Sunday, May 30, 2021

Puntland Ee 18AAD Dhalashadda !

ARAGTI:- HANBALYADA DHALASHADA PUNTLAND EE 18AAD, SOO BAR BAAR, SII BAR BAAR OO KU WAAR NABAD, BARWAAQO IYO BADHAADHE!
Dabcan hadii ALLAH inaga xoreeyey NACAMLEEYNTA IYO MUJAAMILEEYNTA ADEEG DOONKA AH taasoo aakhirana laga dayrinayey, waxaa hubanti in Puntland ay hanan kartay horumar iyo hormuudnimo ka badan tan hada aynu haysano ama sheeganayno!
Shaki kuma jiro in Su'aalo badani in horyaalaan, ayna muuqato furfuran iyo maqnaan gobolo badan oo dastuurku sheegto, aynaanse hayn...
Visa mer.... ??

Benjamin Fulford ~ Illuminati rule to end this year, maybe even this week

S

Maxay Bosaso U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin


                     

Maxay Bosaso U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin :____

Magaalada Bosaso Waa Magaalo Fac Weyn Dhinac Xadaarad Iyo Weliba Dhinac Dhaqaale Anagoo Og Bosaso Kaalin Ahaan Halka Ay Kaga Jirto Magaalooyinka Puntland Ahmiyada Gaarga Ah Ay Leedahay Magaaldaas Oo Ay Ugu Fadhido Dhamaan Dowlada Puntland Iyo Shacabkeedaba .

Bosaso Maantay Waxay Baahi Weyn U Qabtaa Shacab Hanta Qiimaheeda Oo Dhinac Ah Iyo Maamul Wanaagsan Oo Daacadnimo Ku Shaqeeya .

Gudoomiha Gobolka Waa Madaxweynaha Gobolka Bari Halka Ay Sarta Ka Quruntay Waa Hogaanka Maamulka Gobolka Oo Gabi Ahaanba Ku Fashilmay In Uu Xakameeyo Wax Alaale Iyo Wixii Ka Xiriiray Gobolkaas .

Duqa Magaalda Waajibaadka Saaran Ee Hormarineed Ee Degmada Waa Mid Aan Kaalinteeda Si Wanaagsn U Muuqan Waxayna Ka Mid Tahay Mid Ka Mid Ah Ayaandarooyinka Ay Waajahayso Magaalda Bosaso .

Bosaso Nasiib Uma Helin Inay Hesho Taliye Qeybeed Hanta Amaanka Magaalada Iyo Taliyaal Xabsiyeedyo Guta Waajibaadkooda Amni Anagoo Og In Ay Bosaso Leedahay 16 Xabsi Oo Hoos Taga Taliyaha Qeybta Ee Magaalda Bosaso .

Isku Soo Wada Duuboow Bosaso Waxay Ku Jirtaa Dib U Gurasho Hormarineed Waxaad Maqlaysaa Maalinkasta Xafiis Baa Laga Raray Oo Magaalo Hebel Baa Loo Raray Hay'adihii Oo Dhamaantood Faaruqiyey Magaalda Iyo Dhamaan Shirkadihii Bud Dhiga U Ahaa Maalgashiga Magaalda .

Waxaan Qabaa Bosaso haday Hesho Gudoomiye Gobol Oo Shaqadiisa U Guta Si Wanaagsan In Xal Laga Gaari Karo Dhibaatooyinka Ka Taagan Magaalda bosaso .

Dowlada Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Bosaso Waqti Fiican Siiso Si Xal Looga Gaaro Waxay Bosaso Tabanayso .

GOBOLKA BANAADIR Iyo XUQUUQDOODA

[ Truth, is neither friend nor an enemy to anyone.]
Waa, runtaa waana kula qabaa in GOBOLKA BANAADIR dadka ku nool ay helaan XUQUUQDOODA Dastuuriga Ah waxaana muddo ayaan ku soo jiray. Haddaba, dhibka wuxuu ka jiraa: 1. Lama, rabo in dib loo eego sharcigi dawladdii Kacaanka ay u sameysay gobolka marki ay kala Goyneysay GOBOLKA BANAADIR ayadoo ka dhax abuureyso Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo banaadir oo Gobol ah kana tirsan 18-ka gobol ay SOOMAALIYA ka kooban tahay. Kacaanka, wuxuu ka dhigay gobolka banaadir oo ay Caasimadi, Muqdishu ku dhaxtaalo "City State" oo meelo badan ka jirto adduunka. 2. Waxaa, yimid Cabdullaahi Yusuf Ahmed (AUN) iyo Nuur-Cadde (AUN) ayagoon fiirinin City-State-ki dawladdii Kacaanka ay sameystay ayeey ku taliyaan in gobolka maamul loo sameeyo hoosna laga soo dhiso. Waa, la sameeyay oo waa tii Dhagaxtuur madax looga dhigay. 3. Waxaa, yimid  Sheikh Sharif oo kala diray maamulki uu sameeyay Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN). Waxaa, dhacday in Wasiirki Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Cali Cumar uu magacaabay Guddi soo sameeya wax ay ugu magacdareen Mogadishu City Charter waana ay sameeyaan. Ayadoon, la eegeynin wixii ka horeeyay laakin lagu diidan yahay in Gobolka iyo Nawaaxigiisa ay yeeshaan maamul gobolleed leh heer degmo, heer gobol iyo heer dawladda FEDERAALKA. 4. Nasiibdarro, waxaa yimid Hassan Sheikh oo ka dhigay arrinti ka daro dib dhal. Hassan Sheikh, wuxuu diiday gobolka dadka ku nool in YEESHAAN wax xuquuq ah ama wakiilo u matala dawladaha heer degmo, heer gobol iyo heer dawladda dhexe. 5. Waxaa, jira reero diidan dadka ku nool gobolka banaadir in ay xuqooqdooda. A) GOBOLKA waxaa ku nool marki la qiyaaso 2.5 dad ay tiradooda dhan tahay mana jirto gobol ama maamul dalka ku YAALA meel ay ku nool yihiin dad tiraada la eg. B) Waxaa, muuqata reerahaan in wakiilada baarlamaan oo ay yeelaneyso SOOMAALIYA looga badanaayo. Marka, MAXEEY sameeyaan reerahaan: 1) waxeey ku andacoodaan gobolka waa caasimadi. 2) gobolka, waa in uuna noqon meel reer leeyahay. 3. Arrinta, gobolka iyo Caasimada waa in uu Baarlamaanka sharci ka soo saaro. Marka, Sheikh Sharif, Hassan Sheikh iyo reerahaan waxey iska indha tiraayaan si loo Dafiro in Gobolka Banaadir iyo Caasimada ayna isku mid ahayn oo ay kala leeyihiin Maqaam Dastuuri Ah ee kala baxsan, dad degan yihiin loogu yimid iyo gobolka ka mid yahay 28-ka gobol oo ay SOOMAALIYA ka kooban tahay mana lagu dhici karo in gobolka banaadir laga saaro 18-ka gobol iyo in Caasimada laga raro Muqdisho. 6) Waxaa, yimid Farmaajo mana marin jidki saxda ahaa ee loo baahnaa in loo maro arrinta gobolka banaadir iyo Caasimada Muqdishu si loo soo AFJARO. Farmaajo, wuxuu kala saaray gobolka iyo Caasimada. Farmaajo, wuxuu siiyay XAMAR siiyay 13 Kursi oo aqalka sare ah laakin si ayna ku hirgelin asoo og in gobolka ama Xamar maamul u dhisneyn wuxuu dhahay xildhibaanada aqalka sare waxaa soo dooranaaya xildhibaanada maamul gobolleedyada ay soo doortaan. Mida kale, Farmaajo oo waa ogtahay yahay in dastuurka uu qoraayo in tirada aqalka sare ay isla ekadan 18-ka ee dalka laakin wuxuu rabaa in uu ka taqaluso nidaamka federaalka iyo maamul gobolleedyada si SOOMAALIYA ay u yeelato dawlad dhexe.

Wednesday, May 12, 2021

We're at an Economic war with DP World


Saturday, April 13, 2019

We're at an Economic war with DP World





﷽    -------★ ★ We Are at an economic war with DP World
GANACSIGA BADAHA & WAAQICA SIYAASI.

Dagaalladii ugu weynaa ee dunida soo mara, inta la ogyahay kii koowaad ( 1914-1918 ) iyo kii labaad ( 193W9- 1945 ) waxay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen  sababo ay ka mid yihiin: xoriyad doon iyo dhulal leys ku heystay, hoos u dhac dhaqaale iyo tartan ganacsi, si kor u maro wax soo saarka dowladaha warshadaha ee Yurub ( Jarmalka ) Amerika iyo Asiya ( Japan ).
Ka dib , markii isbedel weyn ku dhacay nidaamka ganacsiga dunida, xirriirkooda calaamka iyo waaqica siyaasi (geo-politics ) waxaa la soo gaaray waqti dunida ay ka dhammaatay fikirka cirifeed ( polarisation ) iyo wadaniyada ( nationalisme ).

Waxaa la gaaray waqti dunida ay tahay sidii tuulo yar ( globalisation ) iyo in ganacsiga  yahay afka keliya ee leysku raaco, haddey noqon laheyd in aad tahay wax soo saare ( producer ) ama isticmaale ( consumer ), dhoofiye-exporter ama soo dejiye-importer.
Ganacsiga badaha waxaa muhim u ah dekedaha iyo suuqyadda, sidaa awgeed ayaa dowladihii waxaa loo qeybiyey kuwo wax soo saaro oo faa'iideysto sida Yurub, Amerika iyo Japan, kuwo wax soo saaro oo aan faa'iideysan sida dowladaha ( brics ) ama brazil, Russia, india, China & South africa.

Waxaa intaas dheer oo kale iney jiraan kuwo kale oo lagu sheego iney yihiin kuwo dhaqaajiyo maalka iyo lacagaha ( money movers ) sida imaaraadka ( UAE ) oo ku saleysan dhanka dekedaha ( ports ), bangiyada (banking system),  isgaarsiinta ( tele-communication ), diyaaradaha ( chartered ) iyo suuqyadda ( shopping ).
Haddaba, u fiirsadada Somalida shirkadahoodda diyaaradaha, telefoonnadda iyo xawaaladaha xaggee ka diiwaan gashan yihiin?
Maantana waxaan ku sii soconaa jidkii hore oo waxaa la rabaa in dekadaheenna  laga lahaado ama laga diiwaan geliyo Dubai sida dekedda berbera iyo Boosaaso

General Jama Mohamed Qalib (True Story)

General Jama Mohamed Qalib (True Story)
Xigasho: Abdullah Abdi
Genaral Jaamac Maxamed Qaalib oo mar soomaaliya kasoo noqday taliyaha Ciidanka Boliiska marna Wasiir noqday ayaa mid ka mid ah Buugaag uu qoray waxuu kaga sheekeeyey 50 sano ka hor xili uu ka tirsanaa saraakiisha Boliiska gaar ahaan dabagalka safaaradaha shisheeye ee ku sugan soomaaliya dhacdo uu u soo joogay waxuuna yiri sidan:

Sanadkii 1964-kii ayaa waxaa jirtay in dagaalo ay dhex mareen Soomaaliya iyo Ethiopia waxaana xiligaas ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska soomaaliyeed gaar ahaan dabagalka safaaradaha shisheeye ee ku sugan soomaaliya si gaar gaar ahna waxaan ugu xil saarnaa inaan isha ku haayo dhaq dhaqaaqa safaarada Ethiopia ee Magaalada Muqdisho ku taalay.

Hadaba waxaa jiray nin dibulumaasi ahaa oo ka tirsanaa safaarada Ethiopia balse ahaa Jaajuus sirdoonka Ethiopia ka tirsan waxaanan ninkaas ku daba jirnay dhaq-dhaqaaqiisa, waxaa uu lahaa balwad xaga la tumashada dumarka & khamriga uu aad u fuuqsan jirey ama u cabi jirey; baararka ku yaalay magaalada muqdisho ee ajnabigu uu isugu iman jireen ayuu soo aadi jiray taasina waxa ay suura gelisay in aan helno dadka uu la xiriiro.

Maalin ka mid ah maalmaha ayaa waxaa dhacday in Nin suxufi ama weriye ah waxuu arkay ninkii dibulumaasiga ahaa ee ka shaqeynayay safaarada Ethiopia balse ahaa jaajuus sirdoonkooda ka tirsan isagoo cabsan ama sarqaansan oo dumar ku dhex jira, dabeedna Sawir ayuu ka qaaday waxaana uu ku soo daabacay wargeys af talyaani ku soo bixi jiray taasoo fadeexad ku noqotay dawlada Ethiopia.

Markii xaalku halkaas uu marayo ayaa dawladda Ethiopia waxay badashay ninkii fadeexada u soo jiiday waxayna bedelkiisa keentay mid ad adag oo maxruug ah aadna u tababaran dabeedna waxaa naga istaagay xogtii aanu heli jirnay, waxaa markaa ka dib dhacday in dawladii soomaaliya gaar ahaan qeybtii aan ka tirsanaa ee dabagalka safaaradaha shisheeye ee ku sugan soomaaliya aanu go'aan sanay in aan dhagaysano telefoonada safaarada Ethiopia. Wasiirkii Boostada & isgaarsiinta soomaaliya ee xiligaas ayaan ka codsanay aritaas in naloo suurtagaliyo, wasiirkii baqdin ayaa gashay ah " madaxda soomaalida sow hadhow ma dhagaysanaysaan" damanadqaad adag kadib waa uu naga yeelay.

Waxaa hadaba dhacay in todobaad ka dib markii aan bilownay dhagaysiga Telefonadii safaarada Ethiopia ee muqdisho ay ku laheyd waxaanu soo xirnay oo xabsiga u dhaadhicinay ilaa 7 sarkaal oo soomaali ah kana tirsanaa ciidanka Boliiska iyagoo si qarsoodi ah ula shaqynayey sirdoonka Ethiopia kuwaasoo bixinayey sirta qaranka soomaaliyeed.

Casharka aan ka baran karno dhacdadan uu ka hadlay Genaral Jaamac Maxamed Qaalib waxa ay tahay sidii dawladihii soo maray soomaaliya ay isha ugu heyn jireen oo ay isaga ilaalin jireen Safaaradaha Ajnabiga ee soomaaliya joogay in ay helaan sirta qaranka soomaaliyeed gaar ahaan jawaasiista Ethiopia u shaqeyn jirey laakiin hada kuwa Jaajuusyada u ah Ethiopia xargaha ayey goosteen waxaana ugu horeeya Madaxda sare ee dawlada soomaaliya, Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada, qaar ka mid ah Golaha wasiirada iyo qaar Xildhibaano ah dhamaantoodna daba dhilifyo ayey u yahiin Ethiopia.

Buugaagta uu qorey General Jaamac Maxamed Qaalib waxaa ka mid ah
* Cost of Dictatorship, The Somali Experience (1995).
* Who is a Terrorist? (first & second edition 2002  

Fadlan walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Abdullah Abdi

Monday, April 19, 2021

Ninka kaliya Ee Damiirkiisu Noolyahay

               

                                  


            بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحي     

 ★★ ★ Ninka kaliya Ee Damiirkiisu Noolyahay 


Ahmed abdi kariye qoor qoor oo u gudbay mustaqbalkiisa siyasadeed.  

Mudane madaxwayne waxaad ku guulaysatay inaad hanatid dhaman quluubta umada somaliyed waxaad  bad badisay qaranimada somaliyed,waxaad muujisay in somalinimadu ka wayntahay qabyalada,waxaad garatay waxay garan wayeen kuwa ay shiisheyuhu ku adeegtan,waxaan ku lenahay horu usoco,


       Anagoo ah [ Badbaado Consulting Bureau]   , halyayga sanadka ayaan kuu aqoonsanay hadii aanu nahay shacabka somaliyed meel kasta oo ay joogan guulayso mudane

Maanta hadii doorasho qof iyo cod ah la qaban lahaa adigaan kuugu ridi laheyn wlhi waxaad u qalanta inad wadanka hogamiso !

Best Regards 

Founder/CEO 

Abdirashid Eid Osman