Ayado Magaalada Adis Ababa ay ku sugan yihiin Wafdi ka kala socda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa warar hordhac ah oo laga helayo Adis ababa waxaa ay sheegayan in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u aqoonsan doonto Madaxweynimada Axmed Madoobe.
Sida laga soo xigtay Wafuuda ka socota Dhanka Dowlada Fadaraalka Somalia ayaa waxa ay sheegeen in wadahadaladan ay yihiin kuwa lagu doonayo in lagu soo af jaro khilaafka hareeyay Jubbalad iyo Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo 3 qodob saldhig u yihiin wada xaajoodka oo muddo soo socday haddana uu ku dhaw yahay dhamaad.
1-In marki ay dhamaato Mudada Maamulkan Jubbaland Dowlada Somalia ay qabataa Shirweyne lagu so doranayo Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland.
2- In Ciidamada Dowlada Somalia ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo ay dib ugu soo labtaan magaalada Kismaayo islamarkana ay ka qayb qataan howlaha Amaanka ee Jubbaland.
3- Golaha Wasiirada Jubbaland lo qaybiyo si Cadaalad ah Dowladana ay ku yeelataa Galan gal.
Sido kale waxaa jirta Qodob ku sabsan Dakada iyo Airporka oo ay si gooni ah uga wada hadli doonan Masuliinta Jubbaland iyo Dowlada Fadaralka.
Masulkaan ayaa waxaa uu sido kale sheegay in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in uu Aqbalo shuradaha ay Dowlada wadato mar hadi la aqonsanayo waxaana uu sheegay in ay u badan tahay in khillafki mudada soo jiitamayay u halkaasi ku soo afmeermo.



No comments:
Post a Comment