biyoshabata musuq iyo wax-is-dabamarin, waxayna dharbaaxyo xun oo weji gabax ku ah dowladda ku dhufteen maamulka Xasan Sh. Maxamuud.
Shaxdaas waxaa dhigay oo shirqoolka dejiyey Topaz, lamase yaqaan goorta Xasan Sheekh fahmi doono luggooyada Faarax Topaz.  Hadafka iyo himilada Faarax Topaz waa inuu meel bannaan iyo daleel si fudud uga helo jagada madaxweynaha.
Intii aan loo magacaabin wasiiru dawlaha Madaxtooyada wuxuu Madaxweynaha uu raacay dhowr shir oo ka kala dhacay:  Kampala, Dooxa,  Nairobi, Adis Ababa, Stanbul, Washington, London, Brussels iyo meelo kale. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud reer abtigi oo ku xeeldheer (Computer-ka.. faalka & felegga)ayaa malaha ka dhaadhiciyey in burjiga Topaz u wanaagsan yahay maamulkiisa, waajibna ay tahay inuu shir walba tago, waxaase la fahmi-waayey farsamadii Faarax Topaz u isticmaalay laba shir: Heshiiskii Adis Ababa ka dhacay ee Axmed Madoobe loogu ansaxiyey maamulka Jubbooyinka waxaa kala saxiixday Faarax Topaz iyo Axmed Madoobe.
Su’aasha taagan waxay tahay, wasiirrada kale ma hawlgab baa mise heshiiska qeyb kuma leh? Shirkii ugu dambeeyey ee Madaxweynuhu ku tagay USA, maalin laga hadlayey dhaqaalaha lagu taageeri karo Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud madashii shirka waxaa raacay Faarax Topaz iyo Fowsiya Lamood, ayaandarro waxaa Hotelka looga tegay Wasiirka Maaliyadda oo hawlgab laga dhigay, waxaase is weydiin leh jaamacadee Faarax iyo Fowsiya kusoo barteen Cilmiga dhaqaalaha?

Tuesday, November 12, 2013

Sweden OO Dalbatay..jagada R/waraaha Soomaaliya l DR:Abdirashid Ahmed Egag



NINKA UGU DHOOW IN LOO MAGACAABO WASIIRKA KOWAD EE DALKA:


Sida lugu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa shegaya in jagada R/waraaha Soomaaliya loo wado in loo magacaabo Mudane Abdirashid Ahmed Egag.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in culeys ka yimid beesha caalamka ay keeNtay in xilkaasi loo magacaabo ruux leh tayo iyo khibrad dheer ee maareynta howlaha dowladda.
Abdirashid Ahmed Egag oo muddo 30 sano ka shaqeeyay hantidhowrka Sweden haddana haya xilka madaxa hantidhowrka ee xafiiska shaqada ee dalka Sweden ayaa ka yimid qoys ku jiray siyaasadda Soomaaliya tan iyo xurriyaddii Somaliya. Aabihii Ahmed Egag Abokor ayaa ahaa xildhibaan muddaddi u dhaxeesay 1960-1969. Abdirashid Ahmed Egag wuxuu ka mid ahaa qurbajoogtii ka qayb qaadatay dhismaha Puntland. Waxaa beesha calaamka xogga saartay in la keeno R/wasaare aan lug ku lahayn musuq-maasuq iyo ee xashada taas oo ragaadiisa dowladda Soomalia.
Dawalda  Swden iyo    beesha caalmka aaya kula taliyey Madaxweynha inuu  xilkan  u magcaabo shaqsigaan

Monday, November 11, 2013

QaalmaRogadyada Puntland After 15 years!!!!

 
Waa nin dirac ah oo yaqaan sida dabka cadowgiisa huriyaan looga boodo
 
 
Waxaa lagu jiraa sannadkii 15-aad ee ka soo wareegatay u xeedxeedsashadii qaalmarogdka siyaasadeed ee gobalada waqooyi bari (Puntland) ee Soomaaliya.

 
Sida ayba ka war hayaan dadka u dhuunduleela bandhigyada qaalmarogadka siyaasadeed (Mahrajaanka) ee Puntland, waxaa sida qorraxda u cad ama u iftiimaya in saddex qaalmarogad oo keliya ay si suurto la`aan ah mahrajaanka isugu bedbedelaan hoggaaminteeda.
 
Aalaaba waxaa dhacda in saddexdan cayaartoy ay si hufan isu rogrogaan, iyada oo aan wax dhaawac ah uu midkoodna soo gaarin. 
 
Ha yeeshee, waxaa dhacda in mar marka qaarkood is afgarasho la`aan ama is faham darri ay keento inuu midkood soo gaaro dhaawacyo, ka dib markii si kama` ah uu si xun dhulka ugu habsado. Saddexdan cayaartooy ama jilaa oo kasbatay in dadka deegaanka ula baxaan magaca “Madaalayaasha Puntland”, ayaa hadda la gaaray xilliyadii ay isweeydaarsan jireen kaalintii iyo booskii cayaarta qaalmarogadka
 







Dadka reer Puntland ayaa si kaftan-dhable ah kuu oranaya meesha dalalka horumaray ay ka leeyihiin bandhigyo lacag lagu galo oo lagu daawado qaalmarogadka, xayawaan dab ka boodaya iyo wax la mid ah, annagu waxaanu heesannaa oo 15-kii sano u dambeeyey aannu daawaneynay saddex qaalmarogad oo aad la yaabeyso sida ay u dhinac marsan yihiin caqliga saliimka ah (defy logic).
 
Waxaanu leenahay saddexdan qaalmarogad, inoo wada mahrajaanka oo ha ka daalina (the show must go on).Hasa ahaate, waxa keliya oo ay reer Puntland ka welwelaan waa iyaga oo ka baqa in mahrajaankan saddexda qaalmarogad uu xirmo ama buuq ka dhasho amaba uu midkood ku dhaawacmo – sida mar horeba (2001) ay u dhacday.
 

 
 
Sidaa si la mid ah, saddexda qaalmarogad laftoodu waxa ay aalaaba ku hadaaqaan hadallo aad ka dheehan karto shaki iyo walaac (uncertainty) ku saabsan masraxooda (circus) inuu ka xirmo, ka dib marka ay waayaan daawadayaal daacad iyaga u ah. Saddexdaan majaajiliiste waxaa kaloo walbahaar ku haya dareenka ah in daawadayaasha ay kala jecleystaan saddexdooda, taasi oo ay u arkaan inay soo dedejineyso gabagabeynta masraxooda.Si aysan taasi u dhicin, waxay ku kalliftay saddexdan qaalmarogad in ay mar walba xusuusiyaan daawadayaasha Mahrajaanka in si “dimoqraadi” ah iyaga loo wada daawado. Waxay kaloo daawadayaasha xusuusiyeen in haddii mid ka mid ah is rogrogidda (acrobatics) diido in si wadajir ah loo cambaareeyo, bayaan wadajir ahna loo gudbiyo beesha caalamka iyo wadamada deriska ahba.
 

Ayaandarro se, waxaa hadda dadka reer Puntland isha ku hayaan ama ay maq maqlaan in masrax ka weyn kan Puntland uu ka furmay Muqdisho. Waxay maqlaan in Muqdisho ay isugu tageen jilayaal fara badan oo ka kale yimid adduunka afartiisa gees. Waxaana maalgeliyey masraxa Muqdisho dowlado fara badan.Masraxan Muqdisho ka socdaa waxaa loo yaqaan "Tarzan in the Jungle". Waxaana ku jira oo qeyb libaax ka qaadanaya xayawaan fara badan oo uu ka mid yahay shabeelka iyo libaaxa – oo si xarago leh ugu cayaara durbaanada Kabeebeey iyo Luumbi.
 
 
 

 
 
Masraxa Muqdisho ka socda hadda ee la yiraahdo “Tarzan in the Jungle”, waa masraxa hadda ugu weyn dalka
 
 
Fiiro Gaar Ah 
 
Saddex iyo labaatankii sano ee u dambeeyey, waxaa siyaasadda dalka Soomaaliya  qabsaday siyaasiyiin aad mooddo inay shahaadooyinka ka soo gateen suuqa Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, ama qaarkood Indiya ka soo gatay “Online degrees”. Taasina ay dhalisay in lagu micneeyo siyaasadda Soomaaliya mid u eg masraxa/mahrajaan/qaalmarogad (acrobatics) ay ku cayaarayaan siyaasiyiin/jilayaal (clowns).
 
Jilayaashan (clowns) ayaa xiiso gaar ah u yeelay iska daba wareegga beelaha Soomaaliyeed, oo aad mooddo in ay ku jahwareereen farqiga u dhaxeeye wadaniyadda iyo danta gaar ahaaneed ee beesha. 
 
Dadka deegaanka Puntland deggan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3.5 million ku kala daadsan dhul qiyaastii ah 200,000 km. Deegaankan ballaaran waxaa dega beelo tira badan oo muddo dheer ku noolaa nidaam iyo kala dambeyn (law and order). Dadkan waxay ku caan baxeen dad muruqooda maala, oo dhaqan ahaan ka gaagaxa af-miinshaariinta iyo kuwa caadeystay ku dul-noolaanshaha.  
 
Deegaanadan Puntland waxaa Ilaah ku maneestay xeeb aad u dheer hodanna ku ah kalluumeysiga (good fishing ground). Dhinaca berriga, waa dhul aad ugu habboon xoola dhaqashada, lehna kheyraadka dabiiciga sida shidaalka iyo noocyada kala duwan ee birta..
 
 
 
 


 

Daawo Musharax Shire xaaji Faarax ( Somali Channel)



Daawo Musharax Shire xaaji Faarax oo u tartamaya Madaxweynanimada Puntland oo Nairobi lagusoo dhaweeyey!

http://youtu.be/aK5xHzFJdKk



Puntland:- Musharax Dr-Shire Xaaji Faarax oo si Diiran Magaalada Nairobi loogu soo Dhaweeyay +Sawiro

Waa kum Dr-Shire Xaaji Faarax Yuusuf ?

Shire Xaaji Faarax ayaa ku dhashay magaalada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari sannadkii 1955dii.  Wuxuu heystaa shahaada Bachelor Degree ee culuumta beeraha iyo caafimaadka xoolaha.
Shire hadda waa ganacade wuxuu mudo ka badan 20 sano uu ka shaqeynayey wasaaradda caafimaadka ee dawlada Imaaraadka Carabta isagoo tobankii sano ee u dambeeyayna ka shaqeynayey hawlaha ganacsiga isagoo ka mid ahaa aas aasayaashii shirkado ganacsi oo waaweyn oo fadhigoodu yahay wadanka Imaaraadka Carabta.
Doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa hadda waxaa ka harsan mudo labo bilood ah, waxaana hadda socda ololayaasha ay sameynayaan musharixiinta isu soo taagay xilka madaxweynaha.


 
 

Musharax Dr Shire Xaaji Faarax oo ah Musharax u Taagan Hogaanka Sare ee PL ayaa maanta si Diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya, Jaaliyadda Reer PL ee dalkaasi ku dhaqan oo Kaashanaysa Gaancsato iyo Safaraada Somaliya ee Nairobi ayaa Musharax Garoonka kaga Hor-tegay.
Hadal Kooban oo uu Jeediyay Ayuu Sheegay inuu Aad iyo aad ugu Faraxsan yahay Sida Wanaagsan ee Jaaliyada Reer PL ay ugu soo dhaweeyeen dalka Kenya,Wuxuu xusay in PL u baahan tahay Isbedel Muuqda oo dhab ah isla markaana Isbedelkaasina uu ku iman Karo Buu Yiri Hadii looga shaqeeyo si Nabad iyo Cadaaladi ku dheehan tahay.
Musharax Dr Shire Xaaji Faarax Waa Ganacsade Mudo degenaa dalka Emaratka carabta,waxana uu dhawaan  Magaalada Dubai ka shaaciyay inuu u Ordayo Xilka Madaxtinimo ee PL ka dib Dalab ka Yimi Shacabka Gobolada PL.
Musharax ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Nairobi kula Kulmo Saraakiil Ka Tirsan Beesha Caalamka si looga wada hadlo Qabsoomida Doorashada Puntland.


Musharaxa puntland 2014: Dr_ shire Hagi Farah

 

Masha allah...leaders of Puntland DR: Shire Hagi Farah & G_ Morgan...war yaa ka leh Raggaan , Walee Been Baa La isku Sheegay!!!!

Sunday, November 10, 2013

Qamaarka Siyaasadeed ee ka jira Villa Somaaliya!!

                                     


Markii la doortey Dowladda uu Madaxda ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Sannad ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo si aad u soo dhaweeyey Dowladaas, iyagoo Rajo Wanaagsan ka muujiyey in Isbedel weyn oo Siyaasadeed uu Dhici doono gaar ahaan Xaaladda Soomaaliya mar haddii Hogaankii Dalka loo dhiibey qof si aad ah ugu soo dhex jirey mudadii Laabtanka Sanadood ahayd wixii ka dhacay Soomaaliya islamarkaana wax badan ka og Dhibaatada Soomaaliya ,hase yeeshee Bulshada Soomaaliyeed waxay Niyad jab ka muujiyeen markii ay soo muuqan waayeen waxa Isbedel oo la taaban karo ha noqoto Arrimaha Siyaasadda , Nabadgelyada , iyo Dhaqaalaha, iyadoo Dadka qaar ay leeyihiin in Xaalada Soomaaliya ay ku sii dhaceyso God Haadaan ah oo aad u dheer .
Soomaalidu waxay Tiraahdaa Fuley Xantiisa ma Mooga , waxaana Murtidaan u soo qaatey in Dowladda aysan moogeyn Xanta Dadweynaha oo qaar ka mid ah dadkaasi ay sheegayeen in Dowladaan ay ahayd mid si aad loogu hamuun qabey mar ka fiiriyo arrimo fara badan oo dadka ay ka sugayeen Dowladda in aysan wax ka qaban, iyadoo taasi ay jirto ayaa hadan waxaa jira arrimo Daahsan oo ku Aadan Siyaasadda Soomaaliya ,waxayna qaar ka mid Bulshada ay sheegayaan in maanta is qabqabsiga Siyaasadeed ee Dowlada ka dhex jira min Dowladda , Xukuumada iyo Baarlamaanka , waxaana socda Olole Siyaasadeed oo Qar iska Tuurnimo ah oo aan la Ogeyn halka uu ku Dambeyn doonto , waxayna dadka u Dhuun Daloola Siyaasada ay leeyihin in uu jiro Khilaafyo Siyaasadeed oo keeni kara in Gebi ahaanba Burburta Dowladda
Rag Siyaasayiin ah oo doonaya in ka Faa’iidaan Qamaarkaas Siyaasadeed ayaa haatan ka dhex Muuqda Qamaarkaas Siyaasadeed ee aan weli soo shaacbixin hase yeeshee si aad ah looga dareemayo Xarunta Madaxtooyada waxayna Siyaasiyiin ay noo sheegeen in Heshiis hoose uu Dhex marey Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo mid ah Aasaa-Sayaashii Dowlada maanta Jirta oo lagu Magacaabo Faarax Cabduqaadir ahna Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada,waxaana uu hesiiskaas uu dhigayaa in Shariif Xasan uu ka shaqeeyo Mooshin ka dhan Wasiirka Koowaad oo ay Wadaan Garab ka mid ah Damo Jadiid oo uu Hogaaminayo Faarax Cabduqaadir, Sidoo kale waxaa Kulan qarsoodi ah wada yeeshey Faarax Cabduqaadir iyo Shariif Xasan waxaana Kulanakaas la isku Afgartey in si wadajir looga shaqeeyo in marka la rido Wasiirka Koowaad ka dibna la rido Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxaana sidoo kale lagu heshiiyey in Faarax Cabduqaadir uu hal Milyan oo Doolar uu siiyo Shariif Xasan si ay ugu suurta gasho Qorshahaas Fulintiisa , iyadoo Lacagtas loogu talagaley in lagu Furdaamiyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Qorshaha Qamaarka Soyaasadeed ee Socda ayaa Siyaasiyiinta u Dhuun Daloola arrimaha Siyaasadda ay leeyihiin in Ridista Raiisul Wasaare Saacid ay Damo-Jadiid ku kala Qayb sameen iyadoo kooxda Faarax Cabduqaadir ee wata Qorshahaan ay doonayaan in Fashilka Siyaasadeed ee haatan haysta Dowladda Xasan Shiikh Dhamaan Duudka ama Dhabarka loo saaro Raiisul Wasaare Saacid ,waxaana sidoo kale Qorshahaan ay wataan Damo Jadiid Garabka Faarax Cabduqaadir uu yahay in la keeno Rasiiul Wasaare Daacad u ah Damo Jadiid , waxaana la sku Afgartey Raiisul Wasaaraha laga Dhigo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , waxaana Qorshaha Faarax Cabduqaadir la Dhacsan oo ku taageersan wasiirka Arrimha Gudaha Cabdikariim Xuseen Guuleed , hase yeeshee Koox kale oo uu Hagaanka uu u haye Maxamed Nuur Gacal oo ah Wasiiro Dowlaha Arimaha Dibada ayaa qaba in aysan habooneyn in la Xiligaan la rido wasiirka Koowaad isagoo sheegey in aysan ku jiran Danta ummada Soomaaliyeed iyo mida Dastuurka ,waxayna soo jeediyeen in la sameeyo Isku Shaandheyn kooban oo dhinaca.
Kooxda uu Horkacayo Maxamed Nuur Gacal ayaa waxay leeyhiin in Dalka uu ku jiro Xaalad adag Dhinaca Nabadgelyada , Dhaqaalaha iyo Siyaasadda marka waxay soo jeediyeen in aan la taaba taaban arrimaha qaar maadaama Waji Gabax lagala Kulmey in Iscasilaadii Gudoomiyaha Banki-ga Dhexe ka dib markii rag la Hayb Madaxweynaha ay hanjabaad iyo caga Jugleyn u Gudbiyeen Yusur Abaraa sida hore ugu Sheegtey Warbaahinta , waxayna Iscasilaadaas keentey in Wadamadii Lacagaha ugu Deeqey Soomaaliya ay diideen in ay wax lacag ah ku Shubaan Bangigga Dhexe Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Garabka Farah Cabdulqaadir ee Damul-Jadiid ay ilaa & hada ku adkaysanayaan in xilka laga qaado Raiisul Wasaare Saacid waxaana dadka Siyaasada Odorasa sheegayan in arrinkaas uu keen karo isku dhac Siyaasadeed oo dhex Mara Raiisul Wasaare Saacid & Hassan Shiikh sidoo kale ay keeni karta in Baarlamaanka Federaalka uu soo dhex galo Dagaalka Siyaasadeed ee taagan balse u keeni karto in uu Saameyn ku yeesho islamarkaana Khilaafkaasiuu Daba dheeraado oo Xal laga gaari waayo Arrimaha Soomaaliya Rajadii ay dadka qabeen ay meesha ka baxdo
Xaaladahaas taagan oo ay ugu horeysa Beesha Caalamka oo si aad ah uga walwasan Iscasilaadii Gudoomiyha Banki-ga Dhexe Yusur Abraar iyo Qamaarka Siyaasdadeed ee ka jira Xarunta Madaxtooyada iyo Talooyin ay u soo jeediyeen Ganacsato iyo Siyaasiyiin fara badan Madaxweynaha Soomaaliya oo laga Dhega Fureystey,Dadka Idha Indheeya ama Odoroso Siyaasadda Soomaaliya waxay leeyihiin waxay arrintaas soo dedejineysa in Beesha Caalamka uu Dejyo Road Map-Cusub si loo soo Hormariyo Doorashada Madaxweynaha , Hadaba la rkii doonee halka uu ku dambeyn doono Qamaarka Siyaasadeed ee ay wataan Faarax Cabdiqaadir iyo Shariif Xasan sidoo kale iyana waa la arki doonaan waxa ay Beesha Caalamka ka bedeleen Siyaasadda isku Milqan ee Soomaaliya

Friday, November 8, 2013

Every man gotta right to decide his own destiny. !!




Shire Haji Farah

Madax waynAha_  2014ka shire xaaji faarax mudane madax wayne so dhawoowe puntland way kusugaysaye 15 Sano!

Monday, November 4, 2013

Maxaa Yusur loo dirqiyay? Musuqa maxaa loogu dayay?


Musharrax u tartamaya xilka Madaxwynaha Puntland Doorashada dhacaysa Janaayo 2014 .Shire Haji Farah _ Most well come Aqoonayahan siyaasi ruug cadaa!

                                                                       

Waan idiin salaamay kulligiin, waxaan maantey kaga dhaqaaqay magaalada Dubai in aan ahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxwynaha Puntland Doorashada dhacaysa Janaayo 2014 Haddii Alle Idmo. Ma ahan Go'aan aan si fudud u qaatey, waxaa igu wayn midnimada iyo horu-marka dadka Reer Puntland, Waxaandadkayga u wadaa barnaamij ku salaysan Nabad iyo Horumar.
Ducadiina iyo taageeradiinu waa ii muhiim.
Waad mahadsantihiin
Puntland Guul iyo Horumar

Saturday, November 2, 2013

Doorka Dowladda & Doorashada Puntland!!!



Doorka Dowladda & Doorashada Puntland!!!

Doorashada maamulka Puntland waxay ku beegan tahay Janaayo 8, 2014, hadaba waxaa isweeydiin mudan doorkee ayeey Dowlada Dhexe ku leedahay Doorashada Maamulka Puntland maadaama laga soo gudbay Dowlad KMG ah!?
Yaase Garsoor Cadaaladeed oo xalaal ah mudan in uu ka noqdo maamulo Doorashadaa Maamulka Puntland? Mise Faroole ayaa mudan in uu Garsoore ka noqodo doorashadaa, waxaan soo xusuustay Cabdulle Rage iyo deeleeydii ku jirtay ee aheeyd inta danbiile garsoore yahay, darajana Qabiil tahay dulmi xaqa kala mudan yahay in aan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola.
Hadaba sidee Ninkii loolanka ku jiraa uu u sameeeyn-karaa xeerarka Doorashada, sidee Ninki loolanka ku jiraa Amniga u sugi karaa, ayaa damiinad qaadaya wafdiga ka imaanaya gobolada iyo degmooyinka Puntland, xor ma u noqon karaan Isamada iyo cuqaasha Puntland soo xulida xildhibaanada dooran doono hogaanka Puntland? Musharxiinta oo ka kala imaanaya dalka iyo dibada yaa qaadaya Amnigooda mise Faroole ayeey magan u noqonaayaan?
Hhaddii aanan la helin heykal dowladeed oo dhexdhexaad ka ah Arimaha aan kor ku soo sheegay sow Faroole fursad awoodeed uma helaayo in uu wax is-dabamariyo ama awood ku muquuniyo Doorashada taana waa mid u sahleeysa Faroole in uu ku guuleeysto xilika, iyada oo la ogyahay Garoowe in eey tahay degmada uu ka soo jeedo Faroole awood ciidan iyo mid maaliyadeedba in uu ku leeyahay halkaana aad aay ugu fududahay in uu maroorsado talada Puntland.
Puntland waxaa xiligaan ka jira loolan Siyaasadeed oo abuurikara Dagaal ama Colaad ku habsata shacabkaa waayay hogaan xalaal ah balse Doorashada Puntland lagu qeexay Hag-bad ama shalango meerto ah oo aanan marna ka gudbin haraagii SSDF, haddii aad dib u fiiriso Puntland waxaa ku heshiiyay ilaa seddex Urur qabiil sida Jabhada SSDF ku mideeysnaa Majeerteen oo kaliya halka dhulbahante iyo Warsabgeli eey lahaayeen Jabhadii USP oo uu hogaankeeda hayay Maxed Cabdi Xaashi, sidaa oo kale waxaa ku jiray Jabhadii SND (Ortoble iyo Leeyla-Kase), hadaba jabhadahaa ku heshiiyay dhismaha Puntland miyeey xaqooda ka heleen mise aad ayaa loogu duudsiyay waxii aay u soo halgameen.USP & UND ragii ku abtirsanayay xaqiiqdii aad ayeey ugu hungoobeen waana aay ku dulmanaayeen Dhismaha Maamulka Puntland, xiligaan goboladii aay degenaayeen waxaa uu gacanta ugu jiraa Somaliland halka belweeynta Leeyla-Kase lagu xasuuqay Gaalkacayo xiligii Cabdiweli ahaa R/wasaare.
Qorshahii lagu gumaaday xaafada Garsoor (Leeyla-Kase ) ee degmada Gaalkacayo waxuu ahaa mid aay Farooole iyo Cabdiweli kuwada heshiiyeen sabbabta oo ah waxaa socday shirkii Garowe 1&2, xiligaan waxaa muuqda in Faroole uu aad u kala fogeeyay xiriirkii Odayaasha dhaqanka iyo wadatashiga Bulshada, waxaa uu xirxiray Odayaal dhaqanka door wanaagsan ku lahaa dhulka Puntland, waxaa uu xirxiray beel-daajiyaal Isimo iwm waxuu Faroole ahaa Madaxa burcadbadeedka xeebaha Puntland sida degmooyinka Baargaal, Laas Qoray, Xaafun, Beyla, Eyl, iyo Garacad halkaas ayuuna  ka helay maaliyad xooga leh ee uu maanta ku tartamayo, iyada oo uu caalamka u aqoonsaday Faroole in uu yahay Madaxa burcadbadeeda Somali ayaa C/weli noqday r/wasaare dowladii Sheekh Shariif halkaana waxaa uu caalamka ka dhaadhiciyay C/weli in Faroole yahay shaqsi la dagaalama burcadbadeeda caalamkana kaga soo qaatay hanti faro badan la dagaalanka burcadbadeeda Puntland.
Faroole waxaa uu Puntland u ogolaaday in aay ka howlgalaan Shisheeye oo aana Sumcad iyo xurmo ku laheeyn Soomaaliya sida Shirkada SARACEN oo aay leeyihiin calooshod u shaqeeystayaal South Afrikan ah iyada oo la ogyahay in dowladdii Cabdiweli Gaas iyo Qaramada Midoobay ay ku amreen in aay dalka dhaqsi ugu baxdo balse weli ka shaqeeysa dhulka Puntland.
C/weli arimaha aay isku qabteen Faroole waxaa ugu badan lacag laga qaatay Shirkadaa SARACEN iyo lacago lagu qaatay Shirkii Garowe 1&2 Suaasha jirtaa waxaa aay tahay xiligii C/weli ahaa R/wasaare dowladii Sheekh Shariif aad ayu ugu qanacsanaa howsha Faroole waday maxaa Maanta keenay in leeyskaga horyimid kadib C/weli markii uu ku hungoobay doorashadii 2012 loolanka doorashada Madaxweeynaha dowlada federaalka? Akhristow adba garo hal booli ah nirig xalaala ma dhasho waxaa aay isku haytaan boobkii iyo biliqadii hantida Somali xiligii C/weli Gaas uu ka dhacay umada Somali sida uu idaacadaha uu uga sheegayo maalin walba, waan sidaan u arko arinta...
Cabdiweli mar uu isku soo taagayay Musharxnimada Doorashada Maamulka Puntland waxaa uu cadeeyay in Faroole uu ka jeediyay Caalamka, waxaana uu sheegay in Puntland uu u soo dhacay hantidii Soomaali ee Talyaaniga tiil, hantidaa oo FAO ayaa Somalida uga qoondeeysay horumarka Beeraha 22 Sanno loo ururinayay Soomaali, C/weli waxaa uu Ummada u sheegay in xiligaan Beero Somali jirin balse mudan tahay in madaarka Bosaaso lagu dhiso, asaga oo isku muujinayo in uu ahaa shaqsi Puntland wax weeyn u qabtay balse iloobay in uu ahaa R/wasaare Soomaali ee uusan aheeyn R/wasaare Puntland
Waxaa uu qiray in Hanti farobadan oo loogu talo galay dib u dhiska Gobolka Banaadir uu u soo xaawilay Puntland una soo dhiibay Saciid Qorsheel oo ahaa E/dowlo ka mid ahaa Wasiirada Dowladda ku meelgaarka aheeyd, alow haddii xishood la áan loo dhimanayo C/weli ayaa u dhiman lahaa sabbabta oo ah weli waxaa uu caalamka u sheegaya in uu cadaadala ka fogaaday Puntlandna uga hiiliyay umada Somali.
Dowlada dhexe oo ah Dowlad aan KMG aheyn waxaa quman in aay Puntland Colaada iyo Saxansaxada Dagaal iyo mida awoodeed ka hortagto iyada oo aay muujineeyso in aay Mas'uul ka tahay dhamaan Shacabka Soomaali, dowlada dhexe hogankeeda waxaa doortay dhamaan Odayada dhaqanka ee Somali sida Iimaan, Ugaas Isim, Garaad iwm sabbabta oo ah Odayaadaa waxaa aay dhaleen Xildhibaanda Federaalka oo ka kooban dhamaan Somali sidaas awadeed xildhibaanada Somalia waxaa aay awooda hogaanka u doorteen Prof. Xassan iyo Jawaari halka Dr,Saacid laga soo dhex xulay shacabka Somalida.
So ma qumana Dowlada sidaa ku timid oo mataleeysa dhamaan Somali in aay Garsoor ka noqoto Doorashada Puntland dhistana gudi dhexdhexaad ka ah doorashada Puntland, gudi awoodiisa tahay ilaalinta Masuqmaasuqa iyo awood iskugu shaagashada Doorashada.
Haddii Dowlada dhexe gabto howshaa waxaa soo baxeysa in awooda dowlada dhexe noqoto magac u yaal, dhismaha Jubba in aay ku howshaa midka Puntlandna ka jiifataa waa waxa laga baranayo Dowlada dhexe, waxaana soo baxeeysa aayaha danbe in dowlada dhexe aayan awood ku lahaan dhismaha Dowladgoboleeyada sida Gobollada Dhexe, Hiiraan ama Ex Banaadir.
Ddadka ayaga ayaa sameeysanayaa Maamulkooda balse Dowlada dhexe waa in aay marqaati ka noqotaa oo aay xalaaleeysaa hogaanka lagu heshiiyay in uu ku yimid dariiqii xalaasha ahaa, waxa Khaatumo loo diidan yahay in aay ka tashadaan aayahooda, dowlada dhexe waa ku waajib in aay taageeraan Shacabka Khaatumo oo u istaagay midnimada iyo dhowrida ama xafidida Calankii Somali, waxeey diideen Calanka Puntland waxeeyna ogol yihiin Calankii soo jireenka ahaa xaqiiqdiina waa aay u dhinteen, dowlada dhexe waa in aay garab istaagtaa Shacabkaa dulman cadeeysaana xaqooda ka mid ahaanshaha Dowlada Fedraalka.
Xildhibaanada Puntland kaga jira Dowlada Dhexe ayaa laga rabaa in aay kala tashato dowlada dhexe sidii door Shariif ah ugu qaadan lahaayeen loolanka Siyaasadeed ee Puntland, waxaad arkeeysaa in jajuub leeysku hayo, idaacadaha leeysga dhiibayo hadalo aan ku qumaneeyn muraxiinta Puntland, Cabdiweli waxaa uu adeegsaday alkoliistayaal ayaa soo xukumay Puntland halka Faroole dhahayo Buufiskii daawadii ayuu soo iloobay, waa Nin daawo ku socdo.
Allow Sahal umuuraha.
Bureau for Somalian People's Development

Friday, November 1, 2013