Thursday, February 26, 2015

Black History Does Not Begin With Slavery and End With Freedom

The only people who think that African American History Month formerly known as "Black History Month" relegates our history to only one month have NEVER studied the History behind African American History Month and why Dr. Carter G. Woodson created it. It is absolutely disrespectful to this man who dedicated his life trying to wake up African Americans who would rather believe myths and lies than to study their own actual history that is documented. The celebration was designed to celebrate the accomplishments, achievements and history of African Americans but also Africans on the Continent of Africa. It was never designed to only deal with history from 1619 to present day. As far as that goes, African people are indigenous to North, Central and South America and have been in the territory known as the United States for at least 51,700 years. This was before Native Americans or Asians were here. Please read the book "The First Americans Were Africans: Documented Evidence" by Dr. David Imhotep. He has 713 footnotes thoroughly documenting the African Presence in the Americans. Visit www.HistoricTruth.Info.
Sign up for The African History Network email newsletter by texting the word "Kemet" to 22828.
Listen to “The Michael Imhotep Show”, Monday – Friday, 10pm-12midnight EST. We focus on Educating, Empowering and Inspiring people of African descent throughout the Diaspora and around the world because right knowledge corrects wrong behavior. We deal with current events, history, politics, education, economic empowerment, entrepreneurship, relationships, sex, health and more. Listen to the show on the "TuneIn Radio" app on your smartphone and search for "Empowerment Radio Network" or Listen online athttp://tunein.com/radio/Empowerment-Radio-Network-s199313/ or visitwww.AfricanHistoryNetwork.com. You can also listen on one of these affiliate radio stations, WBOK 1230 AM, New Orleans, LA, WOLB 1010 AM, Baltimore, MD, WCBQ – 1340 AM, Oxford, NC and WHNC - 890 AM, Henderson, NC. Be sure to support our affiliates. Call in with Questions/Comments at 1-888-669-2281.
Listen to “The African History Network Show” with host Michael Imhotep as we interview some of our top Scholars, Thursdays, 8pm-10pm EST athttp://www.blogtalkradio.com/theafricanhistorynetworkshow orwww.AfricanHistoryNetwork.com by phone, when we are LIVE at (914) 338-1375. Call in with your questions and comments. Archived episodes are available for you to listen and are also archived on www.Itunes.com.
If you want to learn more about African History and African-American History to counteract the negative images we see of ourselves on the TEL-LIE-VISION (TV), please visit www.AfricanHistoryNetwork.com. We have information to Educate, Empower and Inspire people of African Descent throughout the Diaspora and around the world as well as large selection of African History/African American History DVD Lectures/Documentaries including “Hidden Colors 1-3” specially priced at $60 for a Limited Time Only and the “Afro-Man & The Protectors of the Book Of Knowledge” Animated Series for children

Can I live?? .... ina ciid!

http://youtu.be/JC7MJ8l73SQ

Wednesday, February 25, 2015

U.S Ambassador to Somalia. Katherine S. Dhanani

Congrats to Katherine S. Dhanani
After more than 20 years of U.S diplomatic absence in Somalia, President Obama nominated Katherine S. Dhanani to be U.S Ambassador to Somalia.

Daawo Dowladda Somalia oo waqti dheer kadib aqoonsatay Khaatumo State

Bureau for Somalian People's Development

 - Ra'isulwasaaraha Xukumadda Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday iney aqoonsi siinayaan Maamulka Khaatumo State kadib markii xaqiraad iyo cadaalad daro lagu sameeyay mudo dheer. Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay wafdi uu horkacaayay Madaxweynaha Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galeydh.
Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale la kulmay wafdiga Madaxweyne Galeydh uu hogaaminayo.
Khaatumo State of Somalia oo dagaalo dhiig badan ku daatay la gashay Maamulka Siilaanyo waxeey astaan u noqotay ilaalinta Midnimadda Jamhuuriyadda Somalia hasse yeeshee nasiibdarada madaxda Somalida iyo Wadaniyad xumadooda sideey ku habooneed looma siin aqoonsi maamul goboleed

Madaxda Somalia waxeey aad uga baqayeen Maamuladda Puntland iyo Somaliland oo doonaya iney xuurta ku heeystaan Goboladda Khaatumo State oo la xaqiijiyay inuu ka buuxo Batrool.

Quursiga iyo isla qabweynida aan la qaadan karin waxeey tahay in Puntland iyo Somaliland qofkii u dhashay ay Maxkamad ku xukumayaan hadii uu maamulada kale u shaqo tago laakiin iyagu ay ku doodayaan iney Khaatumo metelaan Xaglatoosiye iyo kuwa la mida oo Calooshood u shaqeeystayaala.
Sikastaba ha ahaatee, waxeey geesiyadu ku gabyeen "Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno" !!
Waa kuwo xusuustii lunshoo xaaran gabigoode
Waa kuwo xafiis aan lahayn laga xog qaataaye
Waa kuwo is ximin iyo ku nool iney xil gaadaane
Waa kuwa xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye !
Waa kuwo la xuuxuuxiyoo xaax la leeyahaye
Waa kuwo u xaadiri yaqaan gunno xariifeede
Waa kuwo xayaatada u jecel xamasho jaalkoode
Xoogaa yar meeshey ka heli wow xaluushaane
Shacabkoo xayeysiya ayay xayr la jabayaane
Xalustey salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye
Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!

Tuesday, February 24, 2015

Aljazeera iyo The Guardian oo kashifay Sir badan oo ku saabsan Hay’ado Sirdoon

   Beentii Netenyahu ee Iran......  Netenyahu uu si ulla kac ah uga sheegay Barnaamijka Nukliyeerka Iran khudbadii uu 2012 ka jeediyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.----------------------------------------

Telefishinka Aljazeera ayaa habeenimadii Isniinta shaaciyey barnaamijlka (The Spy Cables) oo ah xog sir ah oo laga soo aruuriyey hay’adaha Sirdoonka ee Caalamka, waxaana kamid ahaa sirtan Aljazeera heshay kuwa la xariira sirdoonka dalalka, Maraykanka, UK, Isra’iil, Ruushka iyo Koonfur Afrika.

Sirtan ayaa inta badan ah xog qarsoodi ah oo ay isdhaafsanayeen sirdoonka Koonfur Afrika SSA iyo hay’adaha sirdoonka caalamka intii u dhaxeysay 2006 illaa 2014.

Barnaamijkan Aljazeera ayaa waxaa sidoo kale gacan kasiiyey Jariirada The Guardian ee kasoo baxda dalka Ingiriiska.
Sirta la heylay waxaa kamid ah Beentii Raysalwasaaraha Maamulka Isra’iil Benjamin Netenyahu uu si ulla kac ah uga sheegay Barnaamijka Nukliyeerka Iran khudbadii uu 2012 ka jeediyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Netenyahu ayaa caalamka u sheegay sanadkii 2012 in dowlada Iran ay wado sameynta Hubka nukliyeerka oo ay hada dhameystirtay 70% barnaamijkeeda Nukliyeerka, halka sirdoonka Mossad ee Isra’iil ay laftoodu qireen in dowlada Iran aysan hada ku jirin wax la xariira sameynta hubka Nukliyeerka

Xiriirka CIA iyo Xamaas.......

Sirta la shaaciyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ah, in Sirdoonka Maraykanka CIA ay si hoose u dooneysay inay xariir la sameyaan kooxda Falastiin ee Xamaas, xili dowlada Maraykanka ay isla xisbiga Xamaas ku dartay diiwaanka kooxaha Argagaxisada tan iyo sanadkii 1997.

CIA ayaa la sheegay inay ka codsatay Sirdoonka Koonfur Afrik SSA inay usoo raadiyaan shaqsiyaad ka tirsan Xamaas oo ay ku shaqeystaan.

Sirdoonka Koonfur Afrika ayaa la sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay hay’adaha sirdoonka ee xisbiyada Xamaas iyo Fatax ee Falastiin.

Hanjabaadii Obama iyo Maxamuud Cabaas..............

Sirtan fakatay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah xog ay sirdoonka Koonfur Afrika ka hayeen Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo la sheegay inuu khadka talefoonka ugu hanjabay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Hanjabaada Obama ayaa la xariirtay ololihii Maxamuud Cabaas ugu jiray in Falastiin ay xubin rasmi ah ka noqoto Qaramada Midoobay, arrintaasi oo uu Maraykanka kasoo horjeeday.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay telefishinka Aljazeera iyo jariirada The Guardian ay banaanka soo dhigaan sir badan oo ay ka hayaan hay’adaha sirdoonka dalalka ay ku jiraan Maraykana, Ingiriiska iyo Ruushka.

W/Q Wariye :

Bureau for Somalian People's Development

Saturday, February 21, 2015

Saaxiibkeey Cabdishakuur Mire Adan AUN!

Cabdishakur Mire Adan, Allah ha u naxariistee waxaan isku barannay Dugsiga Hoose ee Buulo Burte, halkaas oo aabbihiis, Ustaad Mire Adan, iyo hooyadiisba ay macallimiin ka ahaayeen.

Waxaanse si wanaagsan isugu barannay Muqdisho. Waxaa uu ahaa qoraa wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo qoraa sheekooyin badan oo buugaag uu ka daabacay oo ardayda iskuulladu ay akhrisan jireen.

Baaris uu ku sameeyay taariikhda Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 - 2002 wuxuu ka qoray Kutub - Kobacii Islaamiyiinta Soomaaliya.

Wuxuu ka baxay Dugsiga Sare ee badda, berigii qaxu dhacayna mar ayuu ku shaqeeyay badmaaxnimo.

Siyaasadda Puntland waxaa uu ahaa raggii la jaanqaaday billowgii ugu horreeyayba. Wuxuuna ka mid yahay Wasiirrada ugu wakhtiga dheeraa Puntland.

Hadda wuxuu degganaa Muqdisho oo uu siyaasadda ka qeyb qaatay isaga oo Guddoomiye ku Xigeen ka ahaa Xisbiga Daljir.

Wuxuu ahaa nin hadallo geesi, wuxuuna ahaa mufakir isku daya in uu fahmo danaha iyo xiriirrada dadka Soomaaliyeed ee xag bulsho, siyaasad, dhaqaale iyo amni. Una fahmo si ka qoto dheer inta dadka aan aad u fekerini ay meel walba la taagan yihiin
Wuxuu ahaa nin saaxiibtinnimo iyo aammin gala. Wuxuu ahaa nin Allah ka cabsi leh. Wuxuu ku kalsoonaa Soomaalinnimadiisa mana aamminsaneyn in uu cid marti uga yahay ku lug lahaashada masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Ilaaheey waxaan uga baryayaa in uu ka waraabiyo jannadiisa.

Hadda ka hor annaga oo joogna Nairobi ayuu iiga warramay khatarta Shabaab. Wuxuu i soo xasuusiyay markii ay in yar ka dib weerareen Westgate. Ka akhriso dhanka bidix ee boggaan. Eeg dhanka bidix ee boggan oo dhag sii si aad u akhrisato wadahadalkii aniga iyo isaga ina dhex maray.

(Sawiro) Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland oo Daah-fu ray Cisbitaalka Daryeel ee magaalada Bosaso.Dr. Ismaaciil Ciise Rooble

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Saadiq Eenow ayaa maanta Daah-furay Cisbitaal lagu magacaabo Daryeel,kaasi oo ay ku Midoobeen Dhakhaaiir leh Takhasusyo kala duwan.
Munaasabada xariga looga jaray Cisbitaalka Daryeel,ayaa waxaa ka qayb galay;Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Bosaso,Culumaa’udiin,Hogaamiye dhaqameed,Dhakhaatiir,Ganacsato,Haween,dhalinyaro,Qurba-joog iyo marti sharaf kale.
Dr. Ismaaciil Ciise Rooble oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawlgalaysa Cisbitaalka ayaa sheegay in Cisbitaalka ay fureen ka dib markii ay arkeen baahida Bulshada reer Puntland ay u qabaan inay helaan Daryeel Caafimaad.
‘’Markii aanu aragnay Daryeel Caafimaad la’aanta ka jira Bosaso iyo nawaaxigeeda ayaan waxaan isugu nimo talo annaga oo ahayn Dhakhaatiir dhowr ah,waxaan go’aansanay in la helo Cisbitaal,lana bilaabo hawl,waxaana shaqadii aan ku bilaabaynaa xarunat Cisbitaalkii hore ee  Puntland’’Ayuu yiri Dr. Ismaaciil Ciise Rooble.
Wuxuu intaas ku daray‘’….Waxan keenay Dhakhaatiir lahaa Takhasusyo naga dhimanaa,waxaan dalbaynaa qalab Casri ah,waxaan rajaynaynaa in dadka Caafimaadka u aadaya meel kale ay dalka Daryeel Caafimaad ka helaan’’.
Agaasimaha Cisbitaalka Daryeel Dr. Cabdiqani Siicid Faarax oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada,ayaa sheegay in Cisbtaalka Daryeel uu fulin doono baahida Caafimaad ee Bulshada.
‘’Cisbitaalku wuxuu noqon doona Cisbitaal u shaqeeya Bulshada,fulina doona adeegyada Caafimaad ee aan u baahanahay,waqti dheer ayaa ay socotay fikirka lagu doonayay in lagu hirgaliyo Cisbitaalka’’Ayuu yiri Dr. Cabdiqani.
Agaasimaha Cisbitaalka Daryeel Dr. Cabdiqani Siicid Faarax ayaa sheegay in Cisbitaalka Daryeel laga helayo Qalab iyo Dhakhaatiir leh Aqoon durugsan u leh Caafimaadka.
Hogaanka Ganacsiga Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Cumar Ciise ayaa sheegay in Ganacsatada Puntland ay si wayn uso dhowaynayso Cisbitaalka Daryeel,wuxuuna balanqaaday inay garab istaagayaan hawlaha Cisbitaalka.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala,Beeldaaje Cali Faarax iyo dadweyne kale oo ka hadlay Munaasabada ayaa si wayn uso dhoweeyay Cisbitaalka Daryeel ee ka hawlgalaya Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Saadiq Eenow oo soo xiray Munaasabada ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ka go’an tahay inay gacan ka gaysato hawsha muhiimka ah ee Bulshada ay u qabnayaan Dhakhaatiirta ka hawlgalaysa Cisbitaalka Daryeel.
‘’Qofkii Naf badbaadiya waxay u dhigan tahay isaga oo Aadamiga oo dhan badbaadiyay,dadweynaha reer Bosaso waxaan leeyahay waad u bahaan tihiin Cisbitaalka aan gacan siino,waxan balan qaadayaa innaan Cisbitaalka aan isgarab taagno’’Ayuu yiri Eenow.
Si kastaba haa ahate,ka qayb galayaasha Munaasabada ayaa isku raacay in Cisbitaalka Daryeel la furay xilli Bulshadu ay baahi u qabeen Daryeel Caafimaad.
 Hoos Ka Daawo Sawirada;-

INA LILAAHI WA INA ILAAHI RAJUCUUN _ Abdishakuur Mire Aden

Xasuustii Cobol-kelmadahiisii ugu dambeeyay iyo Qalinka qaracanka iyo Ilmadda MARXUUNKA1111

Cabdi Shakuur Cobol Hal Abuurkiisa wuxuu ahaa mid aan ku diirsaday,buugaagta uu qoray ee maskaxdeeyda ka faa-iiday waxaa ugu mug weyn BUUGA KOBACA ISLAAMIYIINTA?.......

Cabdi Shakuur Mire wuxuu booqday School-kii uu dhigan jiray ,wuxuuna igu soo yiri:-

"Maanta waxaan booqday dugsiga hoose dhexe ee 8maajo oo ku yaal yaaqshiid waxaan ku fariistay kursigii aan ku fariisan jirey 37 sano ka hor waxaan kuu soo dirayaa sawirkaas”

Intaan u gelin sheekooyinkii uu qoray iyo kuwii aan ku wada sheekeeysanay wuxuu geeridiisa ka hor maalin qoray Waa la guuray,waxaa loo guurayaa Dooga iyo Meesha daruurta roobka ka hilaacday.

Friday, February 20, 2015

Marxuum Abdishakure Mire Adan, oo ahaa walaal qaaliyah ayaa ku geeriyoodey qaraxi Central Hotel EE Magaaladda xamar maanta oo jimco ah

                                                http://youtu.be/6QVbspEAoQ4

Marxuum Abdishakure Mire Adan, oo ahaa walaal qaaliyah ayaa ku geeriyoodey qaraxi Central Hotel EE Magaaladda xamar maanta oo jimco ah_  Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun,
Allah ha u naxariisto :_()

Ila dhagaysta Aqponyahanka warkiisa _ waxuu ahaa rugcadaa Siyaasi, Qoraa , badmaaxe (Captain) Mualif iyo Saxafi :

Shabaab oo si xooggan u dhex galeysa dowladda federaalka ee dhexdeeda isku mashquulsan…

Shabaab ayaa sirdoon xoog leh u soo dirsatay in ay dhexgalaan dowladda Soomaaliya, Shabaabka ayaa doonaya in ay guuldareysato habka maamul ee dowladdu u shaqeyneyso.
Maalinimadii maanta waxaa shabaabku magaalada Garbahaarey ka soo direen 3 kamid ah kumaandooska aadka u tababaran sidoo kale degmada Buurdhuubo waxaa ka yimid 5 iyagoo nimankani la soo diray haatan la sheegay in saraakiil dowladda ka tirsan ay Muqdisho keeni doonaan si ammaankoodda loo sugo. Shabaab ayaa heysata fursado aad u macaan iyagoo si toos ah uga faa’iideysta in ay danahooda ku meel mariyaa.
Shabaab ayaa arrimaha dowladda kaga xiran waxaa u dhammeeya kuwa dowladda ugu jira ee kal hore Shabaab soo dirtay iyagoo ku soo galay “Waan isa soo dhiibnay” tani oo aan baaritaanno iyo dabagal intaba lagu sameynin.
Dowladda Soomaaliya ayaa leh xildhibaanno, wasiiro, agaasimeyaal, ciidamo iyo saraakiil nooc walba leh oo weli qalbigoodu uu ka buuxo cunsuriyadda Al-Shabaab u heyso bulshada nabadda jecel, tani oo maalin kasta keenta dib u dhacyada ku dhaca horumarinta dowladnimada dalka.
Madaxweynaha dalka ayaa isagu ka soo jeeda xisbi Islaami ah oo aaminsan in Shabab iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca isku si loola dagaalamo. Soomaalida ayaa kala saari la’ kala duwanaanshaha iyadoo la daalaa dhaceysa dhibaatada dalkooda heysta.

Tuesday, February 10, 2015

# ‎Breaking‬ News! ??

                 ____ ________ Pig Respect _______ _____
__________ Like And Comment Endless ___________

Ninkii Abaabulay weerarkii Boosaaso waa kan macluumaadkiisa.
Hassan Ahmed Mohamed (Hassan Waaqle) Waa Isaaq,Habarjeclo,waa Reer Dahir.
Da'diisu waa 50 Sano Jir ,wuxuu ahaan jiray Ciyaal Oorfanahii Muqdisho.
Inta badan lacag ayuu Al-Shabaab ugu geeyaa Ceelbuur iyo Goboladda dhexe iyo Puntland,wuxuuna si weyn ugu laalaabtaa Puntland 
Ugu yaraan bishii laba jeer ayuu tagaa Boosaaso,Garowe iyo Galgalo ...

Sunday, February 8, 2015

Topnews:-Wasiiradda la magacaabay -taariikhahooda -qabiiladooda iyo kooxaheey ka tirsan yihiin......-

Topnews:-Wasiiradda la magacaabay -taariikhahooda -qabiiladooda iyo kooxaheey ka tirsan yihiin......-
.info- Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa magacaabay Xukumadii ugu tayada xumeyd marka la qiimeeyo Wasaaradaha Arrimaha gudaha,arrimaha dibadda,Batroolka,Cadaaladda iyo hoowlaha guud. Wasiiradda la magacaabay waxaa ku jira oo qura Jeneral Diini ,Wasiirka Gaashaandhiga iyo Cabdiraxman Ceynte ,Wasiirka Iskaashiga Caalamiga inta kale waa kuwii hantida Qaranka Soomaaliyeed dhacay iyo xagjiriin ka tirsan urur diimeedyada Waxaan halkaan idinkuugu soo gudbinayaa Magacyadda,xilalka ,taariikhaha iyo qabiiladda 26-ka Wasiir ee la magacaabay.
Magacyada Wasiirrada
1.       Maxamed Cumar Carte Ra'iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga ,waa Isaaq ,Habar Awal,Sacad Muuse ,Nuux Ismaaciil,Reer Gadiid, Sarkaal ka tirsanaa Hay’ada Sirdoonka Mareykanka oo ku jiray Warbixintii Wikileaks.
2.        Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta ,Waa Dir,Biyo Maal,Gaadsan ,wuxuu ka tirsan kooxaha Mayalka adag ee Xagjiriinta Somalia,wuxuuna ka mid ahaa Raggii Maxaakiimta Islaamka la baxay ee Koofurta Somalia…Wasiir Gaboobe wuxuu ka soo qeybgalay dagaaladii Al -Itixaad la galeen Cabdullahi Yusuf ee Boosaaso ka dhacay,dagaalkii Al Itixaad la galeen Killinka 5aad,waxaa loo yaqaan Ugaas Bile,wuxuuna u ololeeyaa in Somaliland aqoonsi la siiyo….Wasiir Gaboobe wuxuu degan yahay Hargeysa,waana ninka wada Abaabulka dagaalada Deefoow,Kabxanleey iyo Shabeeladda hoose,isagoo aaminsan qadiyad ku saleeysan aqoonsiga Somaliland iyo in la helo dhulweyne u gaara beesha Dir…Gaboobe wuxuu qaabilsan yahay Xiriirka Al-Shabaab iyo beelweynta Dir.
3.        Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka . Waa Hawiye,Habargidir,Saleebaan,waana Maamulaha Machad-ka Simad
4.        Maxamed Aadan Ibraahim "Fargeti" Wasaaradda Maaliyadda ,Waa Raxanweyn,DISOOW,waxaana keensaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Mohamed Cismaan Jawaari,mana ahan nin awood u leh inuu maamulo Maaliyadda Somalia.
5.        Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga , Waa Daarood,Mareexaan, Waa Taliyahii hore ee Ciidanka xooga dalka Somalia,waana shaqsi afgaaban laakiin waa nin aad ugu dhaw kooxda Damujadiid.
6.        Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda ,Waa Dir ,Gadabuursi, Makaahiil,waa ninkii dhacay hantidii Bankiga dhexe ee Somalia sidaas darteedna isu casilay.waxaana lagu xasuustaa inuu ku soo baxay Warbixintii UN Monitering Group.
7.       . Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada ,Waa Daarood,Leelkase,waxeey ku noolan jirtay Canada,waxeeyna leedahay NGO,waxeey saaxiibo yihiin Cumar Cabdirashiid
8.        Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ,Hawiye,Reer Aw Xasan,Reer Aw Mahdi,wuxuu ka tirsan yahay Kaadiriinta Damujadiid,wuxuu horey u ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka AlJazeera,waxaana la rumeeysan yahay inuu yahay Sarkaal u muhiima Sirdoonka Qatar oo ka hoowlgala gudaha Somalia gaar ahaan Muqdisho.waxaa fahad xilkaas loogu magacaabay inuu bilo kadib ku wareejiyo Faarax Cabduqadir ,iyadoo Ra'isulwasaaraha sameeyn doono isku shaandheeyn laakiin la rabo in hada Baarlamaanka ansixiyaan.
9.        Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga , Waa Hawiye,Murusade,waana xubin sare ka tirsan Urur diimeedka Aala Sheekh,wuxuu ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay VOA iyo Aljazeera,wuxuuna Muqdisho ka furtay Machad-ka Heritage.
10.    Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka ,Waa Isaaq ,Habaryoonis,wuxuu ahaa Safiirka Malaysia u fadhiya Somalia,wuxuu horey u ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Gurmad ee Somaliland,waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid laakiin nasiibdarada ugu weyn waxeey tahay in Dastuurkii dalka lagu aaminay ninkii kala gooynta dalka Somalia ololaha ugu jiray,isagoo aan weli ka tanaasulin qadiyadiisii Gooni goosadka Somaliland
11.    Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta ,Waa Daarood ,Ogaadeen,Maxamed Subeer,Reer Isaaq,waxaa dhalay nin Wasiir ka ahaan jiray Dowladii Maxamed Siyaad Barre oo la dhihi jiray Xuseen Cabduqadir Qaasim,oo ahaa Wasiirkii Batroolka.
12.    Cali Axmed Jaamac "Jangali" Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada , Waa Daarood,Dhulbahante,wuxuu ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda xilligii Cabdullahi Yusuf,waana nin lacago badan inuu lunsaday lagu heysto laakiin waxaa keensaday Fahad Yaasiin oo ay isla yihiin reer Nairobi.
13.    Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ,Waa Meheeri,Carab Saalax_(((_....     , Unknown!! ?????
14.    Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha ,Waa Digil,Garre, Tuuf.waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid …..!!  Waa Digil,Garre, TuuF_ .waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid
15.   Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha,Waa Jareerweyne,Shiidle, …@ ..Nin fiican oo wadani Ah))))!
16.    Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska ,Waa Digil,Gelledi.(… Waa nin Aaamin ah…Muwaadin ..dal iyo dad jecel# reer Beydhabo!
17.    Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha , Waa Tumaal,waxeeyna ka mid aheyd kooxdii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Xisbiga Tayo.waxaa dhalay Sareeya Guuto Maxamed Cali Samatar,Madaxweyne ku xigeenkii Kacaanka……” Sahro waa Muwaadin…allah Xafido=.
18.   Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ,Waa Hawiye,Gaaljecel,wuxuu ka tirsan yahay Urur diimeedka Damujadiid,wuxuu ka tegay London Uk,
19.    Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga , Waa Hawiye ,Xawaadle,waxaa dhalay nin Madaxweyne Xasan Garguurte walaalahiis wada dhasheen ,sidaas darteed wuxuu ku jiray Xukumadii Ra'isulwasaare Saacid.
20.    Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka, Waa Raxanweyn,Hadamo ,waxeey la taliye ka aheyd mashruucii Go to school,waxeeyna ka tagtay dalka Ingiriiska. (..   inexperienced political in Somalia)
21.   Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), Wasaaradda Cadaaladda - …Darood…Harti- Warsangali…waa nin ka yimid Puntland maamulkii Faroole waxuu haa….Arimaha iyo nabad galyadda Waqtigaas!
22.   Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudeey, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha - Unknown
23.    Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasaaradda Warfaafinta -   Waa Isaaq/H/jeclo ..waana Nin Xamar Dhax taagan muddu Fog..Ilaa 1999_ waa nin xukun jecel , LKN somalina jecel & Lacag!!?
24.    
25.      Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux), Wasaaradda dhallinyarada & ciyaaraha - Unknown
26.   Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow), Wasaaradda Korontada iyo Biyaha - Unknown                                                          

It's better to be a lion for a day than a sheep all your life.(Cabdullaahi Yuusuf Axmed (AHN)

Kooxda Kubada Cagta ee wadata magaca haleey Cabdullaahi Yuusuf Axmed (AHN) oo ku guulaysatay Tartanka hoyaalka Mudug.
Cabdulaahi Yuusuf waa madaxweynihii soo celiyey dawladnimada Soomaaliya mar laga quustay, Nasiibdarase waa in halyeeygaas umadiisa aysan abaal lahayn, waxayna maalin iyo habeen ku Hadaaqaan hadalo ay ka mid yihiin Soomaaliya waasoo noqotay iyo caasimadii baa nuurtay iyo Kumeelgaar baan ka baxnay iyagoon xusayn cidii guulahaas soo hoyday wadankana kasoo Saartay qabri.
Guusha Kooxda Cabdulaahi Yuusuf (AHN) waa guul farxadeedu sarayso  :)

(Sawiro+Dhagayso) Falaari Gilgilasho kaagama harto:-Shabaabku Lacagta Soomaaliland,Ma deeq bay u heleen,mise Abaalmarin?.

Taliska Booliska Dawlada Puntland ayaa Saxaafadda uso Bandhigay Lacagta Soomaaliland,taasi oo laga helay Jeebabka xubnaha ka tirsan Shabaab ee ay gacanta ku dhigeen Hay’ada amniga Puntland.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Lacagta laga isticmaalo Soomaaliland laga helay Jeebabka Xubnaha ka tirsan Shabaab ee ay Dawladu gacanta ku dhigtay,xilli buu yiri Lacagaha laga isticmaalo Soomaaliland horay looga helay Xubno Shabaab looga laayay dagaaladii ka dhacay Buuralayda Galgala.
Wuxuu intaas ku daray‘’….Lacago hore oo badan ayaan haynaa,kuwo ku dhintay Diin-digle ayaa Jeebabkooda laga soo guray,waxay cadaynaysaa meesha ay soo maraan iyo meesha laga soo ambabixiyo ay tahay Soomaaliland,Lacagtooda ayaa cadaynaysa,markii kowaad ma aha,Wadada ay soo maraan waa halkaa’’.
‘’Waxaan leenahay cid kasta oo gabaad siisa,cid kasta oo Guryahooda ay kuso dagaan,cid kasta oo Hotelkiisa ay dagaan talaabo ayaa laga qaadayaa’’Ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland.
Mudane Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa Saxaafadda u sheegay in Ciidamada amniga ay xalay Garowe iyo Burtinle ka qabteen xubno lagu tuhunsan Shabaab,kuwaas oo la socday Gaadiid.
‘’Dadweynaha reer Puntland waa inay Askar noqdaan oo ay Ciidamada la shaqeeyaan,hadaan amni jirin Waxbarasho,shaqo iyo Dhaqaale ma jirayo,dadka qaar badan oo nala shaqeeya ayaa jira waan u mahadcelinaynaa’’Ayuu yiri Muxiyadiin.
Hoos Ka Daawo Sawirada,kana Dhagayso Codka;