Waxaa Mudan Soomaaliyeey, in aad la socotaan Madaxdii aad doorateen, meeshii ay marsiiyeen Xilkii aad u Wakiilateen oo aad Rajeyneyseen in ay Khilaafka Soomaali ku dhex jira Xaliyaan, Soomaali mideyaan, la iskunah Tanasullo, Intaas ma ka Rajeyneyseen oo ma ugu Sacbo tumteen?
Hadaba Maanta Halkaan bay Soomaali marsiinayaan:
Madaxweynaha wuxuu yiri: Ra’iisul Wasaaruhu ha is casillo!
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu yiri: Ma lihid Awood aad igu Casishid!
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano farabadan iyo Waxgarad Labada Garab aad ugu dhow dhow ayaa waxey isku dayeen in ay Dhexdhaxaadiyaan oo Khilaafka Labadaan Aqiyaar dhexyaala dhameystiraan. Madaxweynaha ayaa loo tagay...
Madaxweynaha wuxuu yiri: Saacid wada shqeyn dambe iskuma kaaya harin.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa loo tagay...
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu yiri: Arintaan ha isku daalinina oo Harag-Haragtu yeysan idinka dhamaan. Labadayada mid baa maqan, asuguuna noqon doonaa. Waayo Koorumka Anigaa heysta.
Filimka haduu bilow yahay... Rajo Xumo, Hurin Collaad, Koox-Kooxheysi Qabiil oo hor leh, ma idinla tahay in ay Labadaan Aqiyaar Horseed u yihiin. Aqritayaasha Keydmedia Online, Ma Xasuusataan Filimkaan oo kale in aad horey u Daawateen?


No comments:
Post a Comment