Monday, March 29, 2021

PuntLand Shalay Iyo Maanta

                      



 Puntland ma wada qaadi kartaa Shacabka Xalaasha ah ee Reer Puntland iyo ururka Maafiyada ah ee  Aaranjaan !!

Xigasho :- AMB Bashir M Ali Yare .

Sanadkii 1992 markii dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay isla markaana gobolada waqooyi Bari ee Soomaaliya ee Puntland  ay kooxdii al Itaxaad weerar ay isku dayeen in ay ku qabsadaan mandaqada iyagoona dagaal la galay jabhadi SSDF ee ka soo jeeday deegaanadaasi   oo uu hogaaminyay ALLAH ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Yuusuf Axmed Madaxwaunihii hore ee Soomaaliya , iyadoona uu jab xoogan ka soo gaaray kooxadii al itaxaad wayna kala firxadeen kuwii Puntland ka soo jeeday waxay ku hareen   puntland ka dib markii ay odayaal dhaqameedka ay soo fara galiyeen ayna damanaad qaadeen in ay ragaasi ay ka tanaasulayaan fikirkii xajirka ahaa iyo dagaalada halka kuwii al ixtaaxadka gobolada kale ka yimid ay deegaanadoodii ay ku laabteen waxaana horkayay wadaadka lagu magacabo xassan daahir aways.


Waxay isnabaanba Sanadkii 1995  ayay mar kale damac siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba u soo hanqal taageen iyagoona odayaasha dhaqanaka qaar ka mid ah iyo ganacsatada  qayb ka mid ah si   hoos ahaaneed  xiriir ula  sameeyay waxayna ku bixiyeen dhaqaale si ay u kasbadaan kalsoonidooda iyagoona halkaasi sidoo kale ku samaystay kooxdan Maafiyada ah ee Aaaranjan si ay awoodooda saldhig ugu sameeyaan.


Kooxda Aaranjaan oo ka koobanayd  dhowr  iyo toban  qof oo dhalinyaro u badnayd waxaana madax u ahaa Allah ha u naxariitee Cali Hayaan .


Kooxdan Maafiayda ah ee Aaaranjaan ayaa waxay ku dadaaleen in ay hanti hadan ay tabcadaan oo ay ka helaan ilaha Dhaqaale ee Puntland sida wax barshada (Privte Schools)  iyo ganacsiga soo dajinta iyo doofinta  ( Import and Export )


Intaas ka sokow waxaa uu damacoodu  ahaa in ay  siyaasada Puntland ka hagaan daaha gadashiisa arintaasi oo ay ka soo minguuriyeen Mafiayda Talyaaniga.

Waxay si cad majaraha ugu hayeen xukuumadii  Madaxwayne Cabdriximaan Sheekh Maxamed Faroole oo ay sida ay rabaan ay ka yeelaan si ay dhaqaaale mug leh uga sameeystaan magaca dowlada iyagoo isticmaalaya awooda doowalda si ay mashaaraciida puntland la siiyo ay ayagu u qaataan.


Dowladii Madaxwayne Cabdiwali Maxamed  Cali Gaas  kooxda aaranjaan xiriir ka dabacsan kii Faroole ayay lalahaayen kumana aysan guulaystan in ay majaraha u qabtaan .


Doorashadii ugu danbaysay ee puntland laguna doortay  Madaxwayne Saciid Cabdullahi Deni waxay ku bixiyeen  dhaqaale badan in saciid Cabdullahi Deni uu soo baxo lana doorto iyagoo ka dhex arkay danahooda in uu fulin karo  waxayna kula hishiiyeen in uu siiyo wasaarada Maaliyada ee Puntland si ay khasnada dhaqaalaha Puntland gacantooda u soo gasho .


Xilka Wasaarada Maaliyada ee Puntland ayaa ay kooxdan Aaaranjan dhexdoodu ay isku qabteen cida laga noqaysa   Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdirixmaan Faroole waxaa uu  la damacsanaa wiilkiisa Maxamed Cabdirixmaan halka hogaamiyaha kooxdan Maafiyada ah ee Aaranjaan Maxamuud Shido la doonayay Xassan Shire Abgaal oo uu xilkaas faraha ka saaray markiiba la doortay Saciid Cabdullahi Deni.


Maanta halka ay Puntland marayso waad u jeedaan shacabka xalaasha ah ee reer puntland iyo waxii ka dhashay go’aamadaas kooxda aaranjaan ay qaaday si ay danahooda u fushadaan halka madaxwaynihii shacabku ku rajawaynaayeena uu jeebka u galay kooxdan Maafiyada ah ee Aaranjaan iyo imaaraadka carabta .


Ciidamo gadoodsan oo aan mushaarkoodii helin 6 bilood baa waxay xireen jidka Gaalkacyo iyo Garoowe isku xira deegaanka Xarfo walina xal lagama gaarin arintaasna maahan maahan arin ugub ah oo puntland dhowr jeer bay ku soo laablaaabtay in shaqaalaha dowlada musharkooda loo waayay .


Wasiirkii ay kooxdan aaranjaan keensatayna waxaa uu maalin dhawayd ku goodiyay in ay puntland soomaaliya ka jari doonaan hadii isfahanwaaga Dowalda Federlka ah iyo Puntland uu sii socodo iyadoona uu wasiirka cadaadala ee Puntlandna uu u gafay sadexdii maamul goboleed ee dowlada hanaanka doorashada dowlada Federalka ah ku raacsanaa .


Sida aan ciwaanka qormadeena ku sheegnay Puntland mawada qaadi kartaa Shacabka Xalaasha ah iyo kooxdaan Maafiyada ah ee Aaaranjaan ,! Jawaabtu waa maya oo shacabka Puntland ma ogolaan doonaan mana yeeli doonaan in ay ku jiraan xaaladan adag oo dhaqaalihii dowlada uu galay jeebka koox danaystayaal ah ,sicir barar baahsan ,amni daro ka dhalatay ,danyartii  oo uu gacansigoodii burburay  iyo arimo badan oo jira awogeed maxaa la gudboon shacabka puntland  .


Waxaa la gudboon shacabka reer Puntland in ay iska ridaan reeryadan shaydanku saartay iyadoo laga doonayo qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka ,culumada, aqoonyahadana ,haweenka ,dhalinyada  ,iyo ururada bulshada rayidka ah in ay si wada jir ah ay uga hor yimaadan kana dhiidiyaan xaalada ay maanta ay puntland ay ku sugan tahay maanta  .


Odaayasha dhaqanka waan dhaliilsanahay waxaan ku dhaliilsanahay in aysan kaalintii ay lahayeen aysan ka soo bixin iyagoo qaarkood ay ku milmeen siyaasada dowlada, markii wadanku khalkhal galo marjaca loo laabto waxaa uu ahaa ismada taasaana lagu soo caana maalay mudu dheer 


Ganasatadu waa in ay iyaguna ay la xisaabtamaan dowalda maadama canshuur ay bixiyayaasha ay yihiin  hadana wadankii xaalada adag oo dhinaca dhaqaalaha uu soo wajahay ciidaamdiina aysan mushaarkoodii joogto u helin mudu dhowr bilood ah dhaqaalihiina jeebka ay ku shubteen koox maafiyo ah madaxwaynihiina uu kooxdaasi la saftay .


Waxaana nasiib daro ah gacanstadii reer Puntland ay ka weecdeen dekadii Boosaaso oo ay culus badan ay kala kulmeen badalkeediina ay isticmaaleen dekadaha dariska ah.


Culumada waa in ay wacyi galin baaxad wayn oo ku saabsan is gacan qabasho bulshada dhexdeeda ah ay ku baaqaan si loo garab istaago dadkii ku dhibaatoobay xaalka dhaqaale ee haatan puntland ka  jira .


Ugu danbayn waxaan xasuusin lahaa Hogaanka Puntland in ay xasuustaan Xadiiskii Rasuulka SWC 

«كلكم رَاعٍ, وكلكم مسؤول عن رَعِيَّتِهِ: والأمير رَاعٍ, والرجل رَاعٍ على أهل بيته, والمرأة رَاعِيَةٌ على بيت زوجها وولده, فكلكم راَعٍ, وكلكم مسؤول عن رَعِيَّتِهِ». وفي لفظ: «كلكم رَاعٍ، وكلكم مسؤول عن رَعِيَّتِهِ: الإمام رَاعٍ ومسؤول عن رَعِيَّتِهِ، والرجل رَاعٍ في أهله ومسؤول عن رَعِيَّتِهِ، والمرأة رَاعِيَةٌ في بيت زوجها ومسؤولة عن رَعِيَّتِهَا، والخادم رَاعٍ في مال سيده ومسؤول عن رَعِيَّتِهِ، فكلكم رَاعٍ ومسؤول عن رَعِيَّتِهِ».


Dhamaantiin masuuliyad baa idin saran Hogaamiyaha masuuliyad baa saran oo ka saran cida oo hogaaminaayo  ,ninka xaaskiisa masuuliyad baa ka saran ,hawaydana masuuliyad baa ka saran guriga ninkeeda ……………


Maanta Puntland waxaa ka jira waxii ALLA ka caraysiiyay oo dhan ,sida musuq maasuq ,eexda ,beenta ,iyo tuuganimada  ilaah waa dayib waxaan dayib ahana ma jecla ….. Ilaahay waa wanaagsan yahay waxaan wanaagsanayna ma jecla , shacabow sidee baan u rabnaa naxariistee eebe inaan helno hadii ay masuuliyiinteenii ay sidaa u dhaqmayaan anana aan nahay daawadayaal .


Ogaada Maafiyada talyaaniga ilaa maanta dhib ayay waxay ku hayaan wadanka talyaaniga Aaaranjaana waa CopyCat.


Wa bilaahi Towfiiq……..

AMB Bashiir M Cali Yare .

Friday, March 26, 2021

Gababaddii Ahmed Madoobe taliskiisa jubaland ??

                     

Gababaddii Ahmed Madoobe taliskiisa jubaland ??
---------------------

Haddaba Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa 8 Caqabadood kala kulmi doona Is dhiibista C/Rashiid Janan, waxa ayna kala yihiin:-

1-Tuhun iyo kala shaki soo foodsaara Axmed Madoobe iyo Shaqsiyaadka ka hoos shaqeeya ee xilalka u haya.

2-Hoos-u-dhac ku imaada mooraalka ciidamada maamulka, iyadoo 75% ay suuragal tahay in ciidamada maamulka ay u goostan dhanka DFS.

3-Heshiiska DFS iyo Janan waxa uu Axmed Madoobe ku khasbayaa in xilalka laga xayuubiyo dhammaan Saraakiisha ciidamada ee xiriirka la lahaa Janan, taasoo jahwareer u horseedi doonta Jubbaland.

4-Jubbaland waxa ay martigalin doonta khalalaaso amni daro oo ay geestan ciidamada.

5-Waxaa Meesha ka bixi doonta rajadii aheyd in Gobolka Gedo ay ku laabato gacanta Axmed Madoobe, taasoo albaabo khalalaaso ku furi doonto Mr Madoobe.

6-Waxaa hoos-u-dhac ballaaran ku imaan doona  kalsoonida ay dowlada Kenya ku qabto Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.

7- Axmed Madoobe, waxa uu wajihi doona cabsi weyn oo dhanka ciidamada ilaalada u ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Kismaayo laga dareemayo “Kala shaki iyo qeybsanaan ciidanka ah”.

8-Saan-saanta siyaasadeed waxa ay u muuqataa in Hoggaamiye Axmed ay naftu ku aamini doonto in madaxtooyada Jubbaland uu u raro magaalada Nairobi, halkaasoo saldhig u noqon doonta.


Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe oo lagu xagliyo garab istaaga Kenya ayaa iminka la daala-dhacaaya culeysyo siyaasadeed, waxa uuna noqonayaa mid kulansaday “Eedeymo dowladeed, mid shacab iyo tuhuno kale oo isbiirsaday”. 

Wednesday, March 24, 2021

15- 16 Shirkii Magaalada Baydhabo Iyo Heshiiskii [ Classified Documents]

 

15- 16 Shirkii Magaalada 

                     

Baydhabo Iyo Heshiiskii [ Classified Documents]

 

 17 September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu. Guddigu waxay diiradda saareen in ay xal farsamo ka diyaariyaan dhamaan qodobada khilaafku ka jiro si ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ugu sahlaan in ay is afgarad ka yeeshaan qabsoomidda doorashada Dalka.

1. Cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer (SlElT iyo FIEIT).

2. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland
3. Khilaafka Gobolka Gedo
4. Hirgelinta Qoondada Haweenka
5. Jadwalka cusub ee qabsoomidda Doorashad

Shirka waxaa ka soo baxay:

1. Guddiga doorashooyinka

a) lyadoo la tixraacayo is af-garadkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee shirkii Dhuusamareeb ee 4-aad, waa in ciddii haysa magac ama magacyo cabasho laga qabo oo ka tirsan Guddiyada Doorashada (FlElT iyo SIEIT) ay u soo gudbiyaan Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka saxiixaan heshiiskaan.

b) Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto macluumaadka xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo macluumaadka wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2bari gudahood ah.

2. Somaliland

Si waafaqsan talo soo jeedintii Madaxda Golaha Wadatashiga earanka ee shirkii Dhuusamareeb 5 February 2021 ee xallinta khilaafka Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Somaliland, Guddigu waxay soo jeedinayaan

a) ln Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dib u celiyo 4 xubnood sl Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu soo gudbiyo badalkooda muddo 5 maalmood ah laga bilaabo markii la saxiixo heshiiskaan.

b) Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo gudbinaya 4 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maamulka kuraasta Somaliland (1 xubin Guddiga heer Federaal ah iyo 3 xubnood ee Guddiga StEIT).

3. Xal u helidda Gobolka Gedo

Guddiga ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka waxay soo jeedinayaan tubta xallinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.

a) ln Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo wada saaraan baaq nabadeed iyo xabad joojin Gobolka Gedo, loona cayimo ciidamada kala duwan baro ay ku sugnaadaan inta laga dhameystirayo dib u heshiisiinta Gobolka. Guddiga Dib u heshiisiinta ee ay soo magacaabeen Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa cayimaya baraha ay ku kala sugnaanayaan ciidamadaas si loo hubiyo xabad joojinta.

b) ln Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay ka maqan tahay Jubbaland ay u diraan Guddi dib u heshiisiineed Gobolka Gedo si ay u abuuraan jawi xasillooni amni ah, gogol xaarna ugu noqdaan dib u heshiisiin ballaaran iyo jawi lagu qaban karo doorashada Magaalada Garbahaarey. Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa Guddiga dib u heshiisiinta magacaabaya muddo 3 maalmood gudahood ah laga bilaabo markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.

c) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay wadatashi buuxa la yeeshaan bulshada Reer Garbahaarey si loo abuuro jawi ay ku qabsoomi karto Doorashada kuraasta taala Magaalada Garbahaarey.

d) Si loogu dhiso Degmada Garbahaarey maamul cusub oo dhex dhexaad ah, kana shaqayn kara isu soo dhaweynta bulshada ee dhanka siyaasadda, amniga iyo horumarka, waa in qaybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha qabaa’ilka deegaanka dega ay Guddiga dib u heshiisiinta u soo gudbiyaan magacyada shaqsiyaad qaadi kara masuuliyadda maamulka Degmada Garbahaarey. Madaxweynaha Dowladda ubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka ay Guddiga dib u heshiisiintu usoo gudbiyeen.

e) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta guud ahaan Gobolka iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey si horey loogu socdo magacaabista Maamulka Garbahaarey iyo qabashada Doorashada.

f) Si loo hubiyo amniga Doorashada, Guddigu waxay soo jeedinayaan

I. ln AMISOM Police la geeyo Magaalada Garbahaare.
II. ln Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ih (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.

g) ln Guddiga dib u heshiisiinta ay soo gudbiyaan qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, waana in hirgalinta qorshaha dib u heshiisiinta Gobolka lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah.

4. Qoondada Haweenka

lyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2O2O ee xaqiijinta Qoondada Haweenka, lagana duulayo waaya aragnimada in tirada haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka aysan marna gaarin qoondadii lagu heshiiyey ee 30%, Guddiga Farsamadu wuxuu soo jeedinayaa

1) ln Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay la yimaadaan ka go’naansho siyaasi ah oo ay ku xaqiijinayaan qoondada haweenka 30% ee labada Aqal.

5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada

lyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada hay’adaha Federaalka ee 202012021, Guddiga Farsamadu waxay soo jeedinayaan.

a) ln Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii heshiiskaan ay saxiixaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

b) Guddiga Doorashada heer Federaal (FlElT) ayaa soo saaraya jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada

c) Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SlElT) waxay diyaarinayaa jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal si loo dadajiyo hirgalinta doorashada.
      

Magacyada Guddiga

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, wasiirka Dastuurka DFS
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji, wasiirka waxbarashada DFS

3. Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland
4. Wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, wasiirka warfaafinta Puntland
5. Wasiir XirsiJaamac Gaani, wasiiru dowraha Madaxtooyada Jubarand

6. Wasiir Mursal Maxamed Khariif, wasiirka caafimaadka Jubaland
7. Wasiir Cabdiwaayeel Maxamed Jaamac, wasiir Arrimaha Gudaha Galmudug

8. Wasiir Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka boosta iyo isgaarsiinta Garmudug

9. Wasiir Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed

10. Wasiir Maxamed Abukar Cabdi, wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed

11. Wasiir Maxamed Cali Caadle, wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle

12. Wasiir Caasho Khaliif Maxamed, wasiirka Haweenka Hirshabelle

13. Guddoomiye Basma Caamir Axmed, Guddoomiye ku-xigeen Gobolka Banaadir

14. Xiireey Axmed Rooble, Xoghayaha Gobolka Banaadir.

  


Sunday, March 7, 2021

Cidna Uma Maqana 🔙 Ceelna Uma Qodna

                            


XIGASHO :- [ Bashiir Shiikh Maxamed]

bashirmohamud@yahoo.com

Magaceygu waa Bashiir Shiikh Maxamed, waxaanan ahay diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee).

May 07, 1979, markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, waxaan ahaa mas’uulkii loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway (Eeg verbal note)[1].


Wareegtadii safaarada Soomaaliya ee Stockholm (Sweden) 1979

Haddaba, aniga aad uga xun boobka iyo bililiqeysiga lagu hayo dadkeygii iyo dalkeygii hooyo ayay ila noqotay inaan walaalaheyga Soomaaliyeed u soo gudbiyo wixii waayo aragnimadeyda ah, aanan garab istaago walaalaha qalinka u qaatay sidii ay u difaaci lahaayeen dalkeenna iyo guud ahaan danaheennaba.

Waxaanan isku dayi doonaa aniga oo soo koobaya inaan idiin soo gudbiyo waxa aan ka ogahay sida uu ku billowday qorshahaan shidaal baarista ee ay Norway ka waddo Bariga Afrika, anagoo la soconna meesha halista ah ee maanta xaalku marayo iyo in hadda la isku dayayo in dhulbadeed ay Soomaaliya leedahay loo sharciyeeyo Kenya. Walow ay Qaramada Midoobay dhowaan hor istaagtay heshiiskii is IS-AF-GARAD, waxba kama jiraanna ay ka soo qaadday. Haddana weli waxaa taagan khatar weyn oo mudan in aad looga foojignaado. Waxaana beryahaan soo shaacbaxaya warar ka soo baxaya shirka Istanbul oo la leeyahay dhulbadeedka Soomaalidu soohdin sharci ah ma laha, lana leeyahay haddaa soohdin loo sameynayaa.
Sidaan kor ku sheegnay Mudane Cabdullaahi Ciise (AHN)  oo markaas ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Stockholm (Sweden) ayaa soo qalqaaliyay heshiisna la gaaray shirkadda WESTERN GECO oo ay xarunteedu tahay waddanka Norway. Shirkaddaasi  sanadkii 1980kii ayay billowdahay in ay batrool ka baarto dhul-badeedka Soomaaliya ayadoo wajigii koowaad ceelal shidaal ka sahmisay Raas-Kamboni ilaa Baraawe. Wajigii labaadna Baraawe ilaa hoboyo.

Baaritaankaas shidaalka lagu sahminayay wuxuu qaatay muddo laba bilood ah, kadibna si loo ogaado natiijadii ka soo baxday baaritaanka markabkii howsha waday wuxuu dib ugu laabtay saldhiggiisii STAWANGER –Norwey. Ka dib, waxay noo sheegeen  in baaritaankii ay ku guuleysteen qaybtaas dhul-badeedka Soomaaliya ee ay baareenna ay ka heleen  laba god oo aad u waaweyn. Waxay noo sheegeen in keydka bartoorka ee ku jira labadaas god uu ka badanyahay keydka betroolka ee ku jira waddanka Norway oo dhan, ayadoo Nowey lagu tilmaamo dalalka ugu keydka batroolka badan qaaradda Yurub.

Shirkadda WESTERN GECO iyada oo ku faaneysa guusha ay ka gaartay sahmintii batroolka ayay warbixin arrinkaas ka hadlaya ku qortay  Warside ( Bulletin) bishiiba mar soo baxa oo ay shirkaddu iska laheyd. Waxayna warkooda gaarsiiyeen shirkadaha batroolka baara si ay ugu muujiyaan guusha ay ka gaareen batroolkii ay Soomaaliya ka sahmiyeen.

Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii waxaa soomaaliya shidaal ka baaray shirkado badan oo ay ka mid yihiin : AMOCO, CONOCO, PHILLIPS, CHEVRON, SHELL-(PECTEN),  ARCO, AGIP, ENI, SINCLAIR,  Total-Fina-ELF (French company).  Shirkadahaasina waxay haystaan heshiisyadii ay la galeen xukuumadihii waddanka soo maray ilaa markii calanka la taagay. Waxayna shirkadahaasi iska leeyihiin xuquuqda shidaal baarista bad iyo berriba.

Shirkadahaasi markii ay heleen akhbaartii ku qorneyd warsidaha (bulletin) Western Geco wey baraarugeen oo Soamaaliya ayey isku wada shubeen, ayagoo ka doodaya kana soo horjeeda sababta shirkadda WESTERN GECO loogu oggolaaday in badda Soomaaliya batrool ka baarto. Waxayna shirkadahaasi ku doodeen in lagu xadgudbay heshiisyadii caalamiga ahaa ee lala galay.

Dowladdii Soomaliyeed waxaa khasab ku noqotay in ay si deg deg ah baaritaankii batrool uga joojiso shirkaddii WESTERN GECO, ayadoo heshiisku ahaa in ay baaraan badda Soomaaliya oo dhan. Baaritaankaas kharashka ku baxayay oo dhamaa $10 milyan oo doollar, waxaa bixinayay dowladda Norway. Kharashkii baaritaankaas hore ku baxay waxuu ahaa $2 malyan oo doolar, siddeeddii malyan oo doollar oo hartayna Norwey dib ayey ula laabatay oo waxay dheheen kharashkan waxaan ugu tala galnay baaritaan batrool. Halkaasna waxaa ku soo afjarmay rajadii ay Norway ka qabtay batroolka Soomaaliya.


Weli Ma Quusannin Waraabayaashii Baddu!! | Inj. Maxamed C. Cibaar

Haddaba sanadahaan dambe Norway ayadoo ka faa’ideysaneysa qaska iyo dowlad la'aanta ka taagan Soomaaliya ayay markale isku dayday iney soo nooleyso damacii ay ka laheyd batroolka Soomaaliya oo ay weli ka samri la’adahay. Waxaase nasiibdarro ah in dowladda Norway ay arrintaas u martay waddo qaldan oo sharci darro ah. Waxaan la wada soconna in Norway ay sanadahaan dambe shidaal baaris ah ka wadday xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan kale oo aan la soconnaa kaalintii firfircooneyd ee Norway ku laheyd heshiiskii IS-AF-GARAD ee Kenya iyo Soomaaliya ay wada saxiixdeen. Arrinka kale ee la yaabka lihi waa kaalinta Qaramada Midoobay iyo ergeygeeda ah ee arrimaha Soomaaliya Ahmed Oloude Abdalla ay ku leeyihiin isku dayga lagu doonayo in lagu  booboo badda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la yaab leh shirka hadda socda (soo gabagaboobay May 23, 2010) waddanka Turkiga ee la leeyahay Soomaaliya ayaa bad loo sharciyaynayaa (ayadoo loo marayo kalluumaysiga). Maxay iskaga indhotirayaan kuwa arrimahaan aan laga fiirsan faraha kula jiraa heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay Soomaaliya horay u gashay oo muujinaya in Soomaaliya ay leedahay xuquuqda batroolka badda ee ku jira ilaa 200 mayl-badeed (370km) ?Kuwa Soomaalida matalayaase miyeysan u warheynin in Soomaaliya ay leedahay xeerar si cad muujinaya xuduudaha badda Soomaaliyeed oo caalamku aqoonsanyahay, heshiisyo caalami ahna ay ku gashay?

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si aad ah uga horyimaadaan iskudayada iyo heshiisyada lagu doonayo in lagu booboo dhulkooga iyo khayrkaadka ku jiraba. Ma jirto maanta cid noo maqani, waana in aan gacmaha isqabsanno kuna dadaalno wixii tabarteenna ah inaan ku difaacanno dalkeenna. Waxaa kale oo aan halkaan uga mahadcelinayaa walaalaha habeen iyo maalin u taagan sidii ay ummadooda uga badbaadin lahaayeen boobka iyo balaayada lala damacsanyahay. 

Bashiir Shiikh Maxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Friday, February 12, 2021

Sannad guuraagii Ciidanka Badda !

                   


Carmo ( Badbado Online ) 10/2/2021 

Waxaa Hambalyo u dirayaa Ciidanka Badda Somaliyeed oo u dabaaldagayo Sannad guuraagii 56aad ee asaaskii Ciidanka Badda 10/2/1965. ( F.S:1aad)

waxaa Hambalyo u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil xigeenka, leyli sarkaal, Alidley , Dabley iyo Xaaskooda.

Waan Xasuustaa Xeryahiinii ku teedsanaa Xeebaha Dalka, iyo in aad ka qeyb qaadateen Dagaaladii Xuduudaha Berriga.
waan Xasuustaa Awoodiinii Ciidan Sida: Labadii Markab ee Osa II ee Gantaalada xambaarsanaa jiray. 4tii Markab ee Mol PFT Torpedo. Polnocny Class Landing ee awooday in uu qaado 4 Tangi iyo 120 Ciidan ah. 4tii kale ee ilaali jiray Xeebaha. Doomankii Deereeyay ee Subax kasta ka war bixin jiray Xaaladda Badda. Xarumihiinii Raadaar Badeedka sida kii Marka cadey iyo Qalabkiinii kale ee awoodda Ciidan.
waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Macallinkeeygii Admiral Farax Ahmed Cumar oo Sannadkii 2009 dib u bilaabay asaaskii Ciidanka, kuna bilaabay 500 Ciidan dhan oo kaliya, mushaarkooduna ahaa $ 60 Bishii iyo Dooman yar yar oo dheeraya oo uu ka keenay waddamo aan saaxiibo nahay sida Turkiga.( F.S: 2-6aad).
Waxaan u rajeeynayaa Allahana uga baryayaa in Ciidanku uu gaaro heer sare oo uu ku hanto Difaaca Dalka.
FG: waxaan ka xumahay in aan Hadda Dalka ka maqanahay oo aanan idinkala qeyb gali karin damaashaadka, laakin Qalbiga ayaan idinkala jiraa.
Weligaa Ha quusan.

Saturday, February 6, 2021

Farmaajo Maxaa Ka Qaldan ??

                     


                Mogadishu( Badbado Online)
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta khudbad u jeediyey xildhibaanada golaha shacabka, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo labada qodob ee sababta u ahaa inuu fashilmo shirkii Dhuusamareeb.

Madaxweynaha oo khubadiisa socotay ku dhowaad nus saac, ayaa aad uga hadlay arrimaha doorashada, khilaafka siyaasadeed ee dalka iyo tanaasul uu sheegay in uu sameeyay intii uu khilaafka taagnaa.

Hase yeeshee, labada qodob ee muhiimka u ah xal u helida muranka doorashada, islamarkaana la filayey inuu madaxweynaha soo hadal qado, waa arrinta Gedo iyo tan xidlhibaanada Gobalada Waqooyi, mana soo hadal qaadin Madaxweyne Farmaajo balse waxa uu si taxadar leh uga hadlay arrimaha kale ee doorashada.

Qodobka Gedo, ayaa la rumeysan yahay sababta uu madaxweynaha ugu dheggan yahay inay tahay 16-ka kursi ee laga soo dooranaya Garbahaarey, oo uu doonaya inuu maamulo.


 xildhibaanada Waqooyi ayaa leh sabab taas la mid ah, wuxuuna madaxweynaha doonayaa inuu soo xulo dhamaan xildhibaanada waqooyi, si uu codkooda ugu xisaabtamo.

Taas beddelkeed wuxuu madaxweynaha shacabka iyo xildhibaanada u weeciyey arrin ay adag tahay in hadda maskaxda ay gasho oo ah in dalal shisheeye ay hortaagan yihiin doorashada.

Waxa uu sidoo kale eeda fashilka doorashada dusha ka saaray maamulada Puntland iyo Jubbaland, gaar ahaan Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

“Ugu yaraan 5 jeer ayaa tanaasulay, waxaan dhahay qolkaan gala ee wax soo xar xariiqa,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Sidii aan rabay uma dhicin heshiisyadii siyaasadeed ee doorashada, waxaan u dhaafay maamulada wixii ay ku heshiiyeen ayey dhaqan gelin waayeen.”

Muhiimada Khudbada Madaxweynaha waxey aheyd in dhamaan guul darrooyinka doorasho ee Qaranka dusha laga saaro maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana sii kordhaya walwalka ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Si katsaba, haddii madaxweynaha u ogolaado Cabdi Xaashi inuu kaalin ku yeesho soo xulista xildhibaanada Waqooyi, iyo in gobolka Gedo uu maamulo Axmed Madoobe oo maamulkiisa hoos tago, waxaa dhaba ah in xal loo helayo muranka ka taagan doorashada.


Wednesday, February 3, 2021

Noocee Federal baan rabnna !!

              


Burburkii dowladda Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato.

Faro-gelin toos ah iyo mid dadbanba, gaar ahaan quwadaha shisheeye ee Bariga iyo Reer Galbeedka iyagoo kala adeegsanaya gacmaha dowladaha dhaca mandiqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo weliba hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo kooxaha calooshood-u-shaqeystayaasha. Iyaga oo adeegsanaya Soomaalida noocaas ah ayay waxay suuq-geeyeen oo la buun-buuniyay arrimo fara badan sida,

 Waxaa lumaya is-aaminaaddii Soomaalida, ma heshiin kartaan, waad kala-duwan tihiin, wax iskuma darsan kartaan, iwm.

Ujeedkooduna uu yahay in shacbiga Soomaaliyeed lagu sii kala fogeeyo, laguna kala-dilo si ay ugu suurta-galaan danahooda khaaska, si gaar ah kala-qeybinta dalka iyo dadka. Arrintaasi waxaa ay sababtay in ay, ku dhowaad rubuc Qarni, Soomaaliya heli weydo xasillooni siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale. Waxaa la adeegsaday nooc kasta oo lagu siyaadin karo is-nacaybka iyo qabyaaladda ummadda Soomaaliyeed la kala dhex-dhigay. Waxaa la soo bandhigay hannanaka qabiil-wax-ku-qaybsiga ee 4.5. Si kastabase, Eebbe weyne mahaddii iyo ummadda Soomaaliyeed oo ah dad is-jecel, waa la kala tegi waayay; haba lakala sad-bursado e. Taas markii ay socon weyday ayaa haddana waxaa markii dambe la soo bandhigay nidaamka ‘federaalka’ si ay halkeedii uga sii socoto kala qoqobka iyo kala irdheynta ummadda

. Haddaba, waxaan maqaalkaan kaga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Nidaamka ‘federaalka’ iyo noocyadiisa ugu caansan; waxyaabaha uu la gaar yahay nidaamka ‘federaalka;’sida uu ku yimaaddo nidaamka ‘federaalka’ iyo ujeeddooyinka loo adeegsado; sida uu nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysani ku yimid Soomaaliya, cidda ka dambeysa iyo ujeeddada laga lahaa.

Halista nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladeysan uu ku yahay dalka iyo dadka; iyo weliba nidaamka siyaasadeed ee ku haboon in ay Soomaaliya qaadato si xal waara loo gaaro.

 ‘Federaalka’ iyo noocyadiisa: Qeexid Ereyga ‘federaal’ waa nidaam madax-bannaanida loo qeybinayo ugu yaraan laba dowladood- dowladda dhexe iyo dowlad-goboleed, kuwaas oo fuliya awoodo dastuuri ah oo madax bannaan kuna dhaqa qeyb ka mid ah dad ku nool dhul gaar ah. 

Nidaamka ‘federaalku’ waa nooc ama qaab gaar ah oo ka mid ah nidaamka xukun-baahinta ee loo yaqaanno dhex-furnaanta ama decentralization. Waxyaabaha uu nidaamkani la gaar yahay waxaa ka mid ah kala-duwanaashiyaha sida: Isirka, luqadda, diinta, dhaqanka iwm, kuwaa soo khasbaya in ay dadka noocaas ahi samaystaan oo raacaan nidaamka ‘federaalka’ si ay ugu kala bad-baadaan.

 Nidaamkani waxa uu u kala qaybsamaa dhowr nooc, waxayna kala yihiin:-

 i)‘Federaal’ tartan(Competitive ‘federalism’): Dowladda ‘federaalka’ waxaa ay leedahay awood aad u xaddidan, mana fara-gashan karto maamul-goboleedyada maamul ahaan iyo awood ahaan toona. Noocaan waxaa isticmaala dalalka: Ingiriiska (UK), Biljum Australia Pakistan, Brazil iyo Sweden.

 ii)‘Federaal’ iskaashi (Cooperative ‘ federalism’):

Nidaamkani, dowladda ‘federaalka’ iyo maamul-goboleedyada ayaa waxay u shaqeynayaa si wadajir ah si ay u xalliyaan dhibaatooyinka ay wadaagaan. Noocaan waxaa isticmaala dalalka Jarmalka, Koofur Afrika, Imaaraadka Carabta, Maraykanka, Venezuela iyo Yuguslaafiya.

 iii) ‘Federaal’ khasab ah (Coercive ‘federalism’): Dowladda ‘federaalka’ waxay, nidaamkani, qaabeysa siyaasadaha dowladda dhexe iyo midda maamul-goboleedyada labadaba, waxana ay hubinaysaa in maamul-goboleedyadu raacaan tilmaamaha dowladda dhexe. Noocaan waxa isticmaala dalalka Nigeria iyo Ethiopia  oo ku haya dalalkooda awood militeri.

 Nidaamka ‘federaalku’ waxyaabaha uu la gaarka yahay waxaa ka mid ah in ay dadweynuhu kala isir duwan yihiin; in ay kala luqad yihiin; in ay kala diin yihiin; in ay kala qowmiyad iyo deegaan duwan yihiin, sida Keenya iyo Itoobiya oo kale; in ay yihiin dad aad u fara badan sida Mareykanka oo kale; iyo in ay yihiin dowlado isu-tegey sida Midowgii Soofiyeetka iyo Iswiisarlaan. 

Marka la fiiriyo sida uu u samayasmo nidaamkani iyo ujeeddooyinkiisa waxaa kuu soo baxaysa laba qaab oo kala ah: Isu-tag ka dhex-dhaca dowlado kala madax-bannaan, kuwaasoo ka tanaasulaya madax-bannaanidoodii dibadda. Ujeedka ugu weyn ee ey u sameysmaan dowladaha ‘federaalka’ noocaan ahi waa mideynta cududdooda siyaasadeed iyo dhaqaale si ay isaga kaashadaan cadowga dibadda ee halista ku wada ah; waxana dowladahaas ka mid ah Mareykanka (1787), 

Midowgii Iswiisarlaan (1874) & Jamhuuriyaddii Jarmalka (1949), iyo weliba Imaaraadka Carabta. Inta badan, nidaamka noocaan ku abuurma waa uu hirgalay waayo wxa ay xoogga saaraan midnimo iyo wada-jir waana ay ku guuleystaan dhinac kasta sida siyaasadda, dhaqaalha iyo mileterigaba.

 Hannaanka kale waa Kala-bax waana dowlad weyn oo tabar-darraysay, iyada oo uu dalku u kala firdhanayo gobol-gobol mid kastana uu doonayo madax-bannaani u goonni ah oo ka baxsan dowladda dhexe ee weyn. Ka dibna aysan awoodi karin aqoonsi caalami ah sidaas darteedna lagu heshiiyo samaynta nidaam ‘federaal’ daciif ah kaasoo siinaya awoodo dheeraad ah dowladaha yar yare ee ay mid kastaa dooneyso in ay danteeda gaar u raacato iyadoo aan u aaba-yeeleyn dolwadaha kale ee yar yar iyo xukuummadda dhexe toona. Ujeedka ugu weyn ee nidaamkani waa in ay dowladaha yar yari helaan awood dheeraad ah si ay mid kasta u gaarto danteeda u gaarka ah iyadoo aan u aaba-yeeleyn dowladaha kale ee yar yar iyo tan ‘federaalka’ ah toona; waxaana dowladahaas ka mid ah: Mexico (1857), Arjantiin (1860), Brazil (1891), iyo Kasejoslofaakiya (1969) oo iyadu ugu dambeyntii kala googo’day. Nidaamka ‘federaal’ ee noocaan ku abuurma waxa uu badanaa dilaa oo wiiqaa awooddii dowladahaas, ugu dambeyna waa ay kala tagaan sida laga arki karo dowladaha aan kor ku soo sheegay; waan sida laga rabo Soomaaliya oo ay haddaba ku socoto haddaan Rabbi SWT sida u dhaamin oo aanay dadka Soomaaliyeed isku-tashan xilli hore. Soomaaliya iyo ‘federaalka’ Si kooban, taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ahayd quwad aad u xoog badan lagana tixgeliyo arrimaha mandiqadda Geeska Afrika, taasoo ay ugu wacneyd baratanka quwadaha waaweyn ee reer Bariga iyo Galbeedka ee gacan ku haynta; sidoo kalena saameynta dalka Soomaaliya halka uu ku yaalo qariidad ahaan awgeed. Tani, waa sababta markii horaba keentay in dhulkii iyo ummaddii Soomaaliyeed loo qaybsado, ka dib markay soo kala dhoweysteen qabaa’ilka Soomaalida. Arrintaan waxay keentay nooc kala sarrayn ah iyo is-colleysi taasoo uu gumeystuhu ugu tala-galay in uu ku sii kala qaybiyo dadka Soomaaliyeed una xukumo(QAYBI OO XUKUN). Waxaa dalka loo kala qaybiyey gobollo, lana kala siiyey dalal; tusaale ahaan Soomaali Galbeed (Itoobiya), NFD (Keenya) iyo xeebta Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysanayey ilaa dhamaadkii todobaatameeyadii intaanay xoriyadda qaadan. Dowladihii Soomaaliya tan iyo 1960kii waxay ka shaqaynayeen si toos ah iyo si qarsoonba sidii loo xoreyn lahaa dhulalkaas maqan, waxana lagu hubeeyey Itoobiya, tusaale ahaan, jabhado ay ka mid ahaayeen tii Tigreega ee madaxda ka ahaa Meles Sanaawi. Sidaas si la mid ah, waxaa iyana jiray jabhado kale oo uu Mingistaha Itoobiya e ku soo hubeynayay Soomaaliya si ay iyaguna u wiiqaan awoodda xad-dhaafka ahayd ee dalka Soomaaliya, taas oo ku aheyd caqabad iyo wadne-kurkur aad u weyn, jabhadihiina waxay ku guuleysteen in ay burburiyaan xukuumadihii Soomaaliya iyo Itoobiya; nasiib-darrose halka jabhadaha Itoobiya ay muujiyeen wadaniyad iyo dal-jacayl oo ay ilaashadeen dalkooda, jabhadaha Soomaaliya waxay ku dhaqaaqeen burburin hanti-dadweyne, dhac iyo xasuuq shacab iyo weliba isku-jeesasho iyaga dhexdooda ah halkii ay ka unkami lahaayeen dowladnimadii Soomaaliya. Halkaas waxaa ka bilowday khilaaf sababay dagaal sokeeye; halka Itoobiya uu madax ka noqday Meles Sanaawi horraantii 1991gii. Isla sanadkii 1993dii, Itoobiya wax aka dhacay afti qaran oo loo qaaday in Eriteriya la xoreeyo sidaasna waxay ku noqotay dal madax-bannaan. Meles waxaa soo tababary oo maal-gashaday dadka iyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu ku noolaa guri fillo ah oo ku yaallay dhabarka dambe ee Hotel Towfiiq isaga iyo Isaayas Afwarki; waxayna si fiican u barteen afka iyo dhaqanka Soomaalida. Haddaba Itoobiya oo iyada lafteeda haysteen caqabado gudaha ah oo ay qowmiyadeheeda kala duwani is-riixriixayeen ayaa waxaa ay jabhadii TPLF-ta ku dhawaaqday in dalka Itoobiya laga dhigay dowlad ‘federaal’ ah sannadkii 1995kii. Meles oo si fiican u fahansanaa Soomaalida iyo halka ay hannaanka afaara-qabiilka ka joogto, kaashanayana Nayroobi, sidoo kalana ay gadaal ka riixayaan quwado kale oo shisheeye, ayaa wuxuu qaatay in uu dhaqan-geliyo aragtidii laga dhaxlay gumeystaha ee ku dhisnayd ‘Qaybi oo xukun,’ waana halka aragtida Meles ee Soomaaliya in ‘federaal’ laga dhigo ay ka timid; ‘federaal’ ku dhisan laba arrimood oo aad muhiim ugu ahaa Itoobiya oo ah in uu xadduud badeed yeesho iyo in uu xadduud dhuleed la wadaago dalka Itoobiya. Sanadkii 1998dii, saddex (3) sano un ka dib qaadashadii ‘federaalka’ ee Itoobiya waxaa la aas-aasay ‘maamul-goboleedkii’ ugu horeeyay ee Soomaaliya kaasoo ku dhawaaqay kana dhaqan-galay gobollada Waqooyi-bari ee Soomaaliya. Isla markii uu Meles la wareegay talada dalkiisa wuxuu bilaabay isaga oo fahmsan meesha ay ku jirto dantiisa iyo danta Itoobiya; halkaasna wuxuu ka bilaabay in uu isku hubeeyo jabhadihii Soomaalida ee xilligaas taasoo aakhirkii sababtay barakac, burbur, halaag iyo kala-firdhad ku dhacay ummaddii Soomaaliyeed. Laga soo bilaabo sanadkii 1992dii, waxa Soomaaliya loo qabtay shirar badan oo dib-u-heshiisiineed kuwaasoo dhammaantood uu Melas ka ahaa oday diiddanaana inay ka soo baxaan wax mira-dhal ah ama wax u tari kara isirka Soomaalida. Dunida manta jirta oo nagu wareertay ka sokow, waxa kale oo jira dano istaraatiijiyadeed oo Itoobiya laga lahaa sida inay tahay quwad mileteri oo her gobol ah. Waxa dhanka kale ka caawinayey Keenya oo ay tan iyo horraantii 1960kii wada lahaayeen heshiis iskaashi mileteri oo looga soo horjeeday Soomaaliya; kuna saleysnaa diiddadooda mashruuca “Soomaali-weyn.” Si kastaba, sanadkii 1999kii ayuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku guuleystay in uu isugu yeero Soomaalida si loo heshiiyo loona yagleelo dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed tan iyo burburkii. Waxa xigay qas ay Itoobiya ku burburisey dowladdii lagu soo dhisay Carta; waxana la isugu yeeray shir kale kaasoo ka dhacay Keenya qaatayna ku dhowaad laba (2) sano. Shirkaan wuxuu ahaa kii dilay dowladnimadii Soomaaliya ka dib markii naloo soo qoray hannaanka ‘federalka’ iyadoo aan cidna lagala tashan; aftina loo qaadin, lana halmaamay sidii laga yeeli lahaa Hargeysa oo wax tabaneysey goonnina u taagnayd hal cabbaar ah! Gobollada Waqooyi Bari ayaa qaatay ‘federaalka’ ka dib markii ay Itoobiya muquunisay, waxa ku xigey xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf oo ay iyadana Itoobiya dabada ka riixeysey. Imaanshihii Cabdullaahi Yuusufna waxa bilowday xasuuq agaasiman oo ay geysanayeen ciidanka Itoobiya iyo xukuumaddii Soomaaliya ee xilligaas, ka dibna waxa kacay muqaawamo ay markii dambe ka farcameen Shabaabka sidaasna lagu beddelay xukuumaddii. Wadaaddadii beddelay ee uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed. ‘Federaalkii’ qabyaaladeysnaa wuxuu gaaray dalkoo dhan; min Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Dhuusamarreeb, Garoowe, iyo xataa Hargeysa oo goonni-isu-taag ku doodeysa. Ma ahayn hannaan laga heshiiyey ama ay xaataa Soomaalidu wax talo ah ku lahayd. Walow ay Soomaalidu la dirirtay hannaankii dowladdii dhexe haddana halkii laga aadi lahaa hannaan dhex-furan waxaad mooddaa in la isku dirqiyey, iyadoon loo mel-dayin dhaqanka iyo diinta Soomaalida toona, hannanka ‘federaalka’ qabyaaladeysan ee faddarada ah. Halista nidaamka ‘federaalka:’ 13 qodob oo xasaasi ah Nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladaysan ee Soomaaliya wuxuu halis iyo khatar aad u weyn ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo ah bulsho wadaagta isir, af, dhaqan, dal iyo diin, ahna reer guuraa xoolo dhaqato, beeraley iyo ganacsato isugu jirta. Halisaha uuu leeyahay nidaamkani waa ay badan yihiin waxana ka mid ah kuwa hoos ku qoran:- ‘Federaalka’ qabyaaladeysani wuxuu abuurayaa oo baahinayaaa is-nacaybka kala-qoqobka, shakiga iyo sad-bursiga; Waxa uu abuurayaa colaado hor leh kuna saleysan dhul iyo xukun-ballaarsi; Wuxuu kala xannibiyaa is-dhexgalka iyo isu-socodka bulshada Soomaaliyeed; Wuxuu lid ku yahay midnimada, wadajirka iyo wadaagidda dhaqan-dhaqaalihii ay Soomaalidu asalka iyo faracaba u lahayd abid; Wuxuu kala dhantaalayaa cududdeena, taasoo inoo keeni karta in cadaawuhu si fudud noo soo hunguriyeeyo isaga oo adeegsanaya mamul-qabiileedyada yar yarka ah, mid kastana gooni ula heshiinaya sidii ay boqortooyadii Ingriisku ay dalka ku qabsatay qarnigii 19naad iyada oo adeegsaneysa qiddadeedii caanka baxday ee “Qaybi oo Xukun;” Waxa uu abuurayaa xasillooni-darro siyaasadeed oo ba’an, taasoo ka hor-imaanaysa horumar kasta oo uu dalku ku tallaabsan karo; Wuxuu baahinayaa musuq-maasuqa isaga oo u daadejinaya heer gobol, degmo iyo tuulo; waxana yaraanaya anfaca gaaraya bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sharciyeynayaa, oo uu awood xad-dhaaf ah siinayaa, hoggaamiye-qabiileedyada kala hogaaminaya maamul-qabiileedyada kala duwan, taasoo aan marnaba bullaalineynin qarannimada Soomaaliyeed; Wuxuu sidii basasha oo kale si ba’an hoos ugu daadejinayaa qabyaaladda, taasoo keeneysa in qabiillada waaweyn ay ku tuntaan kuwa laga tirada badan yahay; Wuxuu badinaya khiyaanooyinka siyaasadeed ee lidka ku ah dowladnimada iyo qarannimada Soomaaliya; iyada oo qaranku yeelanayo meelo badan oo looga soo dusi karo. Wuxuu kala daadiyaa dadka, dalka iyo fahanka diinta iyadoo lagu sababeeyo colaaddi kal hore; Waa wax aan meelna naga soo gelin annagana aannaan iska lahayn, sidaas darteedna ilaa hadda ay doodi ka jirto siduu noogu yimid annagoo hal dad ah, hal dal ku nool, hal diin leh, hal af leh, hal dhaqan leh, wax aan ku kala duwannahayna aysan jirin; ugu dambeyntiina ‘Federaalk’ qabyaaladeysani waa faddaro sidaan ka aragnay Gaalkacyo, doodad maqaamka Muqdisho, waxa hadda ka socda Beledweyne, mar kasta oo la gaaro xilliga doorashooyinka, gobollada Jubbooyinka, goonni-isu-taagga Hargeysa, iyo weliba sida aysan kuwa madaxda isku sheega uga xishoon oo ay sida joogtada ahi ugu af-lagaaddeeyaan damiirka qofka Soomaaliga ah. Nidaamka ‘federalka’ qabyaladeysan oo intaasoo dhan kulansaday ayaa haddana laga kari la’yahay madaxya-weynta Soomaalida in ay ka waantoobaan ama ay xataa darsaan waxa uu yahay hannaakaan aan dantu noogu jirin; waa hannaan si toos ah iyo si dadbanba uga hor-imanaya dastuurka ku meel gaarka ah sida ku cad, tusaale ahaan, qodobka 1aad, faqradiisa 3aad. Sidoo kale, bal fiiri qaabka ay u qoran yihiin waraaqaha rasmiga ah ee ka so baxa xafiisyada dowladda iyo waxa noogu qoran baasaborka Soomaaliga ah. Xukuumad dhex-furan oo adeege ah: Xalka siyaasadeed ee Soomaaliya Qaadashada nidaam kasta ee dowladeed waxa laga eegaa baahida ay dalka iyo dadku u qabaan nidaamkaas iyo weliba faa’iidada iyo caqabadaha ku gedaaman qaadashada nidaamka cusub. Waxyaabaha kale ee tixgelinta u baahan waa halka uu adduunka marayo, xaaladda gobolka, iyo weliba la-tashiyo lala sameeyo bulshada dalkaas si loo helo gadidda iyo meel-marinta hannaanka cusub. Taariikhda Somaaliya waxay si muuqata iyo si dahsoonba u qoreysaa in uu culays daran ka soo yeeray hannaanka dowlad dhexe, oo dadka merjisa, sidaas darteedna loo baahan yahay hannaan dowlad dhex-furan, oo adeege ah. Hannaankaan wuxuu u baahan yahay in dadka Soomaalidu ay ku baraarugaan waayo wuxuu noo bixinayaa nabaddii iyo dowladnimadii aan baadigoobka ugu jirney tan iyo dowlad-dhiskii noo soo bilowday, Ilaahay mahaddiiye, xilligii Carta. Waa in la qabtaa shir-weyne qaran oo wada-tashi ah loogana wada hadlaa masiirka dalka, ubuc looga dhigaa qur;aan akhris, duco, is-cafin iyo towbad Rabbi SWT loogu noqdo wixii dhacayna sidaas looga gudbo baal cusubna loogu furo taariikhda iyo nolosha siyaasadeed ee Soomaaliya. Qaabka iyo sida uu noqon karo hannaanka dowlad dhex furan oo adeegta, waa in la helaa xukuumad dhex-furan min heer qaran (dowlad dhexe oo idman), heer gobol (maamul-goboleed leh xaakim iyo ku xigeen iyo barasaabyo madax u ah gobollada), ilaa heer degmo (guddoomiyeyaal degmo oo adeegayaal ah). Sidoo kale golayaal degmo oo kaalintoodu tahay horumarin ayaa kaga filan siyaasadeynta hannaanka dowladeed ee dhexda furan adeegana ah. Qof kasta oo Soomaali ahi waxa uu degi karaa meshuu doono oo Jamhuuriyadda ka mid ah; adeegyada asaasiga ah ee bulshadana waxa laga geynayaa oo laga heli karaa meel kasta ilaa heer tuulo iyadoo ay xukuumadduna hayso diiwaanka guud ee wax kasta oo ku saabsan u adeegidda qofka Soomaaliga ah. Hannaanka ‘federaalka’ qabyaaladeysan ee faddarada ah ee naloo keenay waxa keliya ee beddeli kara isku-tashi iyo Alle tala-saarashada dadka Soomaaliyeed ka sokow in loo boxo hannaan dowlad dhexe furan, oo adeege ah, adeegyadana gaarsiiya ilaa heer tuulo; kaasoo loo qur’aan akhriyey si walaaltinnimo ah oo Soomaalinimo ahna looga gorgortamay oo weliba la isugu turay. Nidaamkan waxa isticmaalay oo uu si fiican ugu shaqeeyey dalal badan; waana hannaka ugu fiican Soomaaliyada manta oo ay Ilaahayna SWT ugu noqon kartaa, iyaduna dib ugu walaaloobi kartaa. Dhamaad