Monday, September 16, 2013

Maxaad ka taqaan Shirkaddaha Ganacsi ee M/weyne Xasan isku koobay qandaraasyada Dalka dib loogu dhisayo

                                       



Labadan Shirkadood ee la kala yiraahdo Al-kheyraad iyo AMECO oo mid ka mid ah uu  si gaar ah u leeyahay Madaxweyne  Xasan Sh.  Maxamuud taasoo ah Al-kheyraad, halka Shirkadda kalana ay Madaxweynaha la leeyihiin labo Wasiir oo ka mid Xukuumadda R/wasaare Saacid ayaa faa’iido badan helay mudaddii sanadka ahayd ee Dawladda Federaalka jirtay Taasoo ay u saamaxday Xilalka ay Dawladda Soomaaliya ka qabteen .
Labadan Shirkadood ee Al-kheyraad iyo AMECO ayaa la xaqiijiyey in ay tahay sanadkii ugu faa’iidada badnayd intii ay jireen labadan shirkadood, kuwaasoo la kala aasaasay Alkheyraad  2007 halka AMECO ay jirto ku dhawaad 10 sanno.
Mashaariicda ay sanadkan qabteen qaarkoodna ay socdaan waxa aya kala yihiin aan ku horeyno Shirkadda AMECO oo ah Shirkad Dhisme oo uu Injineer ka yahay Eng: Cabdirashiid Maxamed Axmed ayna  wada leeyihiin Madaxweyne Xasan Sh. Iyo Laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda haatan jirta
A) Dhismaha Machadkii Waxbarashadda SIDAM iyo Wasaaradii Hawlaha Guud oo ay ku baxayso lacag dhan 15 Milyan oo Dollar, lacagtaasoo ay bixisay Dawladda Ciraaq.
B) Qodista Ceelal tiradoodu gaarayso 160 Ceel oo ay maalgelisay Ururka Organisation of Islamic Cooperation (OIC) oo ay ku baxayso 57 Milyan oo Dollar, inkastoo qilaaf uu soo kala dhex galay OIC iyo Shirkadda OMECO kadib markii sida la sheegay ay OIC-du Dhaliishay Matooradda loo soo gaday Ceelashaa oo ay sheegeen in Matooro hore loo soo isticmaalay ay Shirkaddu u keentay Ceelashaa iyadoo Ururka OIC-du ay doonayeen in la soo gado Matooro cusub sida heshiisku ahaa
C) Dhismaha Xaruntii Ubaxa Kacaanka Oktoobar (UKO)  oo laga dhisayo Isbitaalka Indhaha waxaa maal gelisay Boqortooyada Sacuudiga waxaa ku baxaysa lacag dhan 13 Milyan oo Dollar
 Markana aynu u gudubno Shirkadda uu sida gaarka ah u leeyahay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ee Al-kheyraad  oo ah Shirkad Disme iyo Maamul mashaariicda ay fulinayso sanadkan qaarkoodna ay socdaan waxaa ka mid ah
 A) Dayactirka waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 22KM oo Magaalada Muqdisho ah waxaa maalgelinaya Dawladda Turkiga waxaa ku baxaysa 34 Milyan oo Dollar.
 B) Qalabeynta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho waxaana maalgelanaya Shirkad Turki ah oo la yiraa Favori LLC, oo iyaduna maamuli doonta Garoonka Aadan Cadde, Inkastoo qarashka ku baxaya aan si dhab ah loo ogayn.
 C) Balaarinta iyo Dayacturka Dekadda Muqdisho oo ilaa Haatan Shirkadii qandaraaska la siin lahaa aan lagu heshiin waxaana miiska wada saaran Shirkado ka kala socda Dalalka  China, Turkey, iyo Iran inkastoo xogta hoose ay sheegayso in Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ay u dhawdahay in  Qandaraaskaa la siiyo mana cadda lacagta ku baxaysa Dekadda Muqdisho.
 Waxaana la hubaa in Shirkadda Al-kheyraad in Hawsha Dekadda in la siin doono Sub Contract taasoo ay helayso lacago badan
 Isku darka lacagta ay Mashaariicda ku fulinayaan sanadkan labada Shirkadood inta la hayo Xisaabtooda waa 119 Milyan oo Dollar.
 Dhinaca waxaa jira  diyaar garow ay labadan Shirkadood ugu jiraan Marka la helo cidii bixin lahay lacagaha dayactirka Dhismayaashii wasaaradahii Dawladda Soomaaliya oo la filayo in la helo muddo aan dheerayn.
 Si kastaba ha ahaatee shirkadahan ayaa ka dheereeyey Shirkadihii kale ee dalka Soomaaliya

No comments:

Post a Comment