Thursday, August 15, 2013

Taageerayaasha Al Shabaab oo ka fara batay magaalo dhan asal ahaan dadkii degnaa (Bal Akhri yaabkaan+warbixin) !!

Mid ka mid ah magaaloooyinka ugu caansan dalka Soomaaliya uguna cimriga dheer ayaa waxay ehel u noqotay taageerayaasha ururka Al Shabaab iyo Qooysas ay wataan oo ka soo qaxay gobolo iyo Degmooyin dhoor ah oo dagaal looga soo qabsaday.

Magaalada Baraawe oo dhanka Koonfureed qiyaastii 200 oo Km kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa maalmahaan dambe mar quraa dadkii asal ahaan deegaanka lahaa ka fara batay Dagaalamayaasha ururka Al Shabaab iyo Qooysas ay wataan oo deegaano fara badan ka soo qaxay.

Shabaabkii laga saaray inta badan magaalada Muqdisho, Ceelasha Biyaha, magaalada Afgooye ,magaalada Marko iyo Degmada Janaale ayaa dhamaantood waxeey u guureen magaalada Baraawe oo iminka noqotay xuduntooda koowaad.

Qooysas badan iyo Taageerayaal fikrad ahaan taageersan ururka Al Shabaab ayaa waxay si toos ah ugu sugan yihiin magaalada Baraawe waxeeyna dadkaan qaarkiis qabaan dakano maadaama hadii ay Al Shabaab ka haraan la far fiiqi doono.

Sidoo kale magaalooyinka kale ee Taageerayaasha Al Shabaab iyo Qooysaskooda ay u qaxeen ayaa waxa ay kala yihiin magaalada Buulo Barde iyo magaalada Ceel Buur oo ay iminka ku sugan yihiin madaxdii Al Shabaab kuwoodii laga saaray gobolada Hiiraan iyo Gal Gaduud.

No comments:

Post a Comment