MUSUQMASUQ ( CORRUPTION)
Somalida waxaa ku adag sida loo sameeyo in hal meel wax laga wada arko (one view) - ARAGTI QURA dhaqan ahaan (Social corruption - racism & discrimination), micnihii: waxaan nahay dad aan laheyn towfiiq & is-raac bulsho, taasina waxay fursad u noqotay daneystaha iyo caado-qaataha inuu nagu bato, lug-gooyo badana inoo horseedaan.
Musuqmasuq wuxuu gaaray saqafka halkii u sareeysey aqal Somaligii, ( wax walba oo ay Somali sameysato) sida; golaha ummada (political corruption), hay'adahii adeega iyo kuwa siyaasada, wasaaradaha & wakaaladaha dowlada ( institutional or financial corruption).
Hanjabaada Al- shabaab (categorie jihadiste) & joogitaanka Amisom & Unisom muddo ka badan 20 sano, isla markaana waxba ka bedelin ammaanka dalka ( the big spin ).
Al- ictisaam iyo sunna wal jamaaca ( categorie political islamistic) dhammaan waa nooc ka mid ah musaqa ka jira Somalia, waana taas waxa keenay ummadda Somalida iney ka bixi weydo jid gooyada amniga nagu hayo iyo dunida oo u aragto dhibkeena inuu yahay mid amni, uusan aheyn mid siyaasi.( micnihii: in Somalida aysan ammaankeeda gacantooda ku sameysan karin, in loo sameeyo mooyee.
waxaa arrintaas daliil iyo burhaan u ah in galka arrimaha Somalia laga wareejiyey wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, waxaanna loo wareejiyey wasaaradda gaashaandhiigga (Pentagon ).
dhammaan dalalka Afghanistan iyo Ciraaq weli galkoodu waa mid siyaasi, iyadoo la wada ogsoon yahay dhibka ka taagan dalalkaas.
Kaaga darane, waxaan ku sifoownay, in dowladnimadeenna tahay waxaa loo yaqaan tuugo wax maamuleysa ama madax ka ganacsata kursiga iyo awooda dowlada ( kleptocracy means: rule by thieves or trading in influence) illeyn waa wax ku dhisan 4,5 ( xaaran) & qurun.
Taasina waa mid maanta socota,oo aan waxba soo kordhin karin. ummadda Somalida waxay ku jiri doontaa reer land iyo reer land kale iwm.
in marba walba leysku dul meereysto, leysku rarnaado , leys dulsaarnaado iyo musuqmaasuq weyn oo aan dhammaan laheyn.
Xigasho:- Dr Black

No comments:
Post a Comment