Fadeexad xoogan oo lasoo gudboonaatay Xildhibaanadii waraaqda u diray
Dowlada Iran!
Xildhibaanadii xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee asbuucan waraaqda
hanjabaada ah u diray Dowlada Iran ayaa la shaaciyey xiriirka ay la leeyihiin
shirkadaha Hubka soo saara ee u ololeenaya duulaan militari oo uu Maraykanka ku
qaado Iran.
Senator Tom Cotton oo ah xildhibaankii horboodayey kooxda ka
tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Maalin kadib markii uu waraaqda diray ka qeyb
galay munaasabad balaaran oo ay soo qabteen Kooxaha u ololeeya shirkadaha
waaweyn ee Maraykanka ee hubka soo saara.
Xildhibankan Tom Cotton oo laga soo doortay gobalka Arkansas
ayaa ah 37 sano jir, kamid ahaan Jiray ciidamadii kasoo dagaalamay Ciraaq,
wuxuuna sidoo kale ka qalin jabiyey Harvard Law School.
Xildhibaankan (ex-askari) ayaa kamid ah xagjiriinta ka
tirsan xisbiga Jamhuuriga ee sida tooska ah ugu Xiran shirkadaha waaweyn ee
hubka soo saara sida shirkada Boeing. Xili uu xildhibaankan olole ugu Jiro
weerar Maraykanka uu ku qaado Iran.
Cotton ayaa sidoo kale u ololeenaya in Maraykanka uu ugu
deeqo boqolaal diyaaradaha dagaalka ay Soo saarto shirka Boeign maamulka Isra’iil
oo uu xiriir weyn ka dhaxeeyo.
Waxaa taasi usii dheer in xildhibaankan iyo asxaabtiisa ayaa
u ololeenaya in Marayanka uu hub ugu Deeqo dalka Ukraine, si ay ulla
dagaalamaan Ruushka.
Xagjirnimada Tom Cotton maaha mid ku eg dhanka dagaalka oo
kaliya, xili uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ku sugnaa
ayuu waraaqo uu qoray ku sheegay in (Xabsiga lagu guro Suxufiyiinta ka hadla
hawlaha sirdoonka Maraykanka sida sharci darada ah u qabtaan).
Cotton wuxuu sidoo kale bishii lasoo dhaafay sheegay in
maxaabiista ku xiran Xabsiga Guwantanamo Ee aan dabiga lagu helin halkaasi lagu
hayo illaa uu meykooda ka qurmo “..They can rot in hell…”waa Siduu hadalka u
dhigayee.
Tom Cotton oo kamid ah Saaxiibada Shirkadahah hubka iyo
Isra’iil ku leeyihiin Baarlamaanka Maraykanka ayaa ku dooda in cadaawada
Maraykanka loo qabo aysan ku xirneyn (Falalka Maraykanka geysto), balse
Maraykanka loo necebyahay maadaama uu astaan u yahay (Wanaaga iyo Xoriyada),
waa siduu hadalka u dhigee.
Balse Tom Cotton iyo saaxiibadiisa ayey la yaab ku noqotay
carada iyo cambaareynta ay kala kulmeen Shacabka Maraykanka iyo waliba qaar
kamid ah isla xisbigooda Jamhuuriga oo diiday inay saxiixaan Waraaqdii uu u diray
hogaamiyaha sare ee Iran Cali Khumeynii.
Shacabka Maraykanka oo casharo badan kasoo bartay dagaaladii
Afghanistaan iyo Ciraaq ayaa xiligan Si weyn uga soo horjeeda dagaal uu
Maraykanka markale ku qaado dal kale oo muslim ah. ..


No comments:
Post a Comment