Sunday, March 29, 2015

Topnews:-Weerarkii Hotel Maka oo xogtiisa la helay iyo Wiil uu abti u yahay Milkiilaha oo fuliyay?

                 http://waagacusub.info/articles/805/Topnews-Weerarkii-Hotel-Maka-oo-xogtiisa-la-helay-iyo-Wiil-uu-abti-u-yahay-Milkiilaha-oo-fuliyay

Topnews:-Weerarkii Hotel Maka oo xogtiisa la helay iyo Wiil uu abti u yahay Milkiilaha oo fuliyay?


Abdirashid  Ciid Osman.info - Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Dowladda Somalia ayaa ka shaqeeyay qorshaha weerarkii lagu qaaday Hotel Maka Al Mukarama hasse yeeshee farsamadda ay fulinta weerarkaas u mareen ayaa noqotay mid yaab badan.
"Saraakiisha Villa Somalia oo adeegsanaya ganacsato taageera Al-Shabaab waxeey ku guuleeysteen in xiriir lala sameeyo wiil uu abti u yahay Maamulaha Hotel Maka Al Mukarama Gureey Xaaji Xasan,wiilka  oo ku jiray kooxda Al-Shabaab ,waxaa lagu  yiri Abtigaa wac oo lacagta Zakada Al-Shabaab ka qaad”ayuu yiri Sarkaal xog ogaala oo qisada loo weeraray Hotel-ka uga sheekeeyay Waagacusub.
Wiilka oo lagu magacaabo Nuradiin Cali Ospito waxaa dhashay Gureey walaashiis la yiraa Caasha Xaaji Xasan ,wuxuuna wacay Abtigiis isagoo weeydiiyay inuu bixiyo Zakadda Al-Shabaab laakiin abtigiis wuxuu yiri "Aniga nimankaas aad la joogtid waxba uma haayo Zako abti iga raali noqo”
Nuradiin Ospito wuxuu ku yiri "Abti Murtadiinta waxaad siisaa lacag ciidda ka badan ,hadaad Zakadda ku bixin weeysid todobaad gudahiis, tilaabo ayaan kaa qaadeeynaa”
Gureey Xaaji waa iska dhega tiray hanjabaada wiilkiisa hasse yeeshee Ganacsatadii Beesha Xawaadle ee Wiilka adeeradda u ahaay ayaa Nuuradiin mar labaad la xiriiray,waxeeyna weeydiiyeen wuxuu kala kulmay.
Ina Cali Ospito ayaa wixii dhexmaray isaga iyo abtigii Gureey uga sheekeeyay laakiin maadama weerarka ahaa mid laga qorsheeyay Villa Somalia,uuna abaabulkiisa u xilsaarnaa Wasiirka Amniga Mr Cabdirisaq  waxaa lagu yiri "Ragaaga diyaarso,anagana kuwa ku caawiyo ayaan kuu diyaarineynaa,markaad gudaha gashidna adigoo bad qabo ayaad ka laaban doontaa”
Maamule Gureey Xaaji wuxuu isku dayay inuu Hotel-ka dhabarkiisa dambe xiro laakiin Gudoomiyaha Degmadda Hodan iyo Saraakiisha Nabadsugidda Damujadiid ayaa u diiday maadama ay la socdeen qorshaha weerarka taas oo aan suurtagal noqon laheyn hadii la xiro jidkaas dhabarka dambe.
"Gudoomiyaha Degmadda Hodan wuxuu iiga daba yimid xitaa Gudoomiyaha gobolka Markaan u tegay,wuxuu ka shaqeeynayay inuu fashiliyo amaanka Hotel-ka,wuxuuna si cad u diiday inaan xirto seeto ama silsilad dhabarka Hotelka"ayuu yiri Gureey Xaaji oo shir Jaraa-id ku dhex qabtay Hotel-kiisa.
Dableeyda weerartay Hotel Maka waxeey dhamaantood wateen Tuutaha nuuca cusub ee la siiyay Melleteriga Somalia taas oo ka marqaati kacday iney tuutahaas bixiyeen Taliyaha xooga Indha qarsho iyo ku xigeenkiisa Cabdullahi Macalin Nuur.
Nuradiin Cali Ospito oo gacan ka helaya ,Wasiirka Amniga,Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugida Ruuxaanta Damujadiid waxaa loo gudbiyay Baabuurkii qaraxyadda ka buuxeen iyo dableeydii uu watay,waxeeyna sidaas ku galeen Hotel Maka Al Mukarama.
Ina Cali Ospito wuxuu qaraxyadiisii ku dhaawacay hooyadii dhashay oo gacan ka jabtay sidoo kalena ilaa subaxdii waxeey ka dhex raadinayeen Hotel-ka Abtigiis Gureey Xaaji Xasan.
Gureey Xaaji Xasan maalintaas jimcaha wuxuu ku maqnaa badda Xeebta Liido ,kumana jirin Hotel-ka ,sidoo kalena Maamulahii Hotel-ka wuxuu iska soo tuuray dabaqa labaad markii lagu garaacay Albaabka qolkii uu ku jiray.
Waxyaabaha shakiga badan abuuray ee dib laga ogaaday waxaa ka mida in Xabadda Hotel-ka bilaabatay afartii galabnimo iyo daqiiqado iyadoo Ciidanka Gaashaan tegeen lixdii maqribnimo.
Ciidanka Nabadsugidda iyo kuwa gurmadka degdega ee Kumaandoos waxeey jaanis siinayeen dableeyda gudaha ku jirtay ee xasuuqa baahsan waday ,iyadoo la rumeeysan yahay iney Maleeshiyaadka Madaxtooyadda laftooda gudaha la galeen.
Intii Ina Cali Ospito ku jiray gudaha waxeey dadka saarayeen Maxkamad Islaamiya iyadoo ilaa seddex qofood gacmaha laga jaray.
MAXAA U SABABA IN GUREEY XAAJI XASAN NOQDO BARTILMAAMEED.
Ganacsade Gureey xaaji wuxuu mudo dheer mucaaradsanaa siyaasadda guracan ee Madaxweyne Garguurte ku burburiyay Qaranimadda Somalia.
Gureey Xaaji wuxuu ahaa ganacsadaha kaliya ee shir beelweynta Abgaal u dhan tahay ka dhex yiri "Xildhibaanadda hana dhaafiyeen Xasan Sheekh Maxamuud”
Ganacsade Gureey wuxuu Hotel-kiisa noqday hooyga ay ku shiraan siyaasiyiinta Mucaaradsan Madaxweyne Garguurte iyo kooxdiisa Damujadiid laakiin ugu dambeyn waxaa loo maleegay shirqool galaaftay Hotelkiisii Maka Al-Mukarama.
Madaxda Dowladda Somalia waxeey qariyeen meeydadkii Hotel-ka laga helay iyagoo ku sheegay tiro dhan labaatan qof ,halka lagu qiyaasay dhowr iyo afartan qof.
Sikastaba ha ahaatee,Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Damujadiid waxeey dileen Wiilkii hoowlgalkaas fuliyay ee Nuradiin Cali Ospito ,iyadoo sababtana lagu sheegay inaan la helin xog dheeriya oo ku saabsan dadkii abaabulay hoowlgaladaas

Madaxweyne Gaas oo VOA uga waramay Waxbaqadkii sanadka iyo siyaasada Puntland (Dhageyso)


                                   
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo marti u ahaa barnaamijka Wicitaanka dhageystaha VOA-da ayuu kaga hadlay arrimo la xiriira waxqabadka sanadka iyo 3 bilood ee u xilka hayo, Isbedel uu ku sameeyey saraakiil amni, Dhismaha maamulka gobolada dhexe iyo arrimaha dowladda federaalka waxaana su’aalo ku weydiinayey dadweyne ku sugan Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in sanadka tagey 2014kii uu mashaariic hormarineed laga hirgeliyey dalka oo ay ka mid yihiin wadooyinka, Garoomada iyo mashaariic bulshadeed oo gudaha Puntland ka socda, Mustaqbalka dhow ayuu sheegay in la filayo in mashaariic kala duwan laga bilaabo oo ay ugu soo horayso balaarinta dekeda magaalada Boosaaso.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay amniga dalka oo uu sheegay in isbedel laga dareemayo isagoo sidoo kale tilmaamay dagaalada xoogan ay kula jiraan ururka Al-shabaab oo ku sugan buuraha Galgala oo uu xusay in howl galo ay ka wadaan ciidamada Daraawiishta Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsanayd dhaqaalaha Puntland iyo Mushaaraadka Ciidamada, Madaxweynahu wuxuu sheegay in aysan jirin dhaqaale hoos u dhacay walow uu sheegay in dowladiisa ay saro u soo qaaday heerka dhaqaalaha Puntland, Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin mushaar la’aan wajahday ciidamada Puntland ayna bilkasta qaataan Ciidamada mushaarkooda.
Dr Cabdiwali Gaas ayaa wax laga weydiiyey xilka qaadis lagu sameeyey saraakiil ciidan oo ka tirsanaa dowladda Puntland wuxuu sheegay in xilku yahay meerto sarkaal kastana uu hayo muddo cayiman aysana jirin carqalado ka yimid xilka qaadista walow uu sheegay in uu jiro sarkaal xil laga qaaday uu mar diido yimid.
Mar wax laga weydiiyey arrimaha khilaafka maamul u samaynta gobolada Dhexe ayuu Madaxweyne Gaas sheegay in ay ku wanaagsan tahay ay xal ka gaaraan dadka maamulkan dhisayana wuxuuna xusay khilaafka in ay dhexdooda dhamayn karaan.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo xiligeedu ka harsan yahay muddo sanad iyo bilo ah ayuu madaxweyne Cabdiwali Gaas ka hadlay rajada dowladdan laga qabay xiligeedii hore wuxuuna tilmaamay in uu jiray barnaamij loogu tala galay in ay ku shaqaysay oo uu sheegay in aan wax badan laga soo qaban ayna suurta gal ahayn in lagu dhameeyo mudda u hartay

Qaran loogu sameeyay Garowe.!!!!

Daawo Sawirada Amabsador Yuusuf Bari-bari oo Aas 

                     


















Qaran loogu sameeyay Garowe.

Madaxweynaha Puntland,Guddoomiyaha Baarlamanka, wasiiro iyo xildhibaano, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland iyo Federaalka, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Aqoonyahan, ehelada Marxuumka iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay Aaska Qaran oo maanta Garowe loogu sameeyay ALLA ha u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safiirki Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Ka dib markii Marxuumka lagu tukaday Salaada Janaasada,ayuu si rasmi ugu Hoyday Hoygiisa rasmiga ah.
Madaxweynaha Puntland,Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Hogaamiye dhaqameedka ka qayb galay Aaska ayaa Marxuumka EEBE uga baryay Marxuumka inuu ka waraabiyo Janada Fardawsa,kitaabkiisana uu gacanta midig uga dhiibo, samir iyo iimaan buuxana Alle uu ka siiyo dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, ehelkiisi iyo asxaabtii uu ka baxay
” Yuusuf waxaa uu ahaa Danjire qaran, waxa uu ahaa howlkar, waxa uu ahaa nin daacad u ah Soomaaliya,  jecel Soomaaliya in ay isbadasho jecel Soomaaliya in ay meel fiican gaarto, wakhtigiisa inta badan howshaa qaran ayuu ku biyey ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Wuxuu intaas ku daray”….Waxaan kaloo rabaa inaan udiro fariin Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ah dadkaasi ah wax ku oolka Soomaaliya oo runtii maalin walba moodo in xamar lagu laynayo in amnigooda la sugo xil gaar ahna layska saaro ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.
ALLA ha u naxariisto Yuusuf Bari-bari.
Hoos Ka Daawo Sawirada;-

Saturday, March 28, 2015

Dowladda Somalia oo sheegtay inay soo Af-jaray Howlgalkii H. Maka Al-Mukarama (SAWIRRO)

https://youtu.be/mHDyfJpRcwo

                   
                                         








Jimco, Maarso 27, 2015

(Abdirashid Ciid Osman) — Dowladda Somalia ayaa shaacisay caawa inay soo af-jartay howlgalkii hotell Maka Al-Mukarama oo ay gellinkii dambe ee maanta la wareegeen gacan ku hayntiisa xoogag taageersan Al-shabaab, iyadoo weli rasaas laga maqlayo gudaha hoteelka.

Weerarrada ay dagaalyahanada Al-shabaab ku qabsadeen Hoteelka ayaa isugu jiray mid is-miidaamin ah iyo mid toos ah oo ay gudaha ku galeen, iyagoo dilay 10-qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa hoteelka gudihiisa.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka hoteelka; balse ma aysan sheegin tirada xubnaheeda weerarka qaaday, waxaase dad goobta ku sugnaa ay sheegeen inay yihiin afar illaa shan ruux.
Ciidamada Alpha Group ee dowladda Somalia iyo xoogagga hubeysan ayaa ku dagaalamay gudaha Hoteelka, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan inay rag ka mid ah kuwii weerarka qaaday isku qarxiyeen gudaha hoteelka.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN OO KU SAABSAN HOWLGALKA

(Dhagayso) Milkiilaha Hotelka la Weeraray:”Waan filayay in dhibkan uu dhacayo”.

                          http://puntlandi.com/dhagayso-milkiilaha-hotelka-la-weeraraywaan-filayay-in-dhibkan-uu-dhacayo/




(Dhagayso) Milkiilaha Hotelka la Weeraray:”Waan filayay in dhibkan uu dhacayo”.

Kor Ka Dhagayso Codka;
Milkiilaha Hotelka Maka Al-mukarama Guray Xaaji Xassan ayaa sheegay inuu filayay in Weerar lagu soo qaadi doono Hotelkiisa,xilli buu yiri uu Maamulka Gobolka Banaadir ka dhega adeegay codsi aan u gaystay oo ku saabsanaa in loo ogolaado inay xirtaan Irida hotelka.
”Ciidanku waa yimaadeen waxay qabanayaan ma jirto,marka annaga waan filaynay in Weerarkan uu nagu dhacayo,Xamar oo dhan Hotel kasta Iridiisa waa xirtay anniga si gaar ah ayaa la iigu diiday,waan filyay in dhibkan uu dhacayo”Ayuu yiri Milkiilaha Hotelka Maka Al-mukarama.
Hadalkan ayuu ka sheegay Waraysi uu siiyay Idaacadda Codka Maraykanka ee marka magaceeda laso gaabiyo loo yaqaan VOA.
Wuxuu intaas ku daray”….Waa Hotelka kaliya oo saddex jeer laso Weerararay,maadama aan dareenka qabay waxaan rabay innaan wadada aan iska Kaantaroolo,codsiga Gobolka ayaan u geeyay,waana la iidiiday”.
Guray Xaaji Xassan ayaa sheegay in dadka Hotelka ku dhintay ay ku jireen Seedigii iyo walaashii,kuwaas oo ku sugnaa Hotelka xilliga la Weerarayay.
Dhanka kale,inta la og yahay dad ka badan 10-qof ayaa ku dhintay Weerarka,waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay xarunta Xaquuqul Insaanka ee ee magaalada Geneva Yuusuf Bari-bari.
Hoos Ka Dhagayso Codka;

Friday, March 20, 2015

Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay hadal aan cajiibin Dowlada Mareykanka iyo Dhaqdhaqaaqyo Militeri oo socda!!

                               
                           


War kasoo baxay Dowlada Kuuriyada Waqooyi, ayaa lagu sheegay in dowladu ay diyaar u tahay inay gasho dagaal ka dhan ah Dowlada Mareykanka.

Hyun Hak-bong oo ah Safiirka dawlada Kuuriyada Waqooyi ufadhiya UK oo wareysi gaar ah siiyay Sky News ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar uyahay dagaal Nukliyeer ah oo uu la galo dalka Mareykanka oo kasoo horjeeda Hanaanka Siyaasadeed ee Kuuriyada Waqooyi.

Mr Hyun Hak-bong ayaa laga soo xigtay inuu yiri '' Kuuriyada Waqooyi waxay wakhti kasta diyaar utahay inay rido gantaalada xambaarsan nukliyeerka''

Hadalka kasoo yeeray Hyun Hak-bong ayaa kusoo beegmaya iyadoo Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay dhaqdhaqaaq militari ka wadaan xuduuda u dhaxaysa labada Kuuriya.

Mar la weydiiyay in iyagu hor ridi doonaan gantaalada nukilyeerka ah iyo in kale ayuu safiirku ku jawaabay ''Ka dal ahaan waxaa nahay dad nabada jecel oo aan dagaal rabin hase yeeshee aysan aan ka cabsi qabin dagaal aan la galaano dowlada Mareykanka''

‘‘Kuuriyada Waqooyi waxay diyaar utahay dagaal nukliyeer ah oo ay la gasho Mareykanka,’’ ayuu yiri safiirku

Safiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku sugayo in Kuuriyado Waqooyi isdhigato si uu gantaalo ugu garaaco iyagoo aan iska jirin.

Mareykanka iyo xulifadiisa ayaa dhaq shaqaaqa militeri ay ka wadaan xuduuda Kuuriyada Waqooyi ku tilmaamay mid is difaacid ah halka Kuuriyada Waqooyi ay u aragto daan daansi dagaal.