Thursday, August 15, 2013

Afhayeenka Jaaliyada North America ayaa ku sheegay been abuur heshiiska saxaafada laga sheegay ee dhexmaray beelaha Biimaal iyo Habargidir(Warbixin)



Waxaa soo baxay been abuur kii ugu weynaa oo laga sameeyo dadka deeganka Sh/hoose taasoo ah mid Laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed balse reer sh/hoose ayaa go’aan ku qaatay in aay marnaba ka Tanaasulin xaqooda iyo ineey ka tashadan aayahooda.

                            


Anigoo ku hadlaayo magaca jaaliyada ayaa waxaan rabaa in aan bulshada u ifiyo ineeysan jirin wax heshiis Ah oo dhexmari karo Biimaal iyo Habargidr sababa soo socdo awgood.
1) Biimaal iyo Habargidr maaha dad wada deshay oo heeb wadaag ah ama isku dhiig ah
2) Waxay kala degan yihiin 2000km dhul isu jiro oo kala ah Galgaduud iyo Sh/hoose
3) Dan wadaag iyo Ood wadaag midna maaha Habargidi iyo Biimaal, sida beelaha gobolka wada dega aay isku yihiin oo kale
4) Dan siyaasadeed, mid dhaqaale, mid shacab, mid qabiil intaba kama dhaxeeyso
Hadii intaas oo dan iyo deegan aaysan ka dhaxeyn Biimaal iyo Beeshan duulanka kazoo qaaday gobolada Dhexe maxay ka wada hadli karaan Habargidir iyo dadka deegaanka, maxaase keenay erayga dib u Heshiisiin, dad wax ka dhaxeeyo ayaa wada hadlo ama is qabto waxaaba qalad ah oo aay dowlada ku Qaldan tahay oo aay kusii fashilantay ineey taladaas keento maadaama sidaad dowladu qudheeda qabto Waxaa hubaal ah in dowlada aay qeyb weyn ka tahay in beesha habargidr gobolka duulaan kusoo qaato, inkastoo horeyba loo ogaa in dowlada aay weeso u dhoorneen maadaama aay ciidankeda iyo hubkedaba ku taageertay Beesha Habargidir balse waxaa la iloobay in xaqa hiiliyo oo dadka deegaanka difaacan karaan sharafkooda iyo karamadooda.
Wasiirka, Xillibaanada iyo cid allaale cidii ooga qeyb gashay magaca Beesha Biimaal ama wakiil ka noqotay ineey tahay cid qeyb ka ah waxa lala damacsan beeshan Biimaal iyo walaalaha la dego Gobolka hadeey noqon lahaayeen digil, shanta caleemod, 12 koofi, hintire, wacdaan, iyo dadka kale ee deegaanka wax ka dego si guud ayeey ooga soo horjeedaan beenta Muqdisho laga soo dhoob dhoobay saxaafadana laga aqriyey waana been aan sal iyo raad toona laheen beesha Biimaalna marnaba ma hareermari doonto danaha shacabka Sh/hoose oo ah in aan lagu dhex arkin askari kazoo jeeda gobolada dhexe oo isbaaro danbe dhigta deeganadaas iyo nin aan u dhalan gobolka oo Muqdisho iyo meelo daran laga soo macaabo waana muqadas lama taabtaan ah oo aan cidna looga tanaasuli doonin isku dey walboo la soo sameyana waa laga hortagi doonaa inshaa allah.
Dadka u dashay gobolka Biimaal koow ka yahay waxaa waajib ka saran ineey ka hortagaan qayaanada loo maleegaayo kana hortagaan cagna aaysan soo dhigin calooshood u shaqeystayaasha u dhashay beesha oo wax ka maleegaayo iyo Mooryaanta uu hogaamiyo Wasiirka Arimaha dhulbalaarsiga C/kariin iyo cidii ku wehlisa intaba waa in si wadajir ah looga hortagaa mana aha mid aan jaaliyad ahaan ka fariisan doono inaan u gudbino beesha caalamka waxa aay wadaan dowlada boobka iyo musuqmaasuqa ku can baxday iyo sida aay garabka uGu siinayso mooryaantan Galagaduud insha waa laga guuleystay inta dhimana waa lagu guulaysandoona insha allah.
Afhayeenka Jaaliyada North America
Eng. Cabdullahi Axmed

Kala xiriir: maxamedtifow1@hotmail.comE
FaceBook: maxamed.xasan.142@facebook.com

No comments:

Post a Comment