Thursday, August 22, 2013
Press Releases: Puntland Government Statement on New Deal Framework
21 August 2013
Puntland Government welcomes the New Deal Conference for Somalia, hosted by the European Union in Brussels on September 16, 2013, as the New Deal provides the guiding framework for working partnerships in fragile and conflict-affected States.
Puntland recognizes the importance of the New Deal Framework, signed in Busan on November 29, 2011 in accordance with other international accords including the Paris Declaration and the Dili Declaration. The New Deal is a country-owned and led process that brings structural change to Aid Effectiveness in Fragile States and seeks clear roles and responsibilities for the affected States receiving the aid, in collaboration with Donor Communities and Development Partners.
Underscoring Puntland’s commitment, a Puntland ministerial delegation attended the New Deal signing event in Busan, South Korea, and a Puntland ministerial delegation also attended the New Deal for Somalia launch event, held in Mogadishu on May 14 and chaired by Somali Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon.
Puntland will attend the New Deal Conference provided that it is given a special arrangement, in light of political divides in Somalia, Puntland’s decision on August 5 to suspend relations with Federal Government of Somalia (FGS), and Puntland’s obligations to uphold its constitutional rights and privileges enshrined in the Provisional Federal Constitution (PFC) of Somalia.
The Government has nominated a Technical Committee consisting of government officials, academics, experts, and lawyers – chaired by Puntland Ministry of Planning and International Cooperation – to coordinate with international partners and g7+. The Technical Committee is preparing a Critical Priorities Document in line with Peace-building and State-building Goals to be a component incorporated into New Deal Compact for Somalia and the Document will be finalized after engaging in wide consultations with representatives from public and private sectors and civil society.
— END —
Wednesday, August 21, 2013
Tuesday, August 20, 2013
DHAGEYSO:-Dr Xanafi.”Baarlamanka Ugandha Shuruucda u degsan oo ay kamid tahay in Raggu is guursan Karaan ayuu soo saxiisay Jawaari!!”
http://voiceofsomalia.net/
Salwe oo sheegay in xasan sheikh tegi doono shirka New deal isagoo Shimbir dhaawacan ah (Maqaal)
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu shirka New Deal ee Brussels tagayaa isaga oo ah shimbir dhaawacan.
Somaliland waa ay qaadacday si walba oo uu tanaasul iyo maqaam gaar ah u siiyay. (Unity was one of his six pillars)
Puntland xiriirkii bay u jartay. (Reconciliation among the six pillars)
Jubbaland xaalkeedii waa sidiisii oo wax xal siyaasadeed ah uma hayo (Reconciliation and federal building)
Xariggii Daahir Aweys iyo wajigii uu biloowgii ku qaabilay ee uu lahaa wax ku fududeeyso isagii buu la rogmaday culays badan ayaana ka haysta Xamar.
Sida muuqata waxa uu dhowr jeer ku fashilay in uu isbaddel ku sameeyo xukuumaddiisa illa dhowr jeer isaga oo waliba u qasday in uu shirkaas caalamiga ah tago isaga isbaddal ku sameeyay wajiyada xukuumadda.
Xaaladdii ammaanka waa ay ka soo dartay iyada oo al-Shabaab aad u soo laba-kacleeysay, burburkeediina ka faa'idaysan waayay (one of the pillars)
Ammaankii Muqdisho, sidii loo qarxiyay xaruntii UNDP-da aad bay uga shakiyeen beeshii caalamka, ka bixiddii SMF ee dalkana ma shiddo yareeyn (one of the pillars)
Kenya iyo isaga oo xiriirku sii xumaanayo marba marka ka dambeeysa sidaana ku fashilay arrinkii ahaa xiriirka gobolka (one of his six pillars)
Warbixintii Kooxda Monitoring ka QM ee Soomaaliya oo fadeexado badan oo dhaqalae iyo siyaasadeed bannaanka u soo saartay (Financial managment one of the pillars I think)
Qadar oo uga sii jeesatay arrimaha Masar sida la leeyahay, iyo Masar oo isaga u ahayd marjac siyaasadeed ....
Waxa u haray waa bil. Ilama aha in uu intaas ku xallin karo intaa oo mashaqo ah.... hope in ay kaliya wake up call u noqoto!
Xigasho: C/salaan Salwe
Why don't you start believing that no matter what you have or haven't done, that your best days are still out in front of you.
Somala waxaa wax ka bedeli kara hogaamiye ku shaqeeya qaab talawadaag ah,
Ka raadiya xalka gudaha intuusan ka dayin dibada, leh han ka ilaaliya dhaqamada guracan sida Musuqmaasuqa, eexda, iyo takoorka qabyaaliga ah.
Sidoo kale hogaamiye aan marnaba ka daalin beegsashada yoolka qarameed, ishana ku haya khatara iman Kara.
Codkar ah iskana ilaaliya hadalada turxaanta leh ee dadka kala gayn kara, aaminsan cadaalad iyo sinaan, Ilaaliya awoodada dastuuriga ah iyo kala lahaanshaha waajibaadka isagoon leexsanayn awoodaha madaxda kale.
Hogaamiyaha waxa ka sii muhiimsan, system na ilaaliya nana kala ilaaliya, si aynu u yeelano dhaqan dawlad Casri ah, lana jaanqaada ilbaxnimadan xilagan ee xawaaradaysan isuna soo dhawaanshaha shucuubtu Caalamka.
MAQAAL: UJEEDKII PUNTLAND LOO ASAASAY IYO HALKUU MAANTA MARAYO
Hordhac
Gobolada Bari, Nugaal, Waqooyiga Mugud, Sool iyo Sanaag Bari waxay dhacan Waqooyi bari Somaliya waxayna soo mareen marxalado kala duwan waxana ku loolamay kooxo Siyaasad ahan isdiidan ka dib marki dowladii dheexe keligi Taliye Taliski Mohamed Siyaad Bare meesha laga saaraay.
Loolankasii waxaa uu aha mid awood iyo mid siyaasaded ee u dhexeeyey jabhadihii wuxuu keenay kala qaybsanaan xagga fikirka iyo u jahaynt masiirka ummadda dhinacyada siyaasada iyo dhaqaalaha.
Bulshadii deegaanku waxay noqdeen kuwo u kala qayasabay laba koox oo mid walba arragtideeda la qumanayd, waxaana jiray dadaalo ay wadeen waxgaradka Gobolka kasii oo aha in la mideeyo kooxaha iska hor imanaaya siyaasad ahaa.
Magaala Xeebedka Bosaso waxaay ahayd halbowlaha dhaqalaha gobolka waxayna kooxwalbana u lahayd ahmiyeda koowaaad,waxayn laheed dekad yar oo aan saas usii balaarneen waxaana ka dhoofijiray xoolaha kana soo degi jiray badeecada kala duwan kana timi wadanka,waxana dagaal naso badan iyo maalba lagu wayeyy ay ku dhexmareen Jamhadii SSDF iyo Xogagagi Al-itaxaad wallow ay marki danbe awoood kula wareegtay jamhada SSDF oo tageero weyn ka helaysay Beelaha Gobolka bari.
Magaala Xeebedka Bosaso waxaay ahayd halbowlaha dhaqalaha gobolka waxayna kooxwalbana u lahayd ahmiyeda koowaaad,waxayn laheed dekad yar oo aan saas usii balaarneen waxaana ka dhoofijiray xoolaha kana soo degi jiray badeecada kala duwan kana timi wadanka,waxana dagaal naso badan iyo maalba lagu wayeyy ay ku dhexmareen Jamhadii SSDF iyo Xogagagi Al-itaxaad wallow ay marki danbe awoood kula wareegtay jamhada SSDF oo tageero weyn ka helaysay Beelaha Gobolka bari.
1996 waxaa magalada bosaso laga dhisay maamul uu leeyahay gobolka bari waxayna timid ka dib marki beelaha degaanku ay mudo u soosocotay shirarar looga arinsanaayo xalada siyaased iyo mid amni ee gobolka bari madaama u gobolku uu la daala dhacaya hardan siyaaseed ka soo wajahay jamhadihi ,waxana Gudomiye loogu dortay Gudiga Mamulka Gobolka bari Shiikh Yusuf……. (Heeryo) waxana dadaalada door wayn ku lahaaa waxgaradka gobolka Bari,inkastoo uu iska casilay xilka markii dambe hadana wuxuu muddadii yarayd ee uu joogay soo dhameeyay mashaariic wax ku ool ah sida dhismaha garoonka, ballaarinta dekeda, dhismaha Isbitaal hooyada iyo dhallaanka, dhismaha xabsiyo iyo qalab ciidanka bolishka iyo asluubta loogu deeqay , is casilaadiisii kadib mashuucyadaas wax buuran kama ay qabsoomin aan ka aheen dhisida xabsiga dhexe ee bosaso ,iyo gaadiid dagaal oo lasiiyay ciidanka .
Yagleelkii puntand
Aasaaskii Puntland waxay ahayd arin lagu doonayay in lagu mideeyo jabhadihii SSDF, SNDU, USP kuna salaysan awood qaybsi qabiil iyo degaan waxana u qayb ka aha mamulo ka curta dalka soomaaliya ka dib marki meesha laga saray Talisku Siyaad bare.ujeedooyinka bud dhiga u aha mamulkas ka curtay degaanada waqooyi bari soomaliya in la helo nabadgelyo iyo xeerbeegti kala haga siyaasiyiinta iyo taageerayaashooda iyo in la raadiyo Somali wayn loona maro nidaamka federaalka si ayan mar dambe u soo noqon xukuumaddii dhexe ee kelitalisnimada ku dhisnayd oo qolo walba dulmiga ka tirsanaysay.
Nidaamkaas oo loo arkayay inay Soomaali ku kala badbaadi karto, islamarkaana lagu qancin karo kala tabashada degsiimooyinka Soomaaliyeed dhexdooda.
Magaalada garoowe ee haatan ah caasimada Puntland ayaa la iskugu yimi shir looga tashanayay ayaayaha iyo masiirka gobolada waqooyi bari ee Soomaliya, shirkaas oo ay kasoo qayb galeen ergooyin iskugu jira siyaasiyiin,odayaal dhaqameed, culumaa’udiin, aqoonyahano, ganacsato, haween, iyo dhamaan bulshawaynta , ergooyinkaas oo ka koobnaa 500 xubnoon una qayb san gobolada iyo degmooyinka ay kala degaan qabaa’ilka ku noolaa gobolada waqooyi bari,
Isimada iyo cuqaashii ugu waa weynaa waxaa kamid ahaa
1. Ugaas yaasiin ugaas cabdiraxmaan ( Morcase /Dishiishe)
2. Beeldaaje xaaji cabdullahi beeldaaje maxamed (majeerteen / cali saleebaan )
3. Beldaaje yaasiin ( majeerteen/ siwaaqroon)
4. Islaan maxamed islaan muuse( majeerteen/ maxamuud saleebaan)
5. Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac (dhulbahante )
6. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan (warsangali)
7. Boqor Maxamuud Boqor Muuse (majeerteen/ maxamuud saleebaan)
8. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle (majeerteen /maxamuud saleebaan)
Ergada gobolada ayaa waxay iska dhexdoorteen golaha shirka hogaaminayay oo ka kooban 5 qof ku was o kala ah
1: islaan maxamed islaan muusu , Gudoomaha shirwaynaha puntland
2:Axmed maxamed goole , gudoomiye ku -xigeen
3: Bashiir yusuf nuur , xubin
4:Botan Barre samatar ,xubin
5: Cawad Axmed casharo ,xubin
Shirkaas waxaa la iskula gartay in puntland ka koobnaanto 3 qaybood oo ay u kala baxaan awoodaha dowlada , Golaha wakiilada, Xukuumad iyo Garsoorka.
Bishii 5 aad , 1998dii waxaa magalada garoowe ee shirku ka socday lagu ansixiyay Axdiga qabyo qoraal ah kaas oo dhan 35,Qaybintii xubnaha wakiilada puntland sida uu qorayo Axdi puntand
Gobolka Bari waxaa la siiyay 21 oo mid tahay haweyn
Gobolka sool iyo degmada buuhoodle 15 xubnood oo midtahay haweyn
Gobolka sanaag 11 xubnoon oo midtahay haweyn
Gobalka waqooyiga mudug 10 oo midtahay haweyn
Gobolka nugaal 9 oo midtahay haweyn
inkastoo 3 xubnoon lagu sharfay gudoomiyaashii jabhada ee kala ahaa SSD,USP, SNDU, taas oo lagu saleen gobol ee lagu sharfay gudoomiyaashii sadexdaa jabhadod ee kaliyah haday kataaga aan cid kalle qaadan Karin . kaas oo wadar ahaan ka koo ban 69 xubno wakiilo ah ee puntland yeelanyso
Mudo dheer markii shirkii yagleelka puntland socday waxaa la isla gartay in la doorto madaxweyne iyo ku xigeenkiis ha kor inta aan la soo xulin xubnaha barlamaanka puntland , iyadoo arintu isdaba socato .
1/ 08/1998 waxaa magalada garoowe lagu dortay madaxweyne Cabdullahi yuusuf axmed alle ha unaxariistee, waxaana madaxweyne ku xigeen loo dortay Maxamed Cabdi Xaash, waxaana kalloo dhinac socday dhismaha Barlamanka puntland, waxaa xiligaas gudoomiye barlamanka loo doortay gudoomiye yusuf xaaji siciid , ku xigeen kowaad xasan daahir afqurac , gudoomiye ku xigeen labaad Maxamed axmed kulan
Wax qabadkii Cabdullahi yuusuf
Madaxweyne cabdullahi yuusuf waxa uu soo dhisay xukuumad ka kooban 9 wasiir iyo ku xigeeno kuwaas oo ka mid ahaa siyaasiyiin can ah waxaana ka mid ahaa
1: Siciid Maxamed Maxamuud (caduur) wasiirka maaliyada
2: xasan abshir faarax, wasiirka arimaha gudaha
3: Ahmed cabdi xaabsade, wasiirka howlaha guud
4: Yaasiin faarax cartan, wasiirka arimaha bulshada
4: Yaasiin faarax cartan, wasiirka arimaha bulshada
5: cawad Ahmed casharo, wasiirka warfaafinta
6: Cali ismaaciil giir, wasiirka xanaada xoolaha
Xukuumadaas ayaa aheed mid aad uyar balse dadku siyaasada puntland falanqeeya dhahaan waxay laheed tayo aad u wanaagsan waxayna qabatay talaabooyin wax tar uleh dadka iyo deegaanka. Waxaana wax qabadkeedii ka midka ahaa sida soo socata.
1. Dhismaha ciidanka
Dowladii madaxweyne cabdullahi yuusuf waxay ay asaastay ciidan iskugu jira daraawiish, police, iyo ciidan asluub ah, ciidan ayaa waxay ka qayb qaateen qaadista isbaarooyin badan oo si sharci daro ah loo dhigtay wadooyink puntland waxaana ka xusikarnaa wadada isku xirta magaalooyinka Galkacanyo iyo Bosaso, ciidnaka police puntland ayaa waxay ka koobnaayeen 500 askari.
2. Hirgalinta qaadista cashuurada
Dowladii madaxweyne cabdullahi waxa ay hirgalisay qaadista cashuuraha ,taas oo mudo yar oo kooban ku hergilasay, waxaana ay dejisay shuruucda cashuuraha kuwa dhoofinta iyo soodejinta. Waxa ugu badan oo ka dhoofa degaanka puntland oo loo dhoofsho wadama dibada ah ayaa waxaa ugu badnaa xoolaha nool,maydiga.
Badeecada dibada ka iman jirtay waa mid aad uga badan tan uu dhoofsho wadanku, waxaana laga xusikaraa, raashinka oo nooc walba leh ,shiraabka,biyaha safeesan iyo qalabka dhismaha,waayo puntland malaheen warshado wax soo saar dowladii kacaankana kama aanay hirgalin wax warshado ah.
3. Arimaha bulshada
Dowladii madaxweyne cabdullahi yuusuf axmed waxay aheed sidaan horay usheegnay dowlad curdun ah, xiligaas ganacsigu waxa uu ahaa mid soo koraya ganacsatada reer puntland waxay ahaayeen kuwa horumar sameenaya wadankuna waxa uu ahaa mid soo koraya.
1999kii waxa la xanibay xoolihii soomalida ee loo dhoofin jiray dalka sucuudi careebiya, taas oo dabarjab xoogan iyo hoos u dhac qalaalo oo sameeyay dhamaan dadka soomaliyeed miye iyo magaaloba, taas ayaad sababtay in dhaqaalihii reer puntland hoos u dhac balaaran laga dareemay.
Dhanka caafimaadku waxa uu ahaa mid aan aad u hormarsaneen, magaalooyinka waa weyn waxay lahaayeen hospsitaalo ay dhistay dowladii soomalia, dowlada puntland ee xiligaasna wax aan saas u buurneen kuma aysan darin,inkastoo Hayada UN ee qaabilsan dhanka caafimaadka World Health Organization (WHO) ayaa ka caawinjirtay dhanka daawada iyo deeqaha caafimaadka oo kalle.
Waxbarasha puntland waxay aheed mid aad utaagdaran manalaheen manhaj waxbarasho ardayda reer puntland waxa ay dhigan jireen manjah dalalka carabta qaarka, iskooladu puntland badankoodu waxa uu ahaa mid bareefad ah oo laheeyeen shakhsiyaad reer puntland ah , iskoolada waxay iskugu jireen dugsi dhexe,hoose,sare. Waxaa kaloo meesha aan ka maqneen machadyo bixiya xirfaado yar yar.
Dhaliilihii loo soo jeedinjiray dowladii cabdullahi yuusuf axmed
Waxaa jiray mashruucyo aad u waa weyn kuwaas oo horay usoo dhameeyay sheikh yuusuf (Heeryo) uguna deeqday dowlada imaaratka khaastan sheikh saayid,waxaana kamid ahaa dhisida Madaarka bosaso,balaarinta dekeda bosaso ,dhisida xabsiyo,iyo deeq gawaari ah .
Deeqda waxaa ka hirgalay xabsiga gaalshile,iyo gawaari ciidan oo aan saas ubadneen,
Nasiib xumo mashruucyada wax ku oolka ah waxaa hor istaagay maamulkii uu madaxda u ahaa Madaxweynihii hore cabdullahi yuusuf axmed diidmadaas oo ilaa iyo iminka aan la aqoon waxay ku saleesneed.
2001 ayaa wax mar labaad la isugu yimi Garowe oo ahyd magaala Xarunta u ah dowlad Goboleedka puntland shirweyne kadhacay waxana loogu doortay Jaamac Cali Jaamac in uu Puntland madaxweyne ka noqdo, Kadib markii ay ka dhammaatay mudadii 3 sano ee xukuumadii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.balse waxa sii weyn uga hor yimi kuna gacansaray natiijadii dorashada Cabduullahi yusuf Axmed oo shegay in aysan u cuntamayn go’aamadaasi oo u isagu yahay madaxweynaha xaqa ah ee puntland.
Waxana iska Hor imad dhex maray kooxa la kala safan Cabduulahi Yusuf iyo weliba Jamac cali jamac oo iyagu markaas kala sheganayey in ay yihin madxweynaha xaqa ah ee puntland taas oo sababtay in Boqolaal dad ah ay ku dhintan tiro intas ka badana ku dhawacman labada dhinacba,inkasto aysan ka maqanayn khasare maal iyo mood ba leh ,taas oo ugu danbeyntii mesha loga saray maamulki jamac cali jamac taladana uu gacanta mar labad ku dhigay mudane Cabduullahi Yusuf.
.
Rag ayagu la safna Jamac Cali Jamac aya waxay ku dhawaaqeen Jamhad lamagac baxday ”Golaha Badbaadinta Puntland” (GBP), waxaana Jamhadaas Gudoomiye Ka ahaa Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade), oo isagu ku noola wixii ka danbeyey burburki Dowladii dhexe ee somaliya Dalka dibadisa gar ahan wadanka Canada.
.
Rag ayagu la safna Jamac Cali Jamac aya waxay ku dhawaaqeen Jamhad lamagac baxday ”Golaha Badbaadinta Puntland” (GBP), waxaana Jamhadaas Gudoomiye Ka ahaa Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade), oo isagu ku noola wixii ka danbeyey burburki Dowladii dhexe ee somaliya Dalka dibadisa gar ahan wadanka Canada.
Jamhadan aya ahayd mid xanbarsan ujeedoyin kal duwan waxayna dagal la gashay Cabdullahi Yusuf iyo weliba Xulafadiisa.,
Biloowgi 2003 aya waxaa magaalada mashquulka badan ee Xarunta u ah Ganacsiga Puntland ahna magala madaxda Gobolka bari ee bosaaso hishiis ku dhexmaray Garabka Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyii Golaha Badbaadinta Puntland (GBP), Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade), waxaana heshiiskaas kasoo shaqeeyey Salaadiin iyo waxgaradka deganka Puntland waxaana hor bodayeyey Shaqsiyaad Xurmo ku leh Puntland .
Ujeedadii heshiiskan ay wada gaareen labada dhinac waxa uu ahaa sidan:-
1.In lasoo cesho midnimadii iyo kala danbayntii Shacabka Reer Puntland
2.In labada Hogaamiye dhisaan Maamul loo dhan yahay
3.In ay muqadas tahay In la difaaco sharaf iyo midnimada umada Puntland.
3.In ay muqadas tahay In la difaaco sharaf iyo midnimada umada Puntland.
Sandki 2004 aya waxa Madaxweyne Dowlada federalka Somaliya Loo dortay Cabduulalhi Yusuf oo aha Madaxweynihi Mamulka Puntland isla markana waxa Xilki madaxweynenimo ee puntland qabtay madaxweyne ku xiegeenki Puntland oo sharci ahan xaq u leh in u qabto jagadaan Maxamed Cabdi Xaashi.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu puntland madaxweyne ka ahaa intii udhaxaysay 1998 illaa 2004 waxa uuna noqday madaxweynihii ugu horeeyey puntland.
MADAXWEYNE MAXAMED CABDI XAASHI(2004-2005)
Xiligii koobnaa ee uu hayeey xilka madaxweynenimo Ee Puntland Maxamed Cabdi xaashi waxa u Hirgaliyey Doorasho Guud Mudo yar oo aad u kooban
iyo inuu noqyday xaashi, Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland oo si dimuqaraadi ah uga dega xilka kadib markii looga guulaystay Doorashadii, ayadoo dadka reer puntlandna ay ku tilmaamaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi Shaqsi ay ku weyntahay midnimadu.
iyo inuu noqyday xaashi, Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland oo si dimuqaraadi ah uga dega xilka kadib markii looga guulaystay Doorashadii, ayadoo dadka reer puntlandna ay ku tilmaamaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi Shaqsi ay ku weyntahay midnimadu.
Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde)
Gudomiyihi hore ee Jamhadii GBP Gen.Cadde waxa uu puntland madaxweyne ka ahaa intii u dhaxaysay bilowgii 2005 illaa 2009,
Gudomiyihi hore ee Jamhadii GBP Gen.Cadde waxa uu puntland madaxweyne ka ahaa intii u dhaxaysay bilowgii 2005 illaa 2009,
Maxamud Muuse Xirsi Madaxweynihi Puntalnd waxa uu dadaal dher u galay sidi Puntland Dhaqaaleheeda kor loogu qaadilahaa balse amaanki aya sanadadii ugu dabyeey Noqday mid sii xumanyey marka loo ego maamuladi Yusuf Iyo Xaashi ee ka horeyeey Cadde .
Waxqabadkii Xuukamdii Madaxweyne Cade(2005-2009)
Maxamuud Muse Xirsi(Cadde) waxa uu xoogga saaray sidii uu Puntland dhaqaaleheda uga dhigi lahaa mid meel sare joga puntalndna ay u noqoto Gobol Dhaqalihisu yahay mid sii kobca.
Madaxweyne Cadde waxa uu Puntland ka hir geliyeey Mashaariic badan oo ay ka mid tahay
Dhisidda terminalka Airporka Magaalada Ganacsiga ah ee Bosaaso
Dhisidda Maxjarka Xoolaha Magaalada Bosaaso,
Dhisidda terminalka Airporka Magaalada Ganacsiga ah ee Bosaaso
Dhisidda Maxjarka Xoolaha Magaalada Bosaaso,
Taagaaerida Dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya,ayadoo dowlada puntland ay siiyey dowlada Federalka Taageero Ciidan iyo Mid Dhaqaaleba, si loo helo Dowlad Dhexe oo Soomaaliyeed, ayadoo walibana taageeradaasi ay saamayn ku yeelatay Dowlada Puntland hoosna u dhigtay waxqabadkii puntland ee dhanka amaanka Iyo weliba dhaqaalaha walow ay xiliga ku soo aday xili ay aduunka ka jirto Sicir barar baahsan kaas o sababay in shirkado badan oo calamka ah ay musalafan.
DHALIILAHA DOWLADII CADE MUUSE XIRSI
Inta uu hayay xukun madaxtinimada madaxweyne cade muuse xirsi,puntland waxaa ka dhacay waxyaalo badan oo dib u dhac ah sida dadka siyaasada udhuun daloola dhahaan waxaana ka mid ah.
1. Qabsashadii dowlada soomaliland qabsatay magala madaxda gobolka sool ee laasacaanood, taas oo xiligii hore katalinjireen maamulka puntland.
2. Amniga magaalooyinka oo faraha ka baxay,
3. Dagaalo udhexeeya maamulka general cade muuse iyo qabiiladii dhistay puntland qaarka mid ah oo uu dagaal laba saf ah ku dhexmaray magalada bosaso khaasatan xaafada biyo kulule.
4. Faragelin dhanka dhaqaala ah oo ganacsatada qaarkiis ku eedeeyaan
5. Musharahaadka shaqaalaha dowlada oo aan bilkasta lahelijirin musuq maasuq hareeyay dowladii cade muuse.owgeed
6. Kagaaabin dhanka xiriirka caalamiga ah.
7. Waxaa asaasmay koox burcad Badeed ah oo ka qowlowsata badaha puntland oo fariisimo ka sameestay degaanada xeebleeda puntland.
DOORASHADII XUKUUMADA HADA JIRTA.
Sanadki la soo dhaafay ee 2009 aya waxa Puntland ka dhacay dorasho an abid ka dhicin Deganka Puntland Ee somaliya taas oo ahayd mid wadata xamaasad gaar ah iyo weliba soo jiidasho ay soo jiidatay dadka Puntland iyo weliba dhamaan dadka daneeya Arimah Siyaasada Puntland.
Murashaxin kor u dhafaya 20 murashax ayaa isku soo tagay xilkan ugu sareeya puntland ee Maadxweynenimo kuwaasi oo isugu jiray rag siyaasada puntland mudo kusoo dhex jirey iyo weliba wajiyo ku cusub siyaasada puntland .
Murashax walba waxa uu isku dayaayeey in uu soo jiito dareenka shacabka basle nasiib daro shabacku ma ahayn kuwa wax doranaya ee waxa wax doranayey 66 xildhibaan.
Amaanka Guud ee Magaloyinka puntland aya si weyn lo xoojiyeey ayado ay ugu horeyso magaalada xarunta ah ee Garowe iyo weliba magalada xeeebta ah ee Bosaso.
Amaanka Guud ee Magaloyinka puntland aya si weyn lo xoojiyeey ayado ay ugu horeyso magaalada xarunta ah ee Garowe iyo weliba magalada xeeebta ah ee Bosaso.
Murashax walba waxa uu watay maliishiyo ay hayb hoosaad wadaagaan kuwaasi oo watay gadiidka gashaman ee dagaalka iyo weliba Kumanan ilaalo u ah,
Dhanka kale Murashax walba waxa uu kaga hadlayeey warbaahinta in u yahay kan puntland mantay u keni kara isbedel buuxa iyo weliba soo celinta gobolada puntland gacanteeda ka maqan korna u qaadi doona dhaqaalaha,waxbarsha ,caafimadka iyo weliba dhaman arimiha bulshada meeshana ka saari doona kooxda Puntland sharafteeda hoos u dhigtay ee Burcad badeedka si weyn uga qowleysata Badaha Somaliya xaruna ka dhigtay Deganka Eyl ee gobolka Nugaal.
Dhanka kale Murashax walba waxa uu kaga hadlayeey warbaahinta in u yahay kan puntland mantay u keni kara isbedel buuxa iyo weliba soo celinta gobolada puntland gacanteeda ka maqan korna u qaadi doona dhaqaalaha,waxbarsha ,caafimadka iyo weliba dhaman arimiha bulshada meeshana ka saari doona kooxda Puntland sharafteeda hoos u dhigtay ee Burcad badeedka si weyn uga qowleysata Badaha Somaliya xaruna ka dhigtay Deganka Eyl ee gobolka Nugaal.
Sikastay arintu ahaatoba waxa isku soo biyo shubatay in la isugu yimado hoolka barlamanka oo ahayd mesha ay ka dheceyso dorashada madaxweynenimo.
8th janaury ee sanadkii 2009, waxaa ku guuleestay madaxtinimada puntland madaxweyne Cabdiraxman maxamed maxamuud faroole.
WAX QABADKII DOWLADA FAROOLE
Madaxweyne faroole waxa lagu amaana maamul wanaag aad u balaaran, waxa uu bedelay nidaamkii ahaa qabiiliga iyo lacagtii fadlanta iska qaado ahaa, xiriika arimaha dibada oo uu gaarsiiyay horumar balaaran, dhanka waxbarasha ,caafimaadka,waxay dhowladiisu ka gaartay horumar aanay kagaarin dowladihii ka horeeyay faroole, dhanka amniga waxa uu dhisay ciidan aad ubadan,tiro iyo tayo ahaanba fiican, inkastoo ciidanka intiisa badan ay istaafka madaxweynaha ubadanyihiin, iyo caasimada,ladagaalanka Burcad badeeda,inkastoo aan wali laga ciribtirin degaanada puntland,Dastuurkii dowlada federalka soomaliyeed oo qayb lixaadleh ka cayaartay dowlada puntland iyo ka guuristii dowlad ku meel gaar ah si loo helo dowlada aan ku meel gaar aheen taas oo markii danbe lagu guuleestay,iskuday ka guuris maamul qabiileed ee puntaland ka guurto una guurto hanaanka xisbiyada badan.
DHALIILAHA MAAMULKA FAROOLE LOO SOO JEEDSHO
Maamulka madaxweyne faroole waxa uu xiligiisii balan qaaday, Hirgelinta hanaanka dimuquraadiyada ee ku saleysan xisbiyo siyaasadeed iyo yagleelida guddi doorasho, maamulka faroole waxaa la isku deyay qabasho hanaanka xisbiyada badan,taas oo loo arkayay doorasho xeeladeesan laguna doonayay xildhereese, taas oo dhalisay iska hor imaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac,ka kala dhacayna magalooyinka Galkacanyo,Qardho,hase ahaatee dowlada ayaa waxay joojisay dhamaan doorashooyinkii dhaliyay iska hor imaadkii.
DHANKA AMNIGA
Waxaa dhacay dilal qorsheesan oo lagula kacay masuuliyiin, shacab, isimo. Dilalkaas badankoodu waxa ay ahaayeen dilal aan waxba loo qaban kuna u dhacayana si farsameedeesan, dilalkaas ayaa ukala badnaa magaalooyinka Puntland, magaalada bosaso ahna xarunta ganacsiga waxay noqotay meel lagu dilay dadkii ugu tirabadnaa, dadka dhintay waxaan ka xusikarnaa dadka magaca ku dhexlahaa shacabka.
1. 05/08/2009 ayeey ayahy xiligii Wasiirkii Warfaafinta ee dawlada Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaaka) ay rag hubaysani toogasho bareer ah ugu gaysteen gudaha magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxayna wateen ragani dilka ugaystay wasiirka tuutaha Ciidanka dawlada Puntland.
2. November 11, 2009 Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu dilay mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland oo kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyey ee kamid noqda Baarlamaanka Puntland
3. November 11, 2009 Waxaa Salaadii makhrib kadib bartamaha magaalada Bosaso lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamada Darajada 1aad ee Bosaso Shiikh Maxamed Cabdi Awaare.
4. January 5, 2010 xili fiidnimo ah ayaa waxa lagu diley magaalada Bosaso xildhibaan Cabdullaahi Cali Cismaan( kaarad) , dilka xildhibaanka ayaa dhacay isaga oo gelaya Masjidka AL Qudus ee Bariga magaalada Bosaso, waxaana dilka geystey laba dhalinyaro ah oo hubeysnaaa kuwaas oo Hal xabad ku dhuftey, iyaga oo madaxa kala beegsaday xildhabanka.
5. January 19, 2010 ,Kooxo Hubeysan oo aan la aqoon haybtooda ayaa gudaha magaaladda Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ku dileen Xildhibaan Maxamed Cabdi Jabriil Dhible Barlamaanka Dowladda Puntland.
6. December 20 2009 xili habeenimo ah aya waxa weerar lagu qaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo kolanyo gadiid ah o la socday Gudoomiyah xili uu ku sii jeday hoyga Uu garowe ka degan yahay cabdirashiid Maxamed xirsi Gudomiyaha barlamanka puntalnd
7. 2010 waxaa magaalda bosaso lagu dilay suldaan ciise xasan cumar xili uu kazoo baxay salaadii maqrib masjid lagu magacaabo Al Aqsa kuna yaal xaafada baalade.
Dhamaan dadkan waxay ka mid ahaayeen dad aad ufara badan oo lagu dilay degaanka puntland kuwaas oo aan waxba loo qaban lana ogeen sababtii loo dilay .
Arimaha bulshada
Wasaarada waxbarasha ee xiligan sii jirta waxa lagu safeeyaa in ay asaastay manhaj meeshana ka saartay manaajidtii kala duwaana ee ubadka reer puntland wax ku baranjireen, waxay asaastay hal shahaado oo leedahay dowlada puntland taas oo laga aqoonsanyahay wadama dibaada,waxa kaloo ku guuleesatay deeqyo waxbarasho oo lasiiyo ardaydii ugu sareesa dugsiyada sare ee puntland.
Arimaha caafimaadka wasaarada caafimaadku sidoo kalle waxaa lagu amaanaa wax qabad baxadleh oo ay qabatay inta ay jirtay iyadoo kaheleeso deeqo iyo taba baro hayadaha qaramada midoobay, wasaaradu waxay ay hirgalisay adeegyo caafimaad oo farabadan, wasaarada caafimadka waxaa hoostaga 4 cusbitaal oo ku kala yaal ,Galkacanyo,garoowe,qardho, bosaso, waana afar ugu waaweyn, waxaa kaloo jira MCH hoostaga wasaarada caafimaad oo aad ubadan.
Maxaa horyaal madaxweynaha la dooran doono
08/01/2014 waxaa lagu wadaa in doorasho ka dhacdo garoowe sida ay qorsheesay dowlada hada talada haysa taas oo noqonaysa doorasho ay soo dooran doonaan qaabkii puntland mudadii 15 hore ay ku soo dhaqmeesay oo aheed qaab qabiileed, sida aan wada ognahay siyaasi walba markuu wado ololaha doorashada waxa uu soo bandhigaa ama soo jeedshaa khudbad aad umacaan iyo waxqabad aad ubalaran, taas oo marka ladoorto noqota hal bacaad lagu lisay waase caado siyaasadeed oo aduun waynaha ka jirta maaha puntland kaliyah,
Madaxweynaha aan rajeenayno in la soo doorto waxaa horyaal shaqo aad ubaalaaran lehna caqabado waa weyn oo siyaasadeed, hadaan qodobeeno waxa horyaal madaxdada soo socata
1. Shirweyne ay u dhanyihiin dhamaan beelihii wada dhistay dowlada puntland, shirkaas oo dowlada puntland qaban qaabiso balse maamul ahaan gacanta loo gesho isimada puntland oo soo jireenka ahaa, kaas oo looga tashanayo midnimada puntland laguna xalinayo wixii dhibaato ah oo laga tabanayo dowladihii hore ee puntland, laguna mideenayo beelaha puntland.
2. dhisida ciidan qalabeesan oo puntland yeelato kaas oo leh dhamaan ciidan inta ay iskugu jiraan Police, dharcad, daraashiish , asluubta, Ciidanka puntland aan dooneeno waa mid ka aqoon wanaagsan kana tayo iyo tusaale fiicana ,ciidanka puntland waa in fursad loo siiyaa dhalinyarada waxbaratay kana qalinjabisay iskoolada sare dhexe iskuguna jira rag iyo dumar, dhalintaas oo lasiiyo tababar dhanka ciidanka musharaadkana loo siyaadsho.
3. Soo celinta degaanada puntland ee gacanta maamulada kalle ku jirta, laguna soo cesho sida ugu dhakhsaha badan .
4. Magacaabis gudiga dhameestirka puntland, gudigaas oo ka madax banana dowlada puntland
5. Shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada reer puntald ee waxbartay
6. Horumarinta kaabayaasha dhaqalaha puntland iyadoo si siman loo wada hormarinayo
7. Sameen maxkamada dastuuriga ah ee dowlada puntland , taas oo loo raacayo sharciga puntland uyaal
8. Hubka dhigis dhamaan beelaha puntland ku nool, iyadoo loo marayo qaab is af garad ah , hubkaas oo dowlado usameeneeso sharci gooni ah sida oo maamulayo ,
9. Qaadasho siyaasad degan iyo tanaasulaad iyadoo aan la dhaafeen sharciga uyaal puntland
10. Ku dhaqmid dastuurka puntland dowlada federalka iyo kan caalamiga ah
11. Magacaabis gudi doorashooyinka puntland, gudigaas oo ka madax banana dowlada , magacaabistiisa oo lagala tashano isimada iyo dadweynaha puntland.
12. Qabashada doorashooyin xalaal ah, iyadoo laga fogaano wax walba oo keeni kara dagaal iyo muran siyaasadeed.
13. Hormarinta arimaha bulshada sida waxbarasha, caafimaadka,iyo tan degaaneed.
14. Ladagaalanka musuq maasuqa,iyadoo loo sameenayo sharci qabta shakhsigii lagu helo lunsansho hanti dowladeed.
15. Kala xadeenta gobolada iyo degmooyinka puntland
Talo bixin
shacabka puntland ku dhaqan waxaan kula talinayaa in ay ilaashaan midnimada iyo dowladnimada puntland kana fogaadaan wax walba oo keenikara amni xumo iyo iska hor imaad, dadka reer puntland waa dad amaan jecel soona dhoweeya walaalaha soomaliyeed ee ka soo barakacayaa digaanadoodii sababo amniga owgeed ah ,waa dad lagu dhexnoolaan karo iyagoo aan tafaraaruq iyo midabtakoor ugeesan dadka walaalahod ah . shacabka puntland waa dad aan ku tiirsaneen mucaawino ay bixiyaan dowladaha deeqaha bixinya iyo qaramada midoobay, runtiina waa dad ganacsada aaminsana xoogooda.
Maxaa la gudboon madaxda puntland ee lasoo doorandoono ,
Waxaad haysataan shacab udhego nugul dowladooda jecel amniga aan aheen dad kala xiran, jecel hormarka degaanka , istaakuleeya. shacabkaas waxa ay u oo manyihiin hogaan aan laheen siyaasaad kaligii talis ah ,mid hanti doon, mid magac doon ,mid aan burburineen.
Shacabka reer puntland waxay doonayaa siyaasi isku wadikara aan laheen kala jecleesi iyo kan ayaa ku xiga ,siyaasi dareesan dhibta soo mareen shacabka reer puntland mid wata horusocad siyaasadeed aaminsan in uu wadankan wax ka bedelo ,una belo dhanka wanaagsan oo reer puntland mudo dheer ku taabayeen ,
Waxaan rajeenaynaa in Madaxda soo socata ka duwaandoonaan madaxdkii hore ee so martay dowlada puntland, iyadoo ka tusaale qaadanaya waxna kabaranaya qaladadkii iyo dhaliilihii dowladihii hore soo maray degaanka puntland.
Mahadsanidin:
Dumarka Sweden oo maanta xirtay Xijaabka Muslimiinta! _ :)
Qaar badan oo ka mid ah dumarka Sweden oo ay ku jiraan siyaasiyiinta ayaa maanta go’aansaday in ay Xirtaan Xijaabka.
Gabdhaha Muslimiinta. Sababta ka dambaysa arintaan ayaa ah in ay ka mudaharaadayaan gabadh Muslimad ah oo uurleh taasoo lagu weeraray xaafada Farsta ee ka tirsan Stockholm.
Dumarka xirtay xijaabka ayaa waxaa ka mid ah Veronica Palm oo ah gudoomiye xisbiga Socialka ee Magaalada Stockholm. Waxaa kale oo xijaabka xirtay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlaamanka Sweden sida Christina Höj Larsen oo xisbiga Vänsterpartiet (V) u fadhiga baarlamaanka. Sidoo kale Stockholm ayaa maanta waxaa lagu arkayay qaar badan oo ka mid ah dumarka caadiga ah ee Sweden Oo xiran xijaabka.
Fikradaan ayaa waxaa ka dambeeyay labo gabdhood oo Muslim ah kuwaasoo ugu baaqay xitaa Wasiirka cadaalada Sweden Beatrice Ask in ay xirato Hijaabka. Ask ayaa diiday in ay ku biirto fikradaan Balse waxay gabdhaha ku balamisay xafiiska dowlada si ay ugala hadasho arimahaan iyo sidii loo sugi Lahaa amaanka dumarka Xijaabka xirta.
DAAWO SAWIRADA Wafdiga Dowladad wadahadalada u jooga Magaalada Adis ababa iyo Qodobadii hordhac u ah Heshiiska Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, Aqrii
Ayado Magaalada Adis Ababa ay ku sugan yihiin Wafdi ka kala socda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa warar hordhac ah oo laga helayo Adis ababa waxaa ay sheegayan in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsan doonto Madaxweynimada Axmed Madoobe.
Sida laga soo xigtay Wafuuda ka socota Dhanka Dowlada Fadaraalka Somalia ayaa waxa ay sheegeen in wadahadaladan ay yihiin kuwa lagu doonayo in lagu soo af jaro khilaafka hareeyay Jubbalad iyo Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo 3 qodob saldhig u yihiin wada xaajoodka oo muddo soo socday haddana uu ku dhaw yahay dhamaad.
1-In marki ay dhamaato Mudada Maamulkan Jubbaland Dowlada Somalia ay qabataa Shirweyne lagu so doranayo Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland.
2- In Ciidamada Dowlada Somalia ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo ay dib ugu soo labtaan magaalada Kismaayo islamarkana ay ka qayb qataan howlaha Amaanka ee Jubbaland.
3- Golaha Wasiirada Jubbaland lo qaybiyo si Cadaalad ah Dowladana ay ku yeelataa Galan gal.
Sido kale waxaa jirta Qodob ku sabsan Dakada iyo Airporka oo ay si gooni ah uga wada hadli doonan Masuliinta Jubbaland iyo Dowlada Fadaralka.
Masulkaan ayaa waxaa uu sido kale sheegay in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in uu Aqbalo shuradaha ay Dowlada wadato mar hadi la aqonsanayo waxaana uu sheegay in ay u badan tahay in khillafki mudada soo jiitamayay u halkaasi ku soo afmeermo.
Mareykanka iyo Ingiriiska oo la sheegay inay heleen xog ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh xiriir la leeyahay Al Shabaab
Raa’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galeyr, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu xiriir rasmi ah kala dhaxeeyo Ururka Al Shabaab.!!
Cali Khaliif Galeyr oo xilligaan ka tirsan Mudane-yaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in natiijadii ka dhalatay dagaalada Kismaayo, lagu ogaaday sida uu yiri in uu jiro iskaashi u dhaxeeya Dowladda iyo Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xusay inay hal dhinac ka soo wada jeesteen, isla-markaana ay si wadajir ah isaga kaashadeen dagaalada Gobolada Jubbooyinka, sida uu yiri.
Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay in Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ay helayn, xog cadeyneysa in uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Ururka Al Shaab iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya.
Caalamka ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu u aqoonsan yahay Urur argagaxiso, isla-markaana khatar ku ah danaha reer Galbeedka ee Geeska Afrika.
Majirto wax war ah oo weli ka soo baxay dhinaca Dowladda Federalka ee Soomaaliya, oo ku aadan eedeymaha xoogan, ee uu Mr. Galeyr u jeediyay Dowladda uu hogaamiyo Prof. Xasan Sheekh Maxamuud
Doorka Hoggaanka Dhaqanka Soomaalida Mantay.?
Doorka Hoggaanka Dhaqanka Soomaalida Mantay.?
Sida hogaanka siyaasada soomalidu u karti iyo tayo liito aya hadana waxa si la mid ah u liita Hoganka Dhaqamedeedkii isla markaa waxa meesha ka baxday doorkii u lahaa Hoggamiye Dhaqameedku.
Isku dhexyaaca iyo nidaam daradasi waxey sababtay in qof waliba isla garto Xilk hogaamiye dhaqameedka isku Caano shubo dabadeedna musawir la waadago dhawar qof oo marka ku xaydaaman.
Sunday, August 18, 2013
====ILAAHOOW CEEBTEENA ASTUR!!!===== The road is long-
====ILAAHOOW CEEBTEENA ASTUR!!!=====
A very sad Article that damages the image and reputation of our Somali people in general, and in Britain, Denmark and Norway in particular.
This devastating article which I hated reading came on the world famous Magazine: "ECONOMIST" which is read by hundreds of Millions of people around the globe.
Shame on you!!! The Somalis in BRITAIN, DENMARK AND NORWAY.
Friday, August 16, 2013
Thursday, August 15, 2013
C. M. Geedi: siyaasi jebiyey gidaarki siyaasada beelaysan ee Soomaaliya.
Waxaa maalmahan masraxa siyaasada Soomaaliya ka soo muuqday Ra’iisul wasaarahii ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, sida muuqata wuxuu si weyn u dhaliilsan yahay siyaasada Dawlada Federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud. Geedi oo muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka Kenya ayaa u muuqday inuu fasax gaaban ka qaatay howlaha siyaasada Soomaaliya, balse marna dad badan daah kama saarayn inuu yahay siyaasi damac leh oo mar uun qoobka la soo gali doona jaandheerta siyaasada..dadka qaar ayaa filayey inuu ka qayb galo doorashadii 2011 ee lagu soo doortay Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamud balse taasi ma dhicin.
Cali Maxamed Geedi si kedis ayuu siyaasada ugu soo biiray ka dib markii madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed uu u xushay ra’iisul wasaare sannadkii 2004. Mr. Geedi xilligaas wuxuu muujiyey karti iyo firficooni siyaasadeed oo aan laga filayn shaqsi siyaasada ku cusub. Geedi wuxuu lagu doodi karaa inuu ahaa hogaamiye soo joogsi leh (charismatic leader) la yimid howlkarnimo (competence), codkar dadweynaha u gudbin kara fikirkiisa siyaasadeed, isla markaana aan ku shaqayn ajande beeleed, balse lama oga inuu hayo aragti siyaayadeed (vision) oo dal sida Soomaaliya u burburay lagu badbaadin karo. dhinaca kale waxaa lagu eedeeyaa in xukuumadiisa ay la degtay musuqmaasaq baahsan oo dadka qaar ku doodaan inuu isagu shaqsi ahaan ku lug lahaa, sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa hogaamiye mayal adag ( radical) gaar ahaan marka ay timaado la macaamilka islaamiyiinta oo uusan ogalayn inuu la galo gorgortan. waxaa suurta gal ah in dadka qaar ku eedeeyaan in isaga iyo C/laahi Yusuf ay dalka soo geliyeen ciidamo Itoobiyaan oo dhibaato ka geystay wadanka, balse dadkii arintaas ku doodi jiray iyagii ayaa maanta ka xun in ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya oo ku cadaadinaya in ay dalka sii joogaan (malaha awr kacsi ayey ka ahayd qaylodhaantii hore), waxaana muuqata in inta badan Soomaalidu xaqiiqsatay in ay u baahan yihiin gacan dibadeed oo asysan ku filayn amniga dalkooda.
Arinta ugu muhiimsan ayaa ah in Cali Maxamed Geedi u muuqdo inuu dareensan yahay in dalka Soomaaliya uusan sinaba u maamuli karin hogaamiye beeshiisa oo kaliya taageero ka haysta, balse siyaasiga doonaya inuu dalka hogaamiyaa u baahan yahay inuu taageero ka helo dhamaan ( ugu yaraan inta badan ) beelaha Soomaaliyeed iyo qaybaha iyo gobolada kaa duwan ee dalka -waa talo ka maqan hogaamiyayaasha hadda talada haya- . Khasab maaha inuusan Cali Maxamed Geedi aqoon qabyaalada oo ah habdhaqan qof kasta oo Soomaali ah lafaha kaga jira balse waxaa lagu doodi karaa inuu danta siyaasadeed ka hor mariyo midda qabiilka taasoo ah arin aysan siyaasiyiin badan oo Soomaali ahi ku dhiiran. ugu yaraan qabyaaladu wax ku qufalan ma aha (dogma) .dhinaca kale Geedi wuxuu u muuqda siyaasi fikir strategiyadeed leh (strategic thinking) oo garankara inaan Soomaaliya koox gaar ah ama beel gaar ahi sinaba xoog ugu muquunin karin, isla markaasna fahamsan isu dheelitirka awooda (balance of power) ee gobolka Geeska Africa, arintaas oo ku riixaysa inuu xiriir wanaagsan la yeesho Itoobiya iyo Kenya oo ah labada awoodeed oo hadda gobolka ka jira (regional powers)
Haddii Cali Maxamed Geedi aysan ku dhici doonin Isbedel fikir oo qoto dheer, sooyaalkiisa siyaasadeed wuxuu ina tusaya inuu yahay hogaamiye jebin kara gidaarka siyaasada qabyaaladaysan ee Soomaaliya. waxaana markhaati fur u ah arimaha soo socda::1. xilligii uu ra’iisul waraaraha ahaa wuxuu kala doortay Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) oo sabab u ahaa inuu ra’iisul wasaare noqdo iyo dawladii C/laahi Yuusuf hogaaminayey oo uu ka tirsanaa oo khilaaf soo kala dhexgalay isagoo doortay inuu raaco go’aankii dawladu kaga guurtay Jowhar. 2. wuxuu si aan laablaabsho lahayn u fuliyey siyaasadii amni ee dawladii KMG ahayd isagoo garwadeen ka ahaa la dagaalankii kooxdii maxkamdaha iyo al shabaab ee dawlada dagaalka kula jiray 3. hadda wuxuu si cad u taageeray dhismaha dawlada goboleedka Jubbaland oo dawlada federalku ku tilmaantay mid aan loo dhamayn , basle Cali Maxamed Geedi uu arintaas beeniyey.
Arin kale oo Cali Maxamed Geedi ku riixaysa inuu siyaasadiisa ka fogeeyo mid beelaysan ayaa ah inuusan taageero badan ku lahayn gobolada Islaamiyiintu saamaynta badan ku leeyihiin sida Muqdisho iyo iyadoo dad badan oo reer Muqdisho ahi u arkaan in uu qayb ka ahaa tacadiyadii halkaas dhacay xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa tasoo Geedi khasab kaga dhegaysa inuu siyaasadiisa dalka oo dhan taageero uga raadiyo si uu u dheeli tiro mucaaradada kaga imaan karta Muqdisho.( waa strategiyad uu adeegsan jiray madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdule Cismaan)
Muddadii uu xilka hayey Cali Maxamed Geedi wuxuu ahaa ra’iisul wasaare awood badan isagoo weliba ka hoos shaqaynayey madaxweyne awood badan (strongman) C/laahi Yuusuf Axmed oo markii dambe khilaaf adagi soo kala dhexgalay. waxaa lagu doodi karaa go’aankii C/laahi Yuusuf xilka kaga qaaday Geedi wuxuu ahaa mid ka mid ah go’aamadii ugu xumaa taariikhiisa siysaadeed oo qaato, iyadoo marka lagu kabo xulashii Nuur Cade sabab looga dhigi karo ka fariisigii Yusuf ee siyaasada, waxaana xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah la taliyayaashi gaarka ahaa ee C/laahi Yusuf (inner circle) ay kula taliyeen inuusan xilka ka qaadin Geedi balse C/laahi Yusuf uusan dheg jalaq u siin.taladaas. la taliyayaashaas qaarkood Geedi kama dambayn oo waa ka tageen xukuumada.Yusuf. dhiniciisa Cali Maxamed Geedi inkastoo hadalo ka tageen xilligaas haddana si nabada ah ayuu xilka uga degay.
Soomaalidu waxay ku maahmaadaa fuley xantiisa ma mooga, Haddii Geedi uu iska soo kabo dhaliilaha loo jeediyo gaar ahaan arinta la xiriirta musuqmaasaqa, waxaa hubaal ah inuu noqon doona midka ugu fiican siyaasiyiinta wax-ma -tarayaasha ee hadda horboodaya siyaasada Soomaaliya ( the best of bads) iyadoo haddii uu ka dhabeeyo siyaasadiisa aan beelaysnayn lagu xasuusan doono siyaasigii jebiyey gidaarka siyaasada qabyaaladaysan ee Soomaaliya sidii kacdoonkii dimoqraadiyad doon Bariga Yurub u jabiyey gidaarki Berlin.
WQ; Daahir Sheekh (Daahireeto)
Afhayeenka Jaaliyada North America ayaa ku sheegay been abuur heshiiska saxaafada laga sheegay ee dhexmaray beelaha Biimaal iyo Habargidir(Warbixin)
Waxaa soo baxay been abuur kii ugu weynaa oo laga sameeyo dadka deeganka Sh/hoose taasoo ah mid Laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed balse reer sh/hoose ayaa go’aan ku qaatay in aay marnaba ka Tanaasulin xaqooda iyo ineey ka tashadan aayahooda.
Anigoo ku hadlaayo magaca jaaliyada ayaa waxaan rabaa in aan bulshada u ifiyo ineeysan jirin wax heshiis Ah oo dhexmari karo Biimaal iyo Habargidr sababa soo socdo awgood.
1) Biimaal iyo Habargidr maaha dad wada deshay oo heeb wadaag ah ama isku dhiig ah
2) Waxay kala degan yihiin 2000km dhul isu jiro oo kala ah Galgaduud iyo Sh/hoose
3) Dan wadaag iyo Ood wadaag midna maaha Habargidi iyo Biimaal, sida beelaha gobolka wada dega aay isku yihiin oo kale
4) Dan siyaasadeed, mid dhaqaale, mid shacab, mid qabiil intaba kama dhaxeeyso
Hadii intaas oo dan iyo deegan aaysan ka dhaxeyn Biimaal iyo Beeshan duulanka kazoo qaaday gobolada Dhexe maxay ka wada hadli karaan Habargidir iyo dadka deegaanka, maxaase keenay erayga dib u Heshiisiin, dad wax ka dhaxeeyo ayaa wada hadlo ama is qabto waxaaba qalad ah oo aay dowlada ku Qaldan tahay oo aay kusii fashilantay ineey taladaas keento maadaama sidaad dowladu qudheeda qabto Waxaa hubaal ah in dowlada aay qeyb weyn ka tahay in beesha habargidr gobolka duulaan kusoo qaato, inkastoo horeyba loo ogaa in dowlada aay weeso u dhoorneen maadaama aay ciidankeda iyo hubkedaba ku taageertay Beesha Habargidir balse waxaa la iloobay in xaqa hiiliyo oo dadka deegaanka difaacan karaan sharafkooda iyo karamadooda.
Wasiirka, Xillibaanada iyo cid allaale cidii ooga qeyb gashay magaca Beesha Biimaal ama wakiil ka noqotay ineey tahay cid qeyb ka ah waxa lala damacsan beeshan Biimaal iyo walaalaha la dego Gobolka hadeey noqon lahaayeen digil, shanta caleemod, 12 koofi, hintire, wacdaan, iyo dadka kale ee deegaanka wax ka dego si guud ayeey ooga soo horjeedaan beenta Muqdisho laga soo dhoob dhoobay saxaafadana laga aqriyey waana been aan sal iyo raad toona laheen beesha Biimaalna marnaba ma hareermari doonto danaha shacabka Sh/hoose oo ah in aan lagu dhex arkin askari kazoo jeeda gobolada dhexe oo isbaaro danbe dhigta deeganadaas iyo nin aan u dhalan gobolka oo Muqdisho iyo meelo daran laga soo macaabo waana muqadas lama taabtaan ah oo aan cidna looga tanaasuli doonin isku dey walboo la soo sameyana waa laga hortagi doonaa inshaa allah.
Dadka u dashay gobolka Biimaal koow ka yahay waxaa waajib ka saran ineey ka hortagaan qayaanada loo maleegaayo kana hortagaan cagna aaysan soo dhigin calooshood u shaqeystayaasha u dhashay beesha oo wax ka maleegaayo iyo Mooryaanta uu hogaamiyo Wasiirka Arimaha dhulbalaarsiga C/kariin iyo cidii ku wehlisa intaba waa in si wadajir ah looga hortagaa mana aha mid aan jaaliyad ahaan ka fariisan doono inaan u gudbino beesha caalamka waxa aay wadaan dowlada boobka iyo musuqmaasuqa ku can baxday iyo sida aay garabka uGu siinayso mooryaantan Galagaduud insha waa laga guuleystay inta dhimana waa lagu guulaysandoona insha allah.
Afhayeenka Jaaliyada North America
Eng. Cabdullahi Axmed
Kala xiriir: maxamedtifow1@hotmail.comE
FaceBook: maxamed.xasan.142@facebook.com
Subscribe to:
Posts (Atom)