Look at the hypocrisy of the United Nations! & Blaming Puntland
Bal munaafaqnimadaan qaramada midoobay eega! Puntland caruur ayay toogatay ku lahaa!!
Waligiin ma aragteen iyaga oo hal maalinna ka hadlaya sidii loo xasuuqay indheergararkii reer Gaalkacyood?
Gaalkacyo waxaa lagu dilay oday dhaqameedyo, suxufiyiin, saraakiil, hooyooyin iyo ganacsato. Hal maalin ayaa Gaalkacyo lagu dilay Jeneraalkii qeybta 21-aad, taliyihii danab ee gobollada Mudug iyo Galgaduud, taliye kuxigeenkii qeybta 21-aad, 4 gaashaanle sare, duqii hore ee degmada Gaalkacyo iyo tobanaan shacab ah.
Israa'iilyiinta caruurta shacabka ee carbeed xasuuqay waligood iyagoo ka hadlaya yaa arkay marka laga reebo in ay yabooh dhaqaale ku raadiyaan.
Siddeeydaba aniga waxyaabaha aan la igu gaadi doonin waxaa kamid ah mashruuca la baxay xaquuqul insaanka iyo bulshada rayidka ah.
Elman, Abdulkadir Yahye kadib soo kuwa Ururada xuquuqul insaanka noo sheegan jiray maahan Xasan Shiikh iyo Jibril-Jaajuus ninka soomaalidu u bixisay oo labaduba maanta ay caro iyo ciil la gubanayaan haddii ay arkaan afkaar tooda ka soo horjeeda oo shirqool iyo afduub shaqo kama dhigan?

No comments:
Post a Comment