Shirka Maantay ka furmaya dalka Biljam waxa uu xambaarsan yahay dhagar weyn oo khatar ku ah ummada muslimka ah ee Soomaaliyeed.
Waa shir lagu iibsanayo kheyraadka dalka Soomaaliya noocyadiisa kala duwan.
Shirka ayaa waxa kale oo uu sii adkeynayaa kala qeybinta dalka Soomaaliya, waxaana taa cadeyn u ah qaabka loo casuumay dhinacyada Soomaalida ah ee ka qeyb galaya oo mid walbaahi loo aqoonsaday madaxweyne dal ka socda.
Xassan Sheekh iyo dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu marti qaaday shirka iyadoo mid walbaahi uu kaxaystay wafdi wasiiro iyo xildhibaano ka kooban.
Nin walba oo raggaas kamid ah waxay reer galbeedku ka saxiixan doonaan wixii ay doonaan oo kheyraad ah, iyagoo la galaya heshiisyo milatari oo ay maslaxadahooda ku difaacdaan.
Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa sheegay in midowga Yurub oo ah qaban qaabiyaha shirka bixin doono ama ku yaboohi doono dhaqaale badal u ah kheyraadka loo saxiixayo, waxaana madaxda faraha badan ee Soomaaliya ka socoda la siin doonaa xoogaa lacago ah, inkastoo lagu koontarooli doono hawsha ay ku qabanayaan.
Dadka caqliga u saaxiibka ah ayaa aad ula yaaban nasiib darrada ku dhacday ummada Soomaaliyeed, waxayna is weydiinayaan sida Soomaali ku ogolaatay in diintooda iyo kheyraadka dalkooda lagu xalaaleysto shaqsiyaad daneystayaal ah oo umado kale u shaqeeya.
Qaanuunka gaalada u yaala ma ogola in la boobo ama heshiis lagu qaato kheyraadka dal dowlad la’aan ah ama ay ka jirto dowlad ku meel gaar ah, waana midda keentay in sannadkii lasoo dhaafay Mareykanku aqoonsado dowladda Xassan Sheekh kumeel gaar nimadana ka saaro.
Maadaama ay qorshahaasi ku guuleysteen shisheeyaha ayaa waxay u muuqdaan kuwa iminka qaadaya tallaabadii labaad oo ah in dowladda laga saxiixdo wax walba oo la doono.
Tan iyo wixii ka dambeeyay 1991kii waxaa dalkeena ku socday boob saameynayay bad iyo bari intaba, haddaan tusaale usoo qaadano warbixin ay soo saartay dowladda Canada sannadkii 2002 ayaa waxay ku sheegtay in 65 milyan oo doolar ay ka heshay badda Soomaaliya muddo sannad kaliya oo ay ka jillaabaneysay.
Shirka Biljam waxa uu ka dhigan yahay mid sharci beenaad, nidaam iyo magac qurxoon u sameynaya bililiqadii lagu hayay Soomaaliya, taasoo ka dhigan in lasii laba jibaaro.
Sannado ka hor Yurubta waxaa lasoo darsay dhaqaala darri aad u baahsan, waxaa burburay warshado, bankiyo, iyadoo cadad badan oo dadkooda ku shaqo beeleen.
Inkastoo ay hadda wadaan dadaalo kabasho ah, ayaa haddana waxay xoogga saarayaan sidii ay u heli lahaayeen keyd dhaqaale oo ay ubadkooda ku baxsadaan mustaqbalka, iyadoo dhaqaalahaasi u badan yahay mid xoog iyo xeeladba looga qaadanayo wadamada islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto.
Madaxda Soomaalida ku mataleysa shirka Biljam ayaa u muuqda kuwa ra’sumaalkii caruurta Soomaaliyeed ku deeqaya caruurta gaalada.
Dalalka illaa hadda ugu liita dhaqaale ahaan Yurub ayaa waxaa kamid ah Gariiga, Talyaaniga, Bortoqiiska, Spian iyo dalal kale.