Wednesday, May 12, 2021

We're at an Economic war with DP World


Saturday, April 13, 2019

We're at an Economic war with DP World





﷽    -------★ ★ We Are at an economic war with DP World
GANACSIGA BADAHA & WAAQICA SIYAASI.

Dagaalladii ugu weynaa ee dunida soo mara, inta la ogyahay kii koowaad ( 1914-1918 ) iyo kii labaad ( 193W9- 1945 ) waxay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen  sababo ay ka mid yihiin: xoriyad doon iyo dhulal leys ku heystay, hoos u dhac dhaqaale iyo tartan ganacsi, si kor u maro wax soo saarka dowladaha warshadaha ee Yurub ( Jarmalka ) Amerika iyo Asiya ( Japan ).
Ka dib , markii isbedel weyn ku dhacay nidaamka ganacsiga dunida, xirriirkooda calaamka iyo waaqica siyaasi (geo-politics ) waxaa la soo gaaray waqti dunida ay ka dhammaatay fikirka cirifeed ( polarisation ) iyo wadaniyada ( nationalisme ).

Waxaa la gaaray waqti dunida ay tahay sidii tuulo yar ( globalisation ) iyo in ganacsiga  yahay afka keliya ee leysku raaco, haddey noqon laheyd in aad tahay wax soo saare ( producer ) ama isticmaale ( consumer ), dhoofiye-exporter ama soo dejiye-importer.
Ganacsiga badaha waxaa muhim u ah dekedaha iyo suuqyadda, sidaa awgeed ayaa dowladihii waxaa loo qeybiyey kuwo wax soo saaro oo faa'iideysto sida Yurub, Amerika iyo Japan, kuwo wax soo saaro oo aan faa'iideysan sida dowladaha ( brics ) ama brazil, Russia, india, China & South africa.

Waxaa intaas dheer oo kale iney jiraan kuwo kale oo lagu sheego iney yihiin kuwo dhaqaajiyo maalka iyo lacagaha ( money movers ) sida imaaraadka ( UAE ) oo ku saleysan dhanka dekedaha ( ports ), bangiyada (banking system),  isgaarsiinta ( tele-communication ), diyaaradaha ( chartered ) iyo suuqyadda ( shopping ).
Haddaba, u fiirsadada Somalida shirkadahoodda diyaaradaha, telefoonnadda iyo xawaaladaha xaggee ka diiwaan gashan yihiin?
Maantana waxaan ku sii soconaa jidkii hore oo waxaa la rabaa in dekadaheenna  laga lahaado ama laga diiwaan geliyo Dubai sida dekedda berbera iyo Boosaaso

No comments:

Post a Comment