Topnews:-Weerarkii Hotel Maka oo xogtiisa la helay iyo Wiil uu abti u yahay Milkiilaha oo fuliyay?
Abdirashid Ciid Osman.info - Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Dowladda Somalia ayaa ka shaqeeyay qorshaha weerarkii lagu qaaday Hotel Maka Al Mukarama hasse yeeshee farsamadda ay fulinta weerarkaas u mareen ayaa noqotay mid yaab badan.
"Saraakiisha Villa Somalia oo adeegsanaya ganacsato taageera Al-Shabaab waxeey ku guuleeysteen in xiriir lala sameeyo wiil uu abti u yahay Maamulaha Hotel Maka Al Mukarama Gureey Xaaji Xasan,wiilka oo ku jiray kooxda Al-Shabaab ,waxaa lagu yiri Abtigaa wac oo lacagta Zakada Al-Shabaab ka qaad”ayuu yiri Sarkaal xog ogaala oo qisada loo weeraray Hotel-ka uga sheekeeyay Waagacusub.
Wiilka oo lagu magacaabo Nuradiin Cali Ospito waxaa dhashay Gureey walaashiis la yiraa Caasha Xaaji Xasan ,wuxuuna wacay Abtigiis isagoo weeydiiyay inuu bixiyo Zakadda Al-Shabaab laakiin abtigiis wuxuu yiri "Aniga nimankaas aad la joogtid waxba uma haayo Zako abti iga raali noqo”
Nuradiin Ospito wuxuu ku yiri "Abti Murtadiinta waxaad siisaa lacag ciidda ka badan ,hadaad Zakadda ku bixin weeysid todobaad gudahiis, tilaabo ayaan kaa qaadeeynaa”
Gureey Xaaji waa iska dhega tiray hanjabaada wiilkiisa hasse yeeshee Ganacsatadii Beesha Xawaadle ee Wiilka adeeradda u ahaay ayaa Nuuradiin mar labaad la xiriiray,waxeeyna weeydiiyeen wuxuu kala kulmay.
Ina Cali Ospito ayaa wixii dhexmaray isaga iyo abtigii Gureey uga sheekeeyay laakiin maadama weerarka ahaa mid laga qorsheeyay Villa Somalia,uuna abaabulkiisa u xilsaarnaa Wasiirka Amniga Mr Cabdirisaq waxaa lagu yiri "Ragaaga diyaarso,anagana kuwa ku caawiyo ayaan kuu diyaarineynaa,markaad gudaha gashidna adigoo bad qabo ayaad ka laaban doontaa”
Maamule Gureey Xaaji wuxuu isku dayay inuu Hotel-ka dhabarkiisa dambe xiro laakiin Gudoomiyaha Degmadda Hodan iyo Saraakiisha Nabadsugidda Damujadiid ayaa u diiday maadama ay la socdeen qorshaha weerarka taas oo aan suurtagal noqon laheyn hadii la xiro jidkaas dhabarka dambe.
"Gudoomiyaha Degmadda Hodan wuxuu iiga daba yimid xitaa Gudoomiyaha gobolka Markaan u tegay,wuxuu ka shaqeeynayay inuu fashiliyo amaanka Hotel-ka,wuxuuna si cad u diiday inaan xirto seeto ama silsilad dhabarka Hotelka"ayuu yiri Gureey Xaaji oo shir Jaraa-id ku dhex qabtay Hotel-kiisa.
Dableeyda weerartay Hotel Maka waxeey dhamaantood wateen Tuutaha nuuca cusub ee la siiyay Melleteriga Somalia taas oo ka marqaati kacday iney tuutahaas bixiyeen Taliyaha xooga Indha qarsho iyo ku xigeenkiisa Cabdullahi Macalin Nuur.
Nuradiin Cali Ospito oo gacan ka helaya ,Wasiirka Amniga,Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugida Ruuxaanta Damujadiid waxaa loo gudbiyay Baabuurkii qaraxyadda ka buuxeen iyo dableeydii uu watay,waxeeyna sidaas ku galeen Hotel Maka Al Mukarama.
Ina Cali Ospito wuxuu qaraxyadiisii ku dhaawacay hooyadii dhashay oo gacan ka jabtay sidoo kalena ilaa subaxdii waxeey ka dhex raadinayeen Hotel-ka Abtigiis Gureey Xaaji Xasan.
Gureey Xaaji Xasan maalintaas jimcaha wuxuu ku maqnaa badda Xeebta Liido ,kumana jirin Hotel-ka ,sidoo kalena Maamulahii Hotel-ka wuxuu iska soo tuuray dabaqa labaad markii lagu garaacay Albaabka qolkii uu ku jiray.
Waxyaabaha shakiga badan abuuray ee dib laga ogaaday waxaa ka mida in Xabadda Hotel-ka bilaabatay afartii galabnimo iyo daqiiqado iyadoo Ciidanka Gaashaan tegeen lixdii maqribnimo.
Ciidanka Nabadsugidda iyo kuwa gurmadka degdega ee Kumaandoos waxeey jaanis siinayeen dableeyda gudaha ku jirtay ee xasuuqa baahsan waday ,iyadoo la rumeeysan yahay iney Maleeshiyaadka Madaxtooyadda laftooda gudaha la galeen.
Intii Ina Cali Ospito ku jiray gudaha waxeey dadka saarayeen Maxkamad Islaamiya iyadoo ilaa seddex qofood gacmaha laga jaray.
MAXAA U SABABA IN GUREEY XAAJI XASAN NOQDO BARTILMAAMEED.
Ganacsade Gureey xaaji wuxuu mudo dheer mucaaradsanaa siyaasadda guracan ee Madaxweyne Garguurte ku burburiyay Qaranimadda Somalia.
Gureey Xaaji wuxuu ahaa ganacsadaha kaliya ee shir beelweynta Abgaal u dhan tahay ka dhex yiri "Xildhibaanadda hana dhaafiyeen Xasan Sheekh Maxamuud”
Ganacsade Gureey wuxuu Hotel-kiisa noqday hooyga ay ku shiraan siyaasiyiinta Mucaaradsan Madaxweyne Garguurte iyo kooxdiisa Damujadiid laakiin ugu dambeyn waxaa loo maleegay shirqool galaaftay Hotelkiisii Maka Al-Mukarama.
Madaxda Dowladda Somalia waxeey qariyeen meeydadkii Hotel-ka laga helay iyagoo ku sheegay tiro dhan labaatan qof ,halka lagu qiyaasay dhowr iyo afartan qof.
Sikastaba ha ahaatee,Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Damujadiid waxeey dileen Wiilkii hoowlgalkaas fuliyay ee Nuradiin Cali Ospito ,iyadoo sababtana lagu sheegay inaan la helin xog dheeriya oo ku saabsan dadkii abaabulay hoowlgaladaas