Sunday, February 1, 2015

Topnews:-Liiska Wasiiradda laga saari doono Golaha Xukumadda cusub waxaa ugu cad cad ?

Bureau for Somalian People's Development_
info - Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid oo xaqiiqsaday awooda golaha Baarlamaanka Somalia ayaa aqbalay inuu soo dhiso Xukumad tayo leh,iyadoo tii uu soo dhisay maalmo ka hor uu ka saari doono shaqsiyaad ku asteeysan Qiyaano Qaran,hanti boob iyo khibrad la-aan. Waxyaabaha lagu diiday Ra'isulwasaaraha waxaa ka mida inuu Wasiirka Dastuurka u magacaabo ninkii shalay ololaha ugu jiray Gooni isu taaga Somaliland hasse yeeshee ninkaas wuxuu fursad u heeystaa inuu si rasmiya saxaafadda uga sheego inuu ka laabtay qaladkii uu ka galay dalkiisa iyo dadkiisa,uuna weydiisanaayo Cafis.
Hadaba Liiska shaqsiyaadka laga saari doono Xukumadda cusub waxaa safka hore uga jira ?
Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka ,Waa Isaaq ,Habaryoonis,wuxuu ahaa Safiirka Malaysia u fadhiya Somalia,wuxuu horey u ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Gurmad ee Somaliland,waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid laakiin nasiibdarada ugu weyn waxeey tahay in Dastuurkii dalka lagu aaminay ninkii kala gooynta dalka Somalia ololaha ugu jiray,isagoo aan weli ka tanaasulin qadiyadiisii Gooni goosadka Somaliland {Ninkaan waxaa looga saarayaa qiyaano Qaran iyo ku xadgudub dastuurka isagoon bulshada cafis weeydiisan}
-Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta ,Waa Dir,Biyo Maal,Gaadsan ,wuxuu ka tirsan kooxaha Mayalka adag ee Xagjiriinta Somalia,wuxuuna ka mid ahaa Raggii Maxaakiimta Islaamka la baxay ee Koofurta Somalia.{Ninkaan waxaa looga saarayaa inuu ka mid yahay xagjiriintii xasuuqa ummada caadeeystay sidoo kalena aas aase argagixisada Al-Shabaab}
Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda ,Waa Dir ,Gadabuursi, Makaahiil,waa ninkii dhacay hantidii Bankiga dhexe ee Somalia sidaas darteedna isu casilay.waxaana lagu xasuustaa inuu ku soo baxay Warbixintii UN Monitering Group.{Ninkaan waxaa looga saarayaa inuu hantidii Qaranka dhacay,kuna soo baxay Warbixin Caalamiya isagoo fadeexadaas aawgeed isu casilay}
Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka . Waa Hawiye,Habargidir,Saleebaan,waana Maamulaha Machad-ka Simad .{Ninkaan waa aqoonyahan laakiin xaalada jirta aawgeed waxaa looga qaadayaa xilka waaya aragnimo la-aan iyo baaxada hoowlaha Wasaaradda oo badan}
Xaawo  Maxamed Xasan ,La Helow Wasaaradda Caafimaadka, Waa Raxanweyn,Hadamo ,waxeey la taliye ka aheyd mashruucii Go to school,waxeeyna ka tagtay dalka Ingiriiska.{Naagtaan waxaa xilka looga qaadayaa iyadoo aan aqoon Caafimaad laheyn ,sidoo kalena ka mida haweenka la tunta Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashid,waana waxaan bulshada aqbali karin inuu kuwii uu Hotelada la tegi jiray ku soo daro golaha Wasiiradda Qaranka} waxaa booskeeda lagu bedeli doonaa Luul Cabdi Adan oo ka mida golaha Baarlamaanka ,kana dhalatay beesha ugu degaanka badan Raxanweynta ee Gelleedle.
Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga , Waa Hawiye ,Xawaadle,waxaa dhalay nin Madaxweyne Xasan Garguurte walaalahiis wada dhasheen ,sidaas darteed wuxuu ku jiray Xukumadii Ra'isulwasaare Saacid.{Ninkaan malaha khibrad laakiin Madaxweynaha ayey qaraabo yihiin ama adeerkiisa}
Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ,Waa Meheeri,Carab Saalax .
Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta ,Waa Daarood ,Ogaadeen,Maxamed Subeer,Reer Isaaq,waxaa dhalay nin Wasiir ka ahaan jiray Dowladii Maxamed Siyaad Barre oo la dhihi jiray Xuseen Cabduqadir Qaasim,oo ahaa Wasiirkii Batroolka {Ninkaan malaha waaya aragnimo laakiin waxaa xilkaas loogu dhiibay 
Wiilka Xuseen Cabdiqadir Qaasim waxeey ilmo Abti iyo ilmo eeddo yihiin Xaaska Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid maxaa yeelay xaaskiisa  waxaa dhashay  Xuseen Qaasim Walaahiis. qofkasta oo rabta iney sheekadaan ogaato waxey Weydiin karaan Somalida Virginia Mareykanka jooga oo dhan. }
Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ,Hawiye,Reer Aw Xasan,Reer Aw Mahdi,wuxuu ka tirsan yahay Kaadiriinta Damujadiid,wuxuu horey u ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka AlJazeera,waxaana la rumeeysan yahay inuu yahay Sarkaal u muhiima Sirdoonka Qatar oo ka hoowlgala gudaha Somalia gaar ahaan Muqdisho.waxaa fahad xilkaas loogu magacaabay inuu bilo kadib ku wareejiyo Faarax Cabduqadir ,iyadoo Ra'isulwasaaraha sameeyn doono isku shaandheeyn laakiin la rabo in hada Baarlamaanka ansixiyaan {Ninkaan Waa Sirdoon u shaqeeya Dowladda Qatar,waa nin ka mida raggii ku soo baxay Warbixintii Guddigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee arrimaha Somalia,waxaana lagu eedeeyay inuu isaga Qatar ka qaaday lacagtii lagu laaluushay xildhibaanada xilligii doorashada Garguurte,sidoo kale Fahad Yaasiin waa xubin ka tirsan Damujadid una ah Maqaarsaar Ninkii burburinta qaranka loogu doowgalay ee Faarax Cabduqadir

No comments:

Post a Comment