Wednesday, August 14, 2013

Beesha Mareexaan Oo ku gacan sayray Mr Saacid shirka Kismaayo si weyn uga qaybgalay Maanta warbixin xasaasi ah

Beesha mareexaan ee uu ka dhashay Ra,isalwasare Saacid ayaa Maanta ergooyinkii  ugu danbeyay ee ku

                                                 


sugnaa Gedo waxay soo gareen magalada Kismaayo waxyna  odayaasha beeshu isku Raaceen in la tageero shirka Magalada Kismaayo ka socda waxana  Madaarka magalada Kismaayo kusoo dhoweyay madax sarsare oo ka tirsan Maamulka Magalada kismaayo .
Ra,isalwasre Saacid ayaa ku fashilmay inuu beeshisa ka dhaadhiciyo in ay diidaan shirka waxayna beeshu isku raacday in raisalwasre saacid uu yahay shaqsi  aan talada beesha ku shaqeynayn saas darteedna aan la isku halayn karin maadama meesha uu ku yimid  magacaabis madaxweyne  waxaa saas yiri mid kamid odayaasha beesha Maraxeen ee maanta soo garay Maagalada kismaayo .
Sidoo kale waxaa aad usoo dhoweyay soo dhamaystirka etgooyinka beesha Mareexaan iyo beelaha  kale  ee degan Gobalka  Gedo dhamaan beelaha ku shiraya Magalada Kismaayo waxaana arintaan ay dhabar jab weyn ku tahay Madaxda dawalada somalia oo iyagu kasoo horjeeda maamulka Jubaland iyo qaar kamid beelaha somaliyeed gaar ahan beelaha degan Mgalada Muqdisho oo iyagu aad uga soo horjeeda Maamulka Kismaayo ..

No comments:

Post a Comment