Sunday, June 27, 2021

XOOGGAGA SADDEXAAD. [THE THIRD STRENGTH]

   
πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄. INSHALLAH Ilaa bishaan July, 2021-ka waxaa si xawli ah uga socon doonaa dhamaan baraha Social media-ha in magaca . 
πŸ‘‰ XOOGGAGA SADDEXAAD.
 [THE THIRD STRENGTH]
 iyo Slogan-ka ay xambaarsan yihiin la gaarsiiyo Ummadda Soomaaliyeed ee dal iyo dibad. 

Kaddibna waxaa xigi doonaa BARNAAMIJAYADA iyo howlgalada XOOGGAGA SADDEXAAD. ✌
XOGGAGA SADDEXAAD, Waxay Ummadda Soomaaliyeed usoo bandhigi doonaan sida ay labada kooxood-ba u FASHILMEEN, looguna baahan yahay ALTERNATIVE aan ahayn labadaas kooxood (N/N)iyo  
 ( Damujadiid)Madaxdii FASHILANTAY.

Saturday, June 26, 2021

#Oohhaa Dakadda Bosaaso πŸ”™█► #Aahhaa Dakedda Berbera -)

 Siyaasad xumida madaxtooyada Puntland: Maxaa u sabab eh in Imaaradka uu hormariyo Dekadda Berber uuna dayaco tan Boosaaso?

Sheekaba sheekaa ku xusuusisee markii maanta xadhigga laga jaray ballaadhintii dekedda Berbera baa waxaa igu soo dhacday tolow dekedda Boosaaso ma beertii ayaan daran baa?

Haatan shirkadda DP World waxay heshiisyo la gashay Puntland iyo Somaliland in ay ballaadhiso labada dekadood oo u samayso adeeg casri ah. Muddada waagaas naloo sheegay waxay ahayd in 3 sano gudahood mashruuca dekedda Boosaaso ku dhammaanayo. Madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu yidhi waa la inoo il duufay.

Hase yeeshee way caddayd inaan la inoo il duufin. Waayo heshiis lagu sheegay waa kii lala galay DP World waxaa baarlamaanku ku gudbiyay lacag 2 malyan ka badan. Way muuqatay in wax weyni qadanaayeen.

Mar koox gancsato ahi saluugeen sida wax u socdeen waxaa soo if baxay in 2 nuskho oo heeshiiska dekadda ah la kala haystay. Tii loo akhriyay ganacsatada iyo tii Paul oo markaa dekedda maamulayay uu la shir yimid.

Waxaa la filayay in markii maamulkii madaxweyne Gaas meesha ka baxay oo Deni loo doortay madax weynaha in wax uun la dhaqaajinayo. Lamase hayo ilaa haatan.

Mar baa la sheegay muddo hawshu ku bilaabanayso wayse ribatay oo ma rumoobin. Mar kale madaxweynuhu wuxuu baarlamaanka way diistay in hawsha dekedda isaga loo daayo. Ma aqaan inay ku eg tahay muddo xileedkiisa iyo inay ka soo hor marayso.

Waqtigaa dheer dekedda wax ka nuqsaama mooyee wax uma soo kordhin. Ciid baaba buuxisay oo maraakiib daayo doonyihii ay ku adkaatay inay ku soo xirtaan.

 

Fili maayo in ay maaweelo tahay ama sheekadii kun habeen iyo habeen (alfu laylah wa laylah).

Maxaa keenay in dekedda Berberana siraadanto ta Boosaasana dento oo sii shiiqdo.

Ma DP World baa ina kala jecel innaga iyo soomaalilaan? Ma madaxdaa la is dheer yahaa sidii kooxdii Heegan ku heesi jirtay : dadku waa maqashii Aadan oo xaawo naaska nuujisee. Waysku maskax isku muunad isku muruqee madaxdaa lays dheer yahay maamulaysa hawlahee. Ma saamiga xabashida Barbara looga qoondeeyay baa keenay in Barbara nuurto Boosaaana bakhtiinsanaato.

Ma heshiiskeennii baa iib ahaa oo kooda ka duwanaa?. Innagu ma boos xajis baan nahay? Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday.

W/Q:Aadan Shiikhdoon

Muqdisho-Somalia         

Tuesday, June 15, 2021

Alleged Somali Involvement In Tigray Confict With Eritrean Backing.

Analysis : Alleged Somali Involvement In Tigray Confict With Eritrean Backing
A snippet of a new UN report suggests that Somali troops where deployed to the war torn Tigray region of Ethiopia, upon completing training in neighboring Eritrea.

The upcoming reported slated to be released in the coming weeks alleges that Somali military contingents embedded with Eritrean forces crossed the border and entered Tigray and took part in the fighting.

The snippet from the upcoming report went further and alleged that Somali troops where present around the historic city of Axum.

This in itself is a very serious accusation knowing hundreds of ethnic Tigray civilians where massacred in the vicinity of Axum as documented by international rights groups such as Amnesty International. 

The Somali government is yet to address these damaging accusations. However Eritrea’s minister of information, Yemane Meskel lambasted the claims and said it was long discredited news.

In the past, both Somalia and Eritrea have been involved in what can only be described as clandestine training operations as scores of Somali youth have been sent to Eritrea as conscripts for military training.

As of yet nothing has been made official by either government but backlash and even protests have erupted across Somalia in recent months as families demand to know the whereabouts of there children sent to Eritrea for military training.

The most recent wave of protests that rocked Somalia took place in Mogadishu on May 16th, with hundreds of mothers and women pouring into the streets demanding answers from the government over there loved ones that where flown to Eritrea after being conscripted and never to be seen again.

Therefore the recent revelations in the excerpt from the UN report that took Twitter by storm shouldn’t be taken lightly but the UN report should be scrutinized on all levels knowing the UN has a long and shameful history of misreporting and at the times spewing unfounded allegations against both Somalia and Eritrea.

Passed reports published by the UN which turned out to be baseless include the bogus claims that fighters from the now defunct Islamic Courts Union (ICU) of Somalia sent fighters to Lebanon to fight alongside Hezzbollah during the 33 day war against Israel.

This turned out to be a complete lie and was furthermore being used as justification by the US to topple the Islamic Courts Union (ICU) who defeated, than expelled the CIA backed warlord from Somalia.

Six weeks after this bogus UN report was published, over 100,000 Ethiopian troops invaded Somalia under the cover of American drones which changed Somalia forever and gave birth to a far more extreme and violent element (Al Shabaab) that continues to reek havoc in Somalia to this day.

On a similar note, the UN sanctioned Eritrea in late 2009 on the grounds that the Eritrean state was supporting various Islamist and insurgent groups in Somalia according to the UN Security Council and as a result millions of ordinary Eritreans suffered. 

A few years later after the initial sanctions, it was revealed by Wikileaks that the UN sanctions where politically motivated and aimed at preventing German banks from investing in Eritrea’s lucrative mining sector and more importantly isolating the Red Sea nation who defied Washington’s advances since achieving statehood in the early 90’s.

Therefore those relishing over the latest UN excerpts that allegedly claim the existence of covert Somali involvement in the mass atrocities in Tigray alongside Eritrean military contingents shouldn’t jump on the bandwagon until sufficient evidence surfaces that can attest to such crimes and the snippets from the impending UN report are far from that.

This isn’t to deny or downplay the atrocities unfolding in Tigray nor is it to diminish the severity of the situation on the ground but knowing the UN’s disgraceful track record in regards to there reporting on Eritrea and Somalia, doubt will run deep in the mind of many, including myself.

Mohamed Abdulkadir is a freelance journalist that covers Somali related affairs. Work can be found on an array of international media outlets that include TRT and Sputnik.

Monday, June 14, 2021

QARAXYADDA XAMAR YAA DAMBEEYO OO LAGU TUHMAAYAA?

QARAXYADDA XAMAR YAA DAMBEEYO OO LAGU TUHMAAYAA?

Qaraxyadda dhiiga badan ee Soomaaliyeed lagu daadinaayo maalinkasta, sideey dad badan aaminsan yihiin ma aha mid ay kaliya ka danbeeyaan shabaab, waxaa jira baaritaan ay wadaan dowlado waaweyn oo lagu baaraayo meesha uu ka imaanaayo qaraxyadaas.

Aqalka Cad ee dowladda Mareeykanka 12, April 2019, wuxuu cusbooneeysiiyay sharcigii hore uu soo saaray Madaxwayne Obama April, 12, 2012.

Waxaana warsaxaafadeedkaas kagu sheegay” Nabad Gelyadda xumida Soomaaliya waxay dhib ku tahay caalamka oo Idil iyo dalka Mareeykanka” waxay sheeegeen qofkasta oo nabada Soomaaliya dhib ku ah inay cunaqateeynayaan oo maxkamad la hor keeni doono.

Hadaba yaa ka dameeya qaraxyadda oo la tuhmayaa?

1- Dowlado ka dhaxeeya loolan dhaqaale iyo awood, kuwasoo isticmaalaayo dad Soomaaliyeed oo howshaas u fuliya.

2- Qandaraasleey Soomaaliyeed oo qandaraas ku soo qaatay, leynta iyo ba’binta shacabka iyo dalka. Kuwaas waxaa ka mid ah Ganacsato, kooxo diimeed iyo siyaasiyiin hore.

3- Iyo kuwa diidan midnimadda iyo wada jirka 5 Soomaaliyeed (separatist group) 

Dadka Soomaaliyeed ee jecel nabada, deganaasha, dowladnimadda iyo midnimadda wadajirka umadda Soomaaliyeed, waa inay fahmaan oo ogaadaan meesha laga haaysto.

Wa bilaahi towfiiq

Tuesday, June 1, 2021

Foreign trawlers illegal fishing, Somalia $300m in revenue !


Foreign trawlers, illegal fishing, staff shortage deny Somalia $300m in revenue !
--------------------------------------------------------
After sharks are captured off the coast of Somalia, their meat is salted, sun-dried and transported overland to Kismayo for export to Mombasa, Kenya, the main market in East Africa.

 Shark fins, on the other hand, are flown to Hong Kong and Singapore, where they are regarded as a delicacy while liver oil from the dwarf gulper shark is exported to Japan via Salalah (Oman) or Dubai.

 These are just but some of the fishing products from Somalia that find their way to the rest of Africa, the Middle East and Europe.

 But for all these, the fishing sector generates only $135 million in value per year — or about two per cent of Somalia’s gross domestic product — according to a study by the Heritage Institute for Policy and City University of Mogadishu released at the end of June.

 “However, it has the potential to be one of the largest and most profitable in the world, considering that the current annual catch represents only a small fraction of the country’s estimated fishery production potential of over 800,000 tonnes per year,” said the study.

 The problem is that Somalia fisheries is dominated by foreign-owned trawlers. The illegal, unreported and unregulated (IUU) fishing in Somalia’s Exclusive Economic Zone (EEZ) is costing the country more than $300 million each year in lost revenue.

 The study, Somalia Fisheries: Untapped Potential Held Back by Skills Shortage, compiled by Dr Abdirahman Kulmiye of the City University of Mogadishu finds the most serious challenge to be shortage of a skilled workforce.

 “While the fisheries sector is underdeveloped, it nevertheless supports more than 400,000 Somalis who depend on it for their livelihood,” said Dr Kulmiye.

 The study, funded by the Somalia Stability Fund, set out to assess the status of the fisheries sector; existing skills; and local institutions of higher learning and the quality of their fisheries-related academic programmes, among others.

 In February last year, a fishing deal signed between the Somalia government and vessels tied to the China Overseas Fisheries Association caused uproar among artisanal fishing community and politicians, who argued that it would destroy their livelihoods.

 The deal allowed 31 Chinese long line vessels to fish for “tuna and tuna-like species” for one year, but automatically renewed fishing licences for $1,025,750 each year.

 On June 30, a non-governmental organisation, the Global Fishing Watch, released a report that indicated that roughly 200 Iranian fishing boats operating illegally had been detected in waters off Somalia and Yemen. Also traced were smaller subset of Indian, Pakistani and Sri Lankan flagged vessels.

 They were traced by the Trygg Mat Tracking, a technology that helps boats avoid collisions, and to identify the boats and their locations.

 From 1991 when the Somalia state collapsed, it was estimated that between 800 and 1,000 vessels descended on Somali’s EEZ engaging in illegal, unreported and unregulated fishing.

 Recent studies estimated the foreign catch to be 132,000 tonnes, accounting for 56 per cent of total catches in Somalia’s EEZ.

 Lack of common legal framework and regulatory regimes as the Somalia Federal Government and some of the federal states follow different laws and rules in managing the sector, is said to enable illegal trawlers to encroach into Somalia’s EEZ.

 The study finds that bottom trawlers from Egypt, Greece, Italy, Kenya, South Korea, Russia and Thailand operated intermittently in inshore waters under dubious fishing permits issued by different Somali administrations.

 Local fishermen have accused the trawlers of overfishing, depleting fish stocks, destroying important marine habitats through bottom trawling and disrupting communities’ livelihoods by sweeping away their stationary fishing gear.

 According to the law, the Ministry of Fisheries is the only entity which can legally issue licences for fishing vessels to operate in the Somali

πŸ™πŸ™I Am Candidate { Ila Qosol.}


πŸ™πŸ™I Am Candidate Ila Qosol.
Anniguna Maanta ayaan is sharaxay.

Waxaan u mahadcelinayaa intii soo qaban qaabisay  iyo intii Maanta ka soo qeybgashay Xafladii Musharxnimadeyda oo ey ka soo qeyb galeen Dad ka badan1500 Qof.

waxaan isku sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Shiinaha,  waxaa Hoolkii is qabsaday Sacab, Alalaas iyo Sax weeyaan, sax weeyaan. Dadkii ayaan Dib u fiiriyay, waanba shakiyay ma Shiinaha ayaan joogaa mise Somaliya?, Anigaaba iska shakiyay oo indhaha iska taataabtay. Qaar gadaal fadhiyay ayaa ku qeylinayay maad isku sharaxdid Mad/Xigeenka Mareykanka.

waxaan Ballan qaaday Haddii la i doorto in aan soo rari doono warshadaha waaweyn ee Dalka Shinaha, in Beeraha ey noo tacbi doonaan shuruud la'aan, Annaguna aan Iska cuni doono, in aan Cuna qabateyn saari doono UN-ka, haddii ey fulin weeydo Shuruudaha qaar, in Shucuubta Baahan ee Wadamada  Khaliijka aan u qori doono Lacagta Ceeyrta, waxaan ballanqaaday in Ciidamada Daraawiishta Somalida aan kala dhax dhigi doono Wadamada  Giriiga iyo Turkiga.

Wiilkii iridda Hotelka Dadka ku baarayay waxaan u ballan qaaday in aan u dalacsiinayo Janaraal,  Shaqaalihii Cuntada Hotelka qeybinayay waxaan u ballan qaaday la taliyayaal, Dhalinyaradii Heesahana  Safiiro, Barbaarta Gaashaamana Agaasimayaasha Maaliyadda.

waxa kale oo aan u sheegay Dadweynaha in ey i taageersan tahay ina  wadato Dowlada Jameeyka, Dalkana aan keeni doono khubaro u dhalatay Dalka Burundi oo Shidaal ka soo saari doonto.Farxad iyo Rajo weyn  ayaana ka muuqatay Taageerayaasha wajigooda.

waxaan soo Xasuusatay Saaxiibadeey oo aan lagu Aamini karin Xubin Gole Deegaan oo isku sharaxayo Xilal Madaxweyne, R/wasaare, Wasiiro iyo Xildhibaano. Laakin  maxaan ula yaabaa kuwii horeba wax ma dhaamine.

Gunaandkii Shirka waxaa ka duceeyay, Sh. Cali Marqaan, ducadiisii waxaan ka xasuustaa, Qaadka Alla ha noo raqiisiyo. ugu Dambeeyn Shirka waxaa soo gunaanaday Ugaaska Beesha oo Xalay aan Jiibkiisa ku hubsaday..........,  iina sheegay in aan heeysto taageerada Beesha.

Waa ummad Mustaqbalkeeda ku Falaadee, !!!.

FG: ii soo duceeya in waqtigaan uuna Alle igu  ridin Cudurka Karoone Musharax.

Qore: Abdirashid Ciid Osman 

Sunday, May 30, 2021

Maxaad ka ogtahay baaritaanada ay sameyso dowlada Soomaaliya xiliyada ay dhacaan qaraxyada iyo dilalka(Yaab)


                                                   


Waxaa magaalada Muqdishu ka dhaco badanaa falal kasoo horejeedo nabada iyo xasiloonida taasi oo ay ka dhalato khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed , dhibkaasi badanaa waxa uu soo garaa dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan waxa ayna ka noqotay wax iska caadi ah in aanan wax la iska weydiinin cidda dhibkaasi geysatay iyo sababta wallow ay inta badan sheegtaan kooxda gooni u goosadka ah ee alshabaab laakiin su’aashu waxa ay tahay sheegashada al-shabaab ma tahay mid sax ah masa laga yabaa in loogu baaqay inay sheegtaan falalkaasi amni darada ku salaysan.

Hadaba hadii aan qormadayda gudo ayaa waxaa u kala qaadayaa labo qeybood oo muhiim ah

Tan ugu horeysa ayaa ah xaddiga baaritaanada ay sameyaan masuuliyiinta qaaabilsan amaanka iyo sirdoonka, sida aan ka war qabno hadii qarax meel ka dhaco waxaa durbadiiba goobta kusoo yaaco ciidamada dowlada oo isugu jiro nooc walbo iyo gaadiidka gurmadka dag dag ah oo islamarkiibada qaadayo dadkii dhaawaca ahaa geynayana isbitaalada magaalda muqdishu, kadib waxaa goobta yimaado madaxda dowlada oo haba ugu badnaadaan wasiirka aminiga iyo madaxda gobolka banaadir durbadiiba waxaa la qabtaa shir jaraa’id oo waxaad ka maqlaysaa “ Qarax ismiidaamin ayuu ahaa waxaana fuliyay kooxda alshabaab shacabka waa in ay nala shaqeeyaan waa u jeedaan waxa dhamaanayo waa ilmahiina iyo dadkiina ………..” Waa yaab yaa cadeeyay in qarax ismiidaamin ahaa yaase cadeeyay in alshabaab masuul ka yihiin dadka dhimanayane yaa ka masuul ah.

Waxaana halkaasi lagu xiraa kiiskaasi, oo qof danbo oo wax laga weydiina ma jiro xataa cid soo wareysato dadkii dhaacawa ahaa oo goobta goob joog ka ahaa ma jiro waxii dhintay waaba dhinteen xanuunka iyo dhiilada waxaa laga dareemaa guryaha dadka rayidka ahaa ee ku waxyeeloobay mana jirto cid u doodo iyo wax kadaba yimaado waxa ayna ka noqotay wax iska caadi ah oo waxii xunba xaawaa leh.

Ma ahan inaan kooxda shabaab difaacayo laakin qof asaga oo gurigiisa sii galayo biskood lagu dilay ma ahan inaan si fudud u dhahno kooxda shabaab ayaa dishay laakin waxaa loo baahan yahay baaritaan dheer in la sameeyo, waa sax in kooxda shabaab ay tahay kaliya awooda muuqato ee la dagaalanto dowlada iyo dadka wax galka ah ee bulshada laakiin kurdarso dhibka kasto oo ku gaaro mahan inaad hal dhinac u fikirto…

Tan labaad ayaa ah sheegashada kooxda shabaab marka horaba kooxdaasi nabad darada iyo dhibaatada ayay ku daba ganbataa oo waxa ay dili karaan waa dilaan waxii dano kale loo dilana waa sheegtaan si ay ugu faa’iidaysato marnaashaha sirdoon buuxo oo ka jiro wadanka sidoo kale waxaa moodaa in madaxda dowlada ay ayagaba u baaqayaan kooxda inay sheegato waayo durbadii ay wax dheceenba waxa ay dhahayaan kooxda alshabaab ayaa ka danbeysay maxaa diidayo in alshabaab ay sheegtaan ayagana..

Maxaa la gudboon dowlada si looga gudbo arintani ani ahaan waxa ay ila tahay in la xoojiyo laamaha sirdoonka ee dowlada ayada oo tababaro caalami ah la siiyo ciidanka sirdoonka si ay baaritaan buuxo ugu sameyaan sida ay wax u dheceen kuwaasi oo wada shaqeyn la yeelanayo hay’adaha sirdoonka aduunka waxaad dareemeysaa in magaalda ay joogaan qeybo ka tirsan ciidamada sirdoonka ee Mareykanka iyo Ingriiska laakin waxa ay u joogaan danahooda kaliya marka waxaa muhiim ah laga faa’iidaysto ciidamaasi lagu tababarto dhaliyarada fresh-ka ah kasoo baxo jaamacadaha, mida kale hadii ay taasi suurta gal noqon weyso waxaa haboon in heshiis lala galo heydahaha sirdoonka aduunka si ay baaritaano ugu sameyaan dhacdooyinka xanuunka badan ee kusoo lab laabto magaalda.

Ugu danbeyntii waxaan umada Soomaliyeed ugu baaqayaa in iska ilaaliyaan kooxaxa qaswadayaasha ah ee ka faa’iidaysanayo dhibaatooyinka gaamuray ee soo laablaabtay mida kale ogow hadii aad dhibka aragto oo aadan sheegin maanta adiga bari ayuu ku sameyn doonaa marka la soco dhaqdhaqaaqa dadka guriga kula joogo iyo dariskaadaba.!