Sirta ka dambeysa Maamul Goboleedyada laga dhisayo Dalka Soomaaliya iyo qatar badan oo kasoo socota.
Marka aan u kuurgalay sababaha loo dhisayo maamulada Maamul Goboleedyada kala duwan ee Dalka waxa isoo baxay wax aan dowlada iyo dadka Goblada Dalka degan aysan la soconin sirta ku duugan.
Tusaale ahaan maamulka Jubbaland aas aaskiisa wuxu sal ku hayaa dhulbalaarsi iyo weli awood siyaasadeed oo mustaqbalka miiska la soo saari doono oo ah. maamulkana dhisidiisa waxa ka danbeeyay dad ka soo jeeda beesha daarood, ayagoo ku hami weyn in Jubbaland iyo Putland la mideeyo, taasoo hada iska muuqato is walaalaysiga ka dhaxeyo, mustaqbalkana waxay dhihi doonaan anaga ayaa ugu dhul badanahay, saas darteedna waa in aan awooda dowlada la inoo kordhiyaa oo saami ka weyn belaha waa inan qaadana. ayagoo markaas u qorshaysan in ay bedelaan qaabka hada ku dhisan tahay dowlada soomaaliya, keeni doona qaab qabsi ku salaysan maamulada gobolada.
Aniga hada waxaa ii muuqata in mustaqbalka arinta meesha gaari doonto, anigoo daliil ugu dhigaya qaabka Putiland hada wax u wado, oo madaxweynahooda cusub Gaas oo wadadii faroole jeexay raacaya, waxayna hada kaga soo horjeedan dowladan federaalka hada Xamar ka talisa kuma dhaqanto Dastuurka,ileen dastuurkan ayagaa sameeyay.
isku soo wada duub dareenka i galay ayaa ah in qatar weyn soo socoto, dadka koonfurtana taasi warba ka haynin, badana qataraha marka imaado baa dadkeena ka hadlaan, ayagoon marka horeba wax taxliinin, saadaalinin, waxa dhalan kara ka fikirinin.
Hada waxa lagu mashquulsan yahay maamulka lixda ama 3-da Gobol oo baydhabo ka socdo. dadkeena badanaa way ka soo horjeedaan in lix la sameeyo, balse aniga waxan qabaa in aan qolyahan masaakinta ee reer Baydhabo wax u diideyno, xitaa dowlada Xasan Sheekh ku mashquulsan tahay sidi fikirkas uusan u mari dhali lahayn, taasi barito baa laga shaleen doona, Dadka isla qaab weyn oo dowlada aqoonsaneyn baa loo hiilinayaa, ayagoo dad ka imaaday kilinka shanaad dhul beelaaha Soomaaliya oo dhan wada degta hal beel weliba ha reer loo gacan gelinayaa. aniga waxan dhihi lahaa, dadka lixda sameynaya hala taageero, warbaahinta koonfurtana qeyb weyn haka qaadato.
Dowladan wado qaldan bay ku socotaa, sido kale odoyaasha hawiye. aqoonyahada koonfurta ayaga wajibka saaran odoyaashan iyo Xasan Sheekh talo ma hayaan, arintan intii fara ka bixin, kolay aqoonsiga maalmulka Jubbaland dowladan waa lagu qasbay, marka waa in aqoonyahanada iyo shacabka Koonfurta waa inay ka hortagaan qatarta ka soo socoto Putiland.
No comments:
Post a Comment