Waa nin dirac ah oo yaqaan sida dabka cadowgiisa huriyaan looga boodo
Waxaa lagu jiraa sannadkii 15-aad ee ka soo wareegatay u xeedxeedsashadii qaalmarogdka siyaasadeed ee gobalada waqooyi bari (Puntland) ee Soomaaliya.
Sida ayba ka war hayaan dadka u dhuunduleela bandhigyada qaalmarogadka siyaasadeed (Mahrajaanka) ee Puntland, waxaa sida qorraxda u cad ama u iftiimaya in saddex qaalmarogad oo keliya ay si suurto la`aan ah mahrajaanka isugu bedbedelaan hoggaaminteeda.
Aalaaba waxaa dhacda in saddexdan cayaartoy ay si hufan isu rogrogaan, iyada oo aan wax dhaawac ah uu midkoodna soo gaarin.
Ha yeeshee, waxaa dhacda in mar marka qaarkood is afgarasho la`aan ama is faham darri ay keento inuu midkood soo gaaro dhaawacyo, ka dib markii si kama` ah uu si xun dhulka ugu habsado. Saddexdan cayaartooy ama jilaa oo kasbatay in dadka deegaanka ula baxaan magaca “Madaalayaasha Puntland”, ayaa hadda la gaaray xilliyadii ay isweeydaarsan jireen kaalintii iyo booskii cayaarta qaalmarogadka
Dadka reer Puntland ayaa si kaftan-dhable ah kuu oranaya meesha dalalka horumaray ay ka leeyihiin bandhigyo lacag lagu galo oo lagu daawado qaalmarogadka, xayawaan dab ka boodaya iyo wax la mid ah, annagu waxaanu heesannaa oo 15-kii sano u dambeeyey aannu daawaneynay saddex qaalmarogad oo aad la yaabeyso sida ay u dhinac marsan yihiin caqliga saliimka ah (defy logic).
Waxaanu leenahay saddexdan qaalmarogad, inoo wada mahrajaanka oo ha ka daalina (the show must go on).Hasa ahaate, waxa keliya oo ay reer Puntland ka welwelaan waa iyaga oo ka baqa in mahrajaankan saddexda qaalmarogad uu xirmo ama buuq ka dhasho amaba uu midkood ku dhaawacmo – sida mar horeba (2001) ay u dhacday.
Sidaa si la mid ah, saddexda qaalmarogad laftoodu waxa ay aalaaba ku hadaaqaan hadallo aad ka dheehan karto shaki iyo walaac (uncertainty) ku saabsan masraxooda (circus) inuu ka xirmo, ka dib marka ay waayaan daawadayaal daacad iyaga u ah. Saddexdaan majaajiliiste waxaa kaloo walbahaar ku haya dareenka ah in daawadayaasha ay kala jecleystaan saddexdooda, taasi oo ay u arkaan inay soo dedejineyso gabagabeynta masraxooda.Si aysan taasi u dhicin, waxay ku kalliftay saddexdan qaalmarogad in ay mar walba xusuusiyaan daawadayaasha Mahrajaanka in si “dimoqraadi” ah iyaga loo wada daawado. Waxay kaloo daawadayaasha xusuusiyeen in haddii mid ka mid ah is rogrogidda (acrobatics) diido in si wadajir ah loo cambaareeyo, bayaan wadajir ahna loo gudbiyo beesha caalamka iyo wadamada deriska ahba.
Ayaandarro se, waxaa hadda dadka reer Puntland isha ku hayaan ama ay maq maqlaan in masrax ka weyn kan Puntland uu ka furmay Muqdisho. Waxay maqlaan in Muqdisho ay isugu tageen jilayaal fara badan oo ka kale yimid adduunka afartiisa gees. Waxaana maalgeliyey masraxa Muqdisho dowlado fara badan.Masraxan Muqdisho ka socdaa waxaa loo yaqaan "Tarzan in the Jungle". Waxaana ku jira oo qeyb libaax ka qaadanaya xayawaan fara badan oo uu ka mid yahay shabeelka iyo libaaxa – oo si xarago leh ugu cayaara durbaanada Kabeebeey iyo Luumbi.
Masraxa Muqdisho ka socda hadda ee la yiraahdo “Tarzan in the Jungle”, waa masraxa hadda ugu weyn dalka
Fiiro Gaar Ah
Saddex iyo labaatankii sano ee u dambeeyey, waxaa siyaasadda dalka Soomaaliya qabsaday siyaasiyiin aad mooddo inay shahaadooyinka ka soo gateen suuqa Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, ama qaarkood Indiya ka soo gatay “Online degrees”. Taasina ay dhalisay in lagu micneeyo siyaasadda Soomaaliya mid u eg masraxa/mahrajaan/qaalmarogad (acrobatics) ay ku cayaarayaan siyaasiyiin/jilayaal (clowns).
Jilayaashan (clowns) ayaa xiiso gaar ah u yeelay iska daba wareegga beelaha Soomaaliyeed, oo aad mooddo in ay ku jahwareereen farqiga u dhaxeeye wadaniyadda iyo danta gaar ahaaneed ee beesha.
Dadka deegaanka Puntland deggan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3.5 million ku kala daadsan dhul qiyaastii ah 200,000 km2 . Deegaankan ballaaran waxaa dega beelo tira badan oo muddo dheer ku noolaa nidaam iyo kala dambeyn (law and order). Dadkan waxay ku caan baxeen dad muruqooda maala, oo dhaqan ahaan ka gaagaxa af-miinshaariinta iyo kuwa caadeystay ku dul-noolaanshaha.
Deegaanadan Puntland waxaa Ilaah ku maneestay xeeb aad u dheer hodanna ku ah kalluumeysiga (good fishing ground). Dhinaca berriga, waa dhul aad ugu habboon xoola dhaqashada, lehna kheyraadka dabiiciga sida shidaalka iyo noocyada kala duwan ee birta..






No comments:
Post a Comment