Tuesday, August 10, 2021

Siyaasadda Somalia SFR VS Qaadka la Cunno

             
Muqdisho (Badbaado Online) – Soomaaliya ayaa gashay qalalaase siyaasadeed oo kaga yimid meel aan la fileyn oo ah; qaadka dalka la keeno, kadib markii ay isku qabteen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Haddii aan isku dayno inaan soo koobno; dooddu waxay tahay Farmaajo oo leh “qaadka Kenya waa xaaraan, kan Itoobiyana waa xalaal” iyo Rooble oo leh “qaad waa qaad”.

Hase yeeshee, doodda waa ay ka weyn tahay qaad, waxayna salka ku haysaa dano shaqsi, kuwa qoys, iyo kursi siyaasadeed.

Qaadka Kenya oo markii ugu horreysay Soomaaliya laga joojiyey bishii March 2020, waxaa loogu soo ganbaday cudurka Coronavirus oo markaas dalka ka qarxay, taasi oo aan dhalin wax su’aalo iyo tuhun ah.

Hase yeeshee, markii toddobaadyo kadib laga war helay in qaadka Itoobiya dalka yimaado, ayaa su’aalo badan ay dhasheen, ayada oo shacabka ay billaabeen inay is-weydiiyaan farqiga u dhaxeeya labada qaad.

Kooxda Farmaajo ayaa kadib billaabay olole warbaahineed, oo lacag badan lagu bixiyey, ayada oo la gaday sheeko ah “in Kenya naagal dhaxeeyo dagaal siyaasadeed iyo muran badeed, oo joojinta qaadkoodu yahay mid dagaalkaas qeyb ka ah.”

Hase yeeshee, waxaa durba soo baxday in sababta markii horeba qaadka Kenya loo xayiray aysan shaqo ku laheyn cudurka Coronavirus iyo xiisadda ka dhex-oogan Kenya iyo Soomaaliya, balse ay aheyd dano shaqsi, kuwa qoys iyo kuwa doorasho.

Qaadka Itoobiya ayaa waxaa heshiis kusoo galay xubno ka tirsan qoyska Farmaajo si ay dalka u keenaan, waxaana la xayiray midka Kenya, maadaama kan Kenya uu yahay kan Soomaalida ay jeceshahay, oo haddii uu dalka sii yimaado aanay jirin cid iibsaneysa midka Itoobiya.

Waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya la keeno 30 tan oo qaadka Itoobiya ah maalin kasta, ayada oo saamiga ugu badan ay leeyihiin qoyska Farmaajo, balse ay jiraan ganacsato kooban oo reer Muqdisho oo ku leh saami kooban, kuwaas oo ah wejiga ganacsiga, halka xubnaha qoyska Farmaajo ay yihiin kuwa ka dambeeya.

Qaadka oo laga sameeyo malaayin dollar, ayaa la rumeysan yahay in sanadkii uu xirnaa qaadka Kenya ay lacag badan uga soo xarootay qoyska Farmaajo, ayna ku adag tahay inay aqbalaan in qaadka Kenya dib loo furo, taasi oo ganacsigooda meesha ka saari karta.

Ka sokow, danta ganacsi, qaadka Itoobiya laga keeno wuxuu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha dib u doorasho ee madaxweyne Farmaajo, ayada oo lacagta kasoo xaroota qeyb ka mid ah loo dhigayey ololihiisa doorasho, sanadkii tegay.

Tani waa sababta ay Farmaajo uga go’an tahay inuusan ka gorgortamin dib u furitaanka qaadka Kenya, oo ganacsiga qoyskiisa ee qaadka Itoobiya soo geba-gebeyn karta.

Dhinaca kale, tan iyo markii laga war helay in qaadka Itoobiya loo xiray qoyska Farmaajo, waxaa jiray cadaadis xooggan iyo qeylo dhaan ay wadeen ganacsatadii qaadka ka keeni jiray Kenya, oo caddaalad darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn go’aansaday in qaadka Kenya dib loo furo, haddii dalka oo idil aan laga wada joojineyn qaadka, waxayna tani horseeday dagaal siyaasadeed ka dhex qarxay isaga iyo Rooble.

Farmaajo ayaa isku dayey inuu horistaago qorshaha Rooble, isaga oo wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.

Rooble ayaa ku gacan seeray wareegtada Farmaajo isaga oo sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka

Somali Diaspora Concern

     
To- James Christopher Swan, the United Nations Secretary-General's Special Representative for Somalia.

Subject: Request for Meeting Appointment

Dear Sir,

It is our pleasure to write you and hope this letter finds you in the best of your health. We want you to approve the Somali Diaspora participation as monitors and observers in the election process. And, we welcome working with you, your staff and the international community and consider to be an honor.
Therefore, we are  volunteer group from  Somali Diaspora of the US, UK, Canada and EU  who decided to assist and to work with you, the federal government and regional states in the country's election. We know that, Somalia is the middle of the most heavily contested election in the country's history and we don't want to loose its credibility but to be free and fair to advance democracy, encourage political and promote peaceful transition. 

Therefore, we want to volunteer doing the work for free as monitors and observers to assess the conduct of the entire electoral process on the basis of national legislation by visiting all regional states and Banaadir Region. Our mission will focus only to record and report to you anywhere throughout the country instances of suspicious practices or the manner in which votes are counted, electoral fraud and where protests were lodged by hopefuls of both legislatures with election officials etc.

Having said that, we  would like you to schedule a meeting for appointment according to your convenience. We would like to discuss the partnership clauses with you in detail. Let us know the date and time of the meeting.

Best Regards,
Mohamed Bashir Ali "Eid"
Tfn:- +252619989318,+252907638888
Chairperson,
Somali Diaspora Concern

Monday, August 2, 2021

Shaki ka Qaraxii magaalada Kismaayo iyo khilaafka NISA

              
Shaki ka Qaraxii magaalada Kismaayo iyo khilaafka NISA.
        ~ -  - ~ - ~ - ~ - ~ 
  Khilaafka gacan ka hadalka looga baqo ee doorashada Soomaaliya islamarkaana saameeyay hey’adihii dowladda sida NISA ayaa maraya heer tuhun uu ka dhasho qaraxii Kismaayo ka dhacay todobaadkii hore ee lala beegsaday dhalinyaradii cayaartoyda ahayd.
Xogo soo ifbaxay saacihii u danbeeyay ayaa muujinaya in nabad sugidda dhexdeeda uu ka jiro tuhun ku saabsan in ay isla xiriiraan qaraxaasi iyo khilaafka NISA, ee u dhaxeeya taliyaha dabagalka Cabdullahi Dheere iyo Cabdullahi Kulane oo xil ka qaadistii R/W Rooble kadib xil kale loo magacaabay.

Tuhunka lagu tilmaamay in saraakiisha NISA qaarkood qaraxii ku sheegeen mid lagu xumeeynayay Cabdullahi Dheere iyo R/W Rooble, kadib markii mowqif adag iskal qaateen arinta Gedo ee doorashada Jubbaland.

Dhawaan ayaa warbaahinta Badbaado Online soo gaartay in xubnaha ugu sareeya nabad sugidda Soomaaliya uu ka dhex aloolsan yahay khilaaf salka ku haya arimaha doorashada gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana maalmo kahor markii Kulane Jiis markale loo dhiibay xil culus oo hey’adda ah digniin ka bixiyay Cabdullahi Dheere, taasi oo ku aadan in amni darro ka dhalan karto.
Xog laga helay saraakiil NISA ka tirsan ayaa sheegaya in labada nin ee ku kala heybta ah madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe ay is dhaafsadeen hadallo kulul oo xiisadda Gedo ah iyo tuhun qaraxii Kismaayo ka dhacay ku saabsan.

Kulane Jiis oo gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo awgii ku waayay xilkiisi hore, iyo Korneel Cabdullahi Daahir oo reer Kismaayo ah ayaa markii hore ahaa saaxiibo, waxaase hadda xaalkoodu uu gaaray in la isu hanjabo islamarkaana la isku eedeeyo falal amni darro.

Sanadihii u danbeeyay ayaa siyaasiyiin Soomaaliyeed, saraakiil hore iyo sidoo kale hey’ado caalami ah waxay soo saareen digniino ku saabsan isku milanka ama wada shaqeyn ka dhaxeysa NISA iyo kooxaha argagixisada ah,

Wal wal ayay shacabka ka qaadeen tuhunka ay nabad sugidda Soomaaliya dhexdooda iskaga shakiyeen fududeynra Qaraxii Kismaayo ka dhacay maalmo kahor ee lagu dilay dhalinyaro bahda kubadda cagta magaaladaasi ka tirsanaa.

Dadka ka faalooda amniga Soomaaliya waxay sheegeen in kiiska qaarkood aan loo sameyn baaris sax ah sabab la xiriirta in ay lugaha la galayaan xafiisyo hey’adaha dowladda ah.

Cabdullahi Daahir ayaa ra’iisal wasaare Rooble ku taageeray in Kulane xilka laga qaado, taasi oo dad badan sidoo kale oo ay mucaaradka ugu horeeyaan taageereen loona arkayay in xalka doorashada uu ku jiro.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sidoo kale wajahaya culeyska ugu badan doorashada kaasi oo uu kala kulmayo saraakiisha is diidan ee NISA, balse waxaa sii adkeyneysa sida la rumeysan yahay in khilaafku noqday laba garab oo kala ah garabka Fahad, Farmaajo iyo Kulane, iyo kan Rooble iyo Cabdullahi Dheere.

Waxaa muuqata in wixii laga digayay mudooyinkii danbe ee ahayd in hey’adaha amniga ku milmaan siyaasadda ay soo baxeen, beesha caalamka ayaana wali kor u heysa lacagtii doorashada taasi oo dhacdooyinkan lala xiriirinayo.
  
Qalinka:- Abdirashid Eid Osman 

Friday, July 16, 2021

Request: - Volunteer Diaspora Observeres election in Somalia 2021.

        To - UN Somalia

    
        Request: - Volunteer Diaspora will Observers election in Somalia 2021.

   Honorable representative of the united nation

    Greetings from the USA, EU Volunteer Diaspora Group.
    We know that we will not have much time for elections in Somalia, due to the situation in our country.
   We have decided to take part in monitoring and reporting on the 2021 elections in Somalia.
    Volunteer diaspora ensures that the election will take place peacefully without any human rights violations.
The group will share information with the Diaspora everywhere in the world as Election Result.
   We will report to the representative of the united nation and as the united nation of somalia is at the forefront.

        RESPONSIBILITIES

     ●  Insecurity, weak justice institutions, and inadequate human rights protection systems have contributed to impunity for human rights violations in all elections in Somalia.
     ● Regularly inspect polling stations and strengthen voter registration records
    ● Monitor the impact of the by-laws of the Regions and the electoral process.
    ● Participation Women's participation and consulting with Electoral Management Institutions on the right steps for fair elections.

             Conclusion
  We want the Diaspora Community Center volunteers to democratically report on the 2021 elections in Somalia (SFR) on equality and justice.
Well are proud that you will accept us.
   We hope you take this application seriously.

          CONTACT HERE
   PERSONAL INFORMATION.
   Chairman:- diaspora Community Center [ D.C.C ]
   Name: Mohamed Bashir Ali "Eid"
   Address: Swedish / Somalia.
    Email Address:- Mashr123@live.se
   Min.Mobil tel - +252619989318

   Best regards,
   diaspora Community Center [ D.C.C ]

SAFARKAYGII JABUUTI IYO SANADGUURADII 44aad EE XORNIMADA.

            
SAFARKAYGII JABUUTI IYO SANADGUURADII 44aad EE XORNIMADA. 
[ Qore:- Professor Muhyadin Ali Yusuf]

DADKA JABUUTI~
Jabuuti waxaa degaan ahaan iska leh labada qowmiyadood ee Soomalaida iyo Cafarta oo labaduba Muslim ah, waxaase la dega Carabta, Itoobiyaan Amxaara u badan, iyo dad asal ahaan Yurub ah oo faransiis u badan. Shacabka deggan waxaa hadda lagu qiyaasaa ilaa hal malyan oo badankood deggan yihiin caasimada. Dadka shan dhib ayaa haysta xagga nolosha oo u baahan in si cilmiyaysan loo maareeyo si noloshooda xag caafimaad iyo xag dhaqaale kor loogu qaado, waxayna kala yihiin cimilada kulul, maandooriyaha qaadka, biyaha cusbadu ku badan tahay, nolosha oo qaali ah iyo cunto xumo. Halkii Litir oo caana geel ah waxaa la gadaa magaalada dhexdeeda ilaa 4 US $ lacag u dhiganta ama ku dhow. Intaas waxay sababeen in cimriga qofka reer jabuuti uusan dheeraan ama cuduro la noolaado. Dawladdu caafimaadka aad bay ula tacaalaysaa waxayna guulo ka gaareen sida ay u maareeyeen cudurka safmareenka ahaa ee Covid-19, laakin waxaa si wax looga qabto shantaas qodob waxay u baahan tahay qorshe habaysan oo loo dejiyo sida qaadka oo la rabo in si tartiib tartiib ah loo yareeyo maadaama uu khatar ku yahay jiritaanka Qaranka jabuuti. Dalka waxaa ku soo badanaya qaxooti aan sharci ahayn oo weliba amniga dalka iyo lahaanshaha qaranimo ee mustaqbalka halis galin kara. Soomaalida oo aad u soo gali jirtay hadda way istaagtay waayo Soomaaliya waxay heshay nolol deggan iyo horumar laakin Itoobiyaanka soo gali jiray waxaa laga yaabaa in ay ka soo bataan sidii hore, sidaas darted waxaa loo bahaan yahay qorshihii looga hortegi lahaa qaxootiga itoobiya iyo khatarta kai man karta. Dadka cadaanka ah iyo Carabtu waa dad ganacsi iyo mashaariic u jooga ee aan dhibaato ku hayn amniga dalka inkastoo ay khatar qarsoon oo aan hadda la fahmi Karin u qorshaysanaan karto. Horumarka dalku samaynayo waxay daboolayaan baahi badan oo shacabku u baahan yahay waxayna kor u qaadaysaa wacyiga dadka maadaama aqoonta iyo ilbaxnimadu soo kordhayaan.
La soco qaybta kale

Thursday, July 15, 2021

Mogadishu Maxey U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin :____

              
Casimada Dowladda Federal Republic Maxey U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin :____

Magaalada Mogadishu Waa Magaalo Fac Weyn Dhinac Xadaarad Iyo Weliba Dhinac Dhaqaale Anagoo Og Mogadishu Kaalin Ahaan Halka Ay Kaga Jirto Magaalooyinka DalkaLeeyahay,  Ahmiyada Gaarga Ah Ay Leedahay Magaaldaas Oo Ay Ugu Fadhido Dhamaan Dowladda Federal Republic  Iyo Shacabkeedaba .

Mogadishu Maantay Waxay Baahi Weyn U Qabtaa Shacab Hanta Qiimaheeda Oo Dhinac Ah Iyo Maamul Wanaagsan Oo Daacadnimo Ku Shaqeeya .

Gudoomihayaha Gobolka Waa Madaxweynaha Gobolka Banadir Halka Ay Sarta Ka Quruntay Waa Hogaanka Maamulka Gobolka Oo Gabi Ahaanba Ku Fashilmay In Uu Xakameeyo Wax Alaale Iyo Wixii Ka Xiriiray Gobolkaas .

Duqa Magaalda hanad Gudomiyaha Gobalka Waajibaadka Saaran Ee Hormarineed Ee Degmada Waa Mid Aan Kaalinteeda Si Wanaagsn U Muuqan Waxayna Ka Mid Tahay Mid Ka Mid Ah Ayaandarooyinka Ay Waajahayso Magaalda Mogadishu.

Banadir Nasiib Uma Helin Inay Hesho Taliye Qeybeed Hanta Amaanka Magaalada Iyo Taliyaal Xabsiyeedyo Guta Waajibaadkooda Amni Anagoo Og In Ay Mogadishu Leedahay 18 Xabsi Iyo ka badan, Oo Hoos Taga Taliyaha Qeybta Ee Magaalda Mogadishu "Xamar" .

Isku Soo Wada Duuboow Mogadishu Waxay Ku Jirtaa Dib U Gurasho Hormarineed Waxaad Maqlaysaa Maalinkasta Xafiis Baa Laga Raray Oo Degmo Hebel Baa Loo Raray Hay'adihii Oo Dhamaantood Faaruqiyey Magaalda Iyo Dhamaan Shirkadihii Bud Dhiga U Ahaa Maalgashiga Magaalda .

Waxaan Qabaa Mogdishu haday Hesho Gudoomiye Gobol Oo Shaqadiisa U Guta Si Wanaagsan In Xal Laga Gaari Karo Dhibaatooyinka Ka Taagan Magaalda Xamar.

Dowladan Ama Mida Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa In Ey Mogadishu Waqti Fiican Siiso Si Xal Looga Gaaro Waxay casimadu Tabanayso .
 
            Xigasho :- Mohamed Bashir Ali "Eid"

Tuesday, July 13, 2021

Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

         
Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

  Runta Kharaara.

Maxaa keenay in Qadar ey Ergay soo dirto.

Aniga oo la yaaban Qadar oo Safiir u joogo Somaliya ayaa hadana, Ergay gaar ah u soo diree Somalia, oo is leh Qadar  ma waxa ey noqotay UN, AU, ama Dowlad Veto leh ?. ayaa Dr. Mutlaq bin Mejad Al qahtani la soo diray oo Runtii leh waaya aragnimo Diplomacy, Laakin ku faano in uu khabiir ku yahay "counterterrorism and  mediation of Conflicts" La dagaalkana argagisida iyo Dhaxdhaxaadinta xasaradaha, iyada oo aan weli caalamku isku raacsaneyn yaa Argagixiso ah, ayey Qadarna Xiriir dhaw la leedahay Dowladda Isreal.  Dr. Mutlaq  Socodkiisii ayuu Hargesa ka soo bilaabay, Xamar ayuu yimid, waana loo kala firxaday.( F.S: 1 & 2aad waa sawirada ergayag Labaduba ). Qadar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

Qadar waxa ey Aaminsan tahay in Somalia wixii ey rabto ey ka sameey karto, Haddiiba ey Lacag heeysato, Suuqana laga helayo Siyaasi Beec ah. Aragtidaa Qadar waxaa la wadaago wadamada khaliijka sida Imaaraadka. Labaduba Tartan iyaga ka dhexeeyo ayeey Somaliya u soo rarayeen,  waxa ey Hore u tijaabiyeen in La kireeysan karo Laba Kooxood oo Siyaasiyiin Somaliya ah oo uga dagaalamo Somaliya Gudaheeda. 

Danahooda ugu dambeeyo oo labaduba ey naga leeyihiin waa: 

1. Danta Qadar oo Shidaal ah, haba ugu horeeysu Baddeena ey  Kenya nagu heeysato oo Qadar ey dhinac Shirko uga tahay.

2. Imaaraadka oo  Dekado Doon ah, gaar ahaan Berbara  si meesha looga saaro Tartan lala galo dekadaha Dubai Mustaqbalka. Somalidu hadda  ma wada ahan kuwii ey yaqiineen ee Jeebka indhaha ku lahaa. 

Labaduba kalama shar yaro, Caawa Bacdal Af  Fur ayaan Caalamka ka baxsan Somaliya u faalal tagay oo aan ka war doonay. waxaan Mobile-ka  ka wacay Rag aan berri hore aqiin oo u badan Aqoon yahano lagala tashan jiray Arrimaha Afrika, laakin Hadda ah Howl gab.

Mid ayaa igu yiri:  Xalay 3/MAY/202, Anniga oo ah khabiir iyo  Diplomasiyiin u badan Reer Galbeed, ayaa Siyaasiyiin Reer Qadar ahi noo sheegeen arrin aan la yaabnay oo ah in ey rabaan in ey la wareegaan Howlaha Doorshada Somalida iyo Maamulka Habka loo marayo.

khabiir kale oo Arrimaha Africa wax ka qoro ayaa igu yiri: Amb. Yamamoto ayaa ka dambeeyo in ey Qadar Ergay gaar ah u soo magacaabato Somaliya. 

waxaan ku iri: Sabab?. waxa uu igu yiri: Si Fashilka Amb.James Swan uu u qariyo. Waxa eyna Qadar  rabtaa in ey Xubno ka tirsan Baarlamaankii Hore ee dhacday oo  iyagu ey markii hore  maalgashadeen ey mar kale soo ceshadaan, iyaga oo u marayo Xildhibaano ey Qadar Maal gashato kuna darsato  Baarlamaanka la soo xuli Doono, tilaabtaasi waxa ey noqon doono khatar cusub oo Somalida dib u dhigi Doonto.

Mid kale ayaa igu yiri: Anigaaba la yaaban, wax badanna kama ogaan karo oo hadda waxaan ahay howl gab la tacaalayo Caafimaadkiisa.

intaas oo kaliya ayaan ka ogaaday Xiriirkii iyo faalalkii Bacdal Af Fur aan ku sameeyay Caalamka intii uuna iga dhicin Dabkii Mobile keeygu. 

xaqiiq

Markii iigu horeysay ee arrin Qadar la xiriirto aan ka qeyb qaatay waxa ey aheyd Sannadkii 2011-2012, wakhtigaa oo Anniga iyo Prof. Stig J. Hansen ey Jaamacadda "Norwegian University of Life Sciences -NMBU" ee Dalka Norway ( F.S: 3 & 4aad waa Anniga iyo Prof. Stig, iyo Anniga oo joogo Xarunta Jaamacadda NMBU ) oo aan markaa  ka ahaa "External Examiner" ayey Jaamacaddu  nagula heshiisay  in aan Daraasad  Cilmi baaris ah  ku sameeyno Doorka Dhaxdhaxaadin ee Qadar ey sheegato in ey ka shaqeyso, laga Bilaabo dhaxdhaxaadintii  Eritrea iyo Djabouti. Socodalkeenii waxaan ka bilaawnay Nairobi, kadibna, Djabouti, Cadan, Sanca ilaa Doha. 
Daraasadii aan ka sameynay ma aheyn wax qarsoodi ah, waxaan ku soo bandhignay Qolka Shirarka ee  Xarunta Jaamacadda ee Magaalada OSLO.

Daraasadda oo aad u dheereed iyo Dhaxdhaxaadinta Qadar in ey wajiya Badan leedahay, waxaad ka heli kartaa,Xarunta Jaamacadda iyo Archive-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

Wadanka ha la go'doomiyo ma lihi, Khaliijka oo kaliyana ma ahan ee Waddamada Reer Galbeedka ,Asia iyo Africa da deriska nala ah, la xisaabtan iyo Xiskaaga oo joogo la macaamil.

Anniga leey ajarimaayo, Viso iyo Fara saarna kama rabo Wadamada khaliijka, Dalkeygaa i deeqo.

F.G: yeeyna isaga kaa darsamin: (Diplomaci, Siyaasi, Jaasuus) iyo ( Cilmi baare,  Khabiir, Falanqeeye). Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan iga sax. Commentigaagu waa ii kaalmo aqooneed oo aan wax ka faa'iidayo. la soco Runta Dadka qaar la Xaraar

Mahadsanid

Qore: Yahya Amir