Sunday, May 30, 2021

Maxaad ka ogtahay baaritaanada ay sameyso dowlada Soomaaliya xiliyada ay dhacaan qaraxyada iyo dilalka(Yaab)


                                                   


Waxaa magaalada Muqdishu ka dhaco badanaa falal kasoo horejeedo nabada iyo xasiloonida taasi oo ay ka dhalato khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed , dhibkaasi badanaa waxa uu soo garaa dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan waxa ayna ka noqotay wax iska caadi ah in aanan wax la iska weydiinin cidda dhibkaasi geysatay iyo sababta wallow ay inta badan sheegtaan kooxda gooni u goosadka ah ee alshabaab laakiin su’aashu waxa ay tahay sheegashada al-shabaab ma tahay mid sax ah masa laga yabaa in loogu baaqay inay sheegtaan falalkaasi amni darada ku salaysan.

Hadaba hadii aan qormadayda gudo ayaa waxaa u kala qaadayaa labo qeybood oo muhiim ah

Tan ugu horeysa ayaa ah xaddiga baaritaanada ay sameyaan masuuliyiinta qaaabilsan amaanka iyo sirdoonka, sida aan ka war qabno hadii qarax meel ka dhaco waxaa durbadiiba goobta kusoo yaaco ciidamada dowlada oo isugu jiro nooc walbo iyo gaadiidka gurmadka dag dag ah oo islamarkiibada qaadayo dadkii dhaawaca ahaa geynayana isbitaalada magaalda muqdishu, kadib waxaa goobta yimaado madaxda dowlada oo haba ugu badnaadaan wasiirka aminiga iyo madaxda gobolka banaadir durbadiiba waxaa la qabtaa shir jaraa’id oo waxaad ka maqlaysaa “ Qarax ismiidaamin ayuu ahaa waxaana fuliyay kooxda alshabaab shacabka waa in ay nala shaqeeyaan waa u jeedaan waxa dhamaanayo waa ilmahiina iyo dadkiina ………..” Waa yaab yaa cadeeyay in qarax ismiidaamin ahaa yaase cadeeyay in alshabaab masuul ka yihiin dadka dhimanayane yaa ka masuul ah.

Waxaana halkaasi lagu xiraa kiiskaasi, oo qof danbo oo wax laga weydiina ma jiro xataa cid soo wareysato dadkii dhaacawa ahaa oo goobta goob joog ka ahaa ma jiro waxii dhintay waaba dhinteen xanuunka iyo dhiilada waxaa laga dareemaa guryaha dadka rayidka ahaa ee ku waxyeeloobay mana jirto cid u doodo iyo wax kadaba yimaado waxa ayna ka noqotay wax iska caadi ah oo waxii xunba xaawaa leh.

Ma ahan inaan kooxda shabaab difaacayo laakin qof asaga oo gurigiisa sii galayo biskood lagu dilay ma ahan inaan si fudud u dhahno kooxda shabaab ayaa dishay laakin waxaa loo baahan yahay baaritaan dheer in la sameeyo, waa sax in kooxda shabaab ay tahay kaliya awooda muuqato ee la dagaalanto dowlada iyo dadka wax galka ah ee bulshada laakiin kurdarso dhibka kasto oo ku gaaro mahan inaad hal dhinac u fikirto…

Tan labaad ayaa ah sheegashada kooxda shabaab marka horaba kooxdaasi nabad darada iyo dhibaatada ayay ku daba ganbataa oo waxa ay dili karaan waa dilaan waxii dano kale loo dilana waa sheegtaan si ay ugu faa’iidaysato marnaashaha sirdoon buuxo oo ka jiro wadanka sidoo kale waxaa moodaa in madaxda dowlada ay ayagaba u baaqayaan kooxda inay sheegato waayo durbadii ay wax dheceenba waxa ay dhahayaan kooxda alshabaab ayaa ka danbeysay maxaa diidayo in alshabaab ay sheegtaan ayagana..

Maxaa la gudboon dowlada si looga gudbo arintani ani ahaan waxa ay ila tahay in la xoojiyo laamaha sirdoonka ee dowlada ayada oo tababaro caalami ah la siiyo ciidanka sirdoonka si ay baaritaan buuxo ugu sameyaan sida ay wax u dheceen kuwaasi oo wada shaqeyn la yeelanayo hay’adaha sirdoonka aduunka waxaad dareemeysaa in magaalda ay joogaan qeybo ka tirsan ciidamada sirdoonka ee Mareykanka iyo Ingriiska laakin waxa ay u joogaan danahooda kaliya marka waxaa muhiim ah laga faa’iidaysto ciidamaasi lagu tababarto dhaliyarada fresh-ka ah kasoo baxo jaamacadaha, mida kale hadii ay taasi suurta gal noqon weyso waxaa haboon in heshiis lala galo heydahaha sirdoonka aduunka si ay baaritaano ugu sameyaan dhacdooyinka xanuunka badan ee kusoo lab laabto magaalda.

Ugu danbeyntii waxaan umada Soomaliyeed ugu baaqayaa in iska ilaaliyaan kooxaxa qaswadayaasha ah ee ka faa’iidaysanayo dhibaatooyinka gaamuray ee soo laablaabtay mida kale ogow hadii aad dhibka aragto oo aadan sheegin maanta adiga bari ayuu ku sameyn doonaa marka la soco dhaqdhaqaaqa dadka guriga kula joogo iyo dariskaadaba.!

No comments:

Post a Comment