General Jama Mohamed Qalib (True Story)
Xigasho: Abdullah Abdi
Genaral Jaamac Maxamed Qaalib oo mar soomaaliya kasoo noqday taliyaha Ciidanka Boliiska marna Wasiir noqday ayaa mid ka mid ah Buugaag uu qoray waxuu kaga sheekeeyey 50 sano ka hor xili uu ka tirsanaa saraakiisha Boliiska gaar ahaan dabagalka safaaradaha shisheeye ee ku sugan soomaaliya dhacdo uu u soo joogay waxuuna yiri sidan:
Sanadkii 1964-kii ayaa waxaa jirtay in dagaalo ay dhex mareen Soomaaliya iyo Ethiopia waxaana xiligaas ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska soomaaliyeed gaar ahaan dabagalka safaaradaha shisheeye ee ku sugan soomaaliya si gaar gaar ahna waxaan ugu xil saarnaa inaan isha ku haayo dhaq dhaqaaqa safaarada Ethiopia ee Magaalada Muqdisho ku taalay.
Hadaba waxaa jiray nin dibulumaasi ahaa oo ka tirsanaa safaarada Ethiopia balse ahaa Jaajuus sirdoonka Ethiopia ka tirsan waxaanan ninkaas ku daba jirnay dhaq-dhaqaaqiisa, waxaa uu lahaa balwad xaga la tumashada dumarka & khamriga uu aad u fuuqsan jirey ama u cabi jirey; baararka ku yaalay magaalada muqdisho ee ajnabigu uu isugu iman jireen ayuu soo aadi jiray taasina waxa ay suura gelisay in aan helno dadka uu la xiriiro.
Maalin ka mid ah maalmaha ayaa waxaa dhacday in Nin suxufi ama weriye ah waxuu arkay ninkii dibulumaasiga ahaa ee ka shaqeynayay safaarada Ethiopia balse ahaa jaajuus sirdoonkooda ka tirsan isagoo cabsan ama sarqaansan oo dumar ku dhex jira, dabeedna Sawir ayuu ka qaaday waxaana uu ku soo daabacay wargeys af talyaani ku soo bixi jiray taasoo fadeexad ku noqotay dawlada Ethiopia.
Markii xaalku halkaas uu marayo ayaa dawladda Ethiopia waxay badashay ninkii fadeexada u soo jiiday waxayna bedelkiisa keentay mid ad adag oo maxruug ah aadna u tababaran dabeedna waxaa naga istaagay xogtii aanu heli jirnay, waxaa markaa ka dib dhacday in dawladii soomaaliya gaar ahaan qeybtii aan ka tirsanaa ee dabagalka safaaradaha shisheeye ee ku sugan soomaaliya aanu go'aan sanay in aan dhagaysano telefoonada safaarada Ethiopia. Wasiirkii Boostada & isgaarsiinta soomaaliya ee xiligaas ayaan ka codsanay aritaas in naloo suurtagaliyo, wasiirkii baqdin ayaa gashay ah " madaxda soomaalida sow hadhow ma dhagaysanaysaan" damanadqaad adag kadib waa uu naga yeelay.
Waxaa hadaba dhacay in todobaad ka dib markii aan bilownay dhagaysiga Telefonadii safaarada Ethiopia ee muqdisho ay ku laheyd waxaanu soo xirnay oo xabsiga u dhaadhicinay ilaa 7 sarkaal oo soomaali ah kana tirsanaa ciidanka Boliiska iyagoo si qarsoodi ah ula shaqynayey sirdoonka Ethiopia kuwaasoo bixinayey sirta qaranka soomaaliyeed.
Casharka aan ka baran karno dhacdadan uu ka hadlay Genaral Jaamac Maxamed Qaalib waxa ay tahay sidii dawladihii soo maray soomaaliya ay isha ugu heyn jireen oo ay isaga ilaalin jireen Safaaradaha Ajnabiga ee soomaaliya joogay in ay helaan sirta qaranka soomaaliyeed gaar ahaan jawaasiista Ethiopia u shaqeyn jirey laakiin hada kuwa Jaajuusyada u ah Ethiopia xargaha ayey goosteen waxaana ugu horeeya Madaxda sare ee dawlada soomaaliya, Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada, qaar ka mid ah Golaha wasiirada iyo qaar Xildhibaano ah dhamaantoodna daba dhilifyo ayey u yahiin Ethiopia.
Buugaagta uu qorey General Jaamac Maxamed Qaalib waxaa ka mid ah
* Cost of Dictatorship, The Somali Experience (1995).
* Who is a Terrorist? (first & second edition 2002
Fadlan walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: Abdullah Abdi
No comments:
Post a Comment