Tuesday, March 29, 2016

Puntland oo soo bandhigtay qodobka ay ka doorbidi laheyd nidaamka 4.5 (hadafkeeda fog...

                           


Dhawaan ayey aheyd markii maamulka iyo Odayaasha Puntland ay caddeeyen in marnaba aysan aqbali doonin nidaamka 4.5, waxaase hadda soo baxaya nidaam ka duwan kaasi oo uu soo bandhigay Boqor Cabdullaahi Axmed Cali oo ka mid ah Isimada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool.
Boqor Cabdullaahi Axmed, waxa uu sheegay in isaga oo ku hadlaaya Afka Odayaasha uu doorbidi lahaa in ka tanaasulka xulashada hab deegaan, muddo kordhin loo sameeyo Dowlada hadda jirta.
Boqor Cabdullaahi Axmed Cali waxa uu sheegay in 4.5 laga soo gudbay, islamarkaana ku meelgaarkii uu raacay, sidaa aawgeed ay qabaan in Dowladda ay ka tanaasusho 4.5, ama wakhtiga loo kordhiyo, si la isaga illoobo nidaamkaasi.
Waxa uu ku taliyay in Dowlada Somalia ay ka xishooto shacabkeeda islamarkaana aysan dadka israacsan ku cadaadin waxa ay iyada rabto, isaga oo tilmaamay in intii Puntland qaadan lahayd 4.5 in dowladda hadda talada haysa wakhtiga loo kordhiyo.
Wuxuuna taa ku sababeeyey in hadda aan la gaarin doorasho degmooyin in dalka laga qabto oo Puntland ay taageersan tahay.
Madaxda Puntland iyo shacabkeeda ayuu ugu baaqay in marnaba aan la qaadan waxa uu ugu yeeray 4.5 oo uu sheegay inuu lamid yahay cudur dilaa ah oo aan dawo laheyn.
Maamulka Puntland ayuu sidoo kale sheegay in uu ka fiirsado wixii u wanaagsan iyo wixii dhib uga imaan kara, isaga oo farta ku goday in arrinka iminka ay waddo Dowladda federaalku uu wakhti danbe noqon doono mid dhibtiisa leh.
Dhanka kale magaalada Garowe waxaa meelaha qaarkood ku qoran NO:4.5, taasoo ka turjumaysa siday shacabka Garowe u diidan yihiin nidaamka qabiiliga ah ee 4.5-ka, ayagoo ku doodaya in deegaan wax lagu qeybsado, taasoo Puntland ay u aragto in ay sed badan ku heli karto, saameyn weynna ay ku yeellan karto siyaasadda mustaqbalka dhow ee Soomaaliya.

Daawo sawirrada Ninka afduubtey Diyaaradda Masar + waxa uu dalbadey oo Dunidu layaabtey






Waxaa markii ugu horreysay la helay sawirrada iyo macluumaadka Ninka afduubka ku heysta diyaarrada Masar ee Egypt Airline ay leedahay.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Ibrahim Samaha, asalkiisa Masar ayuu kasoo jeedaa, balse waxa uu heystaa dhalasho Mareykan ah, waana Borafeysar Jaamacad Magaalada Alexenderia ee Masar ku taalla wax ka dhiga, isagoo ku taqasusay hubinta caafimaadka iyo tayada cuntooyinka.
Sida la sheegaya waxa uu wataa suun bambo ah, balse Dowladda Masar afhayeen u hadley ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in uusan aheyn Bambo run ah.
Kadib wadahadal lala furay si loo fuliyo waxa uu doonayo ee Diyaaradda uu u afduubtay, ayuu Ninkani sheegtay in la siiyo magan-gal siyaasadeed, isla markaana uu sidoo kale doonayo in uu arko xaaskiisii hore oo u dhalatey kuna nool Jasiiradda Qubrus ee uu Diyaarrada afduubka ugu heysto iminka.

DAAWO SAWIRRADIISA IYO SIDUU WAX U DALBANAYO

Sawirradan aad arki doontaan ayaa qaarkood muujinayaan isagoo Diyaaradda dhex fadhiya, marna albaabka kasoo tuuraya warqad 4 Bog ka kooban oo uu qoray xaaskiisii hore si ay dalabkiisa u fuliso.
Wararkii ugu danbeeyayna waxa ay sheegayaan in Xaaskiisii hore ay usoo amba baxdey dhinaca garoonka uu Diyaaradda ku heysto, si ay wadahadalka uga qeyb qaadato, isla markaana uu Diyaarrada iyo rakaabka weli saarran usoo daayo

Bankiga Gumeystaha vs USA

                                                  


Bankiga Gumeystaha vs USA
_----------
1832: Bangigii Rothschild ee Maraykanka The Second Bank of The United States ayaa waydiistay Koongareyska Maraykanka inuu cusbooneysiiyo heshiiskii dowladda iyo bangiga (ee deyn siinta dowladda ahaa) iyadoo aan waliba la gaarin xiliga uu dhacayo oo ah 1836. Kongareysku wuu ansixiyay wuxuuna sharcigii u diray Madaxweyne Jackson si uu u saxiixo. Andrew Jackson oo ahaa madaxweynihii 7aad ee Maraykanka, hayayna xilka labadii xili ee u dhaxeysay 1829-1837 wuxu saaray sharcigaas awoodiisa “Veto” ee mamnuuc ka dhigaysa sharci walba ee uusan raali ka aheyn. Wuxuuna raaciyay diidmadiisa qayaxan hadalkan.
“Kaliya ma aha in muwaadiniinteenu ay dhadhaminayaan madax-furashada dowladeena lagu heysto, ee waxaa intaas dheer in inka badan 8 milyan oo saami oo bangigaan ah ay leeyihiin dad ajaanib ah. Taasi ma weysan khatar ku aheyn madax-banaanideena iyo xornimadeena, in bangigaan oo kale oo ay yartahay xiriirka uu la leeyahay wadankeena aan u kordhino heshiis deyn bixin?
“In naloo maamulo hantideena, naloo qaado lacagta bulshadeena iyo in kumanaan muwaadiniinteena ahi ay ku tiirsanaadaan bangiga noocaan oo kale ah, waxaa nooga wanaagsan in awooda ciidan ee cadowgu ay toos noo qabsadaan. Xataa haddii dowladeenu ay ku qasbanaato inay siiso bangigaan heshiis kale oo deyn uu nagu siiyo, kadibna faa’iidada uu bangigaani helo uu sida roobka samada ka yimaada ugu qeybiyo umadda Maraykanka oo dhan -taajirkeeda iyo faqiirkeeda- bixinta iyo siinta heshiiskaan waxay noqoneysaa mid uusan u qalmin bangigaani”
“Heshiiska i horyaala (ee uu soo ansixiyay Koongareysku) wuxuu u muuqdaa mid si macno la’aan ah nooga saaraya qiyamka iyo qaacidada cadaaladda ah ee aan ku qotano”
Sidaas ayuu Kongareysku ku awoodi waayay inuu meel mariyo sharcigii bangigaas. Isla sanadkaan 1832 ayuu madaxweyne Jackson u istaagay dib-u-doorasho afar sanno oo kale ah, wuxuuna si toos ah diidmada bangigaan uga dhigay olalihiisa doorashada, isagoo astaanta olalihiisa doorasho ka dhigay “Jackson and No Bank” oo la macno ah “Doorta Jackson si uu idinkaga dhiciyo bangiga Rothschild iyo deymeyntiisa” Sidaas ayaana afar sanno oo kale lagu doortay Andrew Jackson oo ah ninka hada ku sawiran lacagta $2. !

Saturday, August 29, 2015

Waa ‪#‎Muqadas‬ Xuduud dhuleedka Dowlada ‪#‎Puntland‬ Sida Dhulka _ laascaano !

                                                      




Waa ‪#‎Muqadas‬ Xuduud dhuleedka Dowlada ‪#‎Puntland‬ Sida Dhulka, cirka, badda iyo hawada sare.
Waa arin ‪#‎Dastuuri‬ Ah oo aan marnaba cidne laga yeelayn kala‪#‎Qaybinta‬ Puntland.
Kuwa hada ka ‪#‎Qaylinaya‬ Hargeysa laga yeeli mayo in ay dhul Puntland ay leedahay ku sii ‪#‎Joogaan‬ Si qaldan iyo jajuub kuwa kalane warkoodaba iska daah.
Degmada ‪#‎Laascaanood‬ Waqti aan fogeyn ayey Dowlada Puntland‪#‎Gacanta‬ Kusoo dhigaysaa.
Wax walbe meel ‪#‎Fiican‬ Bay mrayaan.

THE LOVE AND JOY MOVEMENT!!

                                                                         


“Time has come again and Love is in the air” It’s clear that those of us that love Allah( SWT), also love life, happiness, laughter, humanity and all that is good. Therefore we are starting a Love and Joy Movement. We shall overcome, Lol! Seriously though!

Friday, August 7, 2015

Jen: ‪#‎Cabdirisaaq‬ Afguduud _ Oo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada ‪#‎Puntland‬ ::: Hadda loo Magacaabay!!

                                                                           


‪#‎Breaking‬ News: Jen: ‪#‎Cabdirisaaq‬ Afguduud, oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada ‪#‎Puntland‬
‪#‎Wareegto‬ Ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Proff: ‪#‎Cabdiweli‬ Maxamed Cali Gaas, ayaa Jeneral Cabdirisaaq‪#‎Afguduud‬ Loogu magacaabay ‪#‎Taliyaha‬ Ciidanka Booliska Puntland, ka dib markii Xilka laga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Puntland Jen: ‪#‎Maxamed‬ Siciid Jaqanaf.
Waxaan leenahay ‪#‎Hambalyo‬ Hambalyo jeneral Afguduud, Allaha u fududeeyo xilka Adag ee uu umada Puntland iyo dalkaba u qaaday

Thursday, August 6, 2015

Shirka Gollaha ‪#‎Xukuumadda‬ Puntland oo uu maanta shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Proff: ‪#‎Cabdiweli‬ Maxamed Cali Gaas


                                                         





Shirka Gollaha ‪#‎Xukuumadda‬ Puntland oo uu maanta shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Proff: ‪#‎Cabdiweli‬ Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaaladda Gobalka ‪#‎Sool‬Qorshaha Doorashooyinka ‪#‎Soomaaliya‬ 2016-ka, Xeerka Nidaaminta‪#‎Magaalooyinka‬ Sharciga ‪#‎Patroolka‬ Soomaaliya iyo Warbixino kale.
Halkaan hoose ka ‪#‎Akhriso‬ War-saxaafadeedka oo dhamaystiran.