Sunday, May 30, 2021
Maxay Bosaso U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin
Maxay Bosaso U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin :____
Magaalada Bosaso Waa Magaalo Fac Weyn Dhinac Xadaarad Iyo Weliba Dhinac Dhaqaale Anagoo Og Bosaso Kaalin Ahaan Halka Ay Kaga Jirto Magaalooyinka Puntland Ahmiyada Gaarga Ah Ay Leedahay Magaaldaas Oo Ay Ugu Fadhido Dhamaan Dowlada Puntland Iyo Shacabkeedaba .
Bosaso Maantay Waxay Baahi Weyn U Qabtaa Shacab Hanta Qiimaheeda Oo Dhinac Ah Iyo Maamul Wanaagsan Oo Daacadnimo Ku Shaqeeya .
Gudoomiha Gobolka Waa Madaxweynaha Gobolka Bari Halka Ay Sarta Ka Quruntay Waa Hogaanka Maamulka Gobolka Oo Gabi Ahaanba Ku Fashilmay In Uu Xakameeyo Wax Alaale Iyo Wixii Ka Xiriiray Gobolkaas .
Duqa Magaalda Waajibaadka Saaran Ee Hormarineed Ee Degmada Waa Mid Aan Kaalinteeda Si Wanaagsn U Muuqan Waxayna Ka Mid Tahay Mid Ka Mid Ah Ayaandarooyinka Ay Waajahayso Magaalda Bosaso .
Bosaso Nasiib Uma Helin Inay Hesho Taliye Qeybeed Hanta Amaanka Magaalada Iyo Taliyaal Xabsiyeedyo Guta Waajibaadkooda Amni Anagoo Og In Ay Bosaso Leedahay 16 Xabsi Oo Hoos Taga Taliyaha Qeybta Ee Magaalda Bosaso .
Isku Soo Wada Duuboow Bosaso Waxay Ku Jirtaa Dib U Gurasho Hormarineed Waxaad Maqlaysaa Maalinkasta Xafiis Baa Laga Raray Oo Magaalo Hebel Baa Loo Raray Hay'adihii Oo Dhamaantood Faaruqiyey Magaalda Iyo Dhamaan Shirkadihii Bud Dhiga U Ahaa Maalgashiga Magaalda .
Waxaan Qabaa Bosaso haday Hesho Gudoomiye Gobol Oo Shaqadiisa U Guta Si Wanaagsan In Xal Laga Gaari Karo Dhibaatooyinka Ka Taagan Magaalda bosaso .
Dowlada Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Bosaso Waqti Fiican Siiso Si Xal Looga Gaaro Waxay Bosaso Tabanayso .
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment