Thursday, February 2, 2017

, 02, 2017 (Badbado) - Waxaa maanta khudbadahooda ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ilaa 7 musharax oo ka mid ah 24 musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ugu horeyn khudbadaha ............

                           

         
        Feberaayo, 02, 2017 (Badbado) - Waxaa maanta khudbadahooda ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ilaa 7 musharax oo ka mid ah 24 musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ugu horeyn khudbadaha bilaabay Sakariye Max’uud Xaaji Cabdi.
Zakariye Maxamud oo ugu horeyn sheegay in uu xoogga saari doono Amniga, Midnimada, Muwaadinnimada iyo dhismaha dowlad casri ah.
Musharax Sakariye waxaa uu sidoo kale ka hadley in uu ku dadaali doono dhismaha ciidanka, dastuur tayo, cilmi iyo Tecknoljiyad, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in dowlada Itoobiya iyo Kenya uu sheegay in ay faragelin ku hayaan Soomaaliya aaney na jebin Karin balse ay lugooyo wadaan
Sakariye ayaa yiri musharixiinta waxaa ay isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah’’ In dooro aan ku dillee’’ In dooro aan ku dayaceen’’ iyo Idooro aan ku daryeelle, isaga oo sheegay in uusaga ka mid yahay qeybta danbe ee ah [Idooro aan ku daryeellee]
Bashiir Raage Shiiraar
Bashiir Raage Shiiraar ayaa isna goobta ka jeediyay hadal gaaban, Shiiraar waxaa uu ka hadlay dagaal ay isaga iyo hogaamiyayaal kale Muqdisho kula dagaallameen kooxo ugu yeeray waqtigaa gaalo balse sida uu sheegay hadda la ogaado cidda gaalada ah, waxaa uu Xildhibaannada ka codsadey in ay ku doortaan aqoonta waji iyo muuqaal ahaan ay u leeyihiin.
Bashiir Raage oo aan khubadiisa ku dheeraan ayaa sheegay in uu yahay shaqsi aan been badneyn, ka mid aheyd dadka is amaana, islamarkaana ay ka daacad tahay sida uu u hadalayo wax badanna dalka ka badali doono haddii la doorto.
Jabriil Ibraahim C/dulle
Jibril Ibrhaim Cabdulle oo sidoo kale xildhibaannada labada aqal ka hor Hadley waxaa uu ku dheeraaday barnaamijkiisa siyaasadda isagoo ka Hadley amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, ka hortagga musuqa, dhalinyarada, haweenka iyo xiriirka caalamiga ah.
Musharax Jabriil ayaa ku dheeraad sida uu u doonayo in haweenka iyo dahlinyarada ay kaalin uga lahaadaan dowladda, in cadaalad la helo oo la dhiso guddiyo iyo maxkamad dastuuri ah.
Dhinaca amniga waxaa uu sheegey in uu wada shaqeyn fiican la yeelan doono dowlad goballeedyada iyo beelaha Soomaaliyeed isagoo ballan-qaadey in uu la dagaali doono musuqa, kuna dadaali doono dowlad wanaagga.
Waxaa uu sheegay in uu  xallin doono arrinta Somalia iyo Somaliland , kuna dadaali doono sidii Soomaaliya xiriir ula yeelan laheyd dowladaha caalamka.
Ugu danbeyntii, waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in xildhibaannada uu ka codsanayo in ay doortaan, madama uu yahay qof Ugub yahay madaama ayuu yiri Curadkii lagu fashilmay.
Xassan Sheekh Max’uud
Xassan Sheekh Max’uud ayaa inta badan khubadiisa ku qaatay in uu wax badan qabtay mudadii uu afarta sanno aheyd ee uu xilka hayay, gaar ahaan lixdii tiir ee uu ballanqaaday in uu markii uu xilka la wareegay.
Wax yaabaha ay dowladdiisa ku guuleysatay mudadii afarta sanno aheyd ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen amniga iyo hormarinta dowladnimada iyo soo celinta xiriirkii caalamiga ah, isaga oo sidoo kale sheegay in dowladdiisa ku guuleysatay dhameystirka nidaamka federaaliisamka,inta dhimanna la dhameystirayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale marar badan dowladiisu sameysay isku day ah in la xaliyo tabashada Soomaaliland arintaana meel wanaagsan mareyso.
Arimaha u baahan dhameystirka ayuu ku sheegay xasilinta dalka iyo Nabad Geliyada,waxaana uu sheegay in la furan doono Meelaha ku haray gacanta Al-shabaab.
Waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in uu dhameystiri doono dhismaha siyaasadda Qaranka si loo gaaro 2020ka doorasho qof iyo cod ah.
Shariif Sheekh Axmed
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ayaa ku furay khubadiisa uu wax ka qabanayo amniga oo sida uu hadalka u dhigay ah qodob muhiim ah.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaarin doono ciidamo la wareega amniga Soomaaliya oo ka kala imaanaya gobolada iyo degmooyinka islamarkaana ay hogaaminayaan saraakiil dhalinyaro ah oo weliba Aqoon leh.
Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada hadda jooga iyagana lagu sameyn doono isku dhaf,waxaaa uu rajeeyay in ay ammaanka sugi doonaan.
Sheekh Shariif ayaa sheegay 2018 ay ammaanka la wareegi doonaan ciidamada isku dhafkaa ee la sameynayo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in qorshihiisa aysan ka marneyn dib u heshiisiin si loo helo nabad iyo xasiloon,iyadoo uu sheegay in Soomaaliya aysan helin wax dib u heeshiisiin ah ,waxaana uu xusay in dib u heshiisiin dhab ah maanta loo baahan yahay.
Shariif ayaa sheegay in la joogo xiligii Soomaaliya ay midoobi laheyd, iyadoo uu xusay in dowladiisu ay hormarin doonto.
Dhinaca kale Garsoorka ayuu sheegay in ay Habacsanaan uu ka jiro,waxaana uu tilaamay in uu wax ka qaban doono garsoorka Sare -na loo qaadi doono weliba asagoo madaxbanana,waxaana uu xusay in uu garsoorku ku qotoma madaxbanaani iyo caddaalad.
 Dhinca dastuurka ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono islamarkaana uu keeni doono Sharuuc lagu hagayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay,waxaana uu xusay in ay dastuurka uu dib u degis ku sameyn doono.
Ugu danbeyntii, arimaha bulshada ayuu sheegay Sheekh Shariif in Xuumaddiisu ay wax badan ka qaban doonto, islamarkana uu sixi doono haddii uu jiray qaladaad uu horay u gallay.

Saciid C/llaahi Dani
Musharax Saciid C/llaahi Dane oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa sheegay in uusan rabin soo jeedinta sida uu hadalka u dhigay qodobo ay tahay in ay wax ka qabato xukuumada uu dhisi doono, hasse ahaatee uu rabo oo kaliya in uu xoogga saaro dhinaca sharciga.
Musharaxa ayaa khubadiisa xoogga ku saaray arimaha dhaqaalaha, cadaallada, sharciga iyo waliba hagaajinta xiriirka u dhaxeeya lamaha dowladda, isaga oo ballanqaaday haddii uu ku guuleysto xilkan uu u adeego doono si daacad ah, madaama sida uu hadalka u dhigay uu yahay shaqsi aqoonyahan ah oo waxbadanna ka garanaya hogaaminta iyo nidaamka dowlliga ah.
Dr Saciid Ciise Max'uud

Musharax Dr Ciise Max'uud oo hadal ka jeediyay xarunta ayaa khubadiisa xoogga ku saaray arimaha nolasha bulshada taabanaya,isaga oo sheegay in uu yahay qof siweyn dadka u kala garanaya islamarkaana socdaal ku maray deegaanno ballaaran oo ka mid ah dalka.
Waxaana uu ka codsay xildhibaannada in ay codkooda siiyaan, isaga oo balanqaaday in uu wax badan ka qaban doono guud ahaanba arimaha bulshada, waxaana uu rajo badan ka muujiyay Soomaaliya oo ka wanaagsan sida ay hadda  tahay islamarkaana wada guuleysatay.

Waxaana muuqatay in musharixiintii maanta hadashay oo idil ka sinnaayeen arimo dhowr ah sida wax ka qabashada amniga iyo cadaallada oo musharax walba ay qeyb ka mid ah khubadiisa taabaneysay.

Friday, December 16, 2016


It is unusual that something so big goes almost unnoticed, yet when one refers to investments opportunities one rarely thinks about Africa, a true giant. With 1.216 billion people (15% of the global population) and almost with 3.5 times the surface of the United States, this huge continent is facing a period of vivid change where sharp investors can find their gold mine.

                A Decp Of Growth

Africa’s transformation saw its beginning in the decade between 1995 and 2005, where the efforts of the local economic lawmakers were focused on reducing the growing inflation which for years frightened foreign investors. 
In addition to this, some countries like Nigeria (Africa’s biggest economy) made great strides mainly in two fields: the reform of the public sector and the improvement of security against terrorism. Unfortunately, as Oxford University Professor Paul Collier wrote, the recent global economic crisis hit the African economy, the price of commodities collapsed, and the scenario became too risky for investors.
1.216bnis the population of Africa
Although showing undoubted progress, this big continent seems still unable to change its role in the world economy, where it accounts for just 3% of the global trade.
As a matter of fact, African economies keep focusing on exporting commodities (like cotton and minerals) instead of concentrating on a long-run view where processing resources, is the key to growth. To reach this ambitious target, it is pivotal to wipe out the inefficiencies that afflict the whole continent.

When The Problem Becomes The Advantage 

The analysis of the root causes leading to Africa’s economic inefficiency shows that two of them could be the starting point for a stunning improvement: transports and electricity. Transportation is very complicated in Africa.
As stated by J. Musitwa for the World Economic Forum, Africa lacks systematic infrastructure, which slows the export-import activities making the internal connecting roads impassable. This strongly contributes to the very low intra-regional trade (18% of the total trade on the continent, extremely scarce compared to the 69% in Europe and the 50% in North America).
In addition to this, the International Energy Agency shows that less than 30% of sub-Saharan Africans have access to electricity and there are, on average, 56 power outages a year which induce an estimated 20% losses in revenues.

The Power Of The Internet

Moreover, electricity is vital to allow Africa to enter the internet community which is nowadays a powerful tool for diverse aspects such as the economy, information and, last but not least, social connection.
Indeed, it is globally recognised that a digital revolution brings new opportunities, but for Africa, a giant continent surrounded by water and too often exploited by Western economies, it is even more meaningful because being connected with the world is not just a matter of growth and GDP: it also means integration.
Once you feel integrated, you can start analysing your position in the world economy, and you are ready to find the courage to jump on the bandwagon.

More Than Meets The Eye

But, as the wise Bedouin teach, there is not only sand in the desert, if you know where to search. Africa is the youngest country in the world with 40% of its population under 18 and young means opportunity.
This is a huge chance because young Africans are not only a breath of fresh air in the world economy but they are also becoming the first generation in their continent remarkably willing to innovate its lifestyle.
As research shows, mobile telephony in Africa was non-existent in 2000. Sixteen years later, the number of mobile users on <<<<<the continent is about 700 million and still growing. Additionally, the smartphone adoption is similar to the global average, but with a faster expansion.
Over the last few years, Western venture capital>> companies have seen the potential and are investing more in Africa, especially in the technology sector.

The Need For Education

These results will be extraordinarily improved by the development of the education system which is still in its infancy. In a few years, the efforts that are being made in Africa regarding tertiary education could form a new ruling class with undisputed benefits not only for the whole African continent but also for world economies.
Will Africa manage to show its economical potential and overcome its limits in the next decade?

Wednesday, December 14, 2016

 Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ansixiyey Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa Aqalka Hoose ee Puntland U Metelaya Baarlamaanka Soomaaliya.

December 13, 2016 – Written by Ciid
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  maanta 13 December 2016 xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose ee Puntland umetelaya  baarlamaanka Soomaaliya gudoosiiyey shahaadada ansixinta xubinimadooda xildhibaan,  isla markaana xalfad qado sharaf ah ugu qabtay xarunta dalxiiska Hidda-raac ee Garoowe.
Munaasibadan lagu gudoon siinaayey xildhibaanada shahaada ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa,  guddiga doorashooyinka heer fadaraal, guddiga doorashooyinka Puntland, maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland iyo saraakiil kamida Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa la dardaarmay Xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Soomaliya waxana uu mdaxweynuhu ku booriyey xildhibaanada inay ahaadaan kuwo ka shaqeeya horumarka Soomaaliya, isla markaana masuuliyad gaara iska saaraan shaqada baaxada leh ee ay uqaban doonaan Shacabkooda.
‘‘Hawshan maanta meeshan ka dhacday runtii dedaaldheer ayaa galay juhdi dheer ayaa galay fikir dheer ayaa galay, gobolada in la aado oo wax lagu soo doorto waxay ahayd fikir kamiyi Puntland, si salimana waa ay noogu raceen dhamaan  masuuliyinta maamul goboleedyada dalku, sababtoo ah fikirkii saxda ahaa buu ahaa, waxaan idinkula dardaar mayaa inaad ka shaqaysaan horumarka dalkiina iyo  shacabka idin doortay’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Sidoo kale maxweynaha ayaa ku amaanay ugana mahad celiyey Baarlamaanka Puntland,  Gudiga doorashooyinka heer Puntland , guddigadoorashooyinka Soomaaliya, ciidamada amaanka Puntland dedaalka iyo shaqada aan  hakadka lahayn ee ay ugaleen sidii ay u qabsoomi lahayd doorashadu.
Dhinaca kale gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudanae Axmed Cali Xaashi ayaa isaguna dhankiisa kula dardaarmay  xildhibaanada inay markasta ka shaqeeyaan  horumarka shacabkooda iyo sidii ay dalkooda ugu horseedi lahaayen waxkastoo dan u ah.
Gudiga doorashooyinka Soomaaliya iyo gudiga doorashooyinka heer Puntland oo iyaguna madasha hadalo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in  doorashadu u dhacday  ka dhacday sidii loogu tala galay,  islamarkaana tibaaxay xildhibanada soobaxay in ay yihiin kuwo ku haboon xubinimadan loo doortay.
Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hanbalyo udiray Xildhibaanada ku guulaystey ka mid noqoshada baarlamanka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey inay markasta u adeegaan  ka shaqaynta danaha Shacabka Soomaaliyeed.
–DHAMMAAD—

Friday, December 9, 2016

Madxweynaha Puntland oo sheegay inay isaga filan-yihiin kooxaha argagixisada ah

Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa soo dhaweeyay howlgallo ay ciidamada ammaanka Puntland kula wareegeen degmada Qandala oo muddo afartan cisho ka badan gacanta ugu jirtay koox taabacsan ururka Daacish.
                                                                           
   cabdiweli ayaa wareysi uu ku bixiyay Nairobi,wuxuu ku sheegay Puntland inay isaga filan-tahay kooxaha argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya,isagoo marka ammaanay ciidamada amniga ee Puntland.
Wuxuu sheegay malaayin doollar inay ku baxdo ciidamo ajaanib ah oo ku sugan qaybo ka mid ah Soomaaliya,laakin Puntland aan laga dooneyn ciidamada,sida u sheegay.
“Ciidanka Puntland waa ay isaga filan-yihiin koox kasta oo weerar ku soo qaada dhulkooda,”ayuu yiri Cabdiweli.” Dalka ciidamo shisheeyo oo dhaqaalo badan lugu bixiyo ayaa jooga,laakin ciidamada Puntland waa kuwo muujiyay waxqabad la arko,”ayuu ku darey.
Madaxweynaha waxaa kalo uu sheegay inay soo dhaweynayaan taageerro walba oo la siinayo ciidamada ammaanka Puntland,si loo xoojiyo howlgallada ay uga hortagayaan kooxaha gacan-saarka la leh argagixisada ee ku sugan qaybo ka mid ah dalka.
Wuxuu hadalkan ku soo aadiyay madaxweyne Cabdiweli,kaddib markii ciidamada ammaanka ay kula wareegeen degmada Qandala ee gobolka Bari howlgal muddo kooban socday.

Dib u Dejin Loo Sameynayo Dadkii Ka Barakacay Qandala

Kadib markii shalay ay la wareegeen Ciidanka Maamulka Puntland Degmada Qandala ee Gobolka Bari, halkaas oo in ka badan bil ah ay ku sugnaayeen kooxda Daacish ayaa mas’uuliyiinta Puntland waxa ay sheegeen in ay dib u dejin ay u sameynayaan Dadkii ka barakacay Qandala.
Wasiirka Qorsheynta ee Maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland uu wado qorshe dib u dejin loogu sameynayo dadkii ka barakacay Degmada Qandala ee Gobolka bari.
Waxa u sheegay in Puntland ay xilligan u diyaar garoobeyso dib u dejinta Dadkii ka barakacay Degmada Qandala xilligii ay gacanta ku hayeen koox ka tirsan Daacish.                                                                            Waxa u sheegay in Puntland ay xilligan u diyaar garoobeyso dib u dejinta Dadkii ka barakacay Degmada Qandala xilligii ay gacanta ku hayeen koox ka tirsan Daacish.
Waxa uu sheegay Dadkaasi in xilligan ay wajahayaan xaalad dhinaca nolosha ah, haba ugu darnaatee Biyo la’aanta.
Dr. Shire ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo guryahooda dadkii ka barakacay Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari.
Kooxda Daacish ayaa mudo ka badan bil waxa ay ku sugnaayeen Degmada Qandala oo ay Dagaal la’aan la wareegeen, kadib markii ay ka baxeen Ciidamo ka tirsan Puntland.

Tuesday, August 2, 2016

Puntland Ee 18AAD Dhalashadda !

ARAGTI:- HANBALYADA DHALASHADA PUNTLAND EE 18AAD, SOO BAR BAAR, SII BAR BAAR OO KU WAAR NABAD, BARWAAQO IYO BADHAADHE!
Dabcan hadii ALLAH inaga xoreeyey NACAMLEEYNTA IYO MUJAAMILEEYNTA ADEEG DOONKA AH taasoo aakhirana laga dayrinayey, waxaa hubanti in Puntland ay hanan kartay horumar iyo hormuudnimo ka badan tan hada aynu haysano ama sheeganayno!
Shaki kuma jiro in Su'aalo badani in horyaalaan, ayna muuqato furfuran iyo maqnaan gobolo badan oo dastuurku sheegto, aynaanse hayn...
Visa mer.... ??

Tuesday, March 29, 2016

AFRIKA MAKA XOROWDAY GUMEYSIGII? MAXAASE HOR-TAAGAN INEY XOROWDO?

                                                               
           

          Qeybta 1aad
Dad badan ayaa dhaliila madaxda wadamada Afrika oo ku tilmaama inay yihiin kuwo aan u adeegin isla markaana horumarin dalkooda, balse ka shaqeeya sidii ay iyaga iyo qoysaskoodu jeebka u buuxsan lahaayeen. Doodaasi waa mid jirta, lakin bal aan isla fiirino hadiiba ay jiraan madax diyaar u ah inay wadamadooda dhisaan maxaa ka hortaagan? Intee madaxweyne Afrikaan ah oo isku dayay inay diidaan heshiisyada gumeysiga cusub oo la dilay ama la af-gambiyay? Sideese Afrika uga xoroobi kartaa caqabada aan hoos ku sheegi doono ee hortaagan?
1960yadii waxa aduunka iyo shacabka Afrikaba loo sheegay in Afrika la siiyay xornimo buuxda, laakin arinkaas waxba kama jiraan, Afrikana waxay ku jirtaa wali gumeysi buuxa, waxayna u baahan tahay rag cusub oo u kaca sidii ay u xoreyn lahaayeen. Maqaalkeyga hoose oo ah xog rasmi ah xaalada ay ku sugan yihiin 14 wadan oo Faransiisku gumeysan jiray, waxa dhibaatada hoose la wadaaga Afrikada kale oo dhan iyo inta badan dunida sadexaad oo sidaan oo kale loo gumeysto wali qarnigan 21aad.
Wadamadii uu xornimada siiyay Faransiisku 60yeedii, wuxuu si qasab ah uga saxiixay heshiis gumeysi oo cusub oo qodobadiisa aan hoos ku faahfaahin doono. Madaxdii xiliga xornimada oo badan kood ahaa kuwo ay gumeystayaashu soo barbaariyeen una dhiibteen kursiga ayaa si fudud ku saxiixay heshiisyadaas burburiyay Afrika ilaa iyo maanta. Madaxdaasi hadiiba ay daacad ahaayeen, waxaa ka xoog badiyay jahli iyo xamaasad xornimo-doon waxayna si fudud shacabkooda ugu gacan galiyeen nooc gumeysi oo ka fool xun midka lagu yiri waa la idinka xoreynayaa. In badan oo ka mid ah madaxdaan mudo yar gudahood waxay arkeen, qodobada ay saxiixeen inay ahaayeen gumeysi nooc cusub, waxayna isku dayeen inay ka laabtaan heshiisyadaas, laakin waxan hoos iga sheekeyn doonaa mid walba sida loo dilay ama loo af-gambiyay.
14 wadan oo 60yadii uu Faransiisku siiyay xornimo - waxay kala ahaayeen Benin, Burkina Faso, Ivory Coust, Mali, Niger, Senegal, Togo, Cameroon, Central African Repuplic, Guinea Bissau, Equatorial Guinea, Chad, Congo-Brazzaville iyo Gabon. Inkastoo Guinea Bissau iyo Equatorial Guinea ay kala gumeysan jireen Bortaqiis iyo Isbeyn sida ay iskugu xigaan, hadana waxay ku xeer noqdeen wadamada Faransiisku gumeysan jiray oo waxay ku jiraan heshiiskan laga saxiixay oo qoraya.
1 “Inay bixiyaan lacago deyn ah oo lagu leeyahay”
Oo xageey ka timid lacagtaas? Faransiiska iyo wadamadii gumeysiga ahaa oo dhan waxay u sheegeen aduunka inay uga tageen wadamadii ay gumeysan jireen dhismayaal wadooyin, garoomo diyaaradeed, dekado, iskoolo, isbitaalo, biyo iyo koronto, laakiin wadamadaan 15ka ah wuxu ka saxiixay Faransiisku inay bixiyaan lacagta loogu dhisay, taasoo ay ilaa iyo maanta bixiyaan sanadkiiba wax yar, inta hartayna uu sanad walba fuulo dulsaar Ribo ah, oo u dhigma intii ay sanadkii hore bixiyeen.
2 “Haddii ay bixin waaayaan deynta sanadlaha ah wuxuu Faransiisku xaq u leeyahay inuu ka qaato lacagta keydka u ah wadankaas (National Reserve)”
Oo xagee ku arkayaa Faransiisku lacagta keydka ah?
*Waxa heshiiska ku jirta in wadan walba oo ka mid ah 15kaas uu lacagtiisa keydka ah 100% dhigto bangiga dhexe ee Faransiiska (oo ay leeyihiin qoyska Yuhuuda ah ee Rothschild) ayna maamusho wasaarada maaliyadda Faransiisku koonto loo bixiyay “Operations accounts” oo lacagtaas lagu shubo.
*Wadanku wuxuu xaq u leeyahay inuu sanadkii ka isticmaalo lacagtiisa 15% inta soo hartay ee 85% ahna uusan taaban karin oo loo heynayo.
*Haddii uu wadanku u baahdo lacag dheeraad ah, wuxuu ka deyn sanayaa lacagtiisa cadad aan ka badneyn 20% waxaana ku soconeysa dulsaar Ribo ah sanad walba deyntaas uu qaatay. Taasoo macnaheedu yahay 85% lacagta wadankasta inuu si toosa u leeyahay Faransiisku, faa’iido dulsaar ahna uu ka helo, maadaama wadamadu aysan isticmaali karin lacagtooda xataa marka ay baahi u qabaan.
*Lacagtaan oo soo aruureysay ilaa 1961 ma jiro wadan og ama loo ogol yahay inuu ogaado cadadka lacagta u taala bangiga dhexe ee Faransiiska, waxaan u sabab ah, madaxdii wadamada Afrika oo badankood isku badaleen afgambi Faransiisku qorsheeyay, halkaasna ay ku dhuntay tixraacii xisaabta lacagta bangiga Faransiiska la dhigay.
*Xataa Faransiiska dhexdiisa saraakiil aad u tiro yar ayaa ka warqabta cadadka tirada lacagtaas iyo meelaha lagu maalgaliyay.
LA SOCO QEYBTA LABAAD IYO NAMBAR 3