Thursday, August 15, 2013

Madaxweynihii hore ee Somalia oo wada dhismaha Xisbi Mucaarad ah oo ay ku aruursan Yihiin ..(Aalla sheikh).

Illo xog ogaal ah oo ka ag dhow-dhow Madaxweynihii hore ee Somalia Md. Shariif Sheikh Axmed, ayaa waxa ay Shabakadda Allbanaadir u xaqiijiyeen in Sheikh Shariif Uu damacsan yahay dhismaha Xisbi Mucaarad ah oo ay ku mideysan yihiin Waxgarad iyo Khubaro ku xeel-dheer Siyaasadda Somalia balse ka soo jeeda Xarakadda Aalla Sheikh ee iminka loo aqoonsaday inay yihiin Mucaarad ka soo Horjeeda Dowlada Somalia.

                                                 Md. Shariif Sheikh Axmed,


Xogta ayaa waxa ay sheegeysaa in iminka uu jiro kulamo isugu jira Telka iyo mid Caadi ah oo dhex maraayo Xubno ka tirsan Aalla Sheikh iyo Madaxweynihii hore ee Somalia, kaasoo ay kaga arinsanayaan dhismaha Xisbiga iyo Talaabadda xiligaani Ku haboon.

Xisbiga ayaa waxaa qeyb ka noqon doono Xubno horay ula soo shaqeeyay Dowladii UU hogaamin jiray Sheikh Shariif oo uu kamid yahay Aggaasimihii hore ee Hay’dahha Sirdoonka Somalia Axmed Moalim Fiqi iyo kuwa kale.

                                               
Lama soo warin xiliga iyo goorta Rasmiga ah oo lagu dhawaaqi doono Xisbiga Mucaaradka oo ay ku aruursan yihiin Xubno Aalla Sheikh ka tirsan iyo kuwo kale.

Ugu dambeyntii, Xog hoose oo ay sidoo kale heshay Shabakadda ayaa waxa ay Hoosta ka xariiqeysaa in Xisbigaani uu ku Siyaasad iyo Fakir yahay Guddiga Qaswadayaasha Somalia ee iminka ku aruursan Magaalladda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
 
                                           EX:Hay’dahha Sirdoonka Somalia Axmed Moalim Fiqi 

No comments:

Post a Comment