--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------Sir sidaha Wikileaks, ayaa baahiyey farriimo (Emails) sir ah oo ay is waydaarsadeen shirkadda Isgaadhsiinta Somtel -Dahabshiil Group iyo Koox Talyaani ah oo iibisa barnaamijyada lagu basaaso dadka ee lagu jabsado xogaha ku jira kombuyuutarada iyo telefoonnada casriga ah (Italian Surveillance Malware Vendor Hacking Team),
kuwaasoo muujiyey sida shirkada Somtel u doonayso in ay basaasto shacabka, isla markaana macluumaadkooda ugu gudbiso hay’adaha ammaanka Somaliland.
Sir-sidaha Wikileaks oo 8 July 2015, baahiyey 1 milyan oo farriimood (emails) oo ay caalamka u kala direen shirkaddan ka shaqaysata iibinta barnaamijyada lagu basaaso dadka ee Talyaaniga ah, ayaa shirkadda Somtel ka mid ah shirkadaha ay la yeesheen xidhiidhkan, iyagoois waydaarsaday farriimo internetka ah oo ay ku wada galeen heshiis qarsoodi ah oo lagu kala iibsanaayo barnaamijyadaas lagu basaasaayo kombuyuutarada iyo moobilada shacabka.
Mr. Ismaciil Ducaale oo ah Madaxa Farsamaha shirkadda Somtel (Chief of Technical Officer, ayaa ka mid ah xubnaha farriimaha ay is waydaarsadeen kooxdan taliyaaniga ah (Hacking Team).
" Qaali Massimilano. Aad baad ugu mahadsan tahay jawaabtaada. Waxa aannu door muuhim ah oo wada shaqayneed la leenahay dawladda oo marka ay u baahdaan xog ammaan ah, waannu siina, sidaa darteed, waxa aannu awooddi doona inaannu saxeexno heshiiska qarsoodiga ah (Non-disclosure Agreement) iyo nidaamka lagu xadaayo xogta (RC),” ayaa lagu yidhi farriinta Ismaciil Ducale diray oo tix-raaceedu yahay RE: I:Sometel, isla markaana Email-ka lambarkiisu ahaa 435037, lagana diray Email-ka
ismail.dualeh@somtelnetwork.net, loona diray Emaylo ka mid ah kooxdaas oo ahaa
m.luppi@hackingteam.itiyo
rsales@hackingteam.it, isla markaana uu lahaa qof magaciisu yahay Massimilano.
Geesta kale, kooxdan Talyaaniga ah ee Somtel la gashay heshiiska ah in ay ka iibiso barnaamijyada wax lagu basaaso, ayaa farriinta u soo diray Mr. Massimiliano Luppi
[mailto:m.luppi@hackingteam.it], kaasoo Emailkiisa soo diray 13 November, 2012, gaar ahaan markay saacadu ahayd 1:14 duhurnimo, ayaa Mr. Ismaciil Ducaale u sharraxay in ay leeyihin barnaamij la yidhaa RCS (Revision Control) oo basaasaya kombuyuutarada iyo moobilada casriga ah, kana soo gudbinaya dokumantiyada qofku isticmaalay oo dhan; waxaana lagu ydihi farriinta xogtan lagu siiyey sarkaalka shirkadda Somtel ka tirsan;
"Qaali Mr. Dualeh, aad baad ugu mahadsan t ahay inaad nala soo xidhiidhaan, aadna u danaysaan tiknoolajiyadayada.
Barnaamijka RCS (Revision Control System) waxa loo qaabeeyey inuu hab qarsood ah oo sira u weeraro, fayras u gudbiyo, isla markaana kormeer ku sameeyo kombuyutarada (PCs), telefoonnada casriga ah (Smart-phone). Marka bartilmaameedka loogu talagalay fayraska lagu shubo, waxa uu RCS kuu ogolaanaya inaad hesho macluumaad kala duwan oo ay ka mid yihiin; xogta la isku waydaarsado Skype (VOIP, Chat), qoraalada aan nidaamka tiknoolajiga ah loo qorin (All Unicode Languages), farriima, faylasha xasaasiga ah, sawirro uu kaaga soo qaado, cod-baahiyayaasha oo uu kuu basaaso, kamaradaha oo moobilada iyo kombuyuutarada oo sawirro uu kaaga soo gudbiyo iwm. Waxa barnaamijkan xogta ka soo gudbinaya kombuyuutarad ay ku jiraan barnaamijyada kala ah; windows XP/Vista/7 (32 & 64 bit) iyoi Mac-OS, halka telefoonada casriga ah ee Windows Mobile, iPhone, Symbian, Blackberry iyo Android uu kuu basaasi karo.
Sidoo kale, waxa masuulka shirkadda Talyaaniga ah ee basaasta internetku la socodsiiyey shirkadda Somtel in nidaamka sharcigooda iyo siyaasadoodu u dhigayso in barnaamijyadan ay ka iibiyaan dawladda, sharci fulinta iyo hay’adaha ammaanka oo kaliya.
"Sida aad arki kartaan, siyaasadayadu waxa ay noo ogolaanaysa in wax-soo-saarkayaga aan ka iibino xukuumada, sharci fulinta, hay’adaha ammaanka oo kaliya. Marka aan eego xogta aad bixiseen, waxa ad la socotaan in anaannu bixin wax ku saabsan goobaha aanu ku suganahay, balse niadaamkayagu waa inaannu la shaqayno hay’ayaha maxaliga ah sida idinka oo kale, taas macnaheeduna waa haddii aad leedihiin ganacsi aad u muhiim ah, waxa aannu idin siinayna in hal sanno oo aanu idin difaacno ah. Sidaa darteed, si aan hawsha u sii wadno wax aanu u baahanahay in aannu ogaanno hay’adda aan la hadlayno cida ay tahay. Haddii shay kasta sida tooska u socdo, waxa aynu sii wadi doona saxeexa heshiiskeena qarsoodiga ah (NDA), waxaannu diyaarin doona kulanka heshiiskeenu ku dhacayo,” ayaa lagu soo gebagebeyey farriinta amma Email ka yimi shirkadda Talyaaniga ah.