Sunday, May 30, 2021
Tayada xogaha ay Sirdoonka Puntland ka hesho Alshabaab oo Darajo hoose gaarsiisan (Warbixin)
Khubarada Soomaalida ee ku xeel-dheer arrimaha Amaanka ayaa aad uga deyriyay Hanaanka Maamulka Puntland ay u dhaqajineyso Arrimaha la xiriira Sirdoonka Gobolka iyo deegaanada ku xeeran.
Xaashi Cabdi oo kamid ah Khubarada ku xeel-dheer arrimaha Ammaanka Somalia inbadana Daraasooyin ku sameeyay Amaanka Gobolka, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu aad uga liito dhanka Wardoonka, waxa uuna sheegay inaysan suuragal aheyn in Maamul dhowrkii sano ee la soo dhaafay deegaanadiisu uu amaan ahaa uu iminka kaalinta koowaad ka galo Gobolada ugu amaanka jilicsan gayiga Somalia.
Waxa uu tilmaamay in markii leys barbar dhigo Gobolada Somalia ay ugu jilicsan tahay Puntland, wuxuuna tusaale usoo qaatay xog la'aanta heysata Ciidamada Puntland marka loo eego la dagaalanka Kooxda Alshabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Puntland.
Isagoo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ''Markii laga soo tago gobolada dhawaan la aqoonsaday sida Koofurta Somalia, Jubbaland, Galmudug, waxaa dhanka wardoonka ugu liita Puntland, waayo waxa ay xog iyo macluumaad ka heyn bulshada ku dhex nool deegaanadeeda, waxaa xiliyada qaar suuragal ah in Hooyada iyo Carruurteeda ay kawada tirsan yihiin sirdoonka Alshabaab, taasi waxaa keentay ogaansho la'aanta laamaha amaanka Puntland''
Xaashi Cabdi ayaa sheegay in bil gudaheed uu ka dhacay magaalada Boosaaso oo ganacsiga Puntland xarun u ah Afar weerar oo si toos ah loogu qaaday saldhigyo ciidan iyo saraakil ka tirsan ciidammada, waxa uuna xusay in kiisaska dilalkuna ay intaa kasii badan yihiin.
Isagoo taasi mar kale ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Ma jiro war laga hayay weerarada ka imaanaya kooxda al-Shabaab,way sheegteen Seddex ilaa Afar weerar oo ka dhacay Boosaaso, way jirta baahi sirdoon taas waan qiraya, waayo Puntland marka la eego dhanka wardoonka waxaa ka tayo badan Muqdisho oo dhowr sano burbursaneyd''
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Laanta sirdoonka Puntland aysan aheyn mid awoodeeda muujisay, taasina ay daliil u tahay inuusan jirin isku xir u dhexeeya Saraakiisha laanta iyo Ciidamadeeda.
Dhinaca kale, Xaashi Cabdi, waxa uu sheegay inaysan jirin hay’ad sirdoon oo awoodeeda ku fidisay magaalooyinka waa weyn sida Boosaaso iyo Gaalkacyo oo ka dhaca weeraro iyo qaraxyo ay sheegtaan Alshabaab.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment