Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Saadiq Eenow ayaa maanta Daah-furay Cisbitaal lagu magacaabo Daryeel,kaasi oo ay ku Midoobeen Dhakhaaiir leh Takhasusyo kala duwan.
Munaasabada xariga looga jaray Cisbitaalka Daryeel,ayaa waxaa ka qayb galay;Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Bosaso,Culumaa’udiin,Hogaamiye dhaqameed,Dhakhaatiir,Ganacsato,Haween,dhalinyaro,Qurba-joog iyo marti sharaf kale.
Dr. Ismaaciil Ciise Rooble oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawlgalaysa Cisbitaalka ayaa sheegay in Cisbitaalka ay fureen ka dib markii ay arkeen baahida Bulshada reer Puntland ay u qabaan inay helaan Daryeel Caafimaad.
‘’Markii aanu aragnay Daryeel Caafimaad la’aanta ka jira Bosaso iyo nawaaxigeeda ayaan waxaan isugu nimo talo annaga oo ahayn Dhakhaatiir dhowr ah,waxaan go’aansanay in la helo Cisbitaal,lana bilaabo hawl,waxaana shaqadii aan ku bilaabaynaa xarunat Cisbitaalkii hore ee Puntland’’Ayuu yiri Dr. Ismaaciil Ciise Rooble.
Wuxuu intaas ku daray‘’….Waxan keenay Dhakhaatiir lahaa Takhasusyo naga dhimanaa,waxaan dalbaynaa qalab Casri ah,waxaan rajaynaynaa in dadka Caafimaadka u aadaya meel kale ay dalka Daryeel Caafimaad ka helaan’’.
Agaasimaha Cisbitaalka Daryeel Dr. Cabdiqani Siicid Faarax oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada,ayaa sheegay in Cisbtaalka Daryeel uu fulin doono baahida Caafimaad ee Bulshada.
‘’Cisbitaalku wuxuu noqon doona Cisbitaal u shaqeeya Bulshada,fulina doona adeegyada Caafimaad ee aan u baahanahay,waqti dheer ayaa ay socotay fikirka lagu doonayay in lagu hirgaliyo Cisbitaalka’’Ayuu yiri Dr. Cabdiqani.
Agaasimaha Cisbitaalka Daryeel Dr. Cabdiqani Siicid Faarax ayaa sheegay in Cisbitaalka Daryeel laga helayo Qalab iyo Dhakhaatiir leh Aqoon durugsan u leh Caafimaadka.
Hogaanka Ganacsiga Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Cumar Ciise ayaa sheegay in Ganacsatada Puntland ay si wayn uso dhowaynayso Cisbitaalka Daryeel,wuxuuna balanqaaday inay garab istaagayaan hawlaha Cisbitaalka.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala,Beeldaaje Cali Faarax iyo dadweyne kale oo ka hadlay Munaasabada ayaa si wayn uso dhoweeyay Cisbitaalka Daryeel ee ka hawlgalaya Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Saadiq Eenow oo soo xiray Munaasabada ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ka go’an tahay inay gacan ka gaysato hawsha muhiimka ah ee Bulshada ay u qabnayaan Dhakhaatiirta ka hawlgalaysa Cisbitaalka Daryeel.
‘’Qofkii Naf badbaadiya waxay u dhigan tahay isaga oo Aadamiga oo dhan badbaadiyay,dadweynaha reer Bosaso waxaan leeyahay waad u bahaan tihiin Cisbitaalka aan gacan siino,waxan balan qaadayaa innaan Cisbitaalka aan isgarab taagno’’Ayuu yiri Eenow.
Si kastaba haa ahate,ka qayb galayaasha Munaasabada ayaa isku raacay in Cisbitaalka Daryeel la furay xilli Bulshadu ay baahi u qabeen Daryeel Caafimaad.
Hoos Ka Daawo Sawirada;-








No comments:
Post a Comment