Haddaba Rayi'gaaga ka soo dhiibo.
Maxaa laga filan karaa in uu kasoo baxo shirka loogu yeeray mas'uuliyiinta Soomaalida ee Bruxelles.
Waagii aan yareyn ama aan dhalinyarada aadka u yar yar aheyn waxaan aad u necbanaazn jirnay aflaamta markiiba lasii ogyahay halka uu ku dhamaanayo sheekooyinkooda. Tusaale ahaan kuw hindiga oo mr walba isku sheeko ahaa. haddaba waxaan aad ula yaabnahay madaxdeenu ama siyaasiyiinta na hor boodayaa miyaanay odorosi karin waxa laga damacsan yahay, wax loo ogol yahay iyo inta daacad ee laga yahay shirarkooda.
Soomaaliyeey danahiina iyo horumarkiina waxa uu ku jiraa Allaah ka soke gacantiin. halkan waxa lagu hayo waa maaweelo iyo shimbirayhoow heesa. Armay danta ku jirtaa madaxweyne Xasan oo si kal iyo laab ah isugu yeera soomaali oo dhan oo meelk iska dhiga daneysiga, kooxeysiga iyo gees galinta reerayowga gaarr ahaaneed. Sidoo kale maamulada ka jira dalka ee maamul goboleedyada oo iyana ogaada in aan koox kaligeed meel gaari karin ee isku duubnidu tahay midda kaliya ee wax lagu gaari karo. adigoo maamulkaaga wata ayaad haddan midnimada guud ilaalin kartaa.
Ogoow boqol Bruxelles oo leysku kaaya yeero in ay wax soo kordhiyaan waa habeenkii xalay ahaa ee tegay.
No comments:
Post a Comment