Thursday, August 6, 2026

SOOYAALKA TAARIIKHDA IYO KALITALISNIMADA

 


              

  ️🔥 SOW SAGAARO IMA BARATO:- SOOYAALKA TAARIIKHDA IYO KALITALISNIMADA


Taariikhdu waxay ina baraysaa in kalitalisnimadu aysan mar walba ku dhalan afgambi ama xoog ciidan. Mararka qaarkood waxay ku timaaddaa hoggaamiye si dimoqraadi ah loo doortay oo si tartiib tartiib ah u wiiqa hay'adihii ilaalin lahaa dastuurka iyo kala dambaynta awoodda.

Ilaa ugu dambayn awooddii oo dhan ku ururto isaga. Sidaas darteed, kalitalisnimadu hal maalin kuma dhalato.

 Waxay ka unkantaa duruufo siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale oo muddo soo taxnaa.


️📌 Calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto jidka loo maro waxaa ka mid ah:


️✿ Dhibaato weyn oo dhacda:-

   ►Dagaal.

   ►Burbur dhaqaale.

   ►Amni-darro 

   ►qalalaase siyaasadeed.

Ayaa bulshada ku riixa inay mudnaanta siiyaan xasilloonida.

xitaa haddii qiimaha lagu bixinayaa noqdo in xorriyadaha iyo awood-qaybsiga la dhimo. 

Xilliyadaas kala guurka ah, indheergaradka iyo dadka digniinta bixiya inta badan waa la takooraa oo waxaa lagu tilmaamaa cadowga horumarka iyo dawladnimada.


  💢Hoggaamiye isu muujiya badbaadiyaha:-

 Wuxuu bulshada ku qanciyaa in isaga mooyee uusan jirin ruux kale oo dalka badbaadin kara. 

Mar kasta oo dhaliil loo jeediyana, wuxuu eedda dusha ka saaraa mucaaradka, kooxo gaar ah ama quwado shisheeye si uu uga leexiyo dareenka shacabka.

💢 Wiiqidda hay'adaha dowladda:- ►Baarlamaanka.

►Garsoorka.

►Guddiyada doorashada iyo ►Hay'adaha kale ee madax-bannaan ayaa si tartiib tartiib ah awooddooda loo dhimaa.

 ilaa go'aannada muhiimka ahi ku soo ururaan hal xafiis ama hal qof.

💢Xakamaynta warbaahinta:-

 Warbaahinta madaxa-bannaan waa la cabburiyaa ama la aamusiyaa.

halka la xoojiyo warbaahinta iyo weriyeyaasha u adeega danaha taliska.

 Ujeeddadu waa in la maamulo waxa ay bulshadu maqlayso.

💢Caburinta mucaaradka:-

  ► Siyaasiyiinta mucaaradka. ►Aqoonyahanka.

►Dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada waxaa lagu sameeyaa handadaad, xarig ama cadaadis joogto ah si loo waayo cid si xor ah ula xisaabtanta maamulka.


💢La wareegidda ciidamada amniga: Ciidanka iyo hay'adaha sirdoonku waxay ka leexdaan waajibaadkoodii dastuuriga ahaa.

Waxayna u adeegaan ilaalinta kursiga hoggaamiyaha halkii ay ka ilaalin lahaayeen shacabka iyo sharciga.


💢Doorashooyin muuqaal uun ah:- Doorashooyin waa la qabtaa, balse tartanku ma noqdo mid hufan. Sharciyada, hay'adaha iyo awoodda dowladda ayaa loo adeegsadaa in lagu adkeeyo fursadda cidda talada haysa.


Ugu dambayn, awooddu waxay si buuxda ugu ururtaa gacanta hogaamiyaha.

 Xeerarkii xaddidayay muddada xilka ama kala qaybsanaanta awoodaha waa la beddelaa ama la baabi'iyaa, waxaana meesha ka baxa isla xisaabtan iyo isu dheellitirkii hay'adaha dowladda.


Sidaas ayay taariikhdu marar badan u muujisay.

Kalitalisnimadu inta badan kuma bilaabato xoog, balse waxay ku bilaabataa tanaasul yar oo loo sameeyo hogaamiyaha.

Kaas oo haddii aan la joojin, ugu dambayn noqda nidaam ay adag tahay in dib looga soo noqdo. 


Gabagabadii in Puntland ku talaabsatay dhabihii guusha iyo kii kelitalisnimada.

Waxaa kala qeexi doona wakhtiga iyo waayaha.

 Haddii nidaamka dawladninadu uu si wacan u shaqaynayo, waa wax fiican in maamulka lays garab taago. 

Hase yeeshee nin baa laga sheegay " Sow Sagaaro Imabarato". Ninka maalintii uu tabarta yaraa xeerka dardaray haduu xoogaysto maxaa laga filan karaa? Only one rule

Dad badan oo maanta ku faraxsan awooda u korortay ini Deni, oo waxaa la arki doonaa haaraamaya maalin aan dheerayn. 

Anse waxaan kusoo af-meerayaa qormadan:


Wa bilaahi towfiiq

No comments: