Tuesday, August 20, 2013

MAQAAL: UJEEDKII PUNTLAND LOO ASAASAY IYO HALKUU MAANTA MARAYO

Hordhac                         


Gobolada Bari, Nugaal, Waqooyiga Mugud, Sool iyo Sanaag Bari waxay dhacan Waqooyi bari Somaliya waxayna soo mareen marxalado kala duwan waxana ku loolamay kooxo Siyaasad ahan isdiidan ka dib marki dowladii dheexe keligi Taliye Taliski Mohamed Siyaad Bare meesha laga saaraay.
Loolankasii waxaa uu aha mid  awood iyo mid siyaasaded ee u dhexeeyey jabhadihii wuxuu keenay kala qaybsanaan xagga fikirka iyo u jahaynt  masiirka ummadda dhinacyada siyaasada iyo  dhaqaalaha.


Bulshadii deegaanku waxay noqdeen kuwo u kala qayasabay laba koox oo mid walba arragtideeda la qumanayd, waxaana jiray dadaalo ay wadeen waxgaradka Gobolka kasii oo aha in la mideeyo kooxaha iska hor imanaaya siyaasad ahaa.
Magaala Xeebedka Bosaso waxaay ahayd  halbowlaha dhaqalaha gobolka  waxayna kooxwalbana u lahayd ahmiyeda koowaaad,waxayn laheed dekad yar oo aan saas usii balaarneen waxaana ka dhoofijiray xoolaha kana soo degi jiray badeecada kala duwan kana timi wadanka,waxana dagaal naso badan iyo maalba lagu wayeyy ay ku dhexmareen Jamhadii SSDF iyo Xogagagi Al-itaxaad  wallow ay marki danbe awoood kula wareegtay jamhada SSDF oo tageero weyn ka helaysay Beelaha Gobolka bari.
1996 waxaa magalada bosaso laga dhisay maamul  uu leeyahay gobolka bari waxayna timid ka dib marki beelaha degaanku ay mudo u soosocotay shirarar looga arinsanaayo xalada siyaased iyo mid amni ee gobolka bari madaama u gobolku uu la daala dhacaya hardan siyaaseed ka soo wajahay jamhadihi  ,waxana Gudomiye loogu dortay Gudiga Mamulka Gobolka bari Shiikh Yusuf……. (Heeryo) waxana dadaalada door wayn ku lahaaa waxgaradka gobolka Bari,inkastoo uu iska casilay xilka markii dambe hadana wuxuu muddadii yarayd ee uu joogay soo dhameeyay mashaariic wax ku ool ah sida dhismaha garoonka, ballaarinta dekeda, dhismaha Isbitaal hooyada iyo dhallaanka, dhismaha xabsiyo iyo qalab ciidanka bolishka iyo asluubta loogu deeqay ,  is casilaadiisii kadib  mashuucyadaas wax buuran kama ay qabsoomin aan ka aheen dhisida xabsiga dhexe ee bosaso ,iyo gaadiid dagaal oo lasiiyay ciidanka .
Yagleelkii puntand
Aasaaskii Puntland waxay ahayd arin lagu doonayay in lagu mideeyo jabhadihii SSDF, SNDU, USP  kuna salaysan awood qaybsi  qabiil iyo degaan waxana u qayb ka aha mamulo ka curta dalka soomaaliya ka dib marki meesha laga saray Talisku Siyaad bare.ujeedooyinka bud dhiga u aha mamulkas ka curtay degaanada waqooyi bari soomaliya in la helo nabadgelyo iyo xeerbeegti kala haga siyaasiyiinta iyo taageerayaashooda iyo in la raadiyo Somali wayn loona maro nidaamka federaalka si ayan mar dambe u soo noqon xukuumaddii dhexe ee kelitalisnimada ku dhisnayd oo qolo walba dulmiga ka tirsanaysay.
Nidaamkaas oo loo arkayay inay Soomaali ku kala badbaadi karto, islamarkaana lagu qancin karo kala tabashada degsiimooyinka Soomaaliyeed dhexdooda.
Magaalada garoowe ee haatan ah caasimada Puntland ayaa la iskugu yimi shir looga tashanayay ayaayaha iyo masiirka gobolada waqooyi bari ee Soomaliya, shirkaas oo ay kasoo qayb galeen ergooyin iskugu jira siyaasiyiin,odayaal dhaqameed, culumaa’udiin, aqoonyahano, ganacsato, haween, iyo dhamaan bulshawaynta , ergooyinkaas oo ka koobnaa 500 xubnoon una qayb san gobolada iyo degmooyinka ay kala degaan qabaa’ilka ku noolaa gobolada waqooyi bari,


Isimada iyo cuqaashii ugu waa weynaa waxaa kamid ahaa
1.  Ugaas yaasiin ugaas cabdiraxmaan ( Morcase /Dishiishe)
2.  Beeldaaje xaaji cabdullahi beeldaaje maxamed (majeerteen / cali saleebaan )
3.  Beldaaje yaasiin ( majeerteen/ siwaaqroon)
4.  Islaan maxamed islaan muuse( majeerteen/ maxamuud saleebaan)
5.  Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac  (dhulbahante )
6.  Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan (warsangali)
7.  Boqor Maxamuud Boqor Muuse (majeerteen/ maxamuud saleebaan)
8.  Islaan Bashiir Islaan Cabdulle (majeerteen /maxamuud saleebaan)

Ergada gobolada ayaa waxay iska dhexdoorteen golaha shirka hogaaminayay oo ka kooban 5 qof  ku was o kala ah
1: islaan maxamed islaan muusu , Gudoomaha shirwaynaha puntland
2:Axmed maxamed goole , gudoomiye ku -xigeen
3: Bashiir yusuf nuur , xubin
4:Botan Barre samatar ,xubin
5: Cawad Axmed casharo ,xubin

Shirkaas waxaa la iskula gartay in puntland ka koobnaanto  3 qaybood oo ay u kala baxaan awoodaha dowlada , Golaha wakiilada, Xukuumad iyo Garsoorka.
Bishii 5 aad , 1998dii waxaa magalada garoowe ee shirku ka socday lagu ansixiyay Axdiga qabyo qoraal ah kaas oo dhan 35,Qaybintii  xubnaha wakiilada puntland  sida uu qorayo  Axdi puntand
Gobolka Bari waxaa la siiyay 21 oo mid tahay haweyn
Gobolka sool iyo degmada buuhoodle 15 xubnood oo midtahay haweyn


Gobolka sanaag 11 xubnoon oo midtahay haweyn
Gobalka waqooyiga mudug 10 oo midtahay haweyn
Gobolka nugaal 9 oo midtahay haweyn
inkastoo 3 xubnoon lagu sharfay gudoomiyaashii  jabhada ee kala ahaa SSD,USP, SNDU,   taas oo lagu saleen gobol ee lagu sharfay gudoomiyaashii sadexdaa jabhadod  ee kaliyah haday kataaga aan cid kalle qaadan Karin . kaas oo wadar ahaan ka koo ban 69 xubno wakiilo ah ee puntland yeelanyso
Mudo dheer markii shirkii yagleelka puntland socday waxaa la isla gartay in la doorto madaxweyne iyo ku xigeenkiis ha kor inta aan la soo xulin xubnaha barlamaanka puntland , iyadoo arintu isdaba socato .
1/ 08/1998  waxaa magalada garoowe lagu dortay madaxweyne Cabdullahi yuusuf axmed alle ha unaxariistee, waxaana madaxweyne ku xigeen loo dortay  Maxamed Cabdi Xaash, waxaana kalloo dhinac socday  dhismaha Barlamanka puntland, waxaa xiligaas gudoomiye  barlamanka loo doortay  gudoomiye yusuf xaaji siciid ,  ku xigeen kowaad xasan daahir afqurac , gudoomiye ku xigeen labaad Maxamed axmed kulan
Wax qabadkii Cabdullahi yuusuf
Madaxweyne cabdullahi yuusuf   waxa uu soo dhisay xukuumad ka kooban 9 wasiir iyo ku xigeeno  kuwaas oo ka mid ahaa siyaasiyiin can ah  waxaana ka mid ahaa
1: Siciid Maxamed Maxamuud (caduur) wasiirka maaliyada
2: xasan abshir faarax, wasiirka arimaha gudaha
3: Ahmed cabdi xaabsade, wasiirka howlaha guud
4: Yaasiin faarax cartan, wasiirka arimaha bulshada
5: cawad Ahmed casharo, wasiirka warfaafinta
6: Cali ismaaciil giir, wasiirka xanaada xoolaha
Xukuumadaas ayaa aheed mid aad uyar balse dadku siyaasada puntland falanqeeya dhahaan waxay laheed tayo aad u wanaagsan waxayna qabatay talaabooyin wax tar uleh dadka iyo deegaanka. Waxaana wax qabadkeedii ka midka ahaa  sida soo socata.

1.  Dhismaha ciidanka
Dowladii madaxweyne cabdullahi yuusuf  waxay ay asaastay ciidan iskugu jira daraawiish, police, iyo ciidan asluub ah, ciidan ayaa waxay ka qayb qaateen qaadista isbaarooyin badan oo si sharci daro ah loo dhigtay wadooyink puntland waxaana ka xusikarnaa wadada isku xirta magaalooyinka Galkacanyo iyo Bosaso, ciidnaka police puntland ayaa waxay ka koobnaayeen 500 askari.
2.  Hirgalinta qaadista cashuurada
Dowladii madaxweyne cabdullahi waxa ay hirgalisay qaadista cashuuraha ,taas oo mudo yar oo kooban ku hergilasay, waxaana ay dejisay shuruucda cashuuraha  kuwa dhoofinta iyo soodejinta. Waxa ugu badan oo ka dhoofa degaanka puntland oo loo dhoofsho wadama dibada ah ayaa waxaa ugu badnaa xoolaha nool,maydiga.
Badeecada dibada ka iman jirtay waa mid aad uga badan tan uu dhoofsho wadanku, waxaana laga xusikaraa, raashinka oo nooc walba leh ,shiraabka,biyaha safeesan iyo qalabka dhismaha,waayo puntland malaheen warshado wax soo saar dowladii kacaankana kama aanay hirgalin wax warshado ah.
3.  Arimaha bulshada
Dowladii madaxweyne cabdullahi yuusuf axmed waxay aheed sidaan horay usheegnay dowlad curdun ah, xiligaas ganacsigu waxa uu ahaa mid soo koraya  ganacsatada reer puntland waxay ahaayeen kuwa horumar sameenaya wadankuna waxa uu ahaa mid soo koraya.
1999kii  waxa la xanibay xoolihii soomalida ee loo dhoofin jiray dalka sucuudi careebiya, taas oo dabarjab xoogan iyo hoos u dhac qalaalo oo sameeyay dhamaan dadka soomaliyeed miye iyo magaaloba, taas ayaad sababtay in dhaqaalihii reer puntland hoos u dhac balaaran laga dareemay.
Dhanka caafimaadku waxa uu ahaa mid aan aad u hormarsaneen, magaalooyinka waa weyn waxay lahaayeen hospsitaalo ay dhistay dowladii soomalia, dowlada puntland ee xiligaasna wax aan saas u buurneen kuma aysan darin,inkastoo Hayada UN ee qaabilsan dhanka caafimaadka World Health Organization (WHO) ayaa ka caawinjirtay dhanka daawada iyo deeqaha caafimaadka oo kalle.
Waxbarasha puntland waxay aheed mid aad utaagdaran manalaheen manhaj waxbarasho ardayda reer puntland waxa ay dhigan jireen manjah dalalka carabta qaarka, iskooladu puntland badankoodu waxa uu ahaa mid bareefad ah oo laheeyeen shakhsiyaad reer puntland ah , iskoolada waxay iskugu jireen dugsi dhexe,hoose,sare. Waxaa kaloo meesha aan ka maqneen machadyo bixiya xirfaado yar yar.
Dhaliilihii loo soo jeedinjiray  dowladii cabdullahi yuusuf axmed
Waxaa jiray mashruucyo aad u waa weyn kuwaas oo horay usoo dhameeyay sheikh yuusuf (Heeryo) uguna deeqday  dowlada imaaratka khaastan sheikh saayid,waxaana kamid ahaa dhisida Madaarka bosaso,balaarinta dekeda bosaso ,dhisida xabsiyo,iyo deeq gawaari ah .
Deeqda waxaa ka hirgalay xabsiga gaalshile,iyo gawaari ciidan oo aan saas ubadneen,
Nasiib xumo mashruucyada wax ku oolka ah waxaa hor istaagay maamulkii uu madaxda u ahaa  Madaxweynihii hore cabdullahi yuusuf axmed diidmadaas oo ilaa iyo iminka aan la aqoon  waxay ku saleesneed.
2001 ayaa wax mar labaad la isugu yimi Garowe oo ahyd magaala Xarunta u ah  dowlad Goboleedka  puntland  shirweyne kadhacay waxana  loogu doortay Jaamac Cali Jaamac in uu Puntland madaxweyne ka noqdo, Kadib markii ay ka  dhammaatay mudadii 3 sano ee xukuumadii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf  Axmed.balse waxa sii weyn uga hor yimi  kuna gacansaray  natiijadii dorashada Cabduullahi yusuf Axmed oo shegay in aysan u cuntamayn go’aamadaasi oo u isagu yahay madaxweynaha xaqa ah ee puntland.
Waxana iska  Hor imad  dhex maray kooxa la kala safan Cabduulahi Yusuf iyo weliba Jamac cali jamac oo iyagu markaas kala sheganayey in ay  yihin madxweynaha xaqa ah ee  puntland  taas  oo sababtay in Boqolaal dad ah  ay ku dhintan tiro intas ka badana   ku dhawacman labada dhinacba,inkasto aysan ka maqanayn khasare maal iyo mood ba leh ,taas  oo ugu danbeyntii mesha  loga saray maamulki jamac cali jamac  taladana uu  gacanta mar labad ku dhigay mudane Cabduullahi Yusuf.
.
Rag ayagu  la safna Jamac Cali Jamac  aya waxay ku dhawaaqeen Jamhad  lamagac baxday ”Golaha Badbaadinta Puntland” (GBP), waxaana Jamhadaas Gudoomiye Ka ahaa Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade), oo  isagu ku noola wixii ka danbeyey burburki Dowladii dhexe ee somaliya Dalka dibadisa gar ahan wadanka  Canada.
Jamhadan aya ahayd mid xanbarsan ujeedoyin kal duwan waxayna  dagal la gashay Cabdullahi Yusuf iyo weliba Xulafadiisa.,
Biloowgi 2003  aya  waxaa magaalada mashquulka badan ee  Xarunta u ah Ganacsiga Puntland  ahna magala madaxda Gobolka bari ee  bosaaso hishiis ku dhexmaray  Garabka Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyii Golaha Badbaadinta Puntland (GBP), Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade), waxaana heshiiskaas kasoo shaqeeyey Salaadiin iyo waxgaradka deganka Puntland waxaana hor bodayeyey Shaqsiyaad Xurmo ku leh  Puntland .
Ujeedadii heshiiskan  ay wada gaareen labada dhinac waxa uu ahaa sidan:-
1.In lasoo cesho midnimadii iyo kala danbayntii Shacabka Reer Puntland
2.In labada Hogaamiye dhisaan Maamul loo dhan yahay
3.In ay  muqadas tahay In la  difaaco sharaf iyo  midnimada umada Puntland.
Sandki 2004  aya waxa  Madaxweyne Dowlada federalka Somaliya Loo dortay Cabduulalhi Yusuf oo aha Madaxweynihi Mamulka Puntland isla markana waxa Xilki madaxweynenimo ee puntland qabtay madaxweyne ku xiegeenki Puntland oo sharci ahan xaq u leh in u qabto jagadaan Maxamed Cabdi Xaashi.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu puntland madaxweyne ka ahaa intii udhaxaysay 1998 illaa 2004 waxa uuna  noqday madaxweynihii ugu horeeyey puntland.

MADAXWEYNE MAXAMED CABDI XAASHI(2004-2005)

Xiligii koobnaa ee  uu hayeey xilka madaxweynenimo Ee Puntland Maxamed Cabdi xaashi waxa u Hirgaliyey Doorasho Guud Mudo yar oo aad u kooban
iyo inuu noqyday xaashi, Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland oo si dimuqaraadi ah uga dega xilka  kadib markii looga guulaystay Doorashadii, ayadoo dadka reer puntlandna ay ku tilmaamaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi  Shaqsi ay ku weyntahay midnimadu.
Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde)
Gudomiyihi hore ee Jamhadii GBP Gen.Cadde waxa uu puntland madaxweyne ka ahaa intii u dhaxaysay bilowgii 2005 illaa 2009,
Maxamud Muuse  Xirsi Madaxweynihi  Puntalnd waxa uu  dadaal dher u galay sidi Puntland Dhaqaaleheeda  kor loogu qaadilahaa balse  amaanki aya sanadadii ugu dabyeey Noqday mid sii  xumanyey marka loo ego maamuladi Yusuf Iyo Xaashi ee ka horeyeey  Cadde .
Waxqabadkii Xuukamdii Madaxweyne Cade(2005-2009)
Maxamuud Muse Xirsi(Cadde) waxa  uu xoogga saaray sidii uu Puntland dhaqaaleheda uga dhigi lahaa mid meel sare  joga puntalndna  ay u noqoto  Gobol Dhaqalihisu  yahay  mid  sii kobca.
Madaxweyne Cadde waxa uu   Puntland ka hir geliyeey Mashaariic badan oo ay ka mid tahay
Dhisidda terminalka Airporka Magaalada Ganacsiga ah ee Bosaaso
Dhisidda Maxjarka Xoolaha Magaalada Bosaaso,
Taagaaerida Dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya,ayadoo dowlada puntland ay  siiyey dowlada Federalka Taageero Ciidan iyo  Mid Dhaqaaleba,  si loo helo Dowlad Dhexe oo Soomaaliyeed, ayadoo walibana taageeradaasi ay saamayn ku yeelatay Dowlada Puntland  hoosna  u dhigtay  waxqabadkii puntland ee  dhanka amaanka Iyo weliba dhaqaalaha walow  ay xiliga ku soo aday xili ay aduunka ka jirto Sicir barar baahsan kaas o sababay in shirkado badan oo calamka ah ay  musalafan.

DHALIILAHA DOWLADII CADE MUUSE XIRSI

Inta uu hayay xukun madaxtinimada madaxweyne cade muuse xirsi,puntland waxaa ka dhacay waxyaalo badan oo dib u dhac ah sida dadka siyaasada udhuun daloola dhahaan waxaana ka mid ah.
1.  Qabsashadii dowlada soomaliland qabsatay magala madaxda gobolka sool ee laasacaanood, taas oo xiligii hore katalinjireen maamulka puntland.
2.  Amniga magaalooyinka oo faraha ka baxay,
3.  Dagaalo udhexeeya maamulka general cade muuse iyo qabiiladii dhistay puntland qaarka mid ah oo uu dagaal laba saf ah ku dhexmaray magalada bosaso khaasatan xaafada biyo kulule.
4.  Faragelin dhanka dhaqaala ah oo ganacsatada qaarkiis ku eedeeyaan
5.  Musharahaadka shaqaalaha dowlada oo aan bilkasta lahelijirin musuq maasuq hareeyay dowladii cade muuse.owgeed
6.  Kagaaabin dhanka xiriirka caalamiga ah.
7.  Waxaa asaasmay koox burcad Badeed ah oo ka qowlowsata badaha puntland oo fariisimo ka sameestay degaanada xeebleeda puntland.

DOORASHADII XUKUUMADA HADA   JIRTA.

Sanadki la soo dhaafay ee 2009  aya waxa  Puntland ka dhacay dorasho an abid ka dhicin Deganka Puntland Ee somaliya taas oo ahayd  mid wadata xamaasad gaar ah iyo weliba soo jiidasho ay soo jiidatay dadka Puntland iyo weliba dhamaan dadka  daneeya Arimah Siyaasada Puntland.
Murashaxin kor u dhafaya 20 murashax ayaa isku soo tagay  xilkan ugu sareeya  puntland ee Maadxweynenimo kuwaasi oo isugu jiray   rag  siyaasada puntland  mudo kusoo  dhex jirey iyo weliba wajiyo ku cusub  siyaasada puntland .
Murashax walba waxa uu isku dayaayeey in uu soo jiito dareenka shacabka   basle nasiib daro shabacku ma ahayn kuwa wax  doranaya ee waxa wax doranayey 66 xildhibaan.
Amaanka Guud ee Magaloyinka puntland  aya si weyn lo xoojiyeey   ayado ay  ugu horeyso magaalada xarunta ah ee Garowe  iyo weliba magalada xeeebta ah ee Bosaso.
Murashax walba waxa  uu watay maliishiyo ay hayb hoosaad wadaagaan kuwaasi oo watay gadiidka gashaman ee dagaalka iyo weliba Kumanan ilaalo u ah,
Dhanka kale Murashax walba waxa uu  kaga hadlayeey warbaahinta  in  u yahay kan puntland mantay  u keni kara  isbedel buuxa  iyo weliba soo celinta gobolada puntland gacanteeda ka maqan  korna u qaadi doona dhaqaalaha,waxbarsha ,caafimadka iyo weliba dhaman arimiha bulshada meeshana ka saari doona kooxda Puntland sharafteeda hoos u dhigtay ee Burcad badeedka si weyn uga qowleysata Badaha Somaliya xaruna  ka dhigtay Deganka Eyl ee gobolka Nugaal.
Sikastay arintu ahaatoba waxa isku soo biyo shubatay in la isugu yimado hoolka barlamanka  oo ahayd mesha ay  ka dheceyso dorashada madaxweynenimo.
8th janaury ee sanadkii 2009, waxaa ku guuleestay madaxtinimada puntland madaxweyne Cabdiraxman maxamed maxamuud faroole.

WAX QABADKII DOWLADA FAROOLE

Madaxweyne faroole waxa lagu amaana maamul wanaag aad u balaaran, waxa uu bedelay nidaamkii ahaa qabiiliga iyo lacagtii fadlanta iska qaado ahaa, xiriika arimaha dibada oo uu gaarsiiyay horumar balaaran, dhanka waxbarasha ,caafimaadka,waxay dhowladiisu ka gaartay horumar aanay kagaarin dowladihii ka horeeyay faroole, dhanka amniga waxa uu dhisay ciidan aad ubadan,tiro iyo tayo ahaanba fiican, inkastoo ciidanka intiisa badan ay istaafka madaxweynaha ubadanyihiin, iyo caasimada,ladagaalanka Burcad badeeda,inkastoo aan wali laga ciribtirin degaanada puntland,Dastuurkii dowlada federalka soomaliyeed oo qayb lixaadleh ka cayaartay dowlada puntland iyo ka guuristii dowlad ku meel gaar ah si loo helo dowlada aan ku meel gaar aheen taas oo markii danbe lagu guuleestay,iskuday ka guuris maamul qabiileed ee puntaland ka guurto una guurto hanaanka xisbiyada badan.

DHALIILAHA MAAMULKA FAROOLE LOO SOO JEEDSHO

Maamulka madaxweyne faroole waxa uu xiligiisii balan qaaday, Hirgelinta hanaanka dimuquraadiyada ee ku saleysan xisbiyo siyaasadeed iyo yagleelida guddi doorasho, maamulka faroole waxaa la isku deyay qabasho hanaanka xisbiyada badan,taas oo loo arkayay doorasho xeeladeesan laguna doonayay xildhereese, taas oo dhalisay iska hor imaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac,ka kala dhacayna magalooyinka Galkacanyo,Qardho,hase ahaatee dowlada ayaa waxay joojisay dhamaan doorashooyinkii dhaliyay iska hor imaadkii.

DHANKA AMNIGA

Waxaa dhacay dilal qorsheesan oo lagula kacay masuuliyiin, shacab, isimo. Dilalkaas badankoodu waxa ay ahaayeen dilal aan waxba loo qaban kuna u dhacayana si farsameedeesan, dilalkaas ayaa ukala badnaa magaalooyinka Puntland, magaalada bosaso ahna xarunta ganacsiga waxay noqotay meel lagu dilay dadkii ugu tirabadnaa, dadka dhintay waxaan ka xusikarnaa dadka magaca ku dhexlahaa shacabka.
1.  05/08/2009 ayeey  ayahy xiligii Wasiirkii Warfaafinta ee dawlada Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaaka) ay rag hubaysani toogasho bareer ah ugu gaysteen gudaha magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxayna wateen ragani dilka ugaystay wasiirka tuutaha Ciidanka  dawlada Puntland.
2.  November 11, 2009 Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu dilay mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland oo kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyey ee kamid noqda Baarlamaanka Puntland
3.  November 11, 2009 Waxaa Salaadii makhrib kadib bartamaha magaalada Bosaso lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamada Darajada 1aad ee Bosaso Shiikh Maxamed Cabdi Awaare.
4.  January 5, 2010 xili  fiidnimo ah ayaa  waxa  lagu diley magaalada Bosaso xildhibaan Cabdullaahi Cali Cismaan( kaarad) , dilka xildhibaanka ayaa dhacay isaga oo gelaya  Masjidka AL Qudus  ee Bariga magaalada Bosaso, waxaana dilka geystey laba dhalinyaro ah oo hubeysnaaa kuwaas oo Hal  xabad ku dhuftey, iyaga oo madaxa kala beegsaday xildhabanka.
5.  January 19, 2010 ,Kooxo Hubeysan oo aan la aqoon haybtooda ayaa gudaha magaaladda Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ku dileen Xildhibaan Maxamed Cabdi Jabriil Dhible Barlamaanka Dowladda Puntland.
6.  December 20 2009 xili habeenimo ah aya waxa  weerar lagu qaday  Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo kolanyo gadiid ah o la socday Gudoomiyah xili uu ku sii jeday hoyga  Uu garowe ka degan yahay  cabdirashiid Maxamed xirsi Gudomiyaha barlamanka puntalnd
7.  2010 waxaa magaalda bosaso lagu dilay suldaan ciise xasan cumar xili uu kazoo baxay salaadii maqrib masjid lagu magacaabo Al Aqsa kuna yaal xaafada baalade.
Dhamaan dadkan waxay ka mid ahaayeen  dad aad ufara badan oo lagu dilay degaanka puntland kuwaas oo aan waxba loo qaban lana ogeen sababtii loo dilay .
Arimaha bulshada
Wasaarada waxbarasha ee xiligan sii jirta waxa lagu safeeyaa  in ay asaastay manhaj meeshana ka saartay manaajidtii kala duwaana ee ubadka reer puntland wax ku baranjireen, waxay asaastay hal shahaado oo leedahay dowlada puntland taas oo laga aqoonsanyahay wadama dibaada,waxa kaloo ku guuleesatay  deeqyo waxbarasho oo lasiiyo ardaydii ugu sareesa dugsiyada sare ee puntland.
Arimaha caafimaadka  wasaarada caafimaadku sidoo kalle waxaa lagu amaanaa wax qabad baxadleh oo ay qabatay inta ay jirtay iyadoo kaheleeso deeqo iyo taba baro hayadaha qaramada midoobay, wasaaradu waxay ay hirgalisay adeegyo caafimaad oo farabadan, wasaarada caafimadka waxaa hoostaga 4 cusbitaal oo ku kala yaal ,Galkacanyo,garoowe,qardho, bosaso, waana afar ugu waaweyn, waxaa kaloo jira MCH hoostaga wasaarada caafimaad oo aad ubadan.
Maxaa horyaal madaxweynaha la dooran doono
08/01/2014  waxaa lagu wadaa in doorasho ka dhacdo garoowe sida ay qorsheesay dowlada hada talada haysa taas oo noqonaysa doorasho ay soo dooran doonaan qaabkii puntland mudadii 15 hore ay ku soo dhaqmeesay oo aheed qaab qabiileed, sida aan wada ognahay siyaasi walba markuu wado ololaha doorashada waxa uu soo bandhigaa ama soo jeedshaa khudbad aad umacaan iyo waxqabad aad ubalaran, taas oo marka ladoorto noqota hal bacaad lagu lisay waase caado siyaasadeed oo aduun waynaha ka jirta maaha puntland kaliyah,
Madaxweynaha aan rajeenayno in la soo doorto waxaa horyaal shaqo aad ubaalaaran lehna caqabado waa weyn  oo siyaasadeed, hadaan qodobeeno waxa horyaal madaxdada soo socata
1.  Shirweyne ay u dhanyihiin dhamaan beelihii wada dhistay dowlada puntland, shirkaas oo dowlada puntland qaban qaabiso balse maamul ahaan gacanta loo gesho isimada puntland oo soo jireenka ahaa, kaas oo looga tashanayo midnimada puntland laguna xalinayo wixii dhibaato ah oo laga tabanayo dowladihii hore ee puntland, laguna mideenayo beelaha puntland.
2.  dhisida ciidan qalabeesan oo puntland yeelato kaas oo leh dhamaan ciidan inta ay iskugu jiraan Police, dharcad, daraashiish , asluubta, Ciidanka puntland aan dooneeno waa mid ka aqoon wanaagsan kana tayo iyo tusaale fiicana ,ciidanka puntland waa in fursad loo siiyaa dhalinyarada waxbaratay kana qalinjabisay iskoolada sare dhexe iskuguna jira rag iyo dumar, dhalintaas oo lasiiyo  tababar dhanka ciidanka musharaadkana loo siyaadsho.
3.  Soo celinta degaanada puntland ee gacanta maamulada kalle ku jirta, laguna soo cesho sida ugu dhakhsaha badan .
4.  Magacaabis gudiga dhameestirka puntland, gudigaas oo ka madax banana dowlada puntland
5.  Shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada reer puntald ee waxbartay
6.  Horumarinta kaabayaasha dhaqalaha puntland iyadoo si siman loo wada hormarinayo
7.  Sameen maxkamada dastuuriga ah ee dowlada puntland , taas oo loo raacayo sharciga puntland uyaal
8.  Hubka dhigis dhamaan beelaha puntland ku nool, iyadoo loo marayo qaab is af garad ah , hubkaas oo dowlado usameeneeso sharci gooni ah sida oo maamulayo ,
9.  Qaadasho siyaasad degan iyo tanaasulaad iyadoo aan la dhaafeen sharciga uyaal puntland
10.              Ku dhaqmid dastuurka puntland dowlada federalka iyo kan caalamiga ah
11.              Magacaabis gudi doorashooyinka puntland, gudigaas oo ka madax banana dowlada , magacaabistiisa oo lagala tashano isimada iyo dadweynaha puntland.
12.              Qabashada doorashooyin xalaal ah, iyadoo laga fogaano wax walba oo keeni kara dagaal iyo muran siyaasadeed.
13.              Hormarinta arimaha bulshada sida waxbarasha, caafimaadka,iyo tan degaaneed.
14.              Ladagaalanka musuq maasuqa,iyadoo loo sameenayo sharci qabta shakhsigii lagu helo lunsansho hanti dowladeed.
15.              Kala xadeenta gobolada iyo degmooyinka puntland

                                   
                                       



 Talo bixin
shacabka puntland ku dhaqan waxaan kula talinayaa in ay  ilaashaan midnimada iyo dowladnimada puntland kana fogaadaan wax walba oo keenikara amni xumo iyo iska hor imaad, dadka reer puntland waa dad amaan jecel soona dhoweeya walaalaha soomaliyeed ee ka soo barakacayaa digaanadoodii sababo amniga owgeed ah ,waa dad lagu dhexnoolaan karo iyagoo aan tafaraaruq iyo midabtakoor ugeesan dadka walaalahod ah . shacabka puntland waa dad aan ku tiirsaneen mucaawino ay bixiyaan dowladaha deeqaha bixinya iyo qaramada midoobay, runtiina waa dad ganacsada aaminsana xoogooda.
Maxaa la gudboon madaxda puntland ee lasoo doorandoono ,
Waxaad haysataan shacab udhego nugul dowladooda jecel amniga aan aheen dad kala xiran, jecel hormarka degaanka , istaakuleeya. shacabkaas  waxa ay u oo manyihiin hogaan aan laheen siyaasaad kaligii talis ah ,mid hanti doon, mid magac doon ,mid aan burburineen.
Shacabka reer puntland waxay doonayaa  siyaasi isku wadikara aan laheen kala jecleesi iyo kan ayaa ku xiga ,siyaasi dareesan dhibta soo mareen shacabka reer puntland mid wata horusocad siyaasadeed aaminsan in uu wadankan wax ka bedelo ,una belo dhanka wanaagsan oo reer puntland mudo dheer ku taabayeen ,
Waxaan rajeenaynaa in Madaxda soo socata ka duwaandoonaan madaxdkii hore ee so martay dowlada puntland, iyadoo ka tusaale qaadanaya waxna kabaranaya qaladadkii iyo dhaliilihii dowladihii hore soo maray degaanka puntland.

Mahadsanidin:

No comments:

Post a Comment