QARAXYADDA XAMAR YAA DAMBEEYO OO LAGU TUHMAAYAA?
Qaraxyadda dhiiga badan ee Soomaaliyeed lagu daadinaayo maalinkasta, sideey dad badan aaminsan yihiin ma aha mid ay kaliya ka danbeeyaan shabaab, waxaa jira baaritaan ay wadaan dowlado waaweyn oo lagu baaraayo meesha uu ka imaanaayo qaraxyadaas.
Aqalka Cad ee dowladda Mareeykanka 12, April 2019, wuxuu cusbooneeysiiyay sharcigii hore uu soo saaray Madaxwayne Obama April, 12, 2012.
Waxaana warsaxaafadeedkaas kagu sheegay” Nabad Gelyadda xumida Soomaaliya waxay dhib ku tahay caalamka oo Idil iyo dalka Mareeykanka” waxay sheeegeen qofkasta oo nabada Soomaaliya dhib ku ah inay cunaqateeynayaan oo maxkamad la hor keeni doono.
Hadaba yaa ka dameeya qaraxyadda oo la tuhmayaa?
1- Dowlado ka dhaxeeya loolan dhaqaale iyo awood, kuwasoo isticmaalaayo dad Soomaaliyeed oo howshaas u fuliya.
2- Qandaraasleey Soomaaliyeed oo qandaraas ku soo qaatay, leynta iyo ba’binta shacabka iyo dalka. Kuwaas waxaa ka mid ah Ganacsato, kooxo diimeed iyo siyaasiyiin hore.
3- Iyo kuwa diidan midnimadda iyo wada jirka 5 Soomaaliyeed (separatist group)
Dadka Soomaaliyeed ee jecel nabada, deganaasha, dowladnimadda iyo midnimadda wadajirka umadda Soomaaliyeed, waa inay fahmaan oo ogaadaan meesha laga haaysto.
Wa bilaahi towfiiq
No comments:
Post a Comment