Bureau for Somalian People's Development
- Ra'isulwasaaraha Xukumadda Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday iney aqoonsi siinayaan Maamulka Khaatumo State kadib markii xaqiraad iyo cadaalad daro lagu sameeyay mudo dheer. Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay wafdi uu horkacaayay Madaxweynaha Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galeydh.
Ra'isulwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale la kulmay wafdiga Madaxweyne Galeydh uu hogaaminayo.
Khaatumo State of Somalia oo dagaalo dhiig badan ku daatay la gashay Maamulka Siilaanyo waxeey astaan u noqotay ilaalinta Midnimadda Jamhuuriyadda Somalia hasse yeeshee nasiibdarada madaxda Somalida iyo Wadaniyad xumadooda sideey ku habooneed looma siin aqoonsi maamul goboleed
Madaxda Somalia waxeey aad uga baqayeen Maamuladda Puntland iyo Somaliland oo doonaya iney xuurta ku heeystaan Goboladda Khaatumo State oo la xaqiijiyay inuu ka buuxo Batrool.
Quursiga iyo isla qabweynida aan la qaadan karin waxeey tahay in Puntland iyo Somaliland qofkii u dhashay ay Maxkamad ku xukumayaan hadii uu maamulada kale u shaqo tago laakiin iyagu ay ku doodayaan iney Khaatumo metelaan Xaglatoosiye iyo kuwa la mida oo Calooshood u shaqeeystayaala.
Sikastaba ha ahaatee, waxeey geesiyadu ku gabyeen "Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno" !!
Waa kuwo xusuustii lunshoo xaaran gabigoode
Waa kuwo xafiis aan lahayn laga xog qaataaye
Waa kuwo is ximin iyo ku nool iney xil gaadaane
Waa kuwa xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye !
Waa kuwo la xuuxuuxiyoo xaax la leeyahaye
Waa kuwo u xaadiri yaqaan gunno xariifeede
Waa kuwo xayaatada u jecel xamasho jaalkoode
Xoogaa yar meeshey ka heli wow xaluushaane
Shacabkoo xayeysiya ayay xayr la jabayaane
Xalustey salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye
Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!

No comments:
Post a Comment