Friday, December 9, 2016

Madxweynaha Puntland oo sheegay inay isaga filan-yihiin kooxaha argagixisada ah

Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa soo dhaweeyay howlgallo ay ciidamada ammaanka Puntland kula wareegeen degmada Qandala oo muddo afartan cisho ka badan gacanta ugu jirtay koox taabacsan ururka Daacish.
                                                                           
   cabdiweli ayaa wareysi uu ku bixiyay Nairobi,wuxuu ku sheegay Puntland inay isaga filan-tahay kooxaha argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya,isagoo marka ammaanay ciidamada amniga ee Puntland.
Wuxuu sheegay malaayin doollar inay ku baxdo ciidamo ajaanib ah oo ku sugan qaybo ka mid ah Soomaaliya,laakin Puntland aan laga dooneyn ciidamada,sida u sheegay.
“Ciidanka Puntland waa ay isaga filan-yihiin koox kasta oo weerar ku soo qaada dhulkooda,”ayuu yiri Cabdiweli.” Dalka ciidamo shisheeyo oo dhaqaalo badan lugu bixiyo ayaa jooga,laakin ciidamada Puntland waa kuwo muujiyay waxqabad la arko,”ayuu ku darey.
Madaxweynaha waxaa kalo uu sheegay inay soo dhaweynayaan taageerro walba oo la siinayo ciidamada ammaanka Puntland,si loo xoojiyo howlgallada ay uga hortagayaan kooxaha gacan-saarka la leh argagixisada ee ku sugan qaybo ka mid ah dalka.
Wuxuu hadalkan ku soo aadiyay madaxweyne Cabdiweli,kaddib markii ciidamada ammaanka ay kula wareegeen degmada Qandala ee gobolka Bari howlgal muddo kooban socday.

No comments:

Post a Comment