Sunday, May 30, 2021

GOBOLKA BANAADIR Iyo XUQUUQDOODA

[ Truth, is neither friend nor an enemy to anyone.]
Waa, runtaa waana kula qabaa in GOBOLKA BANAADIR dadka ku nool ay helaan XUQUUQDOODA Dastuuriga Ah waxaana muddo ayaan ku soo jiray. Haddaba, dhibka wuxuu ka jiraa: 1. Lama, rabo in dib loo eego sharcigi dawladdii Kacaanka ay u sameysay gobolka marki ay kala Goyneysay GOBOLKA BANAADIR ayadoo ka dhax abuureyso Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo banaadir oo Gobol ah kana tirsan 18-ka gobol ay SOOMAALIYA ka kooban tahay. Kacaanka, wuxuu ka dhigay gobolka banaadir oo ay Caasimadi, Muqdishu ku dhaxtaalo "City State" oo meelo badan ka jirto adduunka. 2. Waxaa, yimid Cabdullaahi Yusuf Ahmed (AUN) iyo Nuur-Cadde (AUN) ayagoon fiirinin City-State-ki dawladdii Kacaanka ay sameystay ayeey ku taliyaan in gobolka maamul loo sameeyo hoosna laga soo dhiso. Waa, la sameeyay oo waa tii Dhagaxtuur madax looga dhigay. 3. Waxaa, yimid  Sheikh Sharif oo kala diray maamulki uu sameeyay Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN). Waxaa, dhacday in Wasiirki Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Cali Cumar uu magacaabay Guddi soo sameeya wax ay ugu magacdareen Mogadishu City Charter waana ay sameeyaan. Ayadoon, la eegeynin wixii ka horeeyay laakin lagu diidan yahay in Gobolka iyo Nawaaxigiisa ay yeeshaan maamul gobolleed leh heer degmo, heer gobol iyo heer dawladda FEDERAALKA. 4. Nasiibdarro, waxaa yimid Hassan Sheikh oo ka dhigay arrinti ka daro dib dhal. Hassan Sheikh, wuxuu diiday gobolka dadka ku nool in YEESHAAN wax xuquuq ah ama wakiilo u matala dawladaha heer degmo, heer gobol iyo heer dawladda dhexe. 5. Waxaa, jira reero diidan dadka ku nool gobolka banaadir in ay xuqooqdooda. A) GOBOLKA waxaa ku nool marki la qiyaaso 2.5 dad ay tiradooda dhan tahay mana jirto gobol ama maamul dalka ku YAALA meel ay ku nool yihiin dad tiraada la eg. B) Waxaa, muuqata reerahaan in wakiilada baarlamaan oo ay yeelaneyso SOOMAALIYA looga badanaayo. Marka, MAXEEY sameeyaan reerahaan: 1) waxeey ku andacoodaan gobolka waa caasimadi. 2) gobolka, waa in uuna noqon meel reer leeyahay. 3. Arrinta, gobolka iyo Caasimada waa in uu Baarlamaanka sharci ka soo saaro. Marka, Sheikh Sharif, Hassan Sheikh iyo reerahaan waxey iska indha tiraayaan si loo Dafiro in Gobolka Banaadir iyo Caasimada ayna isku mid ahayn oo ay kala leeyihiin Maqaam Dastuuri Ah ee kala baxsan, dad degan yihiin loogu yimid iyo gobolka ka mid yahay 28-ka gobol oo ay SOOMAALIYA ka kooban tahay mana lagu dhici karo in gobolka banaadir laga saaro 18-ka gobol iyo in Caasimada laga raro Muqdisho. 6) Waxaa, yimid Farmaajo mana marin jidki saxda ahaa ee loo baahnaa in loo maro arrinta gobolka banaadir iyo Caasimada Muqdishu si loo soo AFJARO. Farmaajo, wuxuu kala saaray gobolka iyo Caasimada. Farmaajo, wuxuu siiyay XAMAR siiyay 13 Kursi oo aqalka sare ah laakin si ayna ku hirgelin asoo og in gobolka ama Xamar maamul u dhisneyn wuxuu dhahay xildhibaanada aqalka sare waxaa soo dooranaaya xildhibaanada maamul gobolleedyada ay soo doortaan. Mida kale, Farmaajo oo waa ogtahay yahay in dastuurka uu qoraayo in tirada aqalka sare ay isla ekadan 18-ka ee dalka laakin wuxuu rabaa in uu ka taqaluso nidaamka federaalka iyo maamul gobolleedyada si SOOMAALIYA ay u yeelato dawlad dhexe.

No comments:

Post a Comment