Sunday, March 29, 2015

Madaxweyne Gaas oo VOA uga waramay Waxbaqadkii sanadka iyo siyaasada Puntland (Dhageyso)


                                   
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo marti u ahaa barnaamijka Wicitaanka dhageystaha VOA-da ayuu kaga hadlay arrimo la xiriira waxqabadka sanadka iyo 3 bilood ee u xilka hayo, Isbedel uu ku sameeyey saraakiil amni, Dhismaha maamulka gobolada dhexe iyo arrimaha dowladda federaalka waxaana su’aalo ku weydiinayey dadweyne ku sugan Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in sanadka tagey 2014kii uu mashaariic hormarineed laga hirgeliyey dalka oo ay ka mid yihiin wadooyinka, Garoomada iyo mashaariic bulshadeed oo gudaha Puntland ka socda, Mustaqbalka dhow ayuu sheegay in la filayo in mashaariic kala duwan laga bilaabo oo ay ugu soo horayso balaarinta dekeda magaalada Boosaaso.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay amniga dalka oo uu sheegay in isbedel laga dareemayo isagoo sidoo kale tilmaamay dagaalada xoogan ay kula jiraan ururka Al-shabaab oo ku sugan buuraha Galgala oo uu xusay in howl galo ay ka wadaan ciidamada Daraawiishta Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsanayd dhaqaalaha Puntland iyo Mushaaraadka Ciidamada, Madaxweynahu wuxuu sheegay in aysan jirin dhaqaale hoos u dhacay walow uu sheegay in dowladiisa ay saro u soo qaaday heerka dhaqaalaha Puntland, Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin mushaar la’aan wajahday ciidamada Puntland ayna bilkasta qaataan Ciidamada mushaarkooda.
Dr Cabdiwali Gaas ayaa wax laga weydiiyey xilka qaadis lagu sameeyey saraakiil ciidan oo ka tirsanaa dowladda Puntland wuxuu sheegay in xilku yahay meerto sarkaal kastana uu hayo muddo cayiman aysana jirin carqalado ka yimid xilka qaadista walow uu sheegay in uu jiro sarkaal xil laga qaaday uu mar diido yimid.
Mar wax laga weydiiyey arrimaha khilaafka maamul u samaynta gobolada Dhexe ayuu Madaxweyne Gaas sheegay in ay ku wanaagsan tahay ay xal ka gaaraan dadka maamulkan dhisayana wuxuuna xusay khilaafka in ay dhexdooda dhamayn karaan.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo xiligeedu ka harsan yahay muddo sanad iyo bilo ah ayuu madaxweyne Cabdiwali Gaas ka hadlay rajada dowladdan laga qabay xiligeedii hore wuxuuna tilmaamay in uu jiray barnaamij loogu tala galay in ay ku shaqaysay oo uu sheegay in aan wax badan laga soo qaban ayna suurta gal ahayn in lagu dhameeyo mudda u hartay

No comments:

Post a Comment