Saturday, November 16, 2013

Musharax Dr. Shire Xaaji Faarax oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya (SAWIRRO)

Musharax Shire Xaaji Faarax oo kamid ah musharrixiinta u tartamaysa xilka madaxtinimo ee dawlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Nairobi loogu sameeyay xaflad ballaaran oo ay kasoo qaybgaleen dhammaanba jaaliyada Soomaalida ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa hadal kasoo jeediyay C/llaahi Sheekh Cali (Prof. Qalloocow) oo sheegay inuu kamid ahaa dadkii Puntland wax ka dhisay islamarkaana loo baahanyahay in doorasho qurux badan ay dhacdo.

“Anugu Puntland kuma dhalan, laakiin waxaan ahaa dadkii la shaqaynayay hay’adaha caalamiga ah ee taageerada siiyay markii maamulka la dhisayay, maantana guul bay maraysaa” ayuu yiri Prof. Qalloocow.

Prof. Qalloocow ayaa ka codsaday xildhibaanada Puntland inay codkooda siiyaan Dr. Shire Xaaji Faarax oo uu ku sheegay inay muddo dheer is yaqaaneen uuna yahay nin dawlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland isu soo dhawayn kara.

Wasiirkii hore ee ganacsiga Soomaaliya C/rashiid Maxamed Cirro oo isna goobtaas hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Puntland ay u baahantahay hogaan adag oo horumar muuqda gaarsiin kara Puntland.

“Waxaynu ki jirnaa marxalad adag, waxaana naga gudbin kara Shire Xaaji Faarax” ayuu cirro.
General Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo kamid saraakiishii dawladii hore ee Soomaaliya ayaa isna taageero u muujiyay musrraxan isagoo sheegay inuu yahay nin ku haboon wakhtiga dag ee la marayo.

Ugu dambayntiina Dr. Shire Xaaji Faarax oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tacsi u diray dadkii ku aafoobay musiibadii duufaantii ku dhufutay deegaanada bariga ee Puntland.

“Waxaan ugu deeqay $5000 oo lacag ah aniga iyo kooxdaydu, waa arrin u baahan in la iska kaashada loona duceeyo dadka dhibaataysan” ayuu yiri Dr. Shire.

Waxaa uu sheegay inuu xiriir wanaagsan oo ku dhisan is ixtiraam inuu la yeelan doono dawlada federaalka ah ee Soomaaliya hadii la doorto.

“Xaqa Puntland ay leedahay iyo kan lagu leeyahay labadaba waan adkaynaynaa, waxaan doonaynaa Soomaaliya oo midaysan oo ku wada nool nidaam federaali ah oo ku dhisan is ixtiraam iyo wada noolaansho dhab ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa uu sheegay inaysan maslaxadi ku jirin go’aankii xiriirka loogu jaray dawlada federaalka ah ee Soomaaliya balse loo baahanyahay in la is hor fariisto oo qolo waliba ay muujiso ixtiraam iyo Soomaalinimo

Wada hadal Dambe ma jiro _Madaxweynaha &Ra’iisul Wasaaraha

Waxaa Mudan Soomaaliyeey, in aad la socotaan Madaxdii aad doorateen, meeshii ay marsiiyeen Xilkii aad u Wakiilateen oo aad Rajeyneyseen in ay Khilaafka Soomaali ku dhex jira Xaliyaan, Soomaali mideyaan, la iskunah Tanasullo, Intaas ma ka Rajeyneyseen oo ma ugu Sacbo tumteen?
Hadaba Maanta Halkaan bay Soomaali marsiinayaan:
Madaxweynaha wuxuu yiri: Ra’iisul Wasaaruhu ha is casillo!
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu yiri: Ma lihid Awood aad igu Casishid!
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano farabadan iyo Waxgarad Labada Garab aad ugu dhow dhow ayaa waxey isku dayeen in ay Dhexdhaxaadiyaan oo Khilaafka Labadaan Aqiyaar dhexyaala dhameystiraan. Madaxweynaha ayaa loo tagay...

Madaxweynaha wuxuu yiri: Saacid wada shqeyn dambe iskuma kaaya harin.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa loo tagay...
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu yiri: Arintaan ha isku daalinina oo Harag-Haragtu yeysan idinka dhamaan. Labadayada mid baa maqan, asuguuna noqon doonaa. Waayo Koorumka Anigaa heysta.
Filimka haduu bilow yahay... Rajo Xumo, Hurin Collaad, Koox-Kooxheysi Qabiil oo hor leh, ma idinla tahay in ay Labadaan Aqiyaar Horseed u yihiin. Aqritayaasha Keydmedia Online,  Ma Xasuusataan Filimkaan oo kale in aad horey u Daawateen?

Friday, November 15, 2013

why is the President H.E. Hassan Sheikh Mohamud wants to fire his hand picked Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon

#‎Somalia‬: Mogadishu on Friday November 15, 2013 89.7% Somalis do not want the Prime Minister to resign so, is the President H.E. Hassan Sheikh ready to resign now?

If the President H.E. Hassan Sheikh Mohamed takes this political matter to the Somali Parliament then Somali Parliament may also force him to resign therefore; this is another disaster to the Somali people, country and world at large.

So, why is the President H.E. Hassan Sheikh Mohamud wants to fire his hand picked Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon was, is and will be unclear truly however; it has something to do with money and power struggle....

Surely, Somali Parliamentary Speaker H.E. Prof. Mohamed Sheikh Osman warned the Somali Parliamentarians to stop overstating this bad and discouraging news between two ex friends but now they are political enemies to derail peace in Somalia so, what are they expecting from the needy Somali people for peace?

Somalis fed up such political tactics, and you must reconcile together or the Somali Parliament will force you all to resign.

Well, the Somali Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon has right to choose his cabinet and remove those that he does not like so, you appointed him from many other contenders therefore; you must work with him or both resign now.

No other options if you take this political derailment matter to the Somali Parliament.

Best Wishes,

Office of the Parliamentary Media Affairs
 
JUMMA MUBAARAK ....

Asc ,Alhmdulilaah again it's blessed day of the week may Allah blessing be upon on you and your beloved one.

Thursday, November 14, 2013

Golihii Wasiirrada Xukuumaddii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan Xasaasi ah (SAWIRRO)_ Badbado

Bureau for Somalian People's Development (sweden)

Khamiis, November 14, 2013 (sweden) — Waxaa xalay kulan xasaasi ah isugu yimid naadiga Badbaado oo ay ku midaysan yihiin xubnihii hore ee golihii wasiirrada xukuumaddii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Kulanka oo ka dhacay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha naadiga Badbaado, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn) oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta iyo boostada waxaana kulanka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaaladda haatan uu dalku ku sugan yahay.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa la isla soo qaaday oo laga dooday sida uu yahay xaalka dalka, iyadoo lawada ogsoon yahay in khilaaf baaxad wayni uu u dhaxeeyo madaxda dalka ugu sarreya, gaar ahaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Madasha uu kulanku ka dhacay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay qaar ka mida xubnaha naadigan, kuwaasoo sheegay inay aad uga xun yihiin muranka siyaasadeed ee soo dhexgalay madaxda dalka.
 “Waxaan ka xunnahay khilaafka xilligan taagan iyadoo dowladdu jirtay hal sano oo keliya, khilaafkan oo sababi kara in dib loogu laabto is qab-qabsigii jiray wakhtiyadii KMG ahaa. Annagoo ka sugaynay dowladda federaalka inay horay u sii waddo hannaanka dowladnimo,” sidaa waxaa yiri Cabdulqaadir Xuseen Jaahwayn oo shir-guddoon ahaa.
Kulanka ayaa waxaa si wayn loogu lafa-guray arrimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana ugu dambayn kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban saddex qodob kuwaasoo kala ah:
  1. Waxaan aad uga xunnahay khilaafaadka ka dhex-taagan madaxda ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
  2. In si deg-deg ah loo xalliyo khilaafaadka jira horeyna loo socdo, lana ogaado in golayaasha dowladda ay iska kaashadaan xallinta khilaafka.
  3. In guddi toddoba qof ka kooban laga soo xulo xubnaha Badbaado kuwaasoo si deg-deg ah ula kulmi doona madaxwayanaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia.
 
Naadiga Badbaado ayaa ku bahoobay xubnihii xukuumaddii Badbaado Qaran ee KMG ahayd taasoo uu horkacayay ra’iisul wasaare C/weli Gaas, waxayna ka kooban yihiin in ka badan 30-xubnood iyo siyaasiyiin si wayn dalka looga yaqaanno, iyagoo kulammo ay kaga hadlayaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ku yeelan doona Muqdihso.
Xukuumaddii KMG ahayd ee badbaado ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaateen in dalku uu ka baxo marxaladii KMG ahayd ee muddada dheer uu ku soo jiray dalka

Wednesday, November 13, 2013

Who is Thus Duddy!! W/ Dowlaha Madaxtooyadda Somalia!

Who is Thus Duddy!! W/ Dowlaha Madaxtooyadda Somalia!

Bureau for Somalian People's Development (sweden)

Faarax Cabdulqaadir waa kuma? Faarax Topaz waa reer Aw Xasan ku dhashay Kilinka 5aad waa NGOle ka tirsan aas-aaseyaasha Ururka Islaax, wuxuu la shaqeeyaa Nabadsugidda waddamada: Mareykanka, Qatar, Itoobiya, Keenya iyo meelo kale, wuxuu haystaa dhowr Basaboor: Itoobiya, Keenya, Soomaaliya iyo degenaansho Qatar. Muddo dheer wuxuu ahaa xiddig firfircoon iyo JOKAR kala jaheeya hawlaha hay’adaha samafalka waddamada Muslimiinta ee Soomaaliya ka shaqeeya.
Markuu hanti badan helay wuxuu ku hammiyey inuu dalka madaxweyne ka noqdo, taasna waa ku guuleystay. Sidii Jamaal Cabdinasir isaga hormariyey Maxamed Maxjuub, muddo yar kadibna u qaarijiyey oo kale wuxuu iska soo hormariyey Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan saraakiisha hoose ee Ururka Islaax, maadama deegaanka Banaadir tolka Xasan u badan yihiin, Faaraxna ka dhashay beel yar oo deegaankeedu yahay Kilinka 5aad.
Faarax Topaz wuxuu beddelay laguna samiyey Shariif Sakiin oo ahaa(backseat driver-kii) maamulkii Shariif Sheekh Axmed. Topaz iyo Sakiin maxay ka mideysan yihiin? Labaduba waxay ka dhasheen beel yar (Aw Xasan iyo Asharaaf Sarmaan). Laangaabnimada darteed waxay ku tiirsan yihiin oo garab iyo gaashaan u ah Nabadsugidda Shisheeyaha. Labaduba waxay aaminsan yihiin curaafeysiga iyo cilmi felegga. Waa niman damac badan (ambitious) oo yoolkoodu yahay inay madax sare noqdaan, hanti xad-dhaaf ahna boobaan oo waxba ma hambeeyaan. Waa niman Dollarka caabuda oo helintaankiisa wax walba ka hormariya.
Dabciga iyo habdhaqanka Topaz iyo Sakiin farqi weyn baa u dhaxeeya. Shariif Sakiin waa bulshay dabci wanaagsan, dadkana kusoo dhoweeya weji furan iyo dhoolla caddeyn. Faarax Topaz waa nin dabci xun oo dadka ku qaabila weji xiran oo aan naxariis lahayn. Shariif Sakiin waa deeqsi muraadkiisa ku meelmariya manfac iyo musuq. Waa nin awood u leh inuu 30% ka bixiya hantida uu qaranka ka dhaco. Faarax Topaz waa muudal wuxuu heloba meel dhigta oo aan midigta taagin, xataa inuu $100 bixiyo suurtagal maaha. Bal iska daa inuu sadaqo bixiyee, lafahiisa dhar qurxoon uma lebbisto shirarkana wuxuu ka tagaa jaadkad Huudhay ah.
Shariif Sakiin wuxuu maskaxda ka haystay Shariif Sh. Axmed, wuxuuse jeclaa in maamulka Shariif hanaqaado oo dalka oo dhan ka hirgalo. Faarax Topaz isna wuxuu maskaxda ka haystaa Xasan Sheekh, wuxuuse si dadban ugu hawllan yahay inuu iska horkeeno dowladda iyo dadweynaha, tusaale Cumar Hadliye iyo Yusur Abraar, magacaabistooda waxaa ka dambeeyey Faarax Topaz. Labadaas shaqsi waxay leeyihiin taariikh madow oo ku biyoshabata musuq iyo wax-is-dabamarin, waxayna dharbaaxyo xun oo weji gabax ku ah dowladda ku dhufteen maamulka Xasan Sh. Maxamuud.
Shaxdaas waxaa dhigay oo shirqoolka dejiyey Topaz, lamase yaqaan goorta Xasan Sheekh fahmi doono luggooyada Faarax Topaz. Hadafka iyo himilada Faarax Topaz waa inuu meel bannaan iyo daleel si fudud uga helo jagada madaxweynaha.
Intii aan loo magacaabin wasiiru dawlaha Madaxtooyada wuxuu Madaxweynaha uu raacay dhowr shir oo ka kala dhacay: Kampala, Dooxa, Nairobi, Adis Ababa, Stanbul, Washington, London, Brussels iyo meelo kale. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud reer abtigi oo ku xeeldheer (Computer-ka.. faalka & felegga)ayaa malaha ka dhaadhiciyey in burjiga Topaz u wanaagsan yahay maamulkiisa, waajibna ay tahay inuu shir walba tago, waxaase la fahmi-waayey farsamadii Faarax Topaz u isticmaalay laba shir: Heshiiskii Adis Ababa ka dhacay ee Axmed Madoobe loogu ansaxiyey maamulka Jubbooyinka waxaa kala saxiixday Faarax Topaz iyo Axmed Madoobe.
Su’aasha taagan waxay tahay, wasiirrada kale ma hawlgab baa mise heshiiska qeyb kuma leh? Shirkii ugu dambeeyey ee Madaxweynuhu ku tagay USA, maalin laga hadlayey dhaqaalaha lagu taageeri karo Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud madashii shirka waxaa raacay Faarax Topaz iyo Fowsiya Lamood, ayaandarro waxaa Hotelka looga tegay Wasiirka Maaliyadda oo hawlgab laga dhigay, waxaase is weydiin leh jaamacadee Faarax iyo Fowsiya kusoo barteen Cilmiga dhaqaalaha?
Bureau for Somalian People's Development (sweden)

 /Topaz & Godane waa John Okello!!!!

- Jasiiradda Zanzibar waxay leedahay Taariikh facweyn. Boqorradii Maamulka Zanzibar soo maray, waxaa ugu caansanaa Saciid Barqash bin Taymuur oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Cumaan.

Boqortooyadaas oo dhowr qarni ka talineysay xeebaha Bariga Afrika, ayaa 26 Abriil 1964 la midowday dhulweynaha Tangayika, waxayna la baxeen magaca TANZANIA. Jasiiradda Zanzibar waxay lahayd welina leedahay ismaamul hoosaad (Autonomous).
Jasiiradda Zanzibar oo ku jirta barwaaqo iyo baraare ayaa 12 Jannaayo 1964 belaayo madow cirka uga soo degtay. John Okello oo ka dhashay qabiilka LUO ee Ugaandha oo yaraantiisi ahaan jiray bayhoof iyo baalashle (kaba caseeye) ayaa u dagaagay xagga Jasiiradda Zanzibar, wuxuuna ka helay shaqo Boliis. John Okello muddo yar markuu joogay Jasiiradda Zanzibar wuxuu abaabulay dadkii madoobaa, wuxuuna ka dhaadhiciyey inay ku hoos jiraan gumeysi Carab cascas, oo kasoo haajirtay dalka Cumaan, loona baahan yahay inay heeryada gumeysiga iska rogaan.
John Okello wuxuu dhallinyradii madoobayd u qeybiyey seefo, warmo, manqar iyo middiyo, wuxuuna weerar ku qaaday xaruntii boqortooyada, dabadeed qoyskii boqortooyada wuxuu ku qasbay inay dalka ka cararaan, halkaas ayaa John Okello ku noqday boqor madow oo muddo gaaban ka taliya Jasiiradda Zanzibar, waxaase soo rogaaceliyey boqorkii oo hiil ka helay Ingiriiska, kadibna waxaa la jebiyey Kacankii Zanzibar ee John Okello holliyey. Adduunweynaha waxaa fajac iyo amakaag ku noqotay wiil baalashle ah Ugandha ka yimid inuu inqilaabo boqortooyo qarniyo soo jirtay.
Sheeko la mid ah taariikhdii Jasiiradda Zanzibar ayaa ka taagan Soomaaliya, wiilal kasoo dagaagay deegaanno fog-fog ayaa xukuma oo ka amar ku-taagleeya gobollo aysan u dhalan. Dad baa qab jebiyey, laan-dheer ayaan ahay iyo waa tiro badanahay waa socon-weyday, oo gabbalkeed waa dhacay.
Nin baa ku gabyey(hadba dunida duul baa usoo baxoo diin lasoo shira). Axmed Cabdi Godane oo ka dhashay beel yar (Arab) oo Hargeysa ka yimid ayaa Xamar soo galay isagoo kasoo cararay Nabadsugidda Xabashida ee Somaliland & Puntland ka ugaarsata kooxaha reer Galbeedku ugu yeeraan Asal-raac. Godane si gobannimo ku dheehan tahay ayaa loo soo dhoweeyey, wuxuuna ku biiray jahaad-doonkii (Mucaskarkii Saalaxudiin) ee Aadan Cayrow tababbari jirey.
Godane oo ah xariif karti badan wuxuu ku guuleystay inuu mid-mid u qaarijiyo raggii ka sarreeyey, ururkiina gacanbir ah ku qabto isla markaana noqdo AMIIR  awood badan oo aan laga daba hadlin. Sidii John Okello addoonta madow u abaabulay oo kale ayaa Godane dhallinyaradii Koofurta u hubeeyey, wuxuuna ka dhaadhiciyey inay isqarxiyaan oo ay xasuuqa dadkooda janno ku helayaan. John Okello dallinyarada madow wuxuu ka dhaadhiciyey inay Carabi gumeysato ee Godane muxuu ku dhalanrogay oo dhaadhiciyey dhallinyarada Koofurta? Runtii Godane hooyadi doqon ma dhalin, maxaa yeelay wuxuu ku guuleystay inuu reer Koofur indhaha ka rido, dhulkoodana ka dhigo omos lagu kala qaxo. Godane reer Koofur wuxuu ka dhigay: qof qoorta laga jaray, qof la qarxiyey, qof qaxay iyo qof qalqalsan. Hadafka Godane waa inuu Koofur ka dhigo gelgelin iyo gabaahiir, ciqaabtana ku sii hayo ilaa Somaliland la aqoonsanayo, Koofur waa inay burburka ku sii jirtaa ilaa Woqooyi ka dhismayo.
Hoggaamiyaha al-Qaacid Ayman al-Dawaahiri iyo Amiirka al-Shabaab Axmed Godane waa rag ficil badan oo tolkood jecel. Masar oo Muslimiin badan lagu xasuuqay weli qarax iyo dagaal sokeeye kama dhicin. Nabadsugidda Xabashida oo gumeysi arxamdaran ku haysa Somaliland, weli qarax iyo dagaal wax-iska cabin ah kama dhicin. Hase yeeshee Ciraaq iyo Koofurta Soomaaliya qaraxa iyo xasuuqu waa joogto. Nabadsugidda Xabashida ee Somaliland joogta waa Muslimiin Ahlu-Xadiis ah, Ugandheyska Koofur jooga waa Gaalo soo duushay, waa hadafka iyo halkudhegga Axmed Godane ku hawlgalo.
Nabadsugidda Xabashidu xarunta ay ka maleegto shirqoollada ku wajahan burburinta qowmiyadda Soomaalida, waxay ku taal Hargeysa, taas ka sokow  Somaliland sannad walba waxaa laga xusaa laba munaasabad oo heer sare loo agaasimo, waxay kala yihiin: Maalintii Meles maamulka Itoobiya la wareegay iyo maalintuu geeriyooday ee gabbal u dhacay gafeneyaashii iyo jaajuuseentii la shaqeyn jirey Miles Zenawi.
Fu’aad Shangole oo ah kaaliyaha Axmed Godane isna wuxuu ku guuleystay in diiradda jihaadka laga weeciyo Puntland oo dagaalka loo xawilo Xamar. Sheekh Atam wkiilka Shabaab ee Puntland waxaa loo aqoonsaday macalin dugsi qur’aan dhiga, wax khatar ahna ku hayn maamulka Puntland.
Dhowr muxaadaro iyo wareysi idaacadaha deegaanka laga baahiyey waxaa dhallinyarada lagu guubaabiyey dagaalka Xamar ka socda inay kaalin firfircoon ka qaataan. Ragga ku xeeldheeraaday in jihad Koofurta la dardargeliyo waxaa hormood ka ah Sheekh Cabdiraxmaan Abyad oo reer Puntland ka codsaday in lala jihaado Gaalada joogta  Muqdisho.
Sheekh Abyad wuxuu yiri Gaalo waxay joogtaa Koofur ee ma joogto Somaliland iyo Puntland ee qofkii khayr iyo wanaag raba haka qeyb galo jihaad Koofur, illeen jihaad halkaa kaliya ayuu ka jiraa oo gaalo rasmi ah joogtaa. Tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego.
Heestii Caanka ahayd ee lagu ammaanay Siyaad Barre waxay ahayd, horta qabo Siyaadoo car mid kale kusoo dara. Waxaa beddelay horta qabo Godanoo car nin kale kusoo dara. Rag nindoor kama dhammaado, oo waxaa lagu soo daray Faarax Topaz oo kasii xariifsan Godane, Godane afduub siigada ayaa lagu dhaafay oo siddeedle ayaa lixle lagu saabilay, rag waa u seben barwaaqo ragna waa u silic iyo hoog. iska samir sokeeyow adduun galabba waa seere. Gabyaa Cabdi Galayax wuxuu yiri:
Ninkii seedo gaab ahi mar buu saaca kaa heliye,
Saalax baa geelii la tegay aniga waa i soliweyday