Saturday, March 28, 2015

(Dhagayso) Milkiilaha Hotelka la Weeraray:”Waan filayay in dhibkan uu dhacayo”.

                          http://puntlandi.com/dhagayso-milkiilaha-hotelka-la-weeraraywaan-filayay-in-dhibkan-uu-dhacayo/




(Dhagayso) Milkiilaha Hotelka la Weeraray:”Waan filayay in dhibkan uu dhacayo”.

Kor Ka Dhagayso Codka;
Milkiilaha Hotelka Maka Al-mukarama Guray Xaaji Xassan ayaa sheegay inuu filayay in Weerar lagu soo qaadi doono Hotelkiisa,xilli buu yiri uu Maamulka Gobolka Banaadir ka dhega adeegay codsi aan u gaystay oo ku saabsanaa in loo ogolaado inay xirtaan Irida hotelka.
”Ciidanku waa yimaadeen waxay qabanayaan ma jirto,marka annaga waan filaynay in Weerarkan uu nagu dhacayo,Xamar oo dhan Hotel kasta Iridiisa waa xirtay anniga si gaar ah ayaa la iigu diiday,waan filyay in dhibkan uu dhacayo”Ayuu yiri Milkiilaha Hotelka Maka Al-mukarama.
Hadalkan ayuu ka sheegay Waraysi uu siiyay Idaacadda Codka Maraykanka ee marka magaceeda laso gaabiyo loo yaqaan VOA.
Wuxuu intaas ku daray”….Waa Hotelka kaliya oo saddex jeer laso Weerararay,maadama aan dareenka qabay waxaan rabay innaan wadada aan iska Kaantaroolo,codsiga Gobolka ayaan u geeyay,waana la iidiiday”.
Guray Xaaji Xassan ayaa sheegay in dadka Hotelka ku dhintay ay ku jireen Seedigii iyo walaashii,kuwaas oo ku sugnaa Hotelka xilliga la Weerarayay.
Dhanka kale,inta la og yahay dad ka badan 10-qof ayaa ku dhintay Weerarka,waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay xarunta Xaquuqul Insaanka ee ee magaalada Geneva Yuusuf Bari-bari.
Hoos Ka Dhagayso Codka;

No comments:

Post a Comment