Tuesday, April 16, 2019

#MURTIDA #Maanta.. ( Hadal Ku Dhan)

         

Nin haduu naag furo, naagtiyaa nin kale guursatay oo si fiican u dhaqmee haduuu maqlo waa dhibee"

SIYAASI SALAAD CALE JEELLE.



Burburkii D.Somalia ka dib !


                         


﷽    -------★ ★ . Haddii dowladnimada Somalida "PuntLand "Laga dhigo sidii dukan Ama wakaalad reer gaar ah leeyahay ooy Maamulan, wax walba waxaa loo arkayaa iney ku saleysan tahay mabda' faa'iido iyo khasaaro.
Haddii dowladnimadeennii noqotay sidii
Dukaan laga qaato ama laga helo raashin iyo Lacag, maxaa diiday in maamulaheedda yahay Kan faa'iideystay, ummadda iyo shacabka oo Dhan iney yihiin kuwii khasaaray!! ------★ ★

Saturday, April 13, 2019

------★ . Rise .& Grind One to sleep on ^)




- ﷽
------★ .  Rise .& Grind  One to sleep on ^).
There is only one success - to be able to spend your life in your own way. -
 Ciid  #quote
#WeekendWisdom ★ ------★ ★.. ♤.

We're at an Economic war with DP World


     

﷽    -------★ ★ We Are at an economic war with DP World
GANACSIGA BADAHA & WAAQICA SIYAASI.

Dagaalladii ugu weynaa ee dunida soo mara, inta la ogyahay kii koowaad ( 1914-1918 ) iyo kii labaad ( 1939- 1945 ) waxay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen  sababo ay ka mid yihiin: xoriyad doon iyo dhulal leys ku heystay, hoos u dhac dhaqaale iyo tartan ganacsi, si kor u maro wax soo saarka dowladaha warshadaha ee Yurub ( Jarmalka ) Amerika iyo Asiya ( Japan ).
Ka dib , markii isbedel weyn ku dhacay nidaamka ganacsiga dunida, xirriirkooda calaamka iyo waaqica siyaasi (geo-politics ) waxaa la soo gaaray waqti dunida ay ka dhammaatay fikirka cirifeed ( polarisation ) iyo wadaniyada ( nationalisme ).

Waxaa la gaaray waqti dunida ay tahay sidii tuulo yar ( globalisation ) iyo in ganacsiga  yahay afka keliya ee leysku raaco, haddey noqon laheyd in aad tahay wax soo saare ( producer ) ama isticmaale ( consumer ), dhoofiye-exporter ama soo dejiye-importer.
Ganacsiga badaha waxaa muhim u ah dekedaha iyo suuqyadda, sidaa awgeed ayaa dowladihii waxaa loo qeybiyey kuwo wax soo saaro oo faa'iideysto sida Yurub, Amerika iyo Japan, kuwo wax soo saaro oo aan faa'iideysan sida dowladaha ( brics ) ama brazil, Russia, india, China & South africa.

Waxaa intaas dheer oo kale iney jiraan kuwo kale oo lagu sheego iney yihiin kuwo dhaqaajiyo maalka iyo lacagaha ( money movers ) sida imaaraadka ( UAE ) oo ku saleysan dhanka dekedaha ( ports ), bangiyada (banking system),  isgaarsiinta ( tele-communication ), diyaaradaha ( chartered ) iyo suuqyadda ( shopping ).
Haddaba, u fiirsadada Somalida shirkadahoodda diyaaradaha, telefoonnadda iyo xawaaladaha xaggee ka diiwaan gashan yihiin?
Maantana waxaan ku sii soconaa jidkii hore oo waxaa la rabaa in dekadaheenna  laga lahaado ama laga diiwaan geliyo Dubai sida dekedda berbera iyo Boosaaso

Monday, March 25, 2019

Macdan ay ku jiraan dahab iyo dheyman oo la xaqiijiyey in laga helay Somalia

            ﷽       
Macdan ay ku jira
____________________________^^^

macdanta dalka ku jirta oo muhiimad gaar ah u leh Kheyraadka dabiiciga ee dalka, waxaana baarista xogtan sameeyay qubaro kala duwan oo dalka Britain ka soo jeeda.

Baarista xogta macdanta oo dhowr nuuc kala ah ayaa soo bilaabatay sanadkii 1920-kii,taasoo soo socotay ilaa iyo sanadkii la soo dhaafay ee 2018kii.

Madaxa Shirkadda SKA ee Xogtan soo iibsatay oo sharaxaad ka bixiyay baarista ayaa sheegay in dhul badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan macdan, Saliid, Gaas, shidaal, dheyman iyo dahab iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

“Tani waaa tallaabo cusub, waxaan u arkeynaa iney Soomaaliya ka jiraan fursado aad u fiican ee dhinacyada horumarinta kheyraadka macdanta ee dalka, waxay keeneysaa arrintaan in dalka Soomaaliya uu helo maalgashigii loo baahnaa, taasoo fursad u noqoneysa oo shaqo abuur ah u noqoneysa shacabka Soomaaliyeed, waxayna shacabka noqonayaan kuwo ku noolaado nolol barwaaqo leh,” ayuu yiri madaxa Shirkadda SKA.

Sidoo kale,waxaa la daah-furay mashruuc shirkadda (SMMG),ku maalgelineyso Macdanta Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Alle siiyay lagama maar-maan ay tahay in loo helo maalgashi ayna diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo,wuxuuna ammaanay macluumaadka Dowladda Federaalka lagu wareejiyay.

“Waxaan ammaaneynaa shirkadda dadaalka ay u gashay iney nagu wareejiso macluumaadkan qaaliga ah ee wadanka uu leeyahay,waxaana soo dhoweyneynaa cid kasta oo maalgashaneysa Soomaaliya dhinaca kheyraadkeeda,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

Xafiiska Badbado Consultant Bureau.com
PuntLand -Somalia
Badbado1965@gmail.com


an dahab iyo dheyman oo la xaqiijiyey in laga helay Somalia

!

Saturday, March 16, 2019

Bosaaso Kharka Uu Saaran Burbur !


                         





Maxay Bosaso U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin :____

Magaalada Bosaso Waa Magaalo Fac Weyn Dhinac Xadaarad Iyo Weliba Dhinac Dhaqaale Anagoo Og Bosaso Kaalin Ahaan Halka Ay Kaga Jirto Magaalooyinka Puntland Ahmiyada Gaarga Ah Ay Leedahay Magaaldaas Oo Ay Ugu Fadhido Dhamaan Dowlada Puntland Iyo Shacabkeedaba .

Bosaso Maantay Waxay Baahi Weyn U Qabtaa Shacab Hanta Qiimaheeda Oo Dhinac Ah Iyo Maamul Wanaagsan Oo Daacadnimo Ku Shaqeeya .

Gudoomiha Gobolka Waa Madaxweynaha Gobolka Bari Halka Ay Sarta Ka Quruntay Waa Hogaanka Maamulka Gobolka Oo Gabi Ahaanba Ku Fashilmay In Uu Xakameeyo Wax Alaale Iyo Wixii Ka Xiriiray Gobolkaas .

Duqa Magaalda Waajibaadka Saaran Ee Hormarineed Ee Degmada Waa Mid Aan Kaalinteeda Si Wanaagsn U Muuqan Waxayna Ka Mid Tahay Mid Ka Mid Ah Ayaandarooyinka Ay Waajahayso Magaalda Bosaso .

Bosaso Nasiib Uma Helin Inay Hesho Taliye Qeybeed Hanta Amaanka Magaalada Iyo Taliyaal Xabsiyeedyo Guta Waajibaadkooda Amni Anagoo Og In Ay Bosaso Leedahay 16 Xabsi Oo Hoos Taga Taliyaha Qeybta Ee Magaalda Bosaso .

Isku Soo Wada Duuboow Bosaso Waxay Ku Jirtaa Dib U Gurasho Hormarineed Waxaad Maqlaysaa Maalinkasta Xafiis Baa Laga Raray Oo Magaalo Hebel Baa Loo Raray Hay'adihii Oo Dhamaantood Faaruqiyey Magaalda Iyo Dhamaan Shirkadihii Bud Dhiga U Ahaa Maalgashiga Magaalda .

Waxaan Qabaa Bosaso haday Hesho Gudoomiye Gobol Oo Shaqadiisa U Guta Si Wanaagsan In Xal Laga Gaari Karo Dhibaatooyinka Ka Taagan Magaalda bosaso .

Dowlada Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Bosaso Waqti Fiican Siiso Si Xal Looga Gaaro Waxay Bosaso Tabanayso .

Friday, March 15, 2019

Inna lilahi wa inna ilayhi raji’un


       



Inna lilahi wa inna ilayhi raji’un. This is chilling news to wake up to. In the face of this horror, We must not live in fear. I will be at Jumu’ah today and I hope others will too.
Jummah Mubarak.