Wednesday, August 14, 2013

Maxaa Kala Heysta Hiil Qaran IyO Samatar?

                                                             
Stockholm (Bureau.f.s.d) - Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Hiil Qaran ayaa lagu sheegay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu isaga baxay Xisbiga uu wax kasoo Aas-aasay.
Prof. Samatar oo Xisbiga Hiil Qaran u matalayay Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya 2012 ayaa sida Warsaxafadeedka lagu Qoray isaga baxay Xisbiga.

Bureau for Somalian People's Development Online ayaa horey soo Qortay in uu Khilaaf soo dhexgalay Samatar iyo Hogaanka Xisbiga Hiil Qaran, kadib markii Siyaasadda Samatar ay isbadashay.

Dr. Cilmi Xasan Ciraweyne oo ka tirsan Xisbigii Hiil Qaran ee uu Prof. Ismaaciil Samatar wax ka Aasaasay ayaa wuxuu Bishii June Keydmedia Online u sheegay in Samatar markuu waayay Kursiga uu bilaabay in uu ka "dhuunto" Xisbaga, waa siduu yiri.
Guddoomiyaha Xisbiga Hiil Qaran, Ibrahim Macallim Mursal ayaa Warsaxaafadeedka sidaan u qoray:
"Hoggaanka sare (THE CORE) Xisbiga Hiil Qaran wuxuu halkaan ku wargelinayaa dhammaan XUBNAHA XISBIGA HQ, taageerayaashiisa iyo dhammaan shacbi weynaha Somaaliyeed uguna caddeynayaa in Prof. Ahmed Ismaiil Samatar uu ka baxay Xisbiga Hiil Qaran.
Ugu horreyntii waxaan rabnaa in aan caddeyno in Prof. Ahmed Samatar uusan horay uga tirsanaan jirin hoggaanka sare (THE CORE)ee Xisbiga, haseyeeshe wuxuu ahaa xubin firfircoon, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii wax ka asaasay Xisbiga."
Siyaasiyiin badan ayaa aamisan in Samatar uu Sumacada Xisbiga Hiil Qaran hoos u dhigay, taasina ay aheyd Sababta uu isaga baxay Xisbiga, ama Sababta loo Casilay..

No comments:

Post a Comment