Wednesday, May 28, 2014

Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku marayo Deegaano ka tirsan Bariga Puntland (Daawo Sawiro)

Wafdiga uu Hogaaminayay Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas oo ka soo Ambabaxay Magaalada Qardho waxaa kamid ahaa Masuuliyiin ka kala socday Labada Gole ee Dowlada Puntland,Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo ahaa Raysal Wasaare ku xigeenku Hore ee Soomaaliya,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Masuuliyiin Kale .



Ugu Horayn Madaxwaynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa ay gaaren Deegaanka Duud Hooyo iyo Waliba Degmada Rako oo katirsan Gobolka Kar-Kaar,waxana halkaasi si wanagsan ugu soo dhaweeyay Odayaasha,Dhalinyarada,Waxgaradka,Haweenka iyo Qaar kamid ahaa Bulshada Rayidka ah ee Halkaasi ku nool.



                               







Deeganka Xiriiro oo Hoosyimaada Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari ayaa Madaxwaynaha iyo Waftigiisa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Haween,Dhalinyaro iyo Masuuliyiin kale oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.



Mudadii uu Joogay Madaxwayne Mudane Cabdiwali Gaas Deegaanka Xiriiro,Waxa uu halkaasi kula kulmay Odayaasha iyo waxgradka deegaankaasi,isagoona uga mahadceliyay soo dhawayntii balaarnayd ee ay u sameeyen.



Madaxwaynaha Dowalada Puntland iyo Waliba Wafdigii uu hogaaminayay oo ugu dambayn soo gaaray Degmada Isku Shuban,ayaa waxa ay halkaasi kala kulmeen soo dhawayn balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen bulshada iyo Maamulka Degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari.



Soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowlada Puntland iyo Waftigiisa loogu sameeyay Degmada isku shuban,waxaa sidookale  ka qayb qaatay Wasiir ku Xigeenka Kalluumaysiga iyo Khyaraadka Badda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Gabax iyo Sidookale Agaasimaha Guud ee Ciidamada Badda Puntland Mudane Cabadinaasir Biixi Soofe.



Dhamaan Shacabkii iyo waxgaradkii ka qayb qaadanayay Soo dhawaynta Madaxwayne Gaas,ayaa ahaa kuwo iyagu safnaa wadooyinka,waxna ay wateen caleemo qoyan oo ay ku soo dhawaynayeen Madaxwaynahooda.



Safarka Madaxwaynaha Dowlada Puntland uu kumarayo Gobolada Bari iyo Kar-Kaar,ayaa waxa ay qayb ka yihiin Safaro uu Madaxwaynaha Puntland ku marayay gobolada Puntland,isagoona u kuur galaya xaalada nololeed ee shacabka Puntland.

No comments:

Post a Comment