Saturday, August 29, 2015

Waa ‪#‎Muqadas‬ Xuduud dhuleedka Dowlada ‪#‎Puntland‬ Sida Dhulka _ laascaano !

                                                      




Waa ‪#‎Muqadas‬ Xuduud dhuleedka Dowlada ‪#‎Puntland‬ Sida Dhulka, cirka, badda iyo hawada sare.
Waa arin ‪#‎Dastuuri‬ Ah oo aan marnaba cidne laga yeelayn kala‪#‎Qaybinta‬ Puntland.
Kuwa hada ka ‪#‎Qaylinaya‬ Hargeysa laga yeeli mayo in ay dhul Puntland ay leedahay ku sii ‪#‎Joogaan‬ Si qaldan iyo jajuub kuwa kalane warkoodaba iska daah.
Degmada ‪#‎Laascaanood‬ Waqti aan fogeyn ayey Dowlada Puntland‪#‎Gacanta‬ Kusoo dhigaysaa.
Wax walbe meel ‪#‎Fiican‬ Bay mrayaan.

THE LOVE AND JOY MOVEMENT!!

                                                                         


“Time has come again and Love is in the air” It’s clear that those of us that love Allah( SWT), also love life, happiness, laughter, humanity and all that is good. Therefore we are starting a Love and Joy Movement. We shall overcome, Lol! Seriously though!

Friday, August 7, 2015

Jen: ‪#‎Cabdirisaaq‬ Afguduud _ Oo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada ‪#‎Puntland‬ ::: Hadda loo Magacaabay!!

                                                                           


‪#‎Breaking‬ News: Jen: ‪#‎Cabdirisaaq‬ Afguduud, oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada ‪#‎Puntland‬
‪#‎Wareegto‬ Ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Proff: ‪#‎Cabdiweli‬ Maxamed Cali Gaas, ayaa Jeneral Cabdirisaaq‪#‎Afguduud‬ Loogu magacaabay ‪#‎Taliyaha‬ Ciidanka Booliska Puntland, ka dib markii Xilka laga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Puntland Jen: ‪#‎Maxamed‬ Siciid Jaqanaf.
Waxaan leenahay ‪#‎Hambalyo‬ Hambalyo jeneral Afguduud, Allaha u fududeeyo xilka Adag ee uu umada Puntland iyo dalkaba u qaaday

Thursday, August 6, 2015

Shirka Gollaha ‪#‎Xukuumadda‬ Puntland oo uu maanta shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Proff: ‪#‎Cabdiweli‬ Maxamed Cali Gaas


                                                         





Shirka Gollaha ‪#‎Xukuumadda‬ Puntland oo uu maanta shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Proff: ‪#‎Cabdiweli‬ Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaaladda Gobalka ‪#‎Sool‬Qorshaha Doorashooyinka ‪#‎Soomaaliya‬ 2016-ka, Xeerka Nidaaminta‪#‎Magaalooyinka‬ Sharciga ‪#‎Patroolka‬ Soomaaliya iyo Warbixino kale.
Halkaan hoose ka ‪#‎Akhriso‬ War-saxaafadeedka oo dhamaystiran.

Saturday, August 1, 2015

Sir Culus Akhri-Wikileaks oo kashifay In Somtel-Dahabshiil Maamulka Siilaanyo U qaabilsan tahay basaasida Emailada Iyo Dhegaysiga Telefonada "Emailo Ay Somtel U dirtay Hacking Team"




--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------Sir sidaha Wikileaks, ayaa baahiyey farriimo (Emails) sir ah oo ay is waydaarsadeen shirkadda Isgaadhsiinta Somtel -Dahabshiil Group iyo Koox Talyaani ah oo iibisa barnaamijyada lagu basaaso dadka ee lagu jabsado xogaha ku jira kombuyuutarada iyo telefoonnada casriga ah (Italian Surveillance Malware Vendor Hacking Team),
kuwaasoo muujiyey sida shirkada Somtel u doonayso in ay basaasto shacabka, isla markaana macluumaadkooda ugu gudbiso hay’adaha ammaanka Somaliland.
Sir-sidaha Wikileaks oo 8 July 2015, baahiyey 1 milyan oo farriimood (emails) oo ay caalamka u kala direen shirkaddan ka shaqaysata iibinta barnaamijyada lagu basaaso dadka ee Talyaaniga ah, ayaa shirkadda Somtel ka mid ah shirkadaha ay la yeesheen xidhiidhkan, iyagoois waydaarsaday farriimo internetka ah oo ay ku wada galeen heshiis qarsoodi ah oo lagu kala iibsanaayo barnaamijyadaas lagu basaasaayo kombuyuutarada iyo moobilada shacabka.
Mr. Ismaciil Ducaale oo ah Madaxa Farsamaha shirkadda Somtel (Chief of Technical Officer, ayaa ka mid ah xubnaha farriimaha ay is waydaarsadeen kooxdan taliyaaniga ah (Hacking Team).
" Qaali Massimilano. Aad baad ugu mahadsan tahay jawaabtaada. Waxa aannu door muuhim ah oo wada shaqayneed la leenahay dawladda oo marka ay u baahdaan xog ammaan ah, waannu siina, sidaa darteed, waxa aannu awooddi doona inaannu saxeexno heshiiska qarsoodiga ah (Non-disclosure Agreement) iyo nidaamka lagu xadaayo xogta (RC),” ayaa lagu yidhi farriinta Ismaciil Ducale diray oo tix-raaceedu yahay RE: I:Sometel, isla markaana Email-ka lambarkiisu ahaa 435037, lagana diray Email-kaismail.dualeh@somtelnetwork.net, loona diray Emaylo ka mid ah kooxdaas oo ahaam.luppi@hackingteam.itiyorsales@hackingteam.it, isla markaana uu lahaa qof magaciisu yahay Massimilano.
Geesta kale, kooxdan Talyaaniga ah ee Somtel la gashay heshiiska ah in ay ka iibiso barnaamijyada wax lagu basaaso, ayaa farriinta u soo diray Mr. Massimiliano Luppi[mailto:m.luppi@hackingteam.it], kaasoo Emailkiisa soo diray 13 November, 2012, gaar ahaan markay saacadu ahayd 1:14 duhurnimo, ayaa Mr. Ismaciil Ducaale u sharraxay in ay leeyihin barnaamij la yidhaa RCS (Revision Control) oo basaasaya kombuyuutarada iyo moobilada casriga ah, kana soo gudbinaya dokumantiyada qofku isticmaalay oo dhan; waxaana lagu ydihi farriinta xogtan lagu siiyey sarkaalka shirkadda Somtel ka tirsan;
"Qaali Mr. Dualeh, aad baad ugu mahadsan t ahay inaad nala soo xidhiidhaan, aadna u danaysaan tiknoolajiyadayada.
Barnaamijka RCS (Revision Control System) waxa loo qaabeeyey inuu hab qarsood ah oo sira u weeraro, fayras u gudbiyo, isla markaana kormeer ku sameeyo kombuyutarada (PCs), telefoonnada casriga ah (Smart-phone). Marka bartilmaameedka loogu talagalay fayraska lagu shubo, waxa uu RCS kuu ogolaanaya inaad hesho macluumaad kala duwan oo ay ka mid yihiin; xogta la isku waydaarsado Skype (VOIP, Chat), qoraalada aan nidaamka tiknoolajiga ah loo qorin (All Unicode Languages), farriima, faylasha xasaasiga ah, sawirro uu kaaga soo qaado, cod-baahiyayaasha oo uu kuu basaaso, kamaradaha oo moobilada iyo kombuyuutarada oo sawirro uu kaaga soo gudbiyo iwm. Waxa barnaamijkan xogta ka soo gudbinaya kombuyuutarad ay ku jiraan barnaamijyada kala ah; windows XP/Vista/7 (32 & 64 bit) iyoi Mac-OS, halka telefoonada casriga ah ee Windows Mobile, iPhone, Symbian, Blackberry iyo Android uu kuu basaasi karo.
Diyaar ma u tahay inaad eegto laba muqaal oo RCS oo website ku saabsan?http://www.hackingteam.it/index.php/remote-control-system,” ayaa lagu soo gunaanaday Email,loo soo diray sarkaalka shirkadda Somtel xidhiidhkan u sameeyey.
Sidoo kale, waxa masuulka shirkadda Talyaaniga ah ee basaasta internetku la socodsiiyey shirkadda Somtel in nidaamka sharcigooda iyo siyaasadoodu u dhigayso in barnaamijyadan ay ka iibiyaan dawladda, sharci fulinta iyo hay’adaha ammaanka oo kaliya.
"Sida aad arki kartaan, siyaasadayadu waxa ay noo ogolaanaysa in wax-soo-saarkayaga aan ka iibino xukuumada, sharci fulinta, hay’adaha ammaanka oo kaliya. Marka aan eego xogta aad bixiseen, waxa ad la socotaan in anaannu bixin wax ku saabsan goobaha aanu ku suganahay, balse niadaamkayagu waa inaannu la shaqayno hay’ayaha maxaliga ah sida idinka oo kale, taas macnaheeduna waa haddii aad leedihiin ganacsi aad u muhiim ah, waxa aannu idin siinayna in hal sanno oo aanu idin difaacno ah. Sidaa darteed, si aan hawsha u sii wadno wax aanu u baahanahay in aannu ogaanno hay’adda aan la hadlayno cida ay tahay. Haddii shay kasta sida tooska u socdo, waxa aynu sii wadi doona saxeexa heshiiskeena qarsoodiga ah (NDA), waxaannu diyaarin doona kulanka heshiiskeenu ku dhacayo,” ayaa lagu soo gebagebeyey farriinta amma Email ka yimi shirkadda Talyaaniga ah.

Sir Culus Akhri-Wikileaks oo kashifay In Somtel-Dahabshiil Maamulka Siilaanyo U qaabilsan tahay basaasida Emailada Iyo Dhegaysiga Telefonada "Emailo Ay Somtel U dirtay Hacking Team"

Sir sidaha Wikileaks, ayaa baahiyey farriimo (Emails) sir ah oo ay is waydaarsadeen shirkadda Isgaadhsiinta Somtel -Dahabshiil Group iyo Koox Talyaani ah oo iibisa barnaamijyada lagu basaaso dadka ee lagu jabsado xogaha ku jira kombuyuutarada iyo telefoonnada casriga ah (Italian Surveillance Malware Vendor Hacking Team),
kuwaasoo muujiyey sida shirkada Somtel u doonayso in ay basaasto shacabka, isla markaana macluumaadkooda ugu gudbiso hay’adaha ammaanka Somaliland.
Sir-sidaha Wikileaks oo 8 July 2015, baahiyey 1 milyan oo farriimood (emails) oo ay caalamka u kala direen shirkaddan ka shaqaysata iibinta barnaamijyada lagu basaaso dadka ee Talyaaniga ah, ayaa shirkadda Somtel ka mid ah shirkadaha ay la yeesheen xidhiidhkan, iyagoois waydaarsaday farriimo internetka ah oo ay ku wada galeen heshiis qarsoodi ah oo lagu kala iibsanaayo barnaamijyadaas lagu basaasaayo kombuyuutarada iyo moobilada shacabka.
Mr. Ismaciil Ducaale oo ah Madaxa Farsamaha shirkadda Somtel (Chief of Technical Officer, ayaa ka mid ah xubnaha farriimaha ay is waydaarsadeen kooxdan taliyaaniga ah (Hacking Team).
" Qaali Massimilano. Aad baad ugu mahadsan tahay jawaabtaada. Waxa aannu door muuhim ah oo wada shaqayneed la leenahay dawladda oo marka ay u baahdaan xog ammaan ah, waannu siina, sidaa darteed, waxa aannu awooddi doona inaannu saxeexno heshiiska qarsoodiga ah (Non-disclosure Agreement) iyo nidaamka lagu xadaayo xogta (RC),” ayaa lagu yidhi farriinta Ismaciil Ducale diray oo tix-raaceedu yahay RE: I:Sometel, isla markaana Email-ka lambarkiisu ahaa 435037, lagana diray Email-kaismail.dualeh@somtelnetwork.net, loona diray Emaylo ka mid ah kooxdaas oo ahaam.luppi@hackingteam.itiyorsales@hackingteam.it, isla markaana uu lahaa qof magaciisu yahay Massimilano.
Geesta kale, kooxdan Talyaaniga ah ee Somtel la gashay heshiiska ah in ay ka iibiso barnaamijyada wax lagu basaaso, ayaa farriinta u soo diray Mr. Massimiliano Luppi[mailto:m.luppi@hackingteam.it], kaasoo Emailkiisa soo diray 13 November, 2012, gaar ahaan markay saacadu ahayd 1:14 duhurnimo, ayaa Mr. Ismaciil Ducaale u sharraxay in ay leeyihin barnaamij la yidhaa RCS (Revision Control) oo basaasaya kombuyuutarada iyo moobilada casriga ah, kana soo gudbinaya dokumantiyada qofku isticmaalay oo dhan; waxaana lagu ydihi farriinta xogtan lagu siiyey sarkaalka shirkadda Somtel ka tirsan;
"Qaali Mr. Dualeh, aad baad ugu mahadsan t ahay inaad nala soo xidhiidhaan, aadna u danaysaan tiknoolajiyadayada.
Barnaamijka RCS (Revision Control System) waxa loo qaabeeyey inuu hab qarsood ah oo sira u weeraro, fayras u gudbiyo, isla markaana kormeer ku sameeyo kombuyutarada (PCs), telefoonnada casriga ah (Smart-phone). Marka bartilmaameedka loogu talagalay fayraska lagu shubo, waxa uu RCS kuu ogolaanaya inaad hesho macluumaad kala duwan oo ay ka mid yihiin; xogta la isku waydaarsado Skype (VOIP, Chat), qoraalada aan nidaamka tiknoolajiga ah loo qorin (All Unicode Languages), farriima, faylasha xasaasiga ah, sawirro uu kaaga soo qaado, cod-baahiyayaasha oo uu kuu basaaso, kamaradaha oo moobilada iyo kombuyuutarada oo sawirro uu kaaga soo gudbiyo iwm. Waxa barnaamijkan xogta ka soo gudbinaya kombuyuutarad ay ku jiraan barnaamijyada kala ah; windows XP/Vista/7 (32 & 64 bit) iyoi Mac-OS, halka telefoonada casriga ah ee Windows Mobile, iPhone, Symbian, Blackberry iyo Android uu kuu basaasi karo.
                                                     
                                                                      


Diyaar ma u tahay inaad eegto laba muqaal oo RCS oo website ku saabsan?http://www.hackingteam.it/index.php/remote-control-system,” ayaa lagu soo gunaanaday Email,loo soo diray sarkaalka shirkadda Somtel xidhiidhkan u sameeyey.
Sidoo kale, waxa masuulka shirkadda Talyaaniga ah ee basaasta internetku la socodsiiyey shirkadda Somtel in nidaamka sharcigooda iyo siyaasadoodu u dhigayso in barnaamijyadan ay ka iibiyaan dawladda, sharci fulinta iyo hay’adaha ammaanka oo kaliya.
"Sida aad arki kartaan, siyaasadayadu waxa ay noo ogolaanaysa in wax-soo-saarkayaga aan ka iibino xukuumada, sharci fulinta, hay’adaha ammaanka oo kaliya. Marka aan eego xogta aad bixiseen, waxa ad la socotaan in anaannu bixin wax ku saabsan goobaha aanu ku suganahay, balse niadaamkayagu waa inaannu la shaqayno hay’ayaha maxaliga ah sida idinka oo kale, taas macnaheeduna waa haddii aad leedihiin ganacsi aad u muhiim ah, waxa aannu idin siinayna in hal sanno oo aanu idin difaacno ah. Sidaa darteed, si aan hawsha u sii wadno wax aanu u baahanahay in aannu ogaanno hay’adda aan la hadlayno cida ay tahay. Haddii shay kasta sida tooska u socdo, waxa aynu sii wadi doona saxeexa heshiiskeena qarsoodiga ah (NDA), waxaannu diyaarin doona kulanka heshiiskeenu ku dhacayo,” ayaa lagu soo gebagebeyey farriinta amma Email ka yimi shirkadda Talyaaniga ah.

Friday, July 31, 2015

PHOTO NEWS:- Sidee Madaxwaynaha Dawladda Puntland loogu soo dhaweeyay Degmada Burtinle.




                                                                    











Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta sidiiran loogu soo dhaweeyay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Boqolaal dadwaynaha oo isugu jiray Waxgaradka, Haween dhalinyarada Magaalada ayaa Madaxwaynaha ka hortagay, waxaana sidoo kale gudaha magaalada joogay lamaiyada hareerihiisa dadwayne farabadan.
Madaxwaynaha ayaa ku dhexlugeeyay Magaalada Burtinle, waxaana isagoo shacabka la hadlay uu mahad balaaran u jeediyay soo dhawyantii diiranayd ee loo sameeyay.
Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono qaybaha kala duwan ee Bulshada oo odayaashu ugu horeeyaan.
Hoos ka daawo sawirro

SANAD GUURO WANAAGSAN: PUNTlanD:)

                                                   https://youtu.be/503wz4MVC-A





SANAD GUURO WANAAGSAN:– Daawo Hees Cusub Oo la baxday “Tagtayoo Puntland”..
Waa heestii loogu tala galay sanadguurada 17:aad ee Puntland state of Somalia. Erayadii Abwaan Ciiro Ahmed Xasan, Laxankii C/Casiis Iskalaaji, Music by Siidii Cali Wiinkey iyo Codkii Laki H. Wacays. Special Thanks to Goobe Studio and Goobe Video Production.

Sarah Palin's Latest Fail: Online Channel Goes Under

Saturday, July 25, 2015

Obamamania sweeps Kenya as resourceful businesses cash in on visit.....


                                                   

Family is family where ever they are amazing feeling peaceful love ! :)

Sunday, June 21, 2015

GAROWE: Dib U Laabashadda Cali Xaaji Warsame & Soo Dhaweynta Aaran-Jaan !!!!. ----------------------------


                                                     


Maantay waxaa dib ugu soo laabtay Garowe Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Dawlada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame kaasi oo mudo dheer dalka dibadda uga maqnaa, isla markaana isku shaandheyn uu sameyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Gaas xilkiisa ku waayey JUNE 16, 2015, ka dib markii Wasiirka Waxbarshadda loo magacaabay Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
Soo dhaweyntii maantay loogu sameeyay Garowe, waa mid siyaasad badan wadatta, Saxaafaddu waxa ay ogaatay in dhaqaalaha gawaarida lagu kireyay ay bixiyeen qaar ka mid ah Kooxdii Aaran-jaan ee Madaxweyihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kuwaas oo hadda siyaasad ahaan aan meelna ka joogin dalka.
Aaran-jaan waxa ay ahaayeen koox ka shaqeysay burburinta Puntland, inta badan dhegta wax ugu sheegi jiray Cabdiraxman Farole, waxaa hogaamiye u ahaa wiil uu dhalay, iyo shaqsiyaad inta badan lagu adeegto, Puntland intii ay maamulkeeda hayeen wax ay uga tageen dhaqaale xumo, amni xumo iyo weliba in ay kala qeybiyeen shacabkii ku heshiiyey Puntland.
Kooxdaasi maantay waxa ay gacanta ku hayaan Cali Xaaji Warsame, waxa ay adeegsadaan Websiyado dhowr ah, kuwa cusub oo ay hawadda soo geliyeen, iyo dhalinyaro ay siiyaan xooga lacago ah si ay wararka ugu qoraan dalka iyo dadka burburinaya.
Inkastoo aan siyaasad ahaan si weyn loo aqoon, haddana waxa uu Cali Xaaji ku soo caan baxay markii loo magacaabay wasiirka Waxbarshadda, Cali waxa uu wax badan ka qabtay arimaha waxbarshadda Puntland, waxa uu tagay dhammaan inta badan Goboladda dalka, waxa uu dhiiro geliyey Maamulka waxbarshadda, waxa uu ka shaqeeyay in la helo waxbarsho mideysan iyo Imitaxaan guud oo ardayda wada galaan.

Saturday, May 16, 2015








Sabti, May 16, 2015 (Abdirashid Ciid) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ,ka dib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay wadamada Talyaaniga ,isu tagga Imaaraadka Carabta iyo waliba Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacab badan ayaa Madaxwenaha kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.
“Ujeeddada aan u baxnay waxay ahayd horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, is-badalka dowladiga ah wuxuu ku xiran-yahay in wax laga qabto arimaha dhaqaalaha," ayuu yiri madaxwenaha oo hadal kooban warbaahinta siiyay.
”Madaxda wadanka Talyaaniga waxaan kawada hadalnay in mashaariicda ay wadanka ka fuliyeen ay sii laba jibaaraan oo mashaariic kale oo horleh ay ka keen Puntland waana raje-ynaynaa in wada hadalkayagu mira dhalo ” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.
Waxa kaloo madaxweyne Gaas uu sheegay in magaalada Nairobi uu kala kulmay safiirada Midowga Yurub, Maraykanka, Holland, Swedan iyo madax ka tirsan Bangiga Adduunka, waxaana Dhamaantood uu Sheegay inuu kala hadlay Arrimo la xiriira Wax-ka-Qabashada dhaqaalaha Puntland.
Ugu dambeyn, imaanashaha madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Puntland ay ku baaqeen shir deg-deg ah oo looga tashanayxaaladda Puntland ,waxaana Xildhibananadu ay dalbadeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda hadda shaqaynaysa si xal loogu helo arimo ay kamid yihiin amniga iyo dhaqaalaha.

Thursday, April 16, 2015

Jubbaland !!



Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland



Waxaa shalay si rasmi ah loo shaaciyay Magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan Xildhibaanada kamidka noqonaya Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ee hada xaruntiisu tahay Magaalada Kismaayo.

Kulan shalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Ee Magaalada Kismaayo ayaa lagu shaaciyay Magacyada iyo qabaa’ilka xubnaha Cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Jubbaland.
Kulanka shalay lagu shaacinayay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Xubno Matalayay Urur Gobaleedka IGAD,Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,

Xildhibaanada Baarlamanaka Jubbaland ayaa noqday 75-Xildhibaan waxaana si KMG ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland loogu doortay Sh Cabdi Yuusuf Oo ah Ninka ugu Da’da weyn xubnaha kamid noqday Baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaanadan Cusub ee kamidka noqday Baralamaanka Maamulka Jubbaland ayaa durba la dhaariyay, waxaana la filayaa in dhawaan ay yeeshaan kulankooda ugu horeeya si ay uga arinsadaan doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa.


Halkan ka Aqriso Magacyada iyo Sida ay Qabiilada u kala heleen Xildhibaanada Jubbaland


Ogaadeen

1 Ali Abdi Mahamed(hoog)
2 Riyaaq Aabdi hasan
3 Mahamed Sh.Aabdi Kilaas
4 Abdi hiish Shide
5 huseen hirsi Ahmed
6 Mahamuud Mahamed Faarah
7 Geele Muhumed Aadan
8 Hasan Shacbaan Mahamed
9 Aadan Cali Iftiin
10 Shukri Salah Abdullaahi
11 Qureesho Aabdulle hasan
12 Aadan Daahir Hasan
13 Bashiir Mahamed Baahale
14 Ahmed Abdi Diiriye(Aaraale)
15 Sh.Abdi Yuusuf Aali
16 Sh.Mahamed Huseen Dhoofaan
17 Ahmed Hasan Abdi
18 Siraaje Sahal Barre
19 Ali Hasan Aadan
20 Abdirahmaan haaji A/kariim
21 Ismaaciil Yuusuf Abdi(Aaato)

Beesha Mareexaan

1 Abdi Mahamed Abdi Mareehaan
2 Mahamed Affey Mahamuud Mareehaan
3 Mahamed Iftiin Mahamed Mareehaan
4 Mahamed Barre Abdi Mareehaan
5 Abdikariim Sh.Ailmi Faarah Mareehaan
6 Faadumo Faarah Aadan Mareehaan
7 Faarah Ibraahim hasan Mareehaan
8 Abdi yarow huseen Mareehaan
9 Bashiir Faaqid Buraale Mareehaan
10 Mahamed Nuur Aali Mareehaan
11 Mahamed Daa,uud Aumar Mareehaan
12 Ibraahim Aabdullaahi Yuusuf Mareehaan
13 Bile Aabdi Aabdulle Mareehaan
14 Shire Aabdi Mahamed Mareehaan
15 Mahamuud Mahamed Aabdulle Mareehaan
16 Ahmed Mahamed Abuukar Mareehaan
17 Shoaib Ibraahim Faarah Mareehaan
18 Mahamed Nuur Buule Mareehaan
19 Ahmed IsmaaAiil Mahamed Mareehaan

Digil iyo Mirifle.

1 Abdi Isaaq Ibraahim Garre
2 Isaaq huseen Ibraahim Garre
3 Abdi kaamil mahamed shariif Asharaaf
4 Mahamed Abdi Salaan Mayow Geledle
5 Ahmed Abdi hafiid Mahamed Dabarre
6 Abdi Mahamed Aabdirahmaan Yantaar
7 Diinow Abdullaahi Mahamed Gagaweyn
8 Mukhtaar Mahamed Mahamuud Eeley
9 Ali Guure Mahamed Macalinweyne
10 Hussein shiinow Ali Macalinweyne

Harti

1 Abdullaahi Mahamed Nuur Harti
2 Hiirad IsmaaAiil Mahamed Harti
3 Aadan Khaliif Yuusuf Harti
4 Abdihakiim Jaamac Ailmi Harti
5 Bashiir Ahmed Aumar Harti
6 Abdirashiid Diiriye Cusmaan Harti
7 Mahamed Cali Yuusuf Harti


Sheekhaal

1 Faadumo Gurey Aali Sheekhaal
2 Khadiijo Aadan Aabdi Sheekhaal
3 Abuubakar Bashiir Aabdullaahi Sheekhaal

Gaaljecel

1 Osmaan huseen Bastoolo Gaaljecel
2 Abdi Baaley huseen Gaaljecel
3 Abdiqaadir Sheekh Ibraahim Gaaljecel

Dir/Biyomaal

1 Abdullaahi Huseen Ali Biyomaal
2 Abdirashiid Hasan Faarah Biyomaal
3 Huseen yussuf Hassan Biyomaal

Cawrmale

1 Mahamed Salaad Ali Cawrmale
2 Iftiin Hasan Baasto Cawrmale

Jareerweyne

1 Abaas Aali Ibraahim Jareer Weyne
2 Cusmaan huseen Fayruus Jareer Weyne

Baajuun


1 Bakaar Osmaan Ali Baajuun
2 Muse Baheero Banaa Baajuun

Leylkase


1 Abdiwaahid Ahmed Mahamed

Ajuuraan

1 Abdi Ahmed Qaasim

Wardeey

1 Omar Burale Ahmed Wardey

Thursday, April 2, 2015

(¯ `•.|/.•´¯) ▒ _______/)______./¯"""/')____ (¯ `•.|/.•´¯) ▒ ¯¯¯¯¯¯¯¯)¯¯¯¯¯'_„„„„)____ ─. R/Wasaare Cumar CC SH_ uu xiligaani banaan joog ka yahay Xafiiskiisa. !!!






(¯ `•.|/.•´¯) _______/)______./¯"""/')____ (¯ `•.|/.•´¯) ¯¯¯¯¯¯¯¯)¯¯¯¯¯'_„„„„)____ ─.  R/Wasaare Cumar CC SH_ uu xiligaani banaan joog ka yahay Xafiiskiisa. !!!

Siyaasiyiin ku dhow dhow Ra'isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa Xaqiijiyay in R/Wasaare Cumar uu xiligaani banaan joog ka yahay Xafiiskiisa.Waxa ay xaqiijiyeen in Madaxweyne Xassan uu cadaadin xoogan ku hayo Ra'isul wasaaraha, islamarkaana uusan xor u aheyn Ku dhaqaaqista go'aanada kaga aadan Siyaasada dalka.Mid kamid ah Saaxiibada Cumar Cabdirashiid Ayaa tilmaamay in Madaxweyne Xassan iyo xulafadiisuay ka dhamaan la' yihiin Xafiiska Ra'isul Wasaaraha, waxa uuna sheegay inay iska yartahay talaabooyinka uu qaadi karo Cumar Cabdirashiid.''Dhab ahaantii Somalia waxa ay ka caagan tahay Cadaalada iyo kala dambeynta, waa Wax jira in Cumar Cabdirashiid uu xiligaani ku shaqeynaayo magac aan awood madax-banaan laheyn, Waxaa la xadiday talaabooyinka kaga aadan Siyaasada dalka, run ahaantii waxaarumooweysa waxyaabihii laga sheegi jiray Dam-Jadiid''Waxa uu sheegay in ficil waliba uu sameynaayo Ra'isul wasaaraha uu marka hore kala tashanaayo xubno badan oo ka tirsan Dam-jadiid, islamarkaana ka Hoos shaqeeya xafiiskiisa.Ugu dambeyntii, waxa uu Madaxweyne Xassan iyo xulafadiisuu jeediyay Inaysan afka qaban dadka wax tarka u ah dalka Somalia,waxa uuna ka digay faragalinta lagu hayo Xafiisyada     ………………………………….. J

Sunday, March 29, 2015

Topnews:-Weerarkii Hotel Maka oo xogtiisa la helay iyo Wiil uu abti u yahay Milkiilaha oo fuliyay?

                 http://waagacusub.info/articles/805/Topnews-Weerarkii-Hotel-Maka-oo-xogtiisa-la-helay-iyo-Wiil-uu-abti-u-yahay-Milkiilaha-oo-fuliyay

Topnews:-Weerarkii Hotel Maka oo xogtiisa la helay iyo Wiil uu abti u yahay Milkiilaha oo fuliyay?


Abdirashid  Ciid Osman.info - Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Dowladda Somalia ayaa ka shaqeeyay qorshaha weerarkii lagu qaaday Hotel Maka Al Mukarama hasse yeeshee farsamadda ay fulinta weerarkaas u mareen ayaa noqotay mid yaab badan.
"Saraakiisha Villa Somalia oo adeegsanaya ganacsato taageera Al-Shabaab waxeey ku guuleeysteen in xiriir lala sameeyo wiil uu abti u yahay Maamulaha Hotel Maka Al Mukarama Gureey Xaaji Xasan,wiilka  oo ku jiray kooxda Al-Shabaab ,waxaa lagu  yiri Abtigaa wac oo lacagta Zakada Al-Shabaab ka qaad”ayuu yiri Sarkaal xog ogaala oo qisada loo weeraray Hotel-ka uga sheekeeyay Waagacusub.
Wiilka oo lagu magacaabo Nuradiin Cali Ospito waxaa dhashay Gureey walaashiis la yiraa Caasha Xaaji Xasan ,wuxuuna wacay Abtigiis isagoo weeydiiyay inuu bixiyo Zakadda Al-Shabaab laakiin abtigiis wuxuu yiri "Aniga nimankaas aad la joogtid waxba uma haayo Zako abti iga raali noqo”
Nuradiin Ospito wuxuu ku yiri "Abti Murtadiinta waxaad siisaa lacag ciidda ka badan ,hadaad Zakadda ku bixin weeysid todobaad gudahiis, tilaabo ayaan kaa qaadeeynaa”
Gureey Xaaji waa iska dhega tiray hanjabaada wiilkiisa hasse yeeshee Ganacsatadii Beesha Xawaadle ee Wiilka adeeradda u ahaay ayaa Nuuradiin mar labaad la xiriiray,waxeeyna weeydiiyeen wuxuu kala kulmay.
Ina Cali Ospito ayaa wixii dhexmaray isaga iyo abtigii Gureey uga sheekeeyay laakiin maadama weerarka ahaa mid laga qorsheeyay Villa Somalia,uuna abaabulkiisa u xilsaarnaa Wasiirka Amniga Mr Cabdirisaq  waxaa lagu yiri "Ragaaga diyaarso,anagana kuwa ku caawiyo ayaan kuu diyaarineynaa,markaad gudaha gashidna adigoo bad qabo ayaad ka laaban doontaa”
Maamule Gureey Xaaji wuxuu isku dayay inuu Hotel-ka dhabarkiisa dambe xiro laakiin Gudoomiyaha Degmadda Hodan iyo Saraakiisha Nabadsugidda Damujadiid ayaa u diiday maadama ay la socdeen qorshaha weerarka taas oo aan suurtagal noqon laheyn hadii la xiro jidkaas dhabarka dambe.
"Gudoomiyaha Degmadda Hodan wuxuu iiga daba yimid xitaa Gudoomiyaha gobolka Markaan u tegay,wuxuu ka shaqeeynayay inuu fashiliyo amaanka Hotel-ka,wuxuuna si cad u diiday inaan xirto seeto ama silsilad dhabarka Hotelka"ayuu yiri Gureey Xaaji oo shir Jaraa-id ku dhex qabtay Hotel-kiisa.
Dableeyda weerartay Hotel Maka waxeey dhamaantood wateen Tuutaha nuuca cusub ee la siiyay Melleteriga Somalia taas oo ka marqaati kacday iney tuutahaas bixiyeen Taliyaha xooga Indha qarsho iyo ku xigeenkiisa Cabdullahi Macalin Nuur.
Nuradiin Cali Ospito oo gacan ka helaya ,Wasiirka Amniga,Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugida Ruuxaanta Damujadiid waxaa loo gudbiyay Baabuurkii qaraxyadda ka buuxeen iyo dableeydii uu watay,waxeeyna sidaas ku galeen Hotel Maka Al Mukarama.
Ina Cali Ospito wuxuu qaraxyadiisii ku dhaawacay hooyadii dhashay oo gacan ka jabtay sidoo kalena ilaa subaxdii waxeey ka dhex raadinayeen Hotel-ka Abtigiis Gureey Xaaji Xasan.
Gureey Xaaji Xasan maalintaas jimcaha wuxuu ku maqnaa badda Xeebta Liido ,kumana jirin Hotel-ka ,sidoo kalena Maamulahii Hotel-ka wuxuu iska soo tuuray dabaqa labaad markii lagu garaacay Albaabka qolkii uu ku jiray.
Waxyaabaha shakiga badan abuuray ee dib laga ogaaday waxaa ka mida in Xabadda Hotel-ka bilaabatay afartii galabnimo iyo daqiiqado iyadoo Ciidanka Gaashaan tegeen lixdii maqribnimo.
Ciidanka Nabadsugidda iyo kuwa gurmadka degdega ee Kumaandoos waxeey jaanis siinayeen dableeyda gudaha ku jirtay ee xasuuqa baahsan waday ,iyadoo la rumeeysan yahay iney Maleeshiyaadka Madaxtooyadda laftooda gudaha la galeen.
Intii Ina Cali Ospito ku jiray gudaha waxeey dadka saarayeen Maxkamad Islaamiya iyadoo ilaa seddex qofood gacmaha laga jaray.
MAXAA U SABABA IN GUREEY XAAJI XASAN NOQDO BARTILMAAMEED.
Ganacsade Gureey xaaji wuxuu mudo dheer mucaaradsanaa siyaasadda guracan ee Madaxweyne Garguurte ku burburiyay Qaranimadda Somalia.
Gureey Xaaji wuxuu ahaa ganacsadaha kaliya ee shir beelweynta Abgaal u dhan tahay ka dhex yiri "Xildhibaanadda hana dhaafiyeen Xasan Sheekh Maxamuud”
Ganacsade Gureey wuxuu Hotel-kiisa noqday hooyga ay ku shiraan siyaasiyiinta Mucaaradsan Madaxweyne Garguurte iyo kooxdiisa Damujadiid laakiin ugu dambeyn waxaa loo maleegay shirqool galaaftay Hotelkiisii Maka Al-Mukarama.
Madaxda Dowladda Somalia waxeey qariyeen meeydadkii Hotel-ka laga helay iyagoo ku sheegay tiro dhan labaatan qof ,halka lagu qiyaasay dhowr iyo afartan qof.
Sikastaba ha ahaatee,Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Damujadiid waxeey dileen Wiilkii hoowlgalkaas fuliyay ee Nuradiin Cali Ospito ,iyadoo sababtana lagu sheegay inaan la helin xog dheeriya oo ku saabsan dadkii abaabulay hoowlgaladaas